SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII Feb 19, 2006

  • Isbahaysi loogu Magacdarey La dagaalanka Argagixisada oo looga dhawaaqy Muqdisho ..

  • Shariif Xasan oo ku sii jeeda Magaalada Jowhar ee..

  • Xubnaha labada Gole ee Muqdisho oo maanta  u amababaxaya Baydhabo…

  • Cismaan Caato oo u soo jeediyay kooxaha ku Dagaalaamaya …

  • Baaqyo soo gaaraya kooxaha ku dagaalamaya Muqdisho

  • Dalladda SAFE oo ka war-bixisay sida ay u socdaan.

  • Wararkii ugu dambeeyay dagaal shaley ka bilowdey Muqdisho..


Isbahaysi loogu Magacdarey La dagaalanka Argagixisada oo looga dhawaaqy Muqdisho ..

Kulan shalay ay ku yeesheen deegaanka dayniile ee duleedka galbeed ee magaalada muqdisho rag isugu jira hogaamiye kooxeedyo iyo ganacsato ayaa looga dhawaaqay isbahaysi dagaal oo ay sheegeen inuu la dagaalamayo waxa ay ugu yeereen kooxaha xag jirka ee ajnabiga ku daaban.

::CODSI GARGAAR DEGDEG AH::
Calasey “Ninkaygii oo Kawaanle ahaa baa sidaan ii galay oo aan ku waayey labadeydii Gacmood” Guji...

Ragaan ku dhawaaqay ishahasiga oo ay ugu cad cad yihiin hogamiye kooxeedyada wasiirada ka noqday dowladda FKMG ah ayaa waxaa ka mid Muuse Suudi Yalaxow oo ah Wasiirka ganacsiga, Maxamed Qanyare Afrax oo ah Wasiirka Amniga, Bootaan Ciise Caalin oo ah Wasiirka hub ka dhigista maleeshi yooyinka, Cumar Maxamed Maxamuud (Cumaar Finish) oo ah Wasiirka awqaafta iyo arrimaha Diinta, Ganacsade Bashiir Raage Shiraar, C/rashiid Shire Ilqeyte, Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), Cabdi Shukri Cali Xirsi, Cabdi Ciise iyo rag kale ayaa shalay ku dhawaaqista ay ku dhawaaqeen isbahaysigaan waxay ku soo beegan tahay uu dagaal u dhexeeya kooxo maleeshiyo ah oo ka amar qaata Max’ed Qanyare Afrax iyo maleeshiyo taabacsan Maxkamadaha Islaamka.

Max’ed Qanyare, Muuse Suudi, Bootaan Ciise, Cumar Finish iyo Il-Qeyte oo kulanka Deyniile kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ujeedada loo aasaasay isbahaysigaan uu yahay siday ula dagaalami lahaayeen waxa ay ugu yeereen kooxaha xakjirka ah ee dhibaatada ka wada dalka gaar ahaan Magaaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in ay la gali doonaan meel kasta oo ay galaan.

Waxa soo dedejiyay isbahaysigaan ayaa ilaa iyo haatan la garaneyn, hase yeeshee dadka Siyaasadda odorosa ayaa waxay leeyihiin waa boor isku qaris ay ku doonayaan in ay caqabad ku noqdaan shirka 26-ka bishan ka furamaya Magaalada Baydhabo oo ay isugu imaanayaan xubnaha Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka. 

Shariif Xasan oo ku sii jeeda Magaalada Jowhar ee..

Iyadoo la filayo in 26-ka bishan uu qabsoomo kulankii ugu horeeyay ee Baarlamaanka ee lagu qabto dalka gudihiisa, waxaana Magaalada Baydhabo ka socda qaban-qaabada soo dhaweynta xildhibaanada waxaana arrintaasi horkacayay Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah gudoomiyaha Baarlamaanka, hase yeeshee warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in inta uusan qabsoomin shirkaasi lagu wado in Guddoomiyaha Baarlamaanku uu gaaro Magaalada Jowhar si uu mar kale kulamo latishi ah ula yeesho Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi , iyadoo sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka uu kulamo kula yeelan doono Magaalada Jowhar mas’uuliyiin ka socota dalka deeqda bixiya, iyagoo isla meel dhigi doona wixii qarashaad ah ee looga baahan yahay kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, maadaama uu Guddoomiyuhu uu soo ogaaday waxyaabaha looga baahan yahay kulankaasi. Warar kale ayaa waxay sheegayaan in saddex mas’uul ee ugu sareysa Dowladda iyagoo wada socda ama wadajira ay gaari doonaan Magaalada Baydhabo si ay uga qaybgalaan kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka. Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa uu dhawaan la kulmay wafdi ka socday Hay’adda UNDP waxa uuna u gudbiyay waxyaabaha looga baahan yahay kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka ha noqoto dhinaca jiifka, dayactirka Hoolka shirka iyo goobaha la dejin doono saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka. Guddoomiyaha Baarlamaaka ayaa waxa uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Cali Max’ed Geedi kala hadli doonaa waxa laga yeelayo nabadgelyada kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo iyo qaabka loo uruurin karo ciidamada. 

Xubnaha labada Gole ee Muqdisho oo maanta  u amababaxaya Baydhabo…

Maalintii shalay ahayd ayaa halka ay degan yihiini xubnaha labada Gole ee Magaalada Muqdish ayaa waxaa loogu qaybiyay warqado qoraal ah oo loogu sheegayo qaabka ay u baxayaan oo ay kaga qaybgalayaan shirka Baarla-maanka ee 26-ka bishan ka dhacaya Magaalada Baydhabo.

Ilaa iyo 44 xildhibaan ayaa lagu wargeliyay in ay u diyaar-garoobaan safar dhinaca dhulka ah, iyadoo la sheegay in ay raacdi doonaan dhowr bas oo loo diyaariyay.

Maanta ayaa la filayaa in xildhibaanadaasi u dhaqaaqaan dhinaca Magaaalada Baydhabo maadaama Guddoomiyaha uu ku wargeliyay dhamaan xildhibaanada ku sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa in ay ugu dabeyn ku soo xaroodaan 20-ka bishan.

Dhinaca kale waxaa Magaalada Baydhabo ku sii qulqulaya xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka, iyadoo Magaalada Baydhabo la sheegay in ay ka socoto howl loogu diyaar-garoobayo kulan-kaasi, waxaana maalintii shalay xarunta uu ka dhacayo shirka ka bilowday howl dayactir ah iyo waliba mid nadaafeed, waxana subax walba halkaasi taga guddi loo xil saaray arrintaas.

Cismaan Caato oo u soo jeediyay kooxaha ku Dagaalaamaya …

Cismaan Xasan Cali Caato oo haatan ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa u soo jeediyay kooxaha ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho in ay joojiyaan dagaalka oo wixii khilaaf ah ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad.

Cismaan Caato waxa uu sheegay in waqtigaan aan loo baahneyn in dagaal kale lag abaabulo Magaalada Muqdisho isagoo si gaar ah ugu soo jeediyay Bashiir Raage iyo Abuukar Cumar Caddaani in ay u guntadaan sidii loo joojin lahaa dagaalkasai.

Hadalka ka soo yeeray Cismaan Caato ayaa waxa uu ku soo beegmay xili raggii ay xulufada ahaayeen ay Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqeen isbahaysi la magac baxay isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, sidoo kale waxa u u soo jeediyay beelaha ku dagaalamaya Deegaanka Yaamaarugle in ay dagaalka joojiyaan oo khilaafkooda ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad.

Baaqyo soo gaaraya kooxaha ku dagaalamaya Muqdisho

Waxaa na soo gaaraya baaqyo nabadeed oo loo jeedinayo kooxaha ku dagaalamaya duleedka Kulyaddii hore ee Ciidamada ee Jaale Siyaad waxa uuna baaqyadii ugu dambeeyay ka yimaadeen Hay’adda xaquuqda aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale oo sheegtay in shacabka Soomaaliyeed aysan u baahneyn dagaal dambe oo bulshada dhexdeeda la abaabulo, waxayna u soo jeedisay kooxaha is haya in khilaafkooda ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad,sidoo kale bulshada rayidka ah ayaa waxay ka codsaneysaa kooxaha ku dagalaamaya Magaalada Muqdisho in ay u turaan shacbkooda oo ay sheegeen in mudo 15 sano ah ay ku jireen dagaal sokeeye.

Sidoo kale hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Wanalweyn Human Right ayaa u soo jeedineysa kooxahaasi in aysan ku dhex dagaalamin bulshada dhexdeeda loona baahan yahay in khilaafka lagu xaliyo wada hadal.   

Dalladda SAFE oo ka war-bixisay sida ay u socdaan.

Waxbarashada Dugsiyadooda

Dalladda waxbarashada ahliga ee SAFE ayaa ka warbixisay shalay howlaha waxbarahada Dugsiyada hoos yimaada Dalladda, Xoghayaha Wartfaafinta iyo Isboortiga ee Dalladda SAFE C/alaahi Xasan Maxamed (C/laahi Biikolo) oo Wargeyska ugu warameyey xafiiska Dalladda ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dalladdu ay wali ku mashquulsan tahay howlihii loo aasasay ee ahaa hourmarinta Caruurta Soomaliyed ee waxbaranaya.

 Xogahayuhu waxa uu sheegay inaysan jirin wax kala jab ah oo ku yimid Dalladda SAFE waxa uuna intaas raaciyey in Dastuurkii iyo Nidaamkii Dalladda ay sidoodii yihiin, balse waxa uu sheegay inay jiraan 4-Iskuul oo ka mid ahaa 78-Dugsi in laga saaray Dalladda ka dib markii sida uu sheegay ay jabiyeen Xeerkii iyo Nidaamkii u degsanaa Dalladda isagoo xusay in taasi aysan ahayn mid uu ku dhaqaaqay shaqsi gaar ah ee ay ku timid codka Gudiga fulinta Dalladda SAFE oo fadhi ka yeeshay arintaas.

C/laahi Biikolo waxa uu ka waramay qaladaadka ay galeen Iskuulada Dalladda laga saaray waxa uuna sheegay inay ugu wayn tahay Sanad-Dugsiyeedkii Dalladda u dhignaa oo ay diideen, xiligii fasaxa la gali jiray oo ay khilaafeen, Shahaadooyin been abuur ah oo ay soo samaysyeen iyo tixgalin la’aan dhinaca kala saraynta madaxda Dalladda ah oo ay ku dhaqaaqeen, Mr. Biikolo mar uu ka hadlayey sida ay u arkaan Dalladda ay samaysteen Iskuuladii Safe laga saaray waxa uu yiri “anagu waan soo dhaweynaynaa Dallad kasta oo waxbarasho ee qayb ka qaadanaysa horumarinta Tacliinta ubadka Soomaaliyeed.

ugu dambayntii Dalladda SAFE waxay sheegtay inay aad uga xuntahay weerarada loo gaysanayo Ardada Soomaaliyeed ee waxbarashada ku howlan oo ay

 sheegtay inay yihiin madaxdii mustaqablka dalka iyo dadka

Wararkii ugu dambeeyay dagaal shaley ka bilowdey Muqdisho..

Dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho ayaa shalay ku waabareystay daryanta rasaasta culus iyo kuwa fudud oo ay is weydaarsanayeen kooxo maleeshiyo ah oo kala taabacsan hogaamaya kooxeedyada qaarkood iyo Maxkamadaha Islaamiga ah, waxaana dagaalkaani uu ka bilowday agagaarka Kulyadii hore ee Jaale Siyaad, waxaana ilaa iyo haatan la xaqiijiyay in dagaalkaasi ay ku dhinteen sagaal qof oo ay u badnaayeen dad rayid ah oo ka dhawaa halka uu dagaalku ka dhacay.

Dagaalkaan oo leh wajiyo badan ayaa waxa uu cabsi ku beeray dadweynaha Magaalada Muqdisho oo iyagu mudo 15 sano ah ku jiray dagaal sokeeye, waxayna dib u soo xasuusteen waqtiyadii sagaashameeyadii oo ay socdeen daagaladii ugu xooga badnaa ee sokeeye.

Dagaalkii u dhexeeyay Beelaha Mareexaan iyo Baciidyahan oo sii Xoogeystey

Waxaa deegaanka Yamaarugle ee soonka Shanaad ee Itoobiya ee ay soomaalidu degto waxaa ka socda dagaal u dhexeeya beelaha Mareexaan iyo Biciidyahan, waxaana dagaalkaan la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud.

Dagaalkaan ayaa haatan la sheegay in ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya boqol qof, waxaana Magaalada Cabud-Waaq la keenay ilaa iyo konton qof oo ku soo dhaawacan tahay dagaalkaasi.

Labada Beelood ayaa midba midka kale waxa uu ku eedeenayaa in ay iyada mas’uul ka tahay dagalkaasi, hase yeeshee Odoyaal ka tirsan Beesha Mareexaan ayaa waxay ku eedeeyeen maamulka Puntland in ay hub iyo ciidmo ku soo biirayeen dagaalkaasi, sidoo kale beesha Biciidyahan ayaa iyana ku eedeeysay beesha Mareexaan in ay dagaalka soo galisay ciidmo iyo hub laga keenay gobalo kale

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19, 2006

Warqad furan oo ka soo baxday Maxwell (Isuduwaha Gargaarka ee Soomaaliya) Akhri [pdf]

Mid ka mid ah Masaajidda waaweyn ee Muqdisho oo an lagu tukan Salaadii Jimcada
»
60 qof oo ku geeriyoodey dagaalo Beeleed..
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan.. Guji... Feb 18


70,000 oo Qof oo Mudaharaad ku dhigay Pakistan
iyo Baarlamaanka Norway oo soosaaray xeer mamnuucaya aflagaadada Diimaha iyo
Xildhibaanad reer Australia ah oo Raali gelin ka bixisay hadalkeed "Qaranka Islaamka" Guji..


Kismaayo: Maleeshiyo si Nabad ah looga saaray Xaafadda Guulwade
»Cali Max’ed Geedi oo la filayo in uu gaaro Adis –Ababa
»C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo dib ugu soo laabtay Jowhar
iyo Warar Ku Saabsan Abaaraha Soomaaliya .. Akhri Feb 16


»Duq Ibliis Copenhagen bay Daash ku leedahaye
»Gefka loo geystey Nabiga (NNKH) waa Xaniinya taabadkii ugu..
»
Denmark oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa..
»
Fikirkiisa Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!!
»OGAAN IYO ULAKAC | Inj. Nabaddoon
»
HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?