SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY:::


Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...


Meles: Gabay Cusub

Inj. Maxamed Cali Cibaar

 Delft, Holland 

mohamed_ebar@hotmail.com

July 2006


Gabaygaan la magacbaxay Meles wuxuu  soo baxay  21kii Luulyo 2006da markii la xaqiijiyay in ciidamo Itoobiyaan ahi ay ka soo gudbeen xadka  Soomaaliya ayna fadhiisin ka dhigteen magaalada Baydhabo oo xarun u ahayd dowladdii maqaarsaarka ahayd ee Kiinya lagu soo dhoodhoobay.  

Gabaygu wuxuu si toos ah ula hadlaya ninka horboodaya maamulka jihowareersan ee ay Tigreygu hormuudka u yihiin ee Meles Zenawe. Taliska Tigreygu wuxuu si aan gabbasho lahayn u sheegay inuu burburinayo oo uu dagaal ku qaadayo dadka Ahlu-diinka  ah ee Soomaaliyeed, isla markaana uusan ogolaan doonin in ay Soomaalidu ku dhaqmaan diintooda Islaamka ah, waaba haddii lagala tashanayee!! 

La yaab ma laha in lagu adeegtaha Meles Zenawe iyo inta uu marinhabaabiyayba ay ku soo dulaan dadka Islaamka ah ee Soomaaliyeed. Sababtu waxay tahay, 1435 sano ku dhowaad ayaa laga joogaa  waqtigii  uu  xabashigii Abraha oo u adeegayay Kaniisaddii Ortodokiska Kirishtaanku uu isagoo maroodiyaal wata ku duulay kacbadii Maka oo ay dadka carbeed u xajin jireen si uu u soo burburiyo, tasoo uu cawaaqibxumo kala kulmay . Haseyeeshee arrinka laga xumaado ee argagaxa lihi waa in dad mas’uuliyiin Soomaaliyeed sheeganayaa ay maanta ku soo hoggaamiyaan dadkii, dalkii iyo diintiiba  cadow duullaan ku ah, dad badan oo waxmagarato ahina ay arrinkaas ku taageersanyihiin oo ayba la qumantahay, qalbi madoobaad Qaaddir ha naga hayee!! 

Waxaan ku kalsoonahay in dadka Islaamka ah ee Soomaaliyeed ay sidii ay ku caanbaxeenba  cashar lama illoobaan ah siin doonaan cadowga isi soo miidaamiyay iyo inta gunta ah ee gumeysiga soo duudisay oo ku dambeyn doona jab iyo guuldarro aysan ka soo kabsan doonin Insha-Allaah. Allihii Abraha ciqaabay ee Alamtarana ku soo dajiyay awooddiisii isma dhimin ee ummadyahay ogaada oo Rabbi aamina, axmaqa yeelkiise. 

Waxaan kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah meel kasta oo ay joogaan gudaha iyo dibaddaba  in ay u midoobaan cadowgooda , isku kalsoonaadaan, Allaahoodana ku kalsoonaadaan. Hubaal, Meles wuxuu is mooday wax uusan ahayn, annagana wuxuu na mooday wax aanan ahayn. Taariikhda ayaase si fiican u caddeyn doonta waxa uu  Meles yahay iyo waxa ay Soomaaliyi tahay hadduu Rabbi idmo. 

Ninka la soo kireystay ee Meles iyo ehelkiisa oo ay Soomaalidu  horay abaal weyn ugu gashay ayaa maanta nasiibdarro abaalgudid daaye gooddiskiisa iyo gabgabtiisa dunidii laga joogi la’ yahay. Abaal-laawe Meles oo aan filayo inuu far-Soomaaliga aqriyo haddii uusan is yeelyeelenin ayaan hawada u marinayaa farriintan gabayga ah oo aan ugu caqli celinayo. 

Gabaygu wuxuu billaabanayaa: 

  1. Allaa mansab leh  makaan lagu nastiyo meelo darajeysan

  2. Kii soo miciinsada asaan midig u waayeynin

  3. Isagaa Malaa’igo dirsada  ciidan magag weyn leh

  4. Makhluuqiisa isagaan nahoo kownkan maamulaye

  5. Mu’miniin inaan nahay asaan mahadineynaaye

  6. Adna kii maroodiga watee Maka ku soo dulaay

  7. Ee yiri xajkaan soo masixi Mowle gurgiisa

  8. Abrahaad maskaxda liidatiyo magac wadaagtaane

  9. Miyirkaadi kibirkaa qarribay wuu ku muufeyne

  10. Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

  11.  

  12. Maan laawe danihiisa moog lagu muraadsanaye

  13. Maxas laaye  muudsade dhallaan mahad ma soo celiye

  14. Marin lagu hodaayiyo jid baas  mugdi ku guureeye

  15. Marax  liita inkastood tahoon murti laguu quurin

  16. Oo ay mamnuuc tahay inaan nacas u maansoodo

  17. Mujrim qooqay inad tahay ayaan dhaar ku marayaaye

  18. Anigoon mashquul kaaga dhigin mas’alo qaangaar ah

  19. Miinleyda suugaan ayaan kuu malgacadeyne

  20. Iyadoon basaas kuu macnayn miinka waad garanne

  21. Waa taan madraso kuu dirniyo macallin waagiiye

  22. Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

  23.  

  24. Mukhtaarkii Gumeysiga niciyo Mahdigii Suudaanta

  25. Mandeelliyo Nakruumiyo raggii muujay cududdeenna

  26. Mintidkii Lamuumbaan tabniyo wiil madaale ahe

  27. Maxamuud sidiisii hadduu geesi maamulayo

  28. Mowlaheenna uu garabgaloo marinsan qaadsiiyo

  29. Mar horey Afriikada madow caadka mari layde

  30. Maanka iyo lama quursadeen midabka kooda ahe

  31. Maashaa Alley noqon lahayd meel ammaan badane

  32. Mug shidaal leh oo keydsan iyo macdano nooc nooc ah

  33. Wabiyaal iyadoo ay  maraan badu mallaay buuxo

  34. Macaluul dhasheedoo u la’an misir ma tuugteene

  35. Mucaawino ayay fidin lahayd  mood intuu haraye

  36. Maafiyo kuwey soo dirtiyo dulli macaanjecel ah

  37. Maqaarsaaryo waxa noogu wacan aad midkood tahaye

  38. Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye

  39.  

  40. Waa meerto dunidani niyahow maalin iyo leyle

  41. Mannixihii dergigu maalintuu miigga soo kiciyay

  42. Muddulkiinnu maalintuu dumee taangi la marsiiyay

  43. Maalintuu xasuuqaye Tigrey meydku tiro beelay

  44. Maalinteey musiibadu dhacdeey qaxe malaayiintu

  45. Maalintu dhul midabdoorsamee dhiiggu mulucleeyay

  46. Midig iyo markaad bidix daydeed meel kastaba eegtay

  47. Mushriggaad sugeysiyo markuu Mulxidba kuu deyrshay

  48. Masiixigad walaalow lahayd kuguba maadeysatay

  49. Adigoo madluunoo bukoo  maanka jugi gaartay

  50. Oo  ciil madoobaadayoo murugo ooynaaya

  51. Deris lagama maarmee halkaad mudatay waad garanne!!! ( MUQDISHO)

  52. Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

  53.  

  54. Munkar ku hadli maayoo adaa ii marqaati ahe

  55. Maganteyda goortaad gasheed muusannaabaysay

  56. Marwooyinka dayacan iyo markaad muluqyo ii keentay

  57. Mas’uuliyadda waanigii gutoo maatidow naxaye

  58. Masaakiin canshuur laga guroo  meel u qoondaysan

  59. Marashiyo  waa taan kaaga jaray bilo masruufkoode

  60. Waa taan makaan aad degtiyo maalba kuu qoraye

  61. Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

  62.  

  63. Maahsane haddii aadan ahayn qalbigu maareystay

  64. Makhaayaddii Taleex  Matabcadow meelahaad jiiftay

  65. Martisoorki Soomaaliyeed waa mid aad garanne

  66. Mafafaayga muuskii  Jubbiyo khudrad la miisaamo

  67. Muufada adiga oo daldali maraqu hoos yaallo

  68. Macaanaada adigoo hayoon murudna reebeynin

  69. Intaad indhaha mirig siisayeed margatay baa badane

  70. Maamuuskii gobonnimo sidaan macangag kuu sooray

  71. Iyo sidaad nacayb iigu miri  waaba kala maane

  72. Mannasheegadkaan diiddanniyo marti ka sheekeyne

  73. Milyan gabayna waan marin lahayn milgo la’aantaaye

  74. Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

  75.  

  76. Waa maacaleesh ruux hadduu yara marqaamaaye

  77. Xamar waa magaalee haddaad jaman mushaaxeeda

  78. Meelahaad ku nooleyd haddey muhatay laabtaadu

  79. Mar kaleeto inaad noo timaad ma aha ceebaale

  80. Macariifo adigoo yaqaan Muuse iyo Faarax

  81. Magan Alla adoo dhihi karoon manfac  laguu waayin

  82. Maquuniyo haddii aad is tiri khasab ku maareyso

  83. Alleylehe inaad mujrim tahaa marag ma doonta ahe

  84. Miyir inaad qabtoo aad dhantahay minidkan aan joogno

  85. Iyo inaad majnuun tahay ayuu muran ka joogaaye

  86. Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

  87.  

  88. Dabinnadaad maleegeyso iyo  meeshad xaal geysay

  89. Makrigaagu waa waxan la maqal dunina soo marine

  90. Ma gudbiyo saqiir miijiyiyo mici ku dhiigloo dhan

  91. Marduuf qaada kuwo lagu masliyo  odayo mooryaana

  92. Qamri miiste balwadaha ku mamay oo macsida quuta

  93. Maqaraaruf  aan tacab aqoon meheredlaawoo dhan

  94. Xabsiyada intii mudan lahayd mooro lagu owdo

  95. Haddaad maamulkood nala rabtiyo inan musiibowno

  96. Alleylehe inaad mujrim tahaa marag ma doonta ahe

  97. Miyir inad qabtoo aad dhantahay minidkan aan joogno

  98. Iyo inaad majnuun tahay ayuu muran ka joogaaye

  99. Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

  100.  

  101. Meel ka dhacyo waa lagu yaqaan ruux is mahadshaaye

  102. Haddaad Malik is moodeyso iyo boqor la maamuuso

  103. Ooy qaar ku maaweeliyaan kaa muraadsanaya

  104. Mudanowda  beenta ah haddaad uba maqsuudeyso

  105. Dhabtu waa miskiin inaad tahey marinhabowsheene

  106. Sida macallinkaadii anoo casharro kuu meerin

  107. Oo aan mushaar kaaga rabin fahamka maahmaahda

  108. Anigaa runtii kuu macneyn qaar maldahayeene

  109. Misaal iyo tusaalaan ku siin kuu muraayad ahe

  110. Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

  111.  

  112. Mowle nimuu dulleynaayo yaan maaro loo heline

  113. Malaayiin iyagoo hantoo maal adduun haysta

  114. xilal aysan mudan  iyo iyagoo  mansabyo  loo dhiibay

  115. kuwa madaxda lagu sheegayaa aysan uba muuqan

  116. Oo raba malyuun inay dilaan maalmo gudahooda

  117. Kuwa malafsan gurigaada oo miririfleynaaya

  118. Een mucjisee kaa faaruqayn kuguna meeraysta

  119. Oo inaadba soo mayratiyo musqushi kuu diiddan

  120. Minyarooyin siday kuu yihiin minanka kuu jooga

  121. Kuwa ay marwada kuu dhaxdaa kaba masayrayso

  122. Oo meel xishoodkii dhigtayee tuuray maradiisi

  123. Duuflaaladaa miyirka laad tahay misaalkoode 

  124. Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

  125.  

  126. Mujrim ruux kastoo soo ahaa maxas wuxuu laayo

  127. Maalin buu nabsiga meerayaa madaxa soo qabanne

  128. Miruhuu abuurtuu qofiba muudsan doonaaye

  129. Middiduu afeeyaa ka jari marin halbowla ahe

  130. Doqonkii Manrovia xukmay mala’ awaalkiisii

  131. Meydkii uu googoyn jiriyo mashaqaduu suubshay

  132. Matantahoo lagaa jeexay oy muuqan dabadaadu

  133. Maqas baa jirkaa taaban iyo mindiyo soofeysan

  134. In maqaarka laga siibi karo Doo ma filanayne     (Samuel Doe)

  135. Mudankiisi yuu helay haddaan been la marinayne

  136. Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

  137.  

  138. Mobuutihi Sa’iir yeeshayee looga kala maagay (Mobutu Sese Seko)

  139. Waxuu marras u xoogsheegto oo macashu laalaaddo

  140. Wuxu midab shabeel soo xirtoo  Miririqleeyaaba

  141. Wuxu dheeman miistoo agoon mooraduugaaba

  142. Maalkii dadweyanaha wuxuu meelo geystaaba

  143. Xukunkii muddada dheer ahaa seken ma moodayne

  144. Na mood iyo markuu shacabku yiri macasalaamoo tag

  145. Isagoo miskiin yaabbanoo oo mergiga taagaayaa

  146. Oo Marsheediskii lagala haray uu Milyaard siistay

  147. Oo matoobo hantidiisu tahay uu ku mudan ciidda

  148. Oo marad la luudaaya bey maalin qixiyeene

  149. Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

  150.  

  151. Mengistihii galbaday waad ogtahay meeshi uu maraye (Mengistu Haile Mariam)

  152. Maangaab wixii uu xushiyo Qalbi-malaasoo dhan

  153. Maarrey sideedii wuxuu danyarta mooreeyo

  154. Waxa uu midkoodii mintida marag ku taagaaba

  155. Maslaxadda wuxuu diido oo muruq ku faanaaba

  156. Mu’aamarad wixii uu ku dilo niman maqaawiira

  157. Musuqmaasuq waxuu doorbidoo xaqa musmaaraaba

  158. Magaranya hoosteeda iyo xaafaddii Makonon

  159. Madaxtooyadiisii markii la isku meegaaray

  160. Mulacyada sidoodii asoo muska ku hoos dhuuman

  161. Haddii aan Mareykanku baxsheen magli ma seegeene

  162. Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

  163.  

  164. Mufsidniintaa Maalik caasiyoo meyti iyo nool leh

  165. Oo mayaci uu ugu darsamay mingis habaarqabe ah

  166. Ayaad lagu misaalyow aduna marinkood haysaaye

  167. Dadkaad marisay ehelkoodi baa  mitirro kuu jiraye

  168. Mar uunbay magaalada Addis mashxaradaysaaye (Addis Abeba)

  169. Makele-na mar baad orod ku mari mugdi habeenkiiye ( Caasimadda Tigray)

  170. Mujrimkii mar baa lagugu oran laayay maatidiye

  171. In milicda lagugu jiidayuu sheegay malaheeye

  172. Haddii aadan meyd noqonninoon malag ku soo doonan

  173. Oo aan madfaca duula iyo miino kula haadin

  174. Mindhinaw inaad jeel ka dhihi adoo maxaabiis ah

  175. Oo ay Maxkamad kuu dambeyn waa mid aan hubaye

  176. Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

  177.  

  178. Waxba yaan murtidu ila durkine waxaan ku soo meershay

  179. Muxibbiyo qaddarintaan mudnaa inaad i maamuusto

  180. Abaal magid anoon kaa sugayn oo isaga maarmay

  181. Inaad miyir lahaataan jeclaa ood macquul tahaye

  182. Mandaqaddan holceysaan lahaa miis ku nabadeeye

  183. Maqrib goortaan kuu diray haddaad mashriq u heeseyso

  184. Adeegana maqsuud aad ku tahoy kula macaanaatay

  185. Ood muhallig la kireysto iyo noqotay maal raadis

  186. Maalmaa laguu tirinayaa maanta dabadeede

  187. Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

  188.  

  189. Miif miifta duqsigii badshee meel san dagi waaya

  190. Mar uun buu madaarkiisu noqon maraq karaayaaye

  191. Adna dabin rag miiqaa Masyahow mijaha kuu surane

  192. Haddaad taada moogtoo nin kale tiisa kuu meersho

  193. Ood  Mowlahoon caabbudniyo Maxamed (SCW) oon raacnay

  194. Muslinnimadii aad nagu nacdoo naguba maagayso

  195. Muqdishaba haddaad karahdayuu ku dhibi muuqeedu

  196. Masaajidka haddaad necebtihiyo Mu’adin sowdkiisa

  197. Hadduu  mala-awaalkaadu  yahay mariba Soomaali

  198. Marsadii Jabuutiyo Berbera Mudug intaad dhaafto

  199. Marka iyo Kismaanyiyo  illaa xeebka Mombaasa

  200. Soo meher xalaalee hadduu tabayo maankaadu

  201. Malahaagu waa riyo haddaad talo maqleysaaye

  202. Nin mariid dalbaday baad tahoo malag hodaayaaye

  203. Is-miidaamin haddii aad rabtiyo inaad is-miineyso

  204. Dad Mujaahidiinaan nahoon mowdka ka cabsoonne

  205. Inaan guul mataankeeda nahay waabad moogtahaye

  206. Isi soo maqiiq waa waxaan kala macaashanaaye.

  207.  

  208. Miimiida is-madluumintiyo munkar la caadeysto

  209. Waa idiin mashruuc muranka iyo deris la maagaaye

  210. Miciinsiga shisheeyuhuna  waa meheraddiinniiye

  211. Sidii aabbahaa Minilik iyo Xeyle maanlaawe

  212. Marmarsiinyo beeniyo adoon masabbid joogteynin

  213. Adoon Moosko iyo Waashiton beenta kula meerin

  214. Yaa Mucatab xiraneey adoon duni la  meereysan

  215. Madanaa dab kulul kuugu jira maashka daaweyne

  216. Markaan guluf mahiigaan ah iyo maayad soo kicinno

  217. Oo aan xaqii naga maqnaa  muruq ku soo doonno

  218. Markaan maanyo kugu soo rogniyo mool ku liqi doona

  219. Adigoo macaaclow hirqaday  milix markaad laacdo

  220. Waa waxan hubaa inad matagi qaanta noo maqane

  221. Is-miidaamin haddii aad rabtiyo inaad is-miineyso

  222. Dad mujaahidiinaan nahoon mowdka ka cabsoonne

  223. Inaan guul mataankeeda nahay waabad moogtahaye

  224. Isi soo maqiiq waa waxaan kala macaashnaaye! 

  225. Isi soo maqiiq waa waxaan kala macaashnaaye

  226. Isi soo maqiiq waa waxaan kala macaashnaaye

  227. Isi soo maqiiq waa waxaan kala macaashnaaye

       ********  DHAMAAD *************

-----------------------------------------


[:: XABSIGA THAILAND oo lagu ilaawey saddex ka tirsan askarta daraawiishta DGPL:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 ]


Alle-garabsi, Guul iyo Gobonnimo

 

Inj. Maxamed Cali Cibaar
Delft Holland
mohamed_ebar@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 24, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD