Mahad oo dhan Ilaah baa
iska leh, Nabadgelyo iyo Naxariisna Nabi Maxamed korkiisa ha ahaato.
Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon.
|
Waxii maqan Ilaah baa og, waxii muuqda iyo
malo’awaal baase saadaasha lagu dhisaa. Waxaase marag-maddoonto ah in
dalkeennu galay marxalad cusub oo u baahan in indheergaradka iyo
aqoonyahanka oo dhami si deggen uga faalloodaan, odorosaan, ugana
qaybqaataan. Waa marxalad cusub oo hadba sidii loo foodsaaro, loola falgalo,
loogana fiirsado saameyn weyn ugu yeelan doonta mustaqbalka iyo jiritaanka
jiilasha soo socda. Waxaa nasiib darro ah in isbedel kasta oo ka dhaca meel
ka mid ah dalka Soomaaliya uu ku gaar noqdo meeshaas! Isbedelkaasi ha
ahaado mid wanaagsan ama mid dhibaato xambaarsan sida dhibaatooyinkii
abaaraha, badgeriirka (Tsunami) ama kuwa nabad iyo nolol doonka ah ee ka
kufaa-kacaya afarta gees ee dalka. Waxaa nasiib darradaas loo aanaynayaa
kalsooni darro Soomaalida dhexdeeda lagu abuuray iyo qoqob qabyaalad ku
dhisan oo la kala dhexdhigay!!
Nasiib darrada gaartay ee dhalisay in waxii
Dhuusamareeb ka dhacaya (dhib iyo dheef) aan Xingalool dheg jalaq looga siin,
Xaafuun cid iska weydiin. Haddii Ceel-afweyn cirku ku soo dumo aan
Caabudwaaq laba Cali iska wareysan. Haddii Lughayo, Lowyacaddo ama Saylac cid aan la aqoon
cawo madow mirto oo cagta mariso Caliyaalo iyo Afmadow cidiba ka damqan ama
kaba warqabin, waxaa u sabab ah laba cudur oo waa weyn oo sida looga dawoobo
u baahan tahay dhaqan rogan Soomaalida ku dhaca iyo aragti dheer oo lala
yimaado. Labadaas cudur waa: 1. Sadbursi, caddaalad-darro iyo cudud-sheegad,
ku salaysan qabyaalad Soomaalida dhexdeeda ah. 2. Cudurka labaadna waa gacan
shisheeye iyo cadow dagaal kula jira, ummad dhexdeeda isku mashquulsan.
Ummad xaalkeedu sidaas yahay oo 30 sano dagaal
sokeeye ku jirtay, oo hadba qoladii itaal roon ay qolada kale hagardaamo
iyo hadimo la daba joogtay ayaa waxaa caasimaddeedii isku haystay oo ku kala
itaal roonaan waayey kuna heshiin waayey 10 dagaal-ooge oo salka qabiil iyo
qabyaalad kula jiray muddo 15 sano kor u dhaafeysa. Xaqii la awdaa fiiruhuu
ka dillaacaaye, dagaal-ooge oo awalba khadyaan laga taagnaa ayaa haddana
isku bahaystay oo isugu yeertay in ay caasimadda iyo intii ay gaari karaanba
diinta iyo dadka diintu ka muuqato kala dagaallamaan, waxaase Ilaahay ku
salladay oo salkacshay shacab gadooday oo culumo horjooge u tahay. Waxaa
Mudisho ka dhashay waxa hadda looga yaqaan dunida “Maxkamadaha Islaamka”.
Waxaa haddaba isweydiin mudan: Maxkamadaha Islaamku maxay yihiin? Halkee noo
wadaan? Maxaase ka dhalan kara dhib iyo dheef?. Maqaalkani waa saadaal iyo
malo’awaal ku saabsan su’aalaha sare ku qoran.
Maxkamadaha
Islaamku waxay ka dhasheen baahi ku saabsanayd nabadgelyo xumo ka jirtay
caasimadda Xamar. Markii degmo walba oo Xamar ka mid ah dagaal ooge soohdin
ku ootay madaafiicna la dul yuurursaday. Markii jidwalba oo caasimadda
dhexdeeda ah ama daafaheeda ah burcad hubeysani jidgooyo dhigatay ee wax soo
gala ama sii gala looga dhaartay haddii aan baad iyo bahdalo looga raalli
noqon, taas oo sharci Islaam iyo mid kale toona waafaqsanayn. Maxkamaduhu
waxay ka dhasheen kuna dhisanyihiin abaabul iyo gacan ay ka helaan beesha
maxkamad kasta dhisatay si ay nabagelyadeeda iyo jiritaankeeda ugu ilaashato.
Iyadoo xaalku sidaas yahay ayaa waxaa isbahaystay dagaal oogayaashii awalba
dartood maxkamaduhu u samaysmeen ee nabagelyo iyo nolol uga dhaartay
dadweynihii Xamar deggenaa. Waxaa soomaalidu ku maahmaahdaa “Islaantii indha
la’aan ma ku ogeyd dadcunnimo ayey ku darsatay”, sidaas ayaa xaalkii
dagaal-oogayaashu noqday markay af-labadi ay ku yiraahdeen waxaan Xamar ka
sifayneynaa argagixiso ay ula jeedeen dadka diinta ku dhaqma ama ka ag-dhow.
Falkasta
falcelis baa ka dhashee, go’aankii dagaal oogayaashu wuxuu dhalay in
maxkamadihii beeluhu u midoobaan in inta aan daadku qaadin ay difaac galaan,
waxaase dhacday in iyagii qolodii La dagaalanka Argagixisada daadka
qaadsiiyaan, taas oo xaalad cusub iyo jawi cusub oo siyaasadeed ka abuurtay
Xamar. Xaaladdaan cusub ee Xamar ka dhalatay oo wejiyo badan leh,
ujeeddooyin kala duwanna huwan, saameyn culusna ku yeelanaysa guud ahaan
dalka, waxaa majaraha u haya ama saameyn ku leh xoogag kala duwan, kalana
ujeeddo duwan.
-
Xoogagga Culumada ee uu saciimka u yahay
Sh. Xasan Daahir Uweys rabitaankoodu, jiritaankoodu iyo dadaalkoodu
wuxuu ku saleysan yahay kuna xiran yahay, dalka oo Shareecada Islaamka
lagu hago oo lagu dhaqo. Haddii taas la waayo waxay ka xigaan dagaal aan
iyaga iyo cidkale midna dhammaadkiisa saadaalin karin, sannado badan oo
kalena socon doona, Soomaaliyana khatar iyo khayr ladaba u soo jiidi
kara.
-
Xoogagga dhulballaarsiga ku dhisan ee
maxkamadaha xiriirka dhow la leh, ee Maamulka Shabeelada Hoose iyo
Dooxada Jubba garwadeenka ka yihiin, waa khatarta ugu weyn ee midowga
maxkamadaha, haddaan siyaasad iyo go’aan adag oo laysla ogyahay
maxkamaduhu kula dhaqmin. Waa cadow iyo saaxiib, waa ceeb iyo cudud
maxkamaduhu dan bideen. Kooxdaani in maxkamaduhu fashilmaan danweyn baa
ugu jirta, haddii ay guuleystaanna danweyn baa ugu jirta, waa mindi laba
afla ah, dhan kastoo ay wax u goysana waa dantooda.
-
Xoogagga Beelaha, waa siyaasad ku lifaaqan
maxkamadaha maaddaama maxkamaduhu markii horaba ka dhasheen gacanna ka
helayeen beelaha samaystay. Beelihii markii hore maxkamadaha u sameystay
in nabadgelyadooda ay ku ilaashadaan, waxay hadda maxkamado hor leh iyo
kuwii horaba u isticmaalayaan ujeeddooyin siyaasadeed, si beel walba
qaybta ay is leedahay siyaasadda dalka ayaad ku leedahay maxkamadaha uga
dhex hesho. Fikarka noocaan ah iyo koboca maxkamadaha ee ku inaanaya
qaabkaan waa dhib iyo wanaag is-huwan. Wuxuu keeni karaa fashil soo deg
dega oo maxkamadaha ku yimaada, wuxuu kaloo keeni karaa in qabaa’ilkoo
dhan maxkamadaha hoos yimaadaan sidaasna maxkamaduhu maamulkii
caasimadda oo dhan gacanta ugu dhigaan.
-
Xoogag maxkamadaha ku khilaafsan xagga
fikarka sida urururada bulshada iyo dariiqooyinka xadreeya, oo labaduba
u arka in ay kaalin wax ku ool ah ka heleynin maamulka maxkamadaha gaar
ahaan dariiqooyinka oo baqdin weyn ka qaba in hab-dhaqankoodii xereysiga
cadaadis kala kulmo culumada ka fikirka duwan ee maxkamadaha majaraha u
haya. Culeyska labadaan qolo maxkamadaha u keeni karaan ma aha mid aad u
sii buuran, haddii aysan kaalmo ka helin ama ka faa’iideysan dhaawaca ay
geystaan xoogagga kor ku xusan ee kale.
Intaas haddii
aan ku soo koobno xoogagga gudaha ee maxkamadaha fashilkooda ama guushooda
ka qayb qaadan kara, waxaa kaloo jira xoogag kale oo saameyn weyn ku leh
hannaanka iyo habsami u socodka abaabulka maxkamadaha iyo saldhigadkooda
intaba. Xoogaggaan waxaa ka mid ah:
-
Xukuumadda ku meelgaarka ah ee fadhigeedu
yahay magaalada Baydhabo. Xukuumaddaan oo iyada laftigeedu ujeeddo badan
ah, oo saddexda gole ee ugu sareysa madaxdoodu midba ajande gaar ah wato,
haddana waxaa jiritaankeeda saldhig u ah in maxkamaduhu aysan Xamar soo
dhaafin, xukunna u hanqaltaagin. Haddii labadaas shardi la helo
xukuumadda ku meelgaarka ah, cadaadis kasta oo saaxibadeed uga yimaada
waa ku qasbanaaneysaa in ay maxkamadaha la fariisato. Natiijada ka soo
baxda wada xaajoodkooduse waxay ku xirantahay hadba sida qolada
kumeelgaarku u ogolaadaan in dastuurka ku meelgaarka la isla eego, sida
uu u aqbalayo madaxda sare ee maxkamadaha iyo ujeeddooyinkooda fog.
-
Etoobiya iyo Eratareeya oo labaduba
siyaasadda gudaha ee Soomaaliya faraha kula jira, waxay isku deyi
doonaan in midkoodna maxkamadaha iyo jiritaankooda ka hortago kan kalana
taakuleeyo, taas oo keeni karta in Soomaaliya isu beddesho gole dagaal
heer gobol ah ( Geeska Afrika) oo quwado aan soomaali ahayn isku
ceyrsadaan iyagoo soomaalida isticmaalaya.
-
Quwado shisheeye sida Mareykanka, Yurub,
Ururka Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo dhammaantood ujeeddooyin kala
duwan ka leh Soomaaliya ayaa lakala safan doona labada dhinac ee
Maxkamadaha iyo dawladda ku meelgaarka, inkastoo intooda badan ama
dhammaantood ka soo horjeedsan doonaan Midowga Maxkamadaha marka arintu
gacan ka hadal gaarto, si aan nidaam ku dhisan Shareecada Islaamka looga
hirgelin meel ka mid ah adduunka.
Soomaalidu
waxay tiraahdaa “Dhabaqdhabaq hore, dhabannahays danbe ayey leedahay” waa
oraah la oran karo waa natiijada ka soo baxday dhammaan dagaalladii ka
socday Soomaaliya dhowr iyo soddonkii sano ee ugu danbeeyey. Haddiise
dhaqdhaqaaqa Midowga Maxkamaduhu rajo ka qabaan in ay ka duwanaadaan kana
waxtar fiicnaadaan hawgalladii ka horeeyey ee in badan dhiiggu ku daatay waa
in ay ka faa’iideystaan tijaabooyinkii ka horeeyey iyo xoogagga saameynta ku
leh ee ku xeeran. Guusha ay ka keenaan dhaqdhaqaaqaan cusub ee Xamar ka
bilowday waxaa saldhig u noqon kara kaalin weyna ka ciyaari kara dhowr
arrimood:
-
Sunta qabyaaladda iyo qabiilka sida
ay u xakameeyaan waa habka ugu horeeya ee ay ajandahooda uga gadi karaan
guud ahaan Soomaalida. Tani waa
boogta laga danqiyo Soomaalida ee aan weligeed buskoon. Hogaamiye kasta
iyo maamulkasta oo Soomaaliya laga sameeyaana iyaduu eersadaa. Haddaba
hawlgalka Maxakamaduhu waa inuu shacabka tusaa hoggaan cusub oo aan
horey loo aqoon iyo habdhaqan caddaalad ka muuqato si hadafka ay
higsanayaan ay u gaaraan. Habel iyo hebel kasta oo aan halganka
looga maarmi karin waa in aysan hoggaanka Maxkamadaha hareer socon ama
horboodin, balse waa inay meel aan cidi ogeyn arkina karin hawshooda ka
wataan, hadafka guudna aysan ka bixin ama hareer marin.
-
Ciidamada beelaha iyo
maxaakimta beelaha hadba sida ay isula jaanqaadaan, ugana badbaadaan
dibindaabyada beeshooda waa halbeegga labaad ee guusha ama guuldarada
Midowga Maxkamadaha.
-
Horumar deg deg ah oo ay
ka sameeyaan meelaha ay maamulkooda la wareegaan gaar ahaan caasimadda
waa halbeegga sadexaad ee Maxkamadaha lagula xisaabtami doono. Wax badan
oo aan tayo laheyna waxaa ka wanaagsan wax yar oo tayo iyo tilmaan
wanaagsan leh.
-
Siyaasadda ay Maxkamaduhu
kula dhaqmaan Dawladda Kumeelgaarka ah iyo dawladaha gobolka iyo
dunidaba waa halbeegga afraad ee muujin doona biseylkooda iyo fikarkooda
haggaamineed, waana meesha khatarta ugu culus uga soo foodleedahay dalka
iyo diintaba, haddii aysan Maxkamaduhu miyir iyo dulqaad muujin,
mabaadii aan isbedelinna sameysan kuna hawlgelin.
Guusha
Midowga Maxkamaduhu Xamar ka gaareen waa bilow wanaagsan. Waa soo celin
karaamadii iyo dadnimadii dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ummadda Xamar
deggen ee dagaal-oogayaashu xaaraanta ku haysteen dhowr iyo
tobanka sano. Waa tillaabo muujineysa in dadweynuhu heeryo kasta oo gumeysi
iska ridi karo haddii uu u midoobo maal iyo nafna u huro. Hawlgalka
Maxkamaduhu waa bilowgii horumar iyo sharaf ay Soomaaliya gaarto marka
caqabadaha ku xeyndaaban ee aan kor ku soo sheegnay ay ka gudbaan, ama waa
hayaan dheer oo dib loogu baadigoobi doono Soomaaliya iyo Soomaalida. Allow
sida san iyo khaatumada wanaagsan nawada haleelsii.
QORAALADII HORE EE NABADDOON
Cumar Cabdinuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
July 15, 2006
Dood-Cilmiyeed:
Isbedelka Cusub ee Soomaaliya
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo
raadka uu... Dhegeysi...
Wafdigii ka socday ururka Midowga Afrika,
jaamacadda Carabta, urur goboleedka IGAD
iyo Midowga Yurub oo Muqdisho si weyn loogu
soo dhoweeyay... Warbixin....