SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKII: July 3, 2006

  • Geeddi “Hadalka Usaama Bin Laadin waxa uu tilmaamayaa in soomaaliya joogaan

  • Dowladda Ereteriya oo uga digtay Itoobiya in ay faraha kala...

  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo maanta la filayo in soo gaaro

  • Shirkii Midowga Afrika oo si weyn loogu taageeray..

  • Ciidamada Itoobiya oo la sheegay in ay saldhigyo ka sameysteen

  • Midowga Maxaakiimta oo ka qaybgalay kulan ka dhacay wadanka

  • Aljazeera oo qabanaysa dood cilmiyeed looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya.


Geeddi “Hadalka Usaama Bin Laadin waxa uu Cadaynayaa in soomaaliya....

Geedi
Jawaabtii Geeddi ee hadalkii Bin Ladin Halkan ka dhegeyso
Osama bin Laden in 1998 somewhere in Afghanistan.  (Associated Press)
Halkaan ka dhagayso Hadalkii Osama Bin Ladin uu kaga hadlay Soomaaliya....
Sawirka: TV Canada www.cbc.ca

Dhegeyso: Sheikh Shariif oo sheegay in lagu soo xad gudbey Soomaaliya, oo ay Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen Magaalada Baydhabo... Waxa kale oo uu sheegay in kacdoonka ka dhacay Muqdisho uu yahay kacdoon shacab....

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

Ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka kmg ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii Osama Bin Laden ee ku saabsanaa arrimaha Soomaaliya. Prof. Geedi ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Baydhabo waxa uu saxaafada ugu sheegay in Osama Bin Laden uusan mas’uul ka ahayn Soomaaliya.
Wuxuuna sheegay in Osama oo sheeganaya inuu yahay nin Muslim Caalami ah aan waxba ka jirin lana ogyahay ayuu yiri afkaartiisa xagjirka ah, sida uu ra’iisal wasaare geedi hadalka u dhigay.

Waxana uu ra’iisal wasaaruhu sheegay in Soomaalidu ay muslimiin ahaayeen iyadoo uusan jirin Osama, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri "Osama Bin Ladin inta aanu dhalan isaga, waalidiintiis iyo isirkiisii ayaa ummadda Soomaaliyeed Muslim ahayd", wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay leedahay hidde iyo dhaqan aan cidna soo faragelin karin.

Ugu dambayntii ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi wuxuu digniin u jeediyay Osama Bin Laden iyo cida la halmaasha inaysan isku dayin inay faraha la soo galaan arrimaha Soomaaliya. “waxaan leenahay, kuwaasi {Bin Laden iyo asxaabtiisa) ha ku ekaadeen dalalkoodii iyo ciidoodii, dowladda federaalka iyo shacabkeeda marnaba ma ogolaan doonaan in rabshado laga abuuro dalka Soomaaliya, ciddii isku daydana waxay ku dhufan doonaan ayuu yiri ‘Laad’”.
Ra'iisal wasaare Gedi wax su'aal ah lama weydiinin shirkiisaasi jaraa'id kadib.

Geeddi ayaa waxa uu sheegay in wada hadalkii ka dhacay Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ee dhex maray Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka uu ahaa mid horudhac u ah, in ay isu soo dhawaadaan, hase yeeshee raga siyaasadda si aad ah u odorosa ayaa waxay sheegeen in ay adagtahay in labada dhinac isu soo dhawaadaan, iyadoo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay si aad ah uga soo horjeedaan in dalka la keeno ciidamo shisheeye, halka Dowladda Federaalka ay aad u daneyneyso in ciidamo shisheeye la keeno dalka.

Dowladda Ereteriya oo uga digtay Itoobiya in ay faraha kala...

Dowladda Ereteriya oo ka mid ah wadamada ku jira urur gobaleedka IGAD ayaa u soo jeediysay in ay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay kala mid noqoto wadamada kale ee IGAD.

“Ilaa iyo haatan ma jiraan wadamo ka tirsan IGAD oo faragelin ku haya arrimaha Soomaaliya, lamana garaneyno sababaha Itoobiya ay maalin walba faragelinta ugu hayso Soomaaliya” ayuu yiri Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ereteriya oo sheegay in Itoobiya ay gebi ahaanba ku tumatay sharciyadii u yiilay, oo iyadu magangalyo siisay qabqablayaashii daaalka oo iyagu mudo 16 ano ah ku hayay dhibaato Soomaaliya.

Afhayeenku waxa uu u soo jeediyay wadamada IGADA in ay faraha kala baxaan, haddii kale waxa uu sheegay in arrintu noqoneyso in wadamo badan oo IGAD ay ku kor dagaalamaan dhulka Soomaaliya, sidii horey uga dhacday wadanka Kongo.

Ciidamada Itoobiya ayaa la xaqiijiyay in ay kas oo gudbeen xuduuda Soomaaliya, waxayna haatan ku jiraan ilaa iyo afar gobol oo ay ka mid yihiin Galguduud, Hiiraan, Gedo iyo Bakool oo la sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ahi ay dhibaato ku hayaan halkaasi, waxayna shacabka Soomaaliyeed ka codsdeen Beesha Caalamka in ay il gaar ah ku hayaan dhibaatada Itoobiya ay ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya oo la sheegay in ay saldhigyo ka sameysteen

Ciidamada Itoobiya oo shalay si rasmi ah uga soo gudbay xuduuda Soomaaliyeed, isla markaana soo galay qaybo ka mid ah Gobalka Gedo gaar ahaan Luuq iyo Buula Xaawo, hase yeeshee wararka halkaasi ka imaanaya waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay halkaasi saldhigo ka sameysteen iyagoo waliba bilaabay in halkaasi ay Teendhooyin ka mutaan.

Ciidamada Itoobiya iyo dadweynaha haatan ay soo dhex galeena ayaa waxaa ka dhex muuqda dareen xasaasi ah, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ay si gardaro ah ku soo galeen gudaha wadanka Itoobiya, waxaana haatan shacaka Soomaaliyeed ka soo yeeraya cambaareyn weyn oo loo jeedinayo xadgudubka Ciidamada Itoobiya ay ku sameeyaan qarannimada Soomaaliya, hase yeeshee afhayeen u hadlay Itoobiya waxa uu si kulul u beeniyay in Ciidamo Itoobiyaan ah ay ka soo gudbeen Xuduuda Soomaaliya.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo maanta la filayo in soo gaaro

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka qaybgalay shirkii Midowga Afrika ee xalay lagu soo geba-gabeeyay wadanka Gaambiya ayaa la filayaa in uu maanta dib ugu soo laabto magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah kula yeeshay wadanka Gaambiya madaxweynayaal fara badan oo ka tirsan qaaradda oo ay ka mid yihiin, Madaxweynaha Wadanka Gaambiya, Ra’isul Wasaaraha Wadanka Itoobiya, iyo Madax-weynaha wadanka Kenya, waxayna dhamaantood isla soo qaadeen arrimaha haatan ka taagan Soomaaliya.

Muhiimadda ugu weyn ee C/llaahi Yuusuf uga qaybgalay shirkaasi ayaa ahayd sidii uu wadamada Afrika uga codsan lahaa in ay Soomaaliya u soo diraan ciidamo gacan siiya Dowladda, hase yeeshee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxa uu ka helay shirkaasi taageero dhinaca afka ah oo keliya, ilaa iyo haddana ma jirto wadan si rasmi ah u ballanqaaday in uu Soomaaliya u soo dirayo Ciidamo nabad ilaalin ah.

Shirkii Midowga Afrika oo si weyn loogu taageeray..

Waxaa xalay wadanka Gaambiya lagu soo gebagabeeyay shirkii Midowga Afrika oo labo maalmood halkaasi ka socday kaasoo ay ka qaybgaleen ilaa iyo 53-dowlood oo ka kala socday qaarada Afrika, waxaana looga hadlayay arrimo fara badan oo ay ugu horeysay xaaladda Soomaaliya, Suudaan iyo Muranka u dhexeeya wadamada Itoobiya iyo Ereteriya. Shrikaan oo uu Soomaaliya uga qaybgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa wuxuu halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo uu uga waramayay arrimaha Soomaaliya, waxayna haladiisu ugu badbaanaayeen sidii Soomaaliya looga keeni lahaa ciidamo Dowladda kala shaqeeyay xagga amniga iyo xasiloonida, sidoo kale waxa uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka codsaday wadamada Midowga Afrika in ay gacan ka gaystaan sidii cunaqabateynta hubka uga qaadi lahaayeen Soomaaliya si ay fududaato in Soomaaliya ay soo galaan ciidamo nabad ilaalin ah, hase yeeshe waxaa lagu waramay in ururka Midowga Afrika uusan wax dhaqaale ah u hayn ciidamadaasi, basle ay u howlgali doonaan sidii ay beesha Caalamka uga codsan lahaayeen sidii dhaqaale loogu heli lahaa ciidamadaasi. Kulankaasi intii uu socday ayaa wadamadii ka qaybgalay waxay sheegeen in taageero hiil iyo hooba siin doonaan Dowladda Federaalka, ha noqoto dib u soo celinta kaabayaashii dhaqaalaha iyo waliba sidii loo uruurin lahaa ciidamadii xogga dalka Soomaaliyeed. Waxaa kaloo kulankaasi laga soo jeediyay in la sii wado wada hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah si Soomaaliya dib ugu hesho qarannimadeedii Dowladda Federaalka ahna ay u noqon lahayd mid ka miro dhalisa shirkii dib heshiisiinta ee Nayroobi.

Midowga Maxaakiimta oo ka qaybgalay kulan ka dhacay wadanka

Midowga Maxaakiimta islaamiga ah oo iyagu markii ugu horeysay heshiis horudhac ah la galay Dowladda Federaalka kaasoo ka dhacay Magaalada Khartuum ayaa Guddoomiyihii hogaaminayay kulankii Khartuum ee Golaha Maxaakiimta ayaa la sheegay in uu ka qaybgalay kulan oo kale oo ka dhacay Dalka Qatar caasimadiisa Dooxa, waxaana sidoo kale kulankaasi ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo aqoonyahano ka kala yimid Yurub, Marreykanka, Kanada iyo Carabta.

Dhinacyadii ka qaybgalay kulankaasi ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen is bedelka weyn ee ka dhacay dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo ay gacan ku haynteeda la wareegeen Maxaakiimta.

Midowga Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka ayaa laga codsaday in ay sii wadaan wada xaajoodka iyo wada hadalka lagu dhameynayo khilaafka labada dhinac, isla markaana ay ka miro dhaliyaan heshiiska 15-ka Bishan ka dhacay Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Aljazeera oo qabanaysa dood cilmiyeed looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya.

Canab Mumtaz | Kenya | canabmumtaz@yahoo.com

 
TopStoryXafiiska daraasaadka ee Tv- Aljazeera ayaa qabanaya isiinta (July 3) dood cilmiyeed looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ka taagan iyo sida xal iyo dib u heshiisiin buuxda lagu heli karo.
 
Maamulaha  Xafiiska daraasaadka Aljazeera oo Mustafa Sawaq maanta u Waramay TV-Aljazeera ayaa sheegay in doodaas  lagu falanqaynayo marxaladaha wadanka Soomaaliya uu soo maray iyo isbadalada cusub ee hadda ku soo kordhay kadib Maxaakiimta Islaamiga ah markii ay qabsadeen Caasimada  iyo sida dib u heshiisiin lagu samayn karo.
 
Doodan oo si toos ah looga daawan doono TVga Aljazeera qaybta tooska ah ayaa waxaa ka soo qaybgalaya Aqoonyahano reer galbeed iyo caraba iskugu jira,iyadoo sidoo kale doodaas lagu marti qaaday Madaxda Dowlada Soomaaliya ee KMG iyo Midowga Maxaakiimta islaamiga ah.
 
Wafdiga ka socda labada dhinac ee Soomaaliyeed oo hadda ku sugan Magaalada Dowxa ayaa ka qayb qaadan doona doodan loogu hadlayo Mustaqbalka siyaasadeed ee Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed iyo waliba sida lagu xalin karo oo dib u heshiisiin lagu gaari karo.
 
Dood cilmiyeedkan oo ah mid heer sare ah oo ay aqoonyahanadu si maskaxiyan ah uga doodi doonaan wadada ugu fudud ee Xalka Soomaaliyeed uu ku jiro ayaa lagu soo bandhigi doonaa waxyaabaha  caqabada ah ku ah shirarka Soomaaliyeed marka la qabto oo aysan badankood u mira marka la soo gabagabeeyo.

Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jul 3, 2006

»Taariikh Kooban Soomaaliya: 1960 - 2006

Midowga Maxaakiimta oo si rasmi ah ula wareegay Garoonkii diyaaaradaha Muqdisho
»Sheekh Shariif “Waxaan doneynaa in aanu la hadalno...
»Maanta oo la filayo in ay Baydhabo ay soo gaaraan ..
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo qabsaday Magaalada...
»Midowga maxaakiimta oo la filayo in ay la wareegaan..
»1-da Luulyo oo si aad ah looga xusay Soomaaliya...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jul 2

Hooyo Faadumo “Wiilkayga kama quusane, Qiil gargaar ma ii haray”

Axmedey Abshir Maxamed waa 8-jir dhibane ah, kana soo jeeda qoys sabool ah, xaaladooda dhaqaale Alle og yahay, sidaa oo ay tahay Axmed, sida Takhaatiirtu caddeeyeen maskaxdiisu waa mid u shaqeyneysa sidii dhallaan jira 6 bilood, iyadoo da’diisu tahay 8-jir.

Hooyo Faadumo Xuseen oo dhaqaalaheedu aad u liito ayay wiilkeeda gaysay goobo caafimaad si ay xal ugu hesho, nasiib daro, Dhakhaatiirta Dhimirka iyo Xidida waxay sheegeen in wiilkaan aan dalka waxba looga qaban kari, balse ay fududdahay xaaladdiisa caafimaad haddii dibadda loo qaado, sidaa darteed Hooyo Faadumo ayaa iyadoo tiiraanyeysan ka hadashay sida ay u badbaadsan lahayd wiilkeeda bukaanka ah, isla markaana uga heli lahayd gargaar Bini’aadannimo Ummadda Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Caalamiga ah, Hooyo Faadumo iyadoo wiilkeeda Gabanka ah dhabta ku haysa waxay tiri, ”waxaan ah ay cayr fara maran, Wiilkeygana uma awoodo in aan la tacaalo, sidaa darteed, dadka Soomaaliyeedow wax I tara in Illaah wax idin taro

Haddii aad u gargaareysid ka soo xiriir

Faadumo Xuseen Maxamed
Tel 2521-516057

ama kala soo xiriir
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com ama
amiinkhasaaro@yahoo.com
Tel 2521-532494
 

Minnesota: Xaflad Loogu Mahad Celinayey Dadkii ka Qayb-qaatay iibkii Dhismaha loo iibiyey Masjid Dar-al-Hijra oo lagu qabatay Minneapolis.......

(SomaliTalk.com: July 2, 2006): Galabnimadii Sabtida (july 1) waxaa magaalada Minneapolis lagu qabtay xaflad aad u ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Masjid Dar-al-hijra (Minneapolis), xafladdaas oo loogu talo galay in loogu mahad celiyo dhammaan dadkii ka qayb qaatay iibinta dhismihii loo iibiyey Masaajidka iyo la soo wareegida dhismahaas oo ku yaal xaafada Cedar ee ay Soomaalidu u badan yihiin.

Culimadii iyo waxgaradkii halkaas ka hadlay waxa ay dadweynihii soo buuxiyey xarunta shirarka ee dugsiga Sare ee South High School u sheegeen muhiimada ay leedahay in dhismahaasi ku soo wareegey masjidka si muslimiintu halkaas ugu cibaadaystaan, uuna ahaado dhisme dhaxal u ah Muslimiinta reer Minnesota. Waxana la xusay in dhismaha hadda masjidka ku soo wareegey in ilaa 1998 la kiraysnayey oo bishiiba qiyaastii ay Masjidka ku bixijirtey $4000. Laakiin Allah mahadiis hadda dhismahaasi waxaa masjidka loogu iibiyey $400,000. Arrintaas oo ay ka qayb qaateen Muslimiinta reer Minnesota. Sidaasna Xaflad mahad celin ah loogu sameeyey.


Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen.

Waxaa Soomaalidii halkaas isugu timid lagu guubaabiyey in ay carruurtooda baraan luqada Afka Soomaaliga, waayo luqadda Soomaaliga oo gabaabsi ku ah dhallaanka Soomaaliyeed ee qurbaha ku barbaaray. Waxaaba la xusay in haddii xaaladu sida ay hadda tahay ku socoto in muddo 50 sano gudohood ah uu suuli doono Afka Soomaaligu ama uu ku milmi doono luqado kale. Waxaa kale oo lagu guubaabiyey in ay wax bartaan, gaar ahaana carruurta ku dhiiri geliyaan in ay wax bartaan, kana faa'iidaystaan fursadaha ay haystaan.

Waxaa xafladda lagu soo bandhigay barnamij isugu jirey taariikhda masjidka, wacdi, duco iyo kedis dhex maray arday da'yar.

Sheikh C/Raxmaan Shariif, oo ah iimaamka Masjidka AlHijra, ayaa gabagabadii xafladda waxa uu dadkii ka soo qayb galay uga mahad celiyey imaatinka ay yimaadeen xafladda. kaddibna halkaas ayaa lagu cunay casho sharaf loogu tala galay dhammaan intii xaflada ka soo qayb gashay.( Warkii la soo wareegida dhismaha halkan ka akhri)


Dr. Max’ed Cali Ibraahim “U maleyn maayo in heshiiskaasi uu burburi doono..
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay qaybo Gobalka Gedo…
»Maxkamad Islaami ah oo la filayo in looga dhawaaqo...
»Sheekh Xasan Daahir “Ummaddii i dooratay ayaa...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji.... Jul 1

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD