SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

:::MAQAALKII CILMI:::
Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay?. WQ. A.D. Elmi.. Akhri
:::ASAD AADAN TURAABI:::
Haddii Banaanka laga helay, miyuusan u baahneyn gacan bini’aadannimo iyo Gargaar... AKHRI...
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji
:::DHACDO NAXDIN LEH:::
Cabdi Cali Siyaad “Argagixiso ayay igu tilmaameen, laakiin waxaan ogaaday in argagixisadu ay tahay  Dadkii falkaas ku kacay... Akhri...
:::SAFARKII MINNEAPOLIS:::
SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji
:JAWAABO: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

Wararkii July 29, 2006
  • Baydhabo oo lagu Diley Wasiir u ololaynayey in Baarlamaanku Kalsoonida Kala Laabto Ra'iisul Wasaare Geeddi....
  • Libya oo Deeq soo Gaarsiisay Maxkamadaha islaamka....
  • XARUNTA DR. ISMAACIIL JIMCAALE OO soo gabagabeysay seminaar soconayay muddo seddax maalmood ah

Marxuum Cabdalla Deerow
 Sawirka: reuters

Baydhabo oo lagu Diley Wasiir u ololaynayey in Baarlamaanku Kalsoonida Kala Laabto Ra'iisul Wasaare Geeddi....
Laakiin kama mid ahayn wasiiradii is casiley
Sidaas waxaa qoray wararka caalamaka, sida AP.....

(Baydhabo: July 28, 2006):- Cabdalla Deeroow Isaaq oo ahaa wasiirkii Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee DFKMG ee Soomaaliya ayaa maanta lagu diley magaalada Baydhabo.

Waxaa wararku sheegeen in markii uu ka soo baxay masaajidka salaadii jimcda ka dib in rasaas lagaga furay laabta, sidaasna lagu diley wasiirka.

Cabdalla Deerow Isaaq waxa uu Dowladii lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti ka soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka, haddana waxa uu ka tirsanaa xukuumadii lagu soo dhisay magaalada Eldoret & Nairobi Kenya.

Waxaa wararku sheegeen ninka dilka geystey in uu watey baastoolad oo uu afar xabadood ku dhuftay marxuumka, kaddibna uu fakaday. Dilkaas waxaa loo xirxiray dad. Waxaana galabnimadii jimada ka dhacay Baydhabo mudaharaad lagaga soo hor jeedo dilalka ka dhacay Baydhabo.

Dilka wasiirkii Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee DFKMG ayaa dhacay laba maalmood kadib markii toogasho lagu dhaawacay Axmed Ibrahim Maxmed oo ah Gudoomiya Gudiga Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Baarlamaanka KMG ee Soomaalya, labadaas arrimood oo ka dhacay Baydhabo oo ah xarunta DFKMG.

Wasiirka Warfaafinta DFKMG Maxamed Cabdi Xayir ayaa galabnimadii Jimcada cambareeyey ciddi ka dambeysey dilkii marxuum Cabdalla Deerow, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri: Waxa aanu cambaareyneynaa ciddii ka damabysay ee soo qorsheysay dilalkaas bahalnimada ah ee lagu leeynayo madaxda dalka oo lagu khalkhal-galinayo ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta u ah DFKMG”

Qoyskii marxuumkana waxaa tacsi u diray madaxweynaha DFKMG, C/llaahi Yuusuf, guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan sh. Aaden, ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi iyo xubnaha labada gole ee DFKMG.


deerow"Deerow had been trying in recent days to build support for a no-confidence vote against Prime Minister Mohammed Ali Gedi. He was not, however, among the 18 ministers who resigned Thursday, saying the government has failed to bring peace to this chaotic African nation."
Associated
Press (AP)

 Warbaahinta caalamka


Warar ay faafiyeen saxaafada caalamka ayaa sheegay in Cabdalla Deerow uu maalmahan u ololaynayey sidii baarlamaanku uu kalsoonida ugala laaban lahaa ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi. Laakiin Cabdalla Deerow kama uu mid ahayn xubnihii dowaladda ee is casiley July 27, ayaa warku raaciyey.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFKMG ayaa aad uga soo hor jeeda in dalka Soomaaliya ay soo galaan ciidamada Itoobiya arrintaas oo keentay in baarlamanku qorshaynayey sidii loo qaadi lahaa cod ra'iisul wasaaraha kalsoonida loogala noqonayo.

Qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ayaa warbahinta caalamku ka soo xigteen iyagoo dhehaya: Haddii aan itoobiya ciidankeeda kala bixin Soomaaliya, waxaa hubaal ah in markaas ay dowlada (Soomaaliya) dhici doonto.

Shalay July 27 ayay ahayd markii ay DFKMG iska casileen ugu yaraan 20 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka DFKMG haana wasiiro, wasiiro dowlayaal iyo wasiir xigeeno iyagoo dowlada ku eedeeyey in ay nabad kusoo celin weydey dalka.

Magacyada Xubanaha Baarlamaanka DFKMG ee is casiley:::

  1. Cabdiraxmaan Xaaji Adan Ibbi (Wasiiru dowladda xiriirka Baarlamaanka & Xukuumadda)
  2. Ibraahim Maxamed Deeq (Wasiiru Dowlaha Warfaafinta)
  3. Xuseen Maxamuud Sheikh (Wasiirka hiddaha & Tacliinta Sare)
  4. Maxamed Maxamuud Guuleed "Gacmadheere" (Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga)
  5. Cabdi Maxamed Tarrax (Wasiirka Warshadaha)
  6. Cusmaan Cali Caato (Wasiirka Hawlaha Guud)
  7. Maxamed Cabdullaahi Sahal "Kaamil" (Wasiirka Iskaashatooyinka)
  8. Cabdikarim Axmed Cali (Wasiirka Lacagta)
  9. Maxamed Jaamac Furux (Wasiiru Dowlaha Dekedaha)
  10. Farxaan Cali Maxamuud (Wasiiru Dowlaha Qorsheynta & xiriirka caalamiga ah)
  11. Fowzia Maxamed Sh. Xasan (Wasiirada Haweenka)
  12. Maxamed Cali Bilaal (Wasiir ku xigeenka Beeraha)
  13. Mukhtaar Maxamed Yusuf (Wasiir ku xigeenka Waxbarashada)
  14. Cabdulqaadir Sheikh Maxamed Nuur (Wasiir ku Xigeenka shaqada/shaqaalaha)
  15. Ibraahim Xuseen Cali (Wasiir ku xigeenka Batroolka)
  16. Caamir Sheikh Maxamed (Wasiir Ku xigeenka Awqaafta)
  17. Xuseen Cusmaan Xuseen (Wasiir ku xigeen)
  18. Axmed Cabdiraxmaan Maxamed (Wasiir ku xigeen)
  19. Cali Sheikh Maxamed

Libya oo Deeq soo Gaarsiisay Maxkamadaha islaamka....

Dowladda Libya ayaa gargaar isugu jira Dawo iyo raashin soo gaarsiisay golaha maxaakiimta islaamiga Somalia oo dhowaan la wareegay Gacan ku heynta caasimadda Somalia.

Deeqdaan Raashinka ah ee dowladda Libya ay soo gaarsiisan shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa Gudoomay Mas'uuliyiin uu horkacayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo uga mahad celiyay shacabka reer Libya iyo Madaxweynaheeda kaalmadaan.

Goobta ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha golaha Fulinta maxaakiimta islaamiga oo sheegay in deeqda lagu wareejiyay Guddi ay magacaabeen maxaakiimta islaamiga oo loogu magac daray u gargaarida shacabka Soomaaliyeed oo horey uga qeyb qaatay abaarihii Somalia.

waxana hadalkiisa ka mid ahaa: waxaa lagu wareejiyey golaha taakuleynta iyo horumarinta somaliyeed deeq ka kooban saliid cadey ,bur ,iyo baasto golahaas oo horey uga soo shaqeeyey samatabixintii gurmadka abaaraha waxaana u rajeeyey in ay gaaridoonto dadkii loogu talagalay ee ku haboonaa, dowladaha kale oo wax heysta in ay ku daydaan dowlda liibiya sidoo kalana ganacsatada somaliyeed wuxuu ka codsaday in ay dadkooda ugu gargaaraan waxa ay heystaan.

waxaa isna halkaa hadalo soo dhaweyn iyo mahadcelin isugu jira ka soo jeediyey axmed cabdulaahi shiikh oo sheegay in deeqdani ay tahay mid wax weyn ka taraysa daboolida baahida jirta wuxuuna balanqaaday in loo gaarsiindoono sida ugu dhaqsaha badan meelihii loogu talagalay.

Ramadan Albakari oo hogaaminayay wafdigii Libyanka ahaa ee deeqda keenay ayaa waxa uu sheegay in xiligaan la gargaari karo shacabka Soomaaliyeed maadaama magalada muqdisho ay tahay meel nabadi ka soo ifeyso .

safiirka liibiya u fadhiya somaliya idiris abuu diib oo isna ka hadlay munaasibada lagula kala warergayey deeqdaas wuxuu xusay in dowlada liibiya aysan shacbiga somaliyeed ka hagran doonin wixii ay awoodo.

Waxa uu sheegay in deeqdaan aysan ahaan doonin deeqdii ugu dambeysay, balse ay ahaan doonto mid sii socon doonta.

MUUSE MAXAMUUD JISOW | somali39@hotmail.com

XARUNTA DR. ISMAACIIL JIMCAALE OO soo gabagabeysay seminaar soconayay muddo seddax maalmood ah

Seminaar ay ka qeyb qaadanayeen 30 xubnood oo ka kala socday culimaa'udiinka, dadka laga tira badan yahay iyo suxufiyiinta ka howl gala idaacadaha Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho.

Seminaarkan oo socday muddo 3 maalmood ah waxay ku baranayeen xubnahaasi casharrro ay ka mid ahaayeen xuquuqda aadanaha, qaabka loo baaro xadgudubyada, maamul wanaagga iyo dimoqraadiyadda iyo qodobbo kale.

Guddoomiyaha xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale, Maryan Xuseen Owreeye iyo C/laahi Calas Jimcaale oo ah madaxa baarista dambiyada oo ka hadlay ayaa sheegay in seminaarkan ujeedada laga leeyahay ay aheyd in dadka ay barto xuquuqda aadamiga, barashadaas oo keeneysa in dadku ay difaacdaan xuquuqdooda, xuquuqda dadka kalena ay dhowraan, waana barnaamij aad iyo aad muhiim u ah dhowrista xuquuqda aadanaha ayay yiraahdeen Maryan Xuseen aWreeye iyo C/laahi Calas Jimcaale, waxayna ka codsadeen inay howlahooda ku dabbakhaan xuquuqda aadanaha, isla markaana ay u gudbiyaan dadka aan fursadda u helin.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in seminaarka noocan oo kale ay mar walba u qabtaan dadka wixii la baray u gudbin kara bulshada kale, isla markaana howlahooda ku dabbakhi kara wixii ay barteen, waxaana loo arkaa ayay yiraahdeen xuquuqda aadanaha ka shaqeynteeda inay fure u tahay in la helo nabad iyo cadaalad loo siman yahay, isla markaasna uu qofka muwaadinka ah uu helo xuquuqda aas-aasiga, waxayna sheegeen in seminaarkan uusan ku koobneyn 3 maalmood iyo 2 maalmood balse ay hay'addu xoogga saarto in mar walba ay bulshada u qabato seminaaro ceynkan oo kale ah, waxayna hoosta ka xarriiqeen inay jiri doonaan seminaarro kale oo loo gudbiyo bulshada kale oo aan fursadda u helin.

MUUSE MAXAMUUD JISOW | somali39@hotmail.com


Soomaalida haysta Sharciga Kumeel Gaarka ah oo 18-bilood loo Kordhiyey in ay sii Joogi Karaan Maraykanka...
iyo Minnesota oo lagu xiray nin dhaawac halis ah gaarsiiyey qof dumar ah oo hooyo u ah canugiisa.. Akhri


Barnaamijkii Radio Xoriyo

28 July 2006
 
================================
 
 
Dagaal Khadhaadh oo ka dhacay duleedka Dhagaxbuur.
 
Ciidammada gumaysiga oo dumar shacab ah laayay.
 
Eritereya oo Itoobiya ugu baaqday inay ciidammadeeda Soomaaliya kala baxdo.
 
Faalo ku saabsan sooyaalka taariikheed ee Somaliya & Itobiya(Maqal).
 
 
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaal adag oo horraantii toddobaadkan ka dhacay meesha lagu magacaabo Labiga, oo ku taalla duleedka magaalada Dhagaxbuur, kaasoo dhex-maray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa saama-la-luudka ah ee gumaysatada Itoobiya. Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa khasaare ba’an loogu gaystay dagaalkan.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ee dagaalkan ka qayb qaatay waxay isaga soo qayshadeen degmooyinka Garbo, Sagag iyo Dhagaxbuur.
 
Wuxuu sidoo kale wariyahayagu noo soo sheegay in maalintii isniinta ahayd ee taariikhdu ku aaddanayd 24/7/06 ciidammada gumaysiga Itoobiya labo baabuur oo Uuraal ah lagaga gubay duleedka magaalada Dhanaan, iyadoo ay halkaas ku bas-beeleen labadaas baabuur iyo wixii saarnaa oo dhan.
 
Ciidammada gumaysiga oo dumar shacab ah laayay.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya oo lagu yaqaano inay dadwaynaha rayadka ah ku gaydhadaan mar kastoo khasaare loogu gaysto goobaha dagaalka, ayaa dumar shacab ah ku laayay meelo kala duwan oo ka tirsan gobollada Doollo iyo Qorraxey.
Ciidammada gumaysigu waxay dhawaan tuulada Qamuuda oo gobolka Doollo ka tirsan ku dileen shan dumar ah oo Maadh guranayay iyo labo wiil oo Geelijire ahaa.
Ciidammada gumaysiga ayaa dadkan ku soo baxay, ka dibna rasaas oodda kaga qaaday iyagoon hubsanin cidda ay yihiin.
Shanta dumarka ah ee halkaas lagu dilay ayaa magacyadooda naloogu sheegay;
1-    Ruqiya Yuusuf Cali
2-    Maadhiin Cabdi Cali Dhuux
3-    Nasra Cali Faarax
4-    Hinda Muxumed Galandi iyo
5-    Ardo Maxamed Raabi
Ardo mooyee dumarkan intooda kale waxay ahaayeen hooyooyin qaarkood aad u da’waynaayeen.  
 
Wararka ka imanaya dhinaca gobolka Qorraxey ayaa iyaguna sheegaya in ciidammada gumaysiga Itoobiya ay maalmihii u denbeeyay qiyaastii siddeed gabdhood ku dileen nawaaxiga tuulada lagu magacaabo Caleen, oo gobolka Qorraxey ka tirsan. Gabdhahan ayaa la sheegayaa in ciidammada gumaysigu ay kufsadeen, ka hor intii ayna laynin.
 
Eritereya oo Itoobiya ugu baaqday inay ciidammadeeda Soomaaliya kala baxdo.
 
Dawlada Eritereya ayaa maalintii khamiista ahayd xukuumadda Itoobiya ugu baaqday inay ciidammadadeeda sida ugu dhakhsaha badan ugala baxdo dalka Soomaaliya, waxayna ka digtay in faragalinta Itoobiya ku hayso dalka Soomaaliya ay horseedi karto isku dhacyo qallafsan oo ka dhaca gobolka Geeska Afrika.
 
Qoraal lagu soo daabacay bogga rasmiga ah ee dawlada Eritereya ayaa xukuumadda Itoobiya ugu baaqay inay yeesho codsiga Maxkamadaha islaamiga Soomaaliya eek u saabsan inay ciidammadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya.
 
Dawlada Eritereya waxay si xoog leh uga dalbaysaa dhammaan ciidammada Itoobiya iyo taageerayaashooduba inay joojiyaan tallaabooyinka duullaanka ah oo dhaawici kara midnimada Soomaaliya, isla markaana horseedi kara xasillooni darro iyo qas saameeya gobolka oo dhan, sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaarada warfaafinta ee dawlada Eritereya.
 
Qoraalkani wuxuu sidoo kale soomaalida oo dhan uga digay in haddii ayna ciidammada Itoobiya ka noqonin dhulka Soomaaliya, ay arrintaas ka dhalan doonto caaqiibo aad u fool xun.
 
Soo geliddii ay ciidammada Itoobiya toddobaadkii hore soo galeen dalka Soomaaliya waxay cirka ku shareertay rajadii laga qabay is-afgarad dhex-mara dawlada ku meelgaadhka ah iyo Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya, iyadoo Maxkamaduhu shuruud kaga dhigeen wadahadal ay dawlada la yeeshaan in marka hore ciidammada Itoobiya dalka ka baxaan, taasoo aan laga rajo qabin, ka dib markii ay xukuumadda Itoobiya ku adkaysataya inay difaacayso dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.
 
Maalintii arbacada ahayd ayay dawlada Maraykanku ugu baaqday dalalka Bariga Afrika inay joojiyaan faragalinta arrimaha Soomaaliya.

Dhinaca kale caqabado hor-leh ayaa la soo gudboonaaday dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya oo iyadu dalka Soomaaliya u soo hor-qaaday ciidammada Itoobiya ee haatan ku sugan.
 
Ilaa iyo 20 isugu jira wasiirro iyo wasiirro ku xigeeno ayaa xilalkoodii iska casilay, ka dib markii ay xukuumadda ku eedeeyeen inay ku fashilantay hawlihii dib u-heshiisiinta ee laga sugayay. Wasiirradan is-casilay ayaa masuugay qaabka ay u shaqayso xukuumadda uu madaxda ka yahay ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi, oo ay sheegeen inuu yahay nin aan wax wadatashi ah la samaynin wasiirrada kale ee dawlada, isla markaana aan danaynin arrimaha dib u-heshisiinta.
 
 
28 July 2006.
Axmed Gaal-Eri       
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2006


Dood-Cilmiyeed: Isbedelka Cusub ee Soomaaliya
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo raadka uu... Dhegeysi...

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD