"Waxaan u dhexi jiray Xila-Gube, Maantana
Wadaad"
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Muqdisho 1984

Xamar 80-tanaadkii: isha Sawirada: swan.ac.uk
|
16-sano ayaa Afo u ahaa Xilo Gube oo aysan
jirin cid igu mehrisay, waxaa quud ii ahaa Isbaaro, Kufsi, Barakac, Afduub
iyo qaar kalo intaa ka daran, cabitaankeyga waxa uu ahaa dhiiga dadka, waan
Qayirmay oo Midab Doorsoomay, haddii aan Beri ahaan jirya qof bilicsan oo
Qurxoon, waxaa Diiftaan iyo Darxumadaan ku dhex jiro, waxaan uur ku taalo
iyo ciil la joogaba, waxaa natiijo xumadeydii la qushuucsanaaba, marnaba
Indhaheyga, waxay qaban waayeen hadal Macaan iyo in dhagaheyga maqli waayeen,
si Qalbigeygu u dego, dhawaaqa carruur anfici karta dalka, diinta iyo dadka,
isla markaan nabad gelin kara maatada ila nool, ayaa waxaan u is taagay Alle
tuug, si dulmiga iyo tacadiga uu igu hayo Xila Gubaha Alle iiga dulqado.
Maalin maalmaha ka mid ah anigoo ka
fekeraya go’aan qaadasho si aan uga baxsado Xilaha Gubaha ayaa waxaa ii
timid Gabar iyana u dhaxda nin kale oo Xila-Gube ah, waxaan is dhaafsanay
Fikrado iyo Aaraa kala duwan si aan uga baxo gacmaha Xila-gubayaasha,
waxayna igu tiri “Waxaa igu dhacday arrin la yaab leh oo aad iiga
anfariirisay, oo lama arag iyo lama maqal ah”, markaas ayaa weydiiyay waxa
dhacay, waxayna igu tiri “Walaal xila-Gubihii waxa uu xalay damcay in nin
walaalo aan nahay oo wadaad ah uu qafaasho si uu u iibsado, markii aan
damcay in aan ka celiyo ayuu si xun ii garaacay, waxan ku sigtay in ay naftu
iga baxdo, wuxuuna ii gaystay Nabaro waaweyn, wuxuuna igu yiri “maanta miyaa
I soo faragashatay wax badan ayaan kuu duul qaatay ee yaanan caawa kow kaaga
siin”, inta meel ku dhacay ayaa waxaa Indhaheyga qabteen walaalkey oo gaari
la sii saarayo, wax aan ka qaban karay ma jirin, cid ii miciineysay ma jirin.
Waad u jeedaa walaal nabarada iga muuqda waa dhibkii ugu soo gaaray ninkii
Walaalkey ahaa ee aan u doodayay, xitaa wuxuu qadarin waayay waxa naga
dhexeeya, intaa dabadeed waxaan dareemay in Xila-gubihii aan u dhexi jiray
in fool xumadii uu ku darsaday Fadhi xumo, Soomaalidu waxay tiraahdaa, (Odeygii
maxaad ku ogeyd, indho la’aan, wuxuu maanta ku darsaday dad cunnimo)”
Sheekada Gabadhaasi ay ii soo bandhigtay
aad baan uga murugooday waxaan go’aansannay in aan Alle bariga badino si uu
Alle nooga badbaadio sharta Xila gubaha.
18-kii Febaraayo ayaa xila-gubihii waxaa
afkisa Alle ka soo yeeriyay, waxaan aadami oran Karin oo aan Alle raali ka
ahayn.
Dhagar-qabihii ku noolaa dhiiga dadka, ayaa
yiri” in Nabaddu ku xiran tahay horumarka dalkuna ku imaan karo marka
wadaada xun xun ee haatan soo baxay wadanka laga qabto oo jilbaha dhulka
loogu dhufto.
Ducadeydii ayaa Alle aqbalay waxaa ii soo
baxay wadaad ku xiran Kitaabka Alle kuna sifoobay naceybka qabiilka, waxaana
ka helay garab, dabeedna iga furay Xila-Gubihii 16-ka sano xaaraanta igu
haystay, markii Allaah ii sahlay in aan la jaan qaado is bedelka cusub ee
dalka ka dhashay, waxaan xodxodosho iyo shukaansi ugu dhaqaaqay mid ka mid
ah wadaadadii si aan u helo nolol ka duwan middii aan ku noolaa oo aan
mustaqbalkeyga ku aami karo, isla markaana aan nolol fog la qaybsan karo.
Ikastoo xaaladdu adkeyd, waxaan weli sii waday Alle barigii, si uu Alle ii
siiyo nolol ka wanaagsan tan aan ku jirya, wax waqti is jaro,
Xilo-Gubayaashii marba marka ka dambeysa way soo la ciifayeen, waxaana
maalin walba aan dhigeynay banaanbax aan uga soo horjeedno xilogubayaasha si
uu Allaah nooga dul qaado, waxay arrintii ay marba meel soo tu’ataba, waxay
Aaqiritaankii noqotay in Dhamaan xIlo-Gubayaashii laga adkaado.
Anagoo dhowr haween ah oo u dhixi jiray
XIlo-gubayaashaas ayaa hal mar waxaa naga soo go’day neef, waayo waxaan
dhamaanteen ogeyn waxaan soo marnay oo dhib ahaa, midbaa waxay igu tiri
“Walaal adigu ma heshay shaqsi ka wanaagsan Xilo-gubihii hore oo aad nolosha
la qaybsato” waxaana ugu jawaabay “intii uu socday halganka ayaa waxaan is
fahan uu dhex maray nin Wadaad ah oo Miskiin ah oo hadaad Farta Afka u
geliso aan Qaniineyn.
Xila-Gubayaasha aan idiin macneeyee waa
qabqablayaashii Dagaalka, wadaadkuna waa Maxaakiimta, waxayna ku soo
gebagabeysay Gabadhii Wadadka heshey (kala Quruxsanaa oo kala qaayo weynaa
XIlo-Gube iyo wadaad.)