Arooskii Muqdisho
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Muqdisho 1984

Xamar 80-tanaadkii: isha Sawirada: swan.ac.uk
|
Waxay ahayd duhur dabadeed, markii laga soo
baxay Salaaddii Jimcaha ayaa Gawaarida yar yar kuwooda ugu bilicsan oo
gaaraya ilaa iyo 300 ku dhawaad waxay socod nabeed ka bilaabeen Hotel Peace
ee magaalada Muqdisho, waxayna qaadeen wadadad warshadaha ee dhacda Duleedka
Magaalada Muqdisho, waxaan marnay Isgoyskii Ex. Control oo aysan cidna
joogin, dadkii Gaariga aan wada saarneyn ayaa waxay la dhaceen ammaankii
halkaasi ka jiray Allana u xamdi naqay, waxaan afka saarnay wadadii Xoosh,
kaddibna waxaa la leexanay wadadii dheeraad ee Madiina, waxaa hareeraha
wadada taagnaa dadweyne aad u fara badnaa oo qaarkood Allaahu Akbar ku
hayeen, Haweenku ay mashxaradayeen.
Markii aan gaarnay bartamaha Degmada Madiina
ayaa Gawaaridii hakatay, gabar Dhallinyaro ah ayaa inta ay ii soo dhawaatay
igu tiri “Alla gabadha la aroosayo Nasiib badanaa, ma waxaanoo Baabruur ah
ayaa lagu galbinayaa”, anigoo ka jaahil bixinaya ayaa waxaa ku iri
“Arooskani waa mid ka duwan kuwii hore, waana Muqdisho oo maanta Nabadeedii
la aqalgeynayo”, inta dhoola cadeysay ayay markiiba mashxaraday af labadiina
yeertay, iyadoo u ifineysa gabar la socotay, xaaladda dhabta ah ee ka
dambeysa gawaaridaan tirida badan ee wada socota, waxayna ku tiri “Naa, waa
Muqdisho oo nabaddii ay la dadab galeyso”, halkii ayaan socdaalkii ka
ambaqaadnay, waxaana ula leexahay xagaa iyo Garoonka Diyaaradaha wadadda
gaasha ayaa nin odey nagu yiri isagoo kor u qaaday codkiisa “Baydhabo ayaa
idin sugeysa”.
Dadweynaha marba marka ka dambeysa wadada
hareeraheeda ayay soo buuxinayeen iyagoo ku faraxsan isku furnaanta guud
ahaan magaalada Muqdisho, markii aan gaarnay wadada Km4 ayaan waxaan u
dhaqaaqnay dhinaca iyo wadadii Maka Al-Mukarama oo ka mid ahayd wadooyinkii
xirnaa 16-kii sano ee ay dagaalada sokeeye socdeen, waxayna indhaheygu
qabteen Hotel Maka Al-Mukarama oo uu ka muuqday burbur aad u xoogan, dadka
aan wada soconay oo dhallinyaro u badnaa ayaan waxaa mar kasta u sheegayay
hadba meesha aan mareyno iyo goobaha Taariikhiga ah, mar haddii uusan
waqtigu u saamixin in ay soo gaaraan waayihiin qurxoonaa, ama xiliyadii
nabdeed ee la soo maray.
Waxaan ag marnay Daartii Dabka oo ay iyana ay
ka muuqatay burbur aad u xoogan, waan ka sii gudubnay, gaarigii aan la
socday ayaa waxaa ku iri markaan mareyno Hotel Weheliye “ii yara celi”, is
aan u milicsado wada gasha gurigii aan ku Dhashay, kuna Barbaaray, waxna ku
bartay oo halkaasi ku yaalay oo aanan indho ka qaadin 16-sano, ilin ayaa I
soo dhaafay, uur ku taalo iyo xasuus, waayo iyo waqti la soo maray, intaasi
waa kuwa gundhiga u noqday in illini i soo dhaafto, dadkii isla socday ayaa
weydiiyay waxa i qabsaday, waxaa ku iri “Waayihii hore, tii dhexe iyo midda
maanta taagan ayaa waxa ay yihiin isku darkoodu kuwo cabsi leh oo lama
ilaawaan ah”, halkii baan ka sii huleelnay, waxay markiiba indhaheygu
qabteen Taaladdii Sayidka iyo Gurigii Ummadda, wallow Siyidku qaawanaa, oo
sanadkii 1991-kii Dadbley Taangi ku hubeysnaa kala soo degeen Faraskii
Sayidka oo maar ahaa, waxaana loo iib geeyay Dibadda, waxaase dushiisa
saarnaa dad dhallinyaro ah u badnaa oo daawanayay gawaarida fara badan ee
daadihinayay nabadda, waxaan la leexanay dhinacaa iyo Dugsigii Maxamuud Mire
ee xagga dambe ee Masjidka Isbahaysiga Islaamka, waxaan dul marnay Buundadii
koowaad ee Wadadii Afisyooni, waxaana la leexanay Dekedda, kaddibna waxaan
dhex marnay degmada Xamar-Weyne si weyn naloogu soo dhaweeyay.
“Alla Hotel Al-Curuba ma sidaan baa u
dambeysay?!!” Anigoo markaasi kula kaftamayay uguna dan lahaa nin
dhallinyaro ah, markaasuu la soo booday “intii aan noolaa Curubo sidaan bay
ahayd”, waan qoslay waxaan ogaaday inuu ku indho qaaday Curubo oo burbur ah.
Gawaaridii waxay la leexdeen Bangigii
Ganacsiga waxaana meeshaasi ku marnay khadkii Cagaarnaa oo ay dhawaan
burburiyeen Maxaakiimta Islaamiga ah, waan sii dhaqaajinay waxaan hor marnay
Wasaaraddii hore ee LLPP, ayaa wiil yar oo ila socday waxa uu yiri “maxay
tahay macnaheedu LLPP”, waxaan ku iri “waxaan la oran jiray Naadi Isboorti
oo si weyn looga yaqiinay wadanka Soomaaliya, waxaana farta ugu fiiqay in
daartaas dhowr dabaq ka kooban oo hadda dagaaladii sokeeye baabi’iyee ay
ahayd wasaaraddii Howlaha Guud iyo Guriyeynta”, markiiba waxaan ka dhacnay
Kaaraan, waxaan soo hor marnay, Jubba ilaa markii dambe aan ka dusnay
Boondheere, waxaana ka soo Siinaay, waxaana dib ugu soo laabnay Hotel Peace,
waxaa igu soo dhacday maanso ay qaadi jirtay Saafi Ducaale oo ahayd.
Macaariif is jeceliyo, Ma huraan walaalo
ah.
Hadday mudo kala maqnaadaan,
Qalbigoodu waa isku soo muuqdaayoo,
Waa isu soo macaadaa.

Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail:
amiinkhasaaro@hotmial.com