SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

"Hadalkii Usaama Far baa Nooga Taagan!!"

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Geedi
Jawaabtii Geeddi ee hadalkii Bin Ladin Halkan ka dhegeyso
Osama bin Laden in 1998 somewhere in Afghanistan.  (Associated Press)
Halkaan ka dhagayso Hadalkii Osama Bin Ladin uu kaga hadlay Soomaaliya....
Sawirka: TV Canada www.cbc.ca

Dhegeyso: Sheikh Shariif oo sheegay in lagu soo xad gudbey Soomaaliya, oo ay Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen Magaalada Baydhabo... Waxa kale oo uu sheegay in kacdoonka ka dhacay Muqdisho uu yahay kacdoon shacab....

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

Faalladii Muqdisho & Maanta:::::

Usaama Bin Laadin waa ninka ugu caansan dunida marka la fiiriyo dhinaca Saxaafadda, lama inkiri karo in uu taageero fara badan ku leeyahay caalamka, gaar ahaan wadamada Islaamka, hase yeeshee markii uu ka hado qadiyado la xiriira wadamada Islaamka, sida Falastiin, Suudaan, Sucuudiga, Afgaanistaan, Bakistaan, iyo kuwo kale, markiiba wadamadaasi waa ay beeniyaan warkiisa, oo ay waxay si aad ah u weeraraan hadaladiisa, waxayna sheegaan in aysan wax xiriir ah la lahayn ninkaasi, mar uu soo qaatay qadiyadda Falastiin ayaa Abuu Maazil waxa uu hadalka Usaama ku tilmaamay mid aan khuseyn Falastiin.

Nin Reer Jili ah ayaa Makhaayad uu lahaa si aad ah u musalaftay oo wax soo gala ayuu waayay, maalin dambe ayuu fekeray oo makhaayadii waxa uu ka bedelay magicii oo u bixiyay “Restaurant Osoma Bin Ladin”, markiiba waxa uu helay macaamiil fara badan, makhaayadiina waxay noqotay mid meel la kala istaago la waayay, ciidamo ka tirsan Booliiska ayaa meeshii yimid oo weydiiyay ninkii Makhaayada sababta uu magacaan ugu bixiyay maqaayadiisa, waxa uuna yiri “Usaama waa nin caan ah, lehna taageerayal fara badan, marka sidaas ayana u doortay magacaasi”, Ciidankii Booliiska dib ayay uga laabteen, maadaama sharciga wadankaasi uu dhigayo in qof waliba magacii uu doono la bixi karo.

Usaama Bin Laadin maalintii shalay ahayd ayuu ka hadlay arrimaha Soomaaliya, waxa uuna ka hadlay is bedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo guusha ay gaareen Midowga Maxaakiimta, waxa uuna ka digay in Soomaaliya la keeno ciidamo, sidoo kale waxa uu C/llaahi Yuusuf ku tilmaamay nin dalka ku soo hogaaminaya caddowga Islaamka.

Hadalka ka soo yeeray shacabka Soomaaliyeed aad bay ugu kala qaybsameen, qaarkood ayaa  waxay qabaan in waqtigaan aysan ku habooneyn in Usaama u hadlo, waayo xaaladdu waa mid xasaasi ah, halka qayb kalana ay qabto, in hadalka Usaama uu keeni karo in cadhuufta ay dib u liqaan kuwa ka soo horjeeda Islaamka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Itoobiya. goobaha Fadhi ku dirirada si aad ah ayaa loo hadal hayay hadalkii Usaama, nin Odey ah ayaa yiri “Usaama waa uu la soo daahay hadalka oo waxay ahayd in uu mar hore ka hadlo Soomaaliya, uuna digniin u jeediyo Itoobiya, siiba Milse Zawani”.

Labo kale oo sheekeysanaysa ayaa midkood yiri “markii aan maqlay hadalka Usaama caloosha ayaa i xanuuntay oo adduunkii ayuu nagu soo jeediyay”, kii kale ayaa yiri “Fulay, yaad ka baqaneysaa Illaah baa kula jiree”, kii kale ayaase daba dhigay “War markaan oo kale madaxa lama soo taago ee waxaa madaxa la soo taagaa marka aad awood is bidid”, wuxuuna u daba dhigay sheeko u dhigneyd sidan:

Beri baa Dawaco inta hooskeeda aragtay oo ay is fiirisay ayay waxay tiri “oo sidaan ayaad u xoogan badan tahaye, maad boqorka habar dugaag (Libaax) iska dhicisid”, inta ay  orod is qaaday ayay waxay aragtay Libaax barqo Libaaxaya oo geed har qaboow jiifa, oo Gurada uga dhacday, Libaaxii ayaa inta iska qabtay ayuu ku yiri “Dayoow maxaa ku haleelay, sidee wax u jiraan?”, waxayse ugu jawaabtay “waxaan doonayaan in aan maanta iska kaa dhiciyo”, inta yaabay ayuu haddana dib iskaga riixay, mar kaleyse ku soo booday, waad garaneysaa Libaaxee, waa kaa xoogga badane, inta dawacadii qabtay ayuu isku jajabiyay, oo ku yiri “Dayoow dardaaran”, iyadoo naftu ka sii dhaceyso ayay tiri “Dhalanteedkeygii  baa dhimasho ii horseeday”, sidii ayuuna Libaax ku cunay, ee Walaalow Mareykan kuma dhacnee maa yara tartiibsanayo in aan ka tabaabusheysaneyo oo aan awood yeelaneyno Ilaah ayaa awood lehee.

Nin goob aan sidaa uga duruqsaneyn fadhiyay ayaa yiri “Hadalkii Usaama far baa iiga taagan” oo Soomaalidu waxay tiraahdaa “Haddii aad dhimaneyso dhereerka waa layska duwaa” ee Ninyahow aan Illaah talada saarano oo ma la socotid miyaa in aan haysano qoriga noociisu yahay 114 oo uusan Mareykanku haysan, kaasoo haddii aan si dhab ah u qaadano aan isku difaaci karno, kacdoonkeenuna ma ahan mid Agoon ah.

Isku soo wada duuboo, hadalka Usaama ayaa dad badani ka fiirinayaan in uu wax u dhimi karo Qunyar u socodnimada Maxaakiimta, iyadoo dadka qaarkii ay leeyihiin noogu kaadi Usaamow.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-mail: amiinkhasaaro@hotmial.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD