qiyaas
boqolkiiba meeqa gurmad ah ayaad heli kartaa marka aad isticmaasho Jumladda
Koowaad, meeqa ayay haddana hoos u dhici kartaa gurmadka aad u yeeratay
marka aad isticmaasho jumladda Labaad, meeqa ayay haddana in badan hoos u
hooban kartaa tirada gurmadka aad helayso marka aad isticmasho Jumladda
Saddexaad.
Haddaba halganka ay ku jiraan jabhaddani sow
uma baahnaan lahayn inuu noqdo inuu noqdo mid mira dhal ah, si deg deg ahna
looga gun gaaro, si taas loo helo waxaa lagama maarmaan ahaan lahayd in
Ogaden loo bedelo Soomaali, maxaa yeelay dhulka haatan loo bixiyey qeybta
shanaad ee Soomaalida waxaa dega qabaa’illo kala gedisan oo Soomaali ah, oo
u baahan inay helaan dallad ka ballaaran tan qabiilka Ogaden, dalladdaasna
waa Soomaali oo qaadi karta ama xambaari karta inta qabiil ee halkaas ku
dhaqan, soona jiidan karta Soomaalida kale ee ku kala firirsan qeybaha kale
ee Soomaaliya.
Waxaa laga yaabaa in qoraalkani uu xasaasiyad
ku rido dadka ah ONLF ama taageera, isla markaana akhris kaddib ay u soo
baxdo laba arimood midkood: inaan ka soo horjeedo halganka ONLF ama ay u
qaataan inaanan fahansanayn Ogaden in loola jeedo dhulka Soomaalidu degto
sida iyagu ay aaminsan yihiin, waxaana hubaal ah in magacaas ay bixiyeen
gumastayaashii kala qaybiyey dalka Soomaaliya, Si kasta oo dadka ONLF u
qabaan in Ogaden dhulka loola jeedo haddana, arintaasi maaha mid ka
dhaadhacaysa Soomaalida halkaas ku dhaqan, fikirka ceynkaasina maaha mid ka
jawaabaya baahida loo qabo in la gaaro ula jeeddo xambaarsan xoriyad u soo
wada hoyan karta Soomaalida ku dhaqan Itoobiya.
waxaan sheekaysanay dhinac taageersan jabhadda
ONLF, waxaanna waydiiyey su’aalo ay ka mid ahaayeen, Maxaad magaciina ugu
bedeli weyseen SNLF, si halgankiinu u noqdo mid qowmiyadda Soomaalidu u dhan
tahay halka aad haatan qabiil ahaan u dagaalamaysaan? Natiijadii aan helayna
waxay noqotay; “Ogadenia waa magac hore dhulka oo dhan ayaana loo yaqaannaa
magacaas” waxaan weydiiyey su’aal kale oo ahayd, “Laakiin Ogadenia waxaa
bixiyey gumayste ula jeedadiisu ahayd inay wax kharibmaan sow uma muuqato in
haatan la joogo waqtigii la iska bedeli lahaa magacan? Waxay jawaabtii
noqotay “waxba looma baahno in la bedelo magacan halgankanna sidaas ayuu ku
soconayaa”. Sidaas si la mid ah ayaan is aragnay dhinaca kale ee Soomaalida
degta dhulka Soomaalida ee Itoobiya hoos tago laakiin aan halganka qayb ka
ahayn, waxaan weydiiyey sababta aysan uga qayb qaadanayn halganka ay ku
jirto ONLF? Waxay jawaabtu noqotay in arintaasi aysan qusayn iyaga oo aysan
iyagu ahayn qabiilka dagaalka kula jira Itoobiya” waxaan weydiiyey mar kale
‘Idinka miyaadan dhibaato ku qabin inaad Itoobiya hoos timaadaan,
miyaydaanse rajo ka qabin inaad noqotaan waddan madax bannaan ama aad ka mid
noqotan Soomaali weyn? Waxay iigu jawaabeen si diblumaasiyadi ku dheehan
tahay, “Soomaalida halkan degta ayey u taallaa waxa ay aayahooda ka
yeelayaan, dastuurka ayeyna noogu qoran tahay inaan go’i karno marka aan u
baahanno, laakiin waxaan kuu sheegaynaa haddiiba ay noqon lahayd inaan
halganno marka aan dhibaato aragno waxaan la midoobi karnaa ama aan samaysan
lahayn jabhad ay ka dhex muuqato magaca Soomaali, ee qabiil qabiil uma
aannaan halganneen sida ONLF oo kale”.
Hadalkaas labada dhinac markii aan dhegeystay
waxaa ii soo baxday jawaabo ifinaya sawir ii muujinaya waxa meesha ka
soconaya, waxaa ii soo baxday in Soomaalida halkaas degta ay la mid tahay
Soomaalida Soomaaliya degta oo dib u heshiisiinta u baahan in marka hore
iyaga la dhex dhigo, waana middaas arinta igu xambaartey inaan qoro
maqaalkan aan uga hadlayo arimaha Soomaalida degta Itoobiya.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaali meel kasta oo
ay joogto waxay u baahan yihiin inay baabiiyaan khilaafka ka dhex taagan,
mashaakilaadka Soomaalida haystana waa mid u baahan in xal loo helo, waxaana
hubaal ah in Jeermiska qabiilka uu ku baahay Soomaali oo dhan xittaa kuwa
qaxootiga ku ah waddamada kale ee caalamka, taas oo laga dheehan karo
jaaliyadaha qabiilka ku dhisan ee qurbaha ka jira, halkii la samaysan lahaa
jaaliyad Soomaaliyeed oo uruursan.
W. Q. A. D. Elmi