SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

:::MAQAALKII CILMI:::
Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay?. WQ. A.D. Elmi.. Akhri
:::ASAD AADAN TURAABI:::
Haddii Banaanka laga helay, miyuusan u baahneyn gacan bini’aadannimo iyo Gargaar... AKHRI...
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji
:::DHACDO NAXDIN LEH:::
Cabdi Cali Siyaad “Argagixiso ayay igu tilmaameen, laakiin waxaan ogaaday in argagixisadu ay tahay  Dadkii falkaas ku kacay... Akhri...
:::SAFARKII MINNEAPOLIS:::
SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji
:JAWAABO: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

Raiisul Wasaare Geedi oo ka Badbaadey in Xilka laga qaado kadib markii …

 

Saakey (July 30, 2006) ayaa Golaha Baarlamaanka  wuxuu u fariistey in cod kalsooni ah loo qaado ka dib markii xildhibaano soo jeediyeen Mooshin ah in codka kalsoonida loo qaado Raisul wasaare geedi waxaa soo xaadirey ilaa  219 xildhibaan waxaan shirka Gudoominayey Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan sidoo kale waxaa fadhiyey Raiisul wasaare Geedi.

 

Waxaa la dhageystey ilaa dhowr xildhibaan oo iyaga ka Hadley waxayna ku  eedeyeen Cali Maxamed  in uu ka gaabiyey Arrimo Fara badan oo uga horeeyso in uu diidey in uu ka qayb qaato dib u heshiisiinnta.

 

Cali Geedi  oo si kalsooni ka muuqato u fadhiya waxaa mararka qaar  soo booqanayey taageerayashiisa iyaga  Geedi oo mar kasta u sheegayey in uu sii ahaanayo Raiisul Wasaare.

 

Markii ay coddadkii la qaadey ayaa waxaa fadhiyey ilaa 217 xildhibaan waxa Kalsooni siiyey 88 Xidhibaan waxaa diidey 126 xildhibaanoo iyaga  doonayey in Xilka laga qaado Geedi waxaa qaldamey 2 Cod ,1 codna waa la waayey waxaa la dooneyey 139  cod   ayuu ku waayi lahaa Xilka Raiisul wasaaraha Balse ma noqon.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqey in Raiisul Wasare Geedi uu sii shaqeeyo isla markaana uu cod Kalsooni ah ka helay Golaha Baarlamaanka.

 

Waxaa la filayaa in Raiisul Wasaare Geedi uu soo magaacbo ama buuxiyo boosaskii ay baneeyeen 20 wasiir oo dhawaan is casilay sidoo kale Madaxweyne Cabdulahi Yuusuf  ayaa soo dhaweeyey Kalsoonida uu  helay Raiisul Wasaaare Geedi. [Warbixin dheeraad ah hoos ka akhri]

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Baarlamaanka oo cod hoose kalsooni ku siiyay dowlada.
 
Ra'iisal wasaaraha Dowlada Soomaaliya  Prof:Cali Maxamad Geddi xukuumada uu hogaamiyo ayaa ka badbaaday burbur ku yimaada Markii 2aad kadib markii ay baarlamaanka aqlabiyad aad u hooseysa ugu codeeyeen  in dowladu sii shaqeeyso.
 
Mudanayaasha  u diiday kalsoonida geddi ayaa u baahnaa 13 cod(139) oo kaliya taas oo u suurta galin lahayd in ay xilka kaga xayuubiyaan Ra'iisaul wasaaraha Soomaaliya Prof:Cali Maxamad Geddi oo si weyn ay baarlamaanku ugu dhaliilayaan in uu lumiyay waxqabadkii dowladda Haddalo kala fogayn ahna dhex dhigay dowlada iyo Maxkamada Islaamiga ah oo lagu waday in ay wada hadlaan.
 
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo saakay iskugu yimid Xarunta ay ka dagan yihiin  Baydhabo ee ADC-da loo yaqaano oo ay xaadireen maanta 217 xildhibaan ayaa waxa codkooda kalsoonida aan  siinin 126 muddane halka 88 muddane ay siiyeen in dowladu sii jirto taas waxa ay Mr.Geddi u sahashay in ay uu sii ahaado Ra'iisal wasaaraha soomaaliya.
 
13 cod ayey ku badbaaday dowladda soomaaliya ee uu hogaaminayo Dr.Cali Maxamad Geddi codbixinta maanta dhacday waxaa qodob dhaliilid ah soo hordhigay baarlamaanka 24 mudane oo ay ku jireen kuwo horay iskaga casilay xilalkii ay dowlada u hayeen iyagoo ku dhaliilayay Ra'iisal wasaaraha inuu wax ka qaban waayay qodobo muhiim ahaa oo dowlada horyiilay.
 
Mr.Geddi waa markii 3aad oo uu hor tagayo baarlamaanka iyadoo horay codka kalsoonida loogu diiday kadib markii ay isku dhaceen baarlamaan kadibna Madaxweyne Yussuf u soo magacaabay mar kalena sidaasna uu helay kalsoonida.
 
Waxaa ay dad badan saadaalinayaan in Ra'iisal wasaaraha uu samayn doono isku shaandhayn gollaha wasiirada ah,isla markaana uu soo buuxiyo jagooyinka ka banaan dowlada oo ay firaaqeeyeen ilaa 20 wasiir siyaasiyiin badan ayaa qaba in uu Ra'iisal wasaaruhu la kulmi doono dhabar jeedin kaga timaada qaybo badan oo baarlamanka iyo qaybaha kale ee wadankaba ah haddii uusan wax badan ka badalin afkaaraha siyaasadeed ee uu aaminsan yahay iyo hadalada lagu tilmaamo in ay sii kala fogayn karaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Xukuumada uu hogaaminayo iyo Midawga Maxaakiimta Islaamiga ah.

Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com

 

Wararkii kale ee maanta hoos ka akhri


Wararkii July 30, 2006
  • Cabdalla Deerow muxuu aaminsanaa intii aan la dilin..

  • Cali Maxamed Geeddi oo Eedeeyey Masar, Liibiya iyo Iiraan

  • Ma dhabaa in Madaxweyne C/llaahi uu habeen ku soo baryey ..

  • Maxkamadaha Islaamiga ah oo u digay dadka ku ganacsada..

  • Cali Max’ed Geeddi oo kulamo gooni gooni aha la leh.

  • Warar ku saabsan Xaaladda Magaalada Byadhabo...

    Waxaa wararka isku soo dubaridey:
    Amiin Yuusuf Khasaaro
    E-mail: amiinkhasaaro@hotmial.com
    amiinkhasaaro@yahoo.com


Cabdalla Deerow muxuu aaminsanaa intii aan la dilin..

deerowCabdalla Deerow Isaaq oo ahaa Wasiirkii hore ee Dastuurka iyo Federaalka oo maalinta jimcaha ahayd lagu dilay Magaalada Baydhabo ayaa wakaaladaha wararka waxay ka qoreen warar fara badan. Cabdalla Deerow ayaa wakaaladuhu waxay shegeen in uu ahaa nin qunyaru socod ah, balse u ololeynayay isdii xilka looga qaadi lahaa Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, kaddib markii uu sheegay in Geedi uu ku fashilmay dibuheshiisiintii Ummadda Soomaaliyeed, inkastoo Cabdalla Deerow uusan ka mid noqon wasiiradii is casilay haddana ololahaas ayuu ku jiray, sidoo kale Wakaalada kale ayaa waxay sheegtay in Cabdalla Deerow Isaaq loo dilay arrimo la xiriira siyaasadaha ay isaga soo horjeedaan Mas’uuliyiinta Sarsare ee Dowladda Federaalka, waayo Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha waa isku fikrad, halka Guddoomiyaha Baarlamaanka uu qabo mid ka duwan fikradaha ay qabaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Cabdalla Deerow uu si aad ah uga soo horjeeday joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Dalka Soomaaliya. Waxaa kaloo la sheegay in Cabdalla Deerow uu si weyn u tageeray is casilaaddii ay is casileen wasiiradii ka koobnaa 20-ka waxa uuna yiri “Anigana waan idinku soo daba jiraa”.

Cabdalla Deeow maalintii shalay ahayd ayaa lagu aasay Magaalada Baydhabo, waxaana aaskiisa ka qaybgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Gudodomiye Shariif Xasan, iyo Ra’isul Wasaare Geeddi, iyadoo Geedi uu sheegay in dilkii Cabdalla Deerow ay ka dambeeyeen kooxo argagixiso oo aan dooneyn in dalku uu dego oo uu dowlad la yeesho. Isku soo wada duuboo ilaa iyo hadda lama garan gacanta dahsoon ee dishay CabdallaDeerow Isaaq.

Cali Maxamed Geeddi oo Eedeeyey Masar, Liibiya iyo Iiraan

Cali Maxamed Geeddi oo eedayn kulul u jeediyey Masar, Liibiya iyo iiraan. Balse Marka hore ra'iisul wasaaruhu waxa uu ka hadlayaa dilkii marxuum Cabdalla Deerow.... Halkan ka Dhegeyso.. (Qoraalka hoos ka akhri)

Ma dhabaa in Madaxweyne C/llaahi uu habeen ku soo baryey ..

Wararka naga soo garaya Magaalada Baydhabo ee Gobalka bay waxay sheegayan in Habeen hore Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ay diyaarad ka qaaday magaalada Baydhabo, waxaana diyaaraddaasi iska lahaa Dowladda Itoobiya oo ay la socdeen Siraakiil Itoobiyaan ah. Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu gaaray Magaalada Goday halkaas oo uu kulan kula soo yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya, ilaa iyo haddana lama oga waxyaabaha ay isla soo qaadeen, Madaxweynaha ayaa subaxnimadii hore ee shalay waxa uu soo gaaray magaalada Baydhabo, waxaana madaxweynaha la socday sida aan ka helnay ilo xog-ogaal ah, wasiirka Qayraadka badda Xasan Abshir iyo xubno kale.

Maxkamadaha Islaamiga ah oo u digay dadka ku ganacsada..

Maxkamadaha Islaamiga ah ee gacanta ku dhigay Magaalada Muqdisho ayaa waxay shalay soo saareen go’aan ah in si dhaqsi leh looga guuro wadooyinka la dhistay ee lagu ganacsado, qaarkoodna lagu gooyay Kunteenaro iyo waxyaabo kale.

Maxaakiimta ayaa la sheegay in ay doonayaan in ay dib u soo celiyaan bilicdii Magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale go’aankaani uu qanabanayaa dadka dhistay jidadka dhex mara Xaafadaha Dhexdooda, iyadoo xaaf xaaf ah ay ciidamada Maxaakiimtu uga howgali doonaan maalmaha soo socda.

Go’aanka ka soo baxay Golaha Maxaamiimta ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha Muqdisho, waayo ayay yiraahdeen dad baa iska dhistay wadooyinkii iyo meelihii bilicda Magaalada soo jeedi jiray.

Waxaa Magaalada Muqdisho haatan ka socda howla nadaafadeed oo aad u baax weyn, waxaana shalay howl nadaafadeed laga fuliyay Wadadii Ex-Fiyoore oo halkaasi uu yiilay qashan aad u badan

Cali Max’ed Geeddi oo kulamo gooni gooni aha la leh.

Cali Max’ed Geeddi oo ah Ra’isul Wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa kulo gooni gooni ah la leh ragga ay si aadka ah isugu dhow yihiin ee ka tirsan Golaha Barlmaanka iyo kan Wasiirada.

Ra’isul Wasaaraha ayaa dadaal ugu jira sidii uu xubnahaan uga dhaadhicin lahaa ka hortaga inaan la keeni Golaha Baarlamaanka mooshin ku aadan Xil ka qaadistiisa.

Ra’isul Wasaaraha ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu casho u sameeyay qaar ka mid ah xubnahaasi, waxa uuna sheegay in uu diyaar u yahay in uu qaato wixii dhaliil ah, balse waxa uu diiday in qofka Bini-aadamka ah meel cidlo ah laga eedeeyo.

Ra’isul wasaaraha ayaa la filayaa in uu safar ugu ambabaxo Magaalada Nayroobi si uu halkaasi kulamo ula soo yeesho mas’uuliyiin ka tirsan Dowladaha IGAD, iyadoo dhawaan la filayo in Magaalada Nayroobi uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan Wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada IGAD kuwaas oo ka wada hadli doona arrimo la xiriira xaaladda soomaaliya, iyadoo dhawaan is bedel ka dhacay Muqdisho iyo Nawaaxigeeda.

Warar ku saabsan Xaaladda Magaalada Byadhabo...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay waxay sheegayan in xaaladd magaaladaasi ay aad u kacsan tahay kaddib markii malintii jimcaha ahayd la dilay siyaasi weyn looga yaqaanay Dalka wasiirna ka ahaa Dowladda Federaalka oo lagu magacaabi jiray Cabdalla Deerow Isaaq.

Ilaa iyo hadda lama hubo ciddii ka dambeysay dilka wasiirkaasi, hase yeeshee Cabdalla Deerow waxaa loo dilay sida ay aaminsan yihiin beelaha Digil iyo Mirifle arrimo siyaasadeed. Inkastoo Dowladda Fedeaalka ay sheegtay in loo qabtay dhowr qofood dilka Cabadalla Deerow, haddana siyaasiyiin ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle waxay sheegeen in xariga loo gaystay dadkaasi ay yihiin kuwo la doonayo in lagu qanciyo ama lagu dejiyo beelaha Digil iyo Mirifle, waayo horey ayaa wax looga qaban lahaa dadkii ciidamadii C/llaahi Yuusuf ay ku dileen Magaalada Baydhabo, isku soo wada duuboo xaaladda Magaalada Baydhabo waxay u ek tahay mid aan degeyn iyadoo xildhibaanadii iyo wasiiradii lagu wargeliyay in ay ku ekaadaan guryahooda ama Hoteelada ay degan yihiin.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmial.com
amiinkhasaaro@yahoo.com

Golaha Wakiilada DGPL oo Madaxtooyada Puntland dib ugu Ceshay Xeer Oranayay in Garsoorku uu hoos-yimaado Wasaarada Caddaalada
Golaha Wakiilada DGPL  ayaa Sabti July 29 waxa ay Madaxtooyada DG Puntland dib ugu celiyeen Xeer oranayay in Garsoorku uu hoos-yimaado Wasaarada Caddaalada oo hadda kala madaxbanaan, xildhibaanadii ka soo qaybgashay kulankii tiradoodu ahayd 54 ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday in aysan meel marin karin qodobkan oo kasoo horjeeda dastuurka DGPL, dastuurkaas oo oo la dajiyay 8 sano ka hor. Wakha oo dhan Akhri

Ra'isul-wasaaraha DFKMGS, oo ku eedeeyey Dalalka Iiraan, Liibiya iyo Masar inay gacan-saar la leeyihiin Koox Argagixiso ah oo ka hawl-gasha dalka Somalia ”.  

Ra'isul-wasaaraha DFKMGS, Prof. Cali Maxamed Geeddi, waxa uu maanta Hoygiisa Magaalladda Baydhabo ku qabtay Shir Jaraa'id oo uu kaga hadlay falkii lagu dilay Wasiirkii Dastuurka iyo Arrimaha Federalka ee Dowladda , Marxuum Cabdalla Deerow Isaaq , isagoo sheegay inay falkaasi geysteen Burcad qeyb ka ah Hawlaha Argagixisadda Adduunka ka wadaan gudaha dalka Somalia.  

Professor Geeddi, waxa uu sheegay in la soo qabtay qaar ka mid ah kuwii ka dambeeyey falkii shalay lagu dilay Marxuum Cabdalla Deerow, isla markaana lagu daba-joogo kuwo kale oo ku lug lahaa dilkaasi, waa sida uu hadalka uu u yiri.  

“Raggii ka dambeeyey dilkii Marxuum Cabdalla Deerow waxaa gacanta ku haysa Dowladda, isla markaana waxaa lagu hayaa baaritaan, waxayna Burcadaasi qeyb ka yihiin Hawlaha ay Argagixisadda Adduunka ee ka socda dalka Somalia” ayuu yiri Ra'isul-wasaaraha, wuxuuna intaasi ku daray:- “Beryahan, waxaa isa soo taraya wararka sheegaya inay jiraan kooxo doonaya inay argagax-geliyaan Dowladda Federalka iyo Shacbiga ku nool gobalka Bay, isla markaana ay ku doonayaan in lagu dumiyo Qaranka iyo Himilladda Shacbiga Soomaaliyeed”.  

Ra'isul-wasaare Calai Maxamed Geeddi, waxa uu sheegay inay jiraan Dowladdo ay u arkayeen inay yihiin Dowladdo saaxiibo la ah DFKMGS, balse, la ogaaday inay boqno goynayaan DFKMGS iyo Danaha Qaranka Soomaaliya, wuxuuna farta ku fiiqay inay Dolwadaha dalalka Masar, Liibiya iyo Iiraan taageero siiyaan Rag Soomaali Argagixiso ah oo Hawlaha Argagixisadda Adduunka ka wada gudaha dalka Somalia.  

Ra'isul-wasaaraha DFKMGS, waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka, QM, Ururka Midowga Afrika, Urur-gobaleedka IGAD iyo Ururka Jamaacadda Carabta inay wax ka qabtaan Faragelinta iyo xadgudubka ay Dowladaha dalalka Ereteria, Masar, Liibiya iyo Iiraan ku hayaan Arrimaha Gudaha ee dalka Somalia.    

Abdifitahaam
Mogadishu
abdifitahaam@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2006


Wararkii July 29, 2006

  • Baydhabo oo lagu Diley Wasiir u ololaynayey in Baarlamaanku Kalsoonida Kala Laabto Ra'iisul Wasaare Geeddi....
  • Libya oo Deeq soo Gaarsiisay Maxkamadaha islaamka....
  • XARUNTA DR. ISMAACIIL JIMCAALE OO soo gabagabeysay seminaar soconayay muddo seddax maalmood ah

Marxuum Cabdalla Deerow
 Sawirka: reuters

Baydhabo oo lagu Diley Wasiir u ololaynayey in Baarlamaanku Kalsoonida Kala Laabto Ra'iisul Wasaare Geeddi....
Laakiin kama mid ahayn wasiiradii is casiley
Sidaas waxaa qoray wararka caalamaka, sida AP.....

(Baydhabo: July 28, 2006):- Cabdalla Deeroow Isaaq oo ahaa wasiirkii Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee DFKMG ee Soomaaliya ayaa maanta lagu diley magaalada Baydhabo.

Waxaa wararku sheegeen in markii uu ka soo baxay masaajidka salaadii jimcda ka dib in rasaas lagaga furay laabta, sidaasna lagu diley wasiirka.

Cabdalla Deerow Isaaq waxa uu Dowladii lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti ka soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka, haddana waxa uu ka tirsanaa xukuumadii lagu soo dhisay magaalada Eldoret & Nairobi Kenya.

Waxaa wararku sheegeen ninka dilka geystey in uu watey baastoolad oo uu afar xabadood ku dhuftay marxuumka, kaddibna uu fakaday. Dilkaas waxaa loo xirxiray dad. Waxaana galabnimadii jimada ka dhacay Baydhabo mudaharaad lagaga soo hor jeedo dilalka ka dhacay Baydhabo.

Dilka wasiirkii Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee DFKMG ayaa dhacay laba maalmood kadib markii toogasho lagu dhaawacay Axmed Ibrahim Maxmed oo ah Gudoomiya Gudiga Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Baarlamaanka KMG ee Soomaalya, labadaas arrimood oo ka dhacay Baydhabo oo ah xarunta DFKMG.

Wasiirka Warfaafinta DFKMG Maxamed Cabdi Xayir ayaa galabnimadii Jimcada cambareeyey ciddi ka dambeysey dilkii marxuum Cabdalla Deerow, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri: Waxa aanu cambaareyneynaa ciddii ka damabysay ee soo qorsheysay dilalkaas bahalnimada ah ee lagu leeynayo madaxda dalka oo lagu khalkhal-galinayo ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta u ah DFKMG”

Qoyskii marxuumkana waxaa tacsi u diray madaxweynaha DFKMG, C/llaahi Yuusuf, guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan sh. Aaden, ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi iyo xubnaha labada gole ee DFKMG.


deerow"Deerow had been trying in recent days to build support for a no-confidence vote against Prime Minister Mohammed Ali Gedi. He was not, however, among the 18 ministers who resigned Thursday, saying the government has failed to bring peace to this chaotic African nation."
Associated
Press (AP)

 Warbaahinta caalamka


Warar ay faafiyeen saxaafada caalamka ayaa sheegay in Cabdalla Deerow uu maalmahan u ololaynayey sidii baarlamaanku uu kalsoonida ugala laaban lahaa ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi. Laakiin Cabdalla Deerow kama uu mid ahayn xubnihii dowaladda ee is casiley July 27, ayaa warku raaciyey.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFKMG ayaa aad uga soo hor jeeda in dalka Soomaaliya ay soo galaan ciidamada Itoobiya arrintaas oo keentay in baarlamanku qorshaynayey sidii loo qaadi lahaa cod ra'iisul wasaaraha kalsoonida loogala noqonayo.

Qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ayaa warbahinta caalamku ka soo xigteen iyagoo dhehaya: Haddii aan itoobiya ciidankeeda kala bixin Soomaaliya, waxaa hubaal ah in markaas ay dowlada (Soomaaliya) dhici doonto.

Shalay July 27 ayay ahayd markii ay DFKMG iska casileen ugu yaraan 20 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka DFKMG haana wasiiro, wasiiro dowlayaal iyo wasiir xigeeno iyagoo dowlada ku eedeeyey in ay nabad kusoo celin weydey dalka.

Magacyada Xubanaha Baarlamaanka DFKMG ee is casiley:::

  1. Cabdiraxmaan Xaaji Adan Ibbi (Wasiiru dowladda xiriirka Baarlamaanka & Xukuumadda)
  2. Ibraahim Maxamed Deeq (Wasiiru Dowlaha Warfaafinta)
  3. Xuseen Maxamuud Sheikh (Wasiirka hiddaha & Tacliinta Sare)
  4. Maxamed Maxamuud Guuleed "Gacmadheere" (Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga)
  5. Cabdi Maxamed Tarrax (Wasiirka Warshadaha)
  6. Cusmaan Cali Caato (Wasiirka Hawlaha Guud)
  7. Maxamed Cabdullaahi Sahal "Kaamil" (Wasiirka Iskaashatooyinka)
  8. Cabdikarim Axmed Cali (Wasiirka Lacagta)
  9. Maxamed Jaamac Furux (Wasiiru Dowlaha Dekedaha)
  10. Farxaan Cali Maxamuud (Wasiiru Dowlaha Qorsheynta & xiriirka caalamiga ah)
  11. Fowzia Maxamed Sh. Xasan (Wasiirada Haweenka)
  12. Maxamed Cali Bilaal (Wasiir ku xigeenka Beeraha)
  13. Mukhtaar Maxamed Yusuf (Wasiir ku xigeenka Waxbarashada)
  14. Cabdulqaadir Sheikh Maxamed Nuur (Wasiir ku Xigeenka shaqada/shaqaalaha)
  15. Ibraahim Xuseen Cali (Wasiir ku xigeenka Batroolka)
  16. Caamir Sheikh Maxamed (Wasiir Ku xigeenka Awqaafta)
  17. Xuseen Cusmaan Xuseen (Wasiir ku xigeen)
  18. Axmed Cabdiraxmaan Maxamed (Wasiir ku xigeen)
  19. Cali Sheikh Maxamed

Libya oo Deeq soo Gaarsiisay Maxkamadaha islaamka....

Dowladda Libya ayaa gargaar isugu jira Dawo iyo raashin soo gaarsiisay golaha maxaakiimta islaamiga Somalia oo dhowaan la wareegay Gacan ku heynta caasimadda Somalia.

Deeqdaan Raashinka ah ee dowladda Libya ay soo gaarsiisan shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa Gudoomay Mas'uuliyiin uu horkacayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo uga mahad celiyay shacabka reer Libya iyo Madaxweynaheeda kaalmadaan.

Goobta ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha golaha Fulinta maxaakiimta islaamiga oo sheegay in deeqda lagu wareejiyay Guddi ay magacaabeen maxaakiimta islaamiga oo loogu magac daray u gargaarida shacabka Soomaaliyeed oo horey uga qeyb qaatay abaarihii Somalia.

waxana hadalkiisa ka mid ahaa: waxaa lagu wareejiyey golaha taakuleynta iyo horumarinta somaliyeed deeq ka kooban saliid cadey ,bur ,iyo baasto golahaas oo horey uga soo shaqeeyey samatabixintii gurmadka abaaraha waxaana u rajeeyey in ay gaaridoonto dadkii loogu talagalay ee ku haboonaa, dowladaha kale oo wax heysta in ay ku daydaan dowlda liibiya sidoo kalana ganacsatada somaliyeed wuxuu ka codsaday in ay dadkooda ugu gargaaraan waxa ay heystaan.

waxaa isna halkaa hadalo soo dhaweyn iyo mahadcelin isugu jira ka soo jeediyey axmed cabdulaahi shiikh oo sheegay in deeqdani ay tahay mid wax weyn ka taraysa daboolida baahida jirta wuxuuna balanqaaday in loo gaarsiindoono sida ugu dhaqsaha badan meelihii loogu talagalay.

Ramadan Albakari oo hogaaminayay wafdigii Libyanka ahaa ee deeqda keenay ayaa waxa uu sheegay in xiligaan la gargaari karo shacabka Soomaaliyeed maadaama magalada muqdisho ay tahay meel nabadi ka soo ifeyso .

safiirka liibiya u fadhiya somaliya idiris abuu diib oo isna ka hadlay munaasibada lagula kala warergayey deeqdaas wuxuu xusay in dowlada liibiya aysan shacbiga somaliyeed ka hagran doonin wixii ay awoodo.

Waxa uu sheegay in deeqdaan aysan ahaan doonin deeqdii ugu dambeysay, balse ay ahaan doonto mid sii socon doonta.

MUUSE MAXAMUUD JISOW | somali39@hotmail.com

XARUNTA DR. ISMAACIIL JIMCAALE OO soo gabagabeysay seminaar soconayay muddo seddax maalmood ah

Seminaar ay ka qeyb qaadanayeen 30 xubnood oo ka kala socday culimaa'udiinka, dadka laga tira badan yahay iyo suxufiyiinta ka howl gala idaacadaha Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho.

Seminaarkan oo socday muddo 3 maalmood ah waxay ku baranayeen xubnahaasi casharrro ay ka mid ahaayeen xuquuqda aadanaha, qaabka loo baaro xadgudubyada, maamul wanaagga iyo dimoqraadiyadda iyo qodobbo kale.

Guddoomiyaha xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale, Maryan Xuseen Owreeye iyo C/laahi Calas Jimcaale oo ah madaxa baarista dambiyada oo ka hadlay ayaa sheegay in seminaarkan ujeedada laga leeyahay ay aheyd in dadka ay barto xuquuqda aadamiga, barashadaas oo keeneysa in dadku ay difaacdaan xuquuqdooda, xuquuqda dadka kalena ay dhowraan, waana barnaamij aad iyo aad muhiim u ah dhowrista xuquuqda aadanaha ayay yiraahdeen Maryan Xuseen aWreeye iyo C/laahi Calas Jimcaale, waxayna ka codsadeen inay howlahooda ku dabbakhaan xuquuqda aadanaha, isla markaana ay u gudbiyaan dadka aan fursadda u helin.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in seminaarka noocan oo kale ay mar walba u qabtaan dadka wixii la baray u gudbin kara bulshada kale, isla markaana howlahooda ku dabbakhi kara wixii ay barteen, waxaana loo arkaa ayay yiraahdeen xuquuqda aadanaha ka shaqeynteeda inay fure u tahay in la helo nabad iyo cadaalad loo siman yahay, isla markaasna uu qofka muwaadinka ah uu helo xuquuqda aas-aasiga, waxayna sheegeen in seminaarkan uusan ku koobneyn 3 maalmood iyo 2 maalmood balse ay hay'addu xoogga saarto in mar walba ay bulshada u qabato seminaaro ceynkan oo kale ah, waxayna hoosta ka xarriiqeen inay jiri doonaan seminaarro kale oo loo gudbiyo bulshada kale oo aan fursadda u helin.

MUUSE MAXAMUUD JISOW | somali39@hotmail.com


Soomaalida haysta Sharciga Kumeel Gaarka ah oo 18-bilood loo Kordhiyey in ay sii Joogi Karaan Maraykanka...
iyo Minnesota oo lagu xiray nin dhaawac halis ah gaarsiiyey qof dumar ah oo hooyo u ah canugiisa.. Akhri


Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2006


Dood-Cilmiyeed: Isbedelka Cusub ee Soomaaliya
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo raadka uu... Dhegeysi...

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD