SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKA FEB 18, 2006

  • Mid ka mid ah Masaajidda waaweyn ee Muqdisho oo an lagu tukan Salaadii.

  • 60 qof oo ku geeryootay dagaalo dhex maray Beelaha Mareexan iyo Reer Baciidyahan..

  • Gabar daawo ahaan u marsatay sunta Xoolaha oo geeriyooyey..

  • Geedi iyo Max’ed Dheere oo laga dalbaday in ay kala dhexgalaan Bashiir Raage iyo..

  • Ciidamo taabacsan Shiikh Aadan Madoobe oo soo gaarey Baydhabo..

  • Hay’adda Dhowridda iyo horumarinta Soomaaliya oo Cambaareysey Falkii .


Warqad furan oo ka soo baxday Maxwell (Isuduwaha Gargaarka ee Soomaaliya) Akhri [pdf]
###

Mid ka mid ah Masaajidda waaweyn ee Muqdisho oo an lagu tukan Salaadii.

Masaajidka Hilaal ee Xaafadda Al-Baraka ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdsho  ayaan shalay lagu tukan Jimcaha kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay Culumada masjidkaasi uu sababay in albaabada loo laabo.

Khilaafkaan ayaa la sheegay in uu la xiriiro gacan ku haynta Masjidka oo la isku maan dhaafay sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah, waxaana warku intaa ku darayaan in koox ka mid ah Culumada isku khilaafsan masjidkaasi ay albaabada isugu dhifteen Masjidkii.

Dadweynihii u soo dukasha tagi jiray masjidkaasi ayaa maalintii shalay ahayd salaaddii jimcaha ahayd ku soo guteen meelo kale oo ka baxsan xaafadooda, waxaana dadka yaab ku noqotay khilaafkan cusub ee soo kala dhex galay Culuma’udiinka Masjidka Hilaal, iyagoo sheegay in ay wax laga xumaado in Masjid la isku maan dhaafo oo waliba la gaarsiiyo in albaabada la isugu laabo, waxayna dadkaasi sheegeen in ay salaaddii noqotay in ay la aadaan masaajid  kale oo, waxayna ugu baaqeen dadka gacanta ku haya masjidka ay dib u furaan masjidka oo wixii khilaaf ah lagu xaliyo wada hadal iyo is afgarad.

Mudadan 15-ka sano ah ayaa waxaa soo baxayay arrimo fara badan oo layaab ku abuuray dadka Soomaaliyeed balse way la qabsadeen intooda badan, iyadoo ay iska hor imaadyadii ka dhacay Maasjidda ay ahaayeen kuwo joogto ah oo intooda badan ka dhasha kooxaha diinta.

“wixii khilaaf ah waxay ahayd in si gaar ah loo xaliyo, balse ma aheyn in Maasjidka loo yimaado Cibaadda Alle la xiro, iyadoo ah maalin jimce ah, waxaana mas’uuliyeeda qaadi doona  maalinti qiyaamo ciddii ka dambeeyay xarigaasi, waxaana ka codsaneynaa dadweynaha deegaanka in ay gacan ka gaystaan sidii aan mar dambe loo xiri lahayn masjidkaasi” ayuu yiri wiil dhallinyaro ah oo ka mid ah dadkii shalay ku lug go’ay Masjidkaasi. [Xaqiiqada adduunka ka ka socota eeg halkan ]

60 qof oo ku geeryootay dagaalo dhex maray Beelaha Mareexan iyo Reer Baciidyahan..

Weriyaheena deegaanka Cabud-Waaq Mudane Dayuurad ayaa noo xaqiijiyay in Dagaalo dhex maray beelaha Mareexaan iyo Reer Biciidyahan  ay ku geeryoodeen ilaa iyo 60 qof oo labada dhinac, waxaana ku dhaawacmay illaa iyo 70 qof.

Dagaaladaan oo ka dhacay deegaanka Yamaarugle iyo Gar ma qaato ee Kililka Shanaad ee itoobiya ayaa labada dhinac isku adeegsadeen hubka culus iyo midka fudud, iyadoo dad gaaraya 40 oo dhaawac ah la keenay Magaalada Cabud-Waaq ee Gobalka Galguduud.

Dagaalkaan oo dhowr jeer soo noq noqday ayaa ilaa iyo haatan wax xal ah laga gaarin waxayna labada beelood isku haystaan dhul deegaan ah oo ku yaal soonka Shanaad ee Itoobiya.

Kal hore ayay ahayd markii waxgarad iyo Culuma’udiin ka tirsan  Maamul Gobaleedka Puntland ay yimaadeen in ay dhex dhexaa-diyaan labadaasi beelood balse ay ku guuldareysteen, iyadoo dagaladaani ay ku soo beegmeen xili deegaanadaasi ay ka jiraan abaar aad u daran.   

Gabar daawo ahaan u marsatay sunta Xoolaha oo geeriyooyey..

Sida ay noo sheegeen Weriyaasheena ku sugan Magaalada Hargeysa Faarax Max’ed Cali (Blue) iyo C/raxmaan Shariif Max’ed (Taysiir) waxaa Isbitaalka Magaalada Hargeysa ku geeryooday Gabar da’deedu tahay 20 jir oo ay magaceeda ku sheegeen Farduus kaddib markii ay marsatay korka Sunta Xoolaha (Dhib).

Gabadhaasi oo ay sheegeen in ay qabtay Cudurka kor cun cunka ayaa waxay daawadaasi u marsatay si ay isaga daaweyso cudurkaasi, hase yeeshee markii ay marsatay daawadaasi ayay miir doorsoontay waxayna gashay Koomo, waxaana loola cararay Isbitaalka halkaas oo ay ku geeryootay gabadhaasi.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dad Soomaaliyeed u geeryoodaan sunta xoolaha iyadoo ay taakhaatiirta Soomaaliyeedna ay ka degeen in suntaasi Xoolaha loo isticmaalo dadka.

Kal hore ayay markii Gobalka Hiiraan deegaano ka tirsan ay dhowr qof ku dhinteen kaddib markii caag laga daadiyay suntan Xoolaha ay ku shubteen biyo.

Geedi iyo Max’ed Dheere oo laga dalbaday in ay kala dhexgalaan Bashiir Raage iyo..

Iyadoo dhawaan ay bur- brutay waan waan laga dhex waday dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka Galgalato ee duleedka Magaalada Muqdisho oo ay kala hogaaminayeen Bashiir Raage iyo Abuukar Cumar Caddaani ayaa waxaa labada dhinac soo gaaraya baaqyo lagaga dalabanayo in wixii khilaaf ah ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad.

Bulshada rayidka ah ayaa waxay u soo jeediyeen labadaas xubnood in waqtigaan aan loo baahaneyn in dadka Soomaaliyeed dagaal loo horseedo, waxayna sheegeen in dalku uu haatan ku sugan yahay xaalad aad u halis ah,

Xasan Hilowle (Xasan Kacaan) ayaa waxa uu u soo jeediyay  Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo Guddomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere in ay u guntadaan sidii heshiis uu u dhex mari lahaa Bashiir Raage iyo Abuukar Cumar Caddaani, maadaama ay  isku beel yihiin.

Waxaa maalmahan ka jiray deegaano ka tirsan Magaalada Muqdisho dhaq-dhaqaaq ay sameenayeen labada dhinac oo laga yaabo in uu dagaal kale dhex maro labada dhinac

Ciidamo taabacsan Shiikh Aadan Madoobe oo soo gaarey Baydhabo..

Ciidamo ka amar qaata Wasiirka Garsoorka Dowladda Federaalka Shiikh Aadan Max’ed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa ayaa lagu soo waramayaa in ay soo gaareen Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Ciidamadan oo horey ugu sugnaa Magaalooyinka Waajid iyo Xudur ayaa la sheegay in ay baydhabo u yimaadaan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dhinaca amniga ee Magaalada Baydhabo oo lagu wado in uu ka dhaco 26-ka bishan shirka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed.

Ciidamada Siikh Aadan Madoobe ayaa haatan lagu xareeyay xero ku taal Baydhabo halkaas oo uu tababar uga socon doono inta ka harsan qabsoomida kulanka Baarla-maanka.

Magaalada Baydhabo ayaa horey waxaa ugu dagaalamay madaxdii RRA-da, waxaana gacan ku heynta Magaalada u haray Max’ed Ibraahim Xaabsade balse ku dhawaaqistii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in shirka Baarlamaanka uu ka dhacayo Baydhabo ayaa waxaa waan waan ka dhex bilaabatay siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle uga jira Dowladda kaas oo lagu dhameeyay wixii khilaafaad ah oo horey u dhex maray, waxaana lagu heshiiyay in la wada sugo amniga Magaalada Baydhabo

Hay’adda Dhowridda iyo horumarinta Soomaaliya oo Cambaareysey Falkii .

          Hay’adda dhowridda iyo horomarinta Soomaaliya OSPAD ayaa cambaareysay dhamaan kooxihii ka dambeeyay in ay qalqal geliyaan bulshada taagta daran, gaar ahaan falkii naxdinta lahaa ee lagula kacay ardayda wax ka barata dugsiga Hoyka Xamar, kaddib markii baskii ay saarnaayeen rasaas ooda looga qaaday.

Waxay sheegtay hay’addu in falkaasi cabsi iyo argagax ku beereen ardaydaasi yana dhici karto in ay suulka ka joogsadaan.

Dhinaca waxay Hay’addu cambaareyneysaa beelihii ku dagaalamay deegaanka Yamaarugle, kaasa oo  sababay in ay ku dhintaan dad fara badan ilsa markaana uu sababo barakac aad u baahsan waxayna Hay’addu falalkaasi ku tilmaantay kuwo xadgudub ku ah shareecadda Islaamka, baaqa caalamiga ah ee xaquuqda aadanaha qodobkiisa saddexaad oo oronaya qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu nabad iyo nolo ku noolaado iyo xoriyo, waxaana qoraalkaan na soo gaarsiiyay madaxa waaxda dhowrista xaquuqda aadanaha ee Hay’adda OSPAD C/llaahi Max’ed Cali. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2006


Barnaamijkii Radio Xoriyo
17 February 2006
 
Abaaraha oo gacan xun ku haya Ogadenya iyo Oromiya.
 
Xadka Itoobiya iyo Eritereya oo wali xaalkiisu khatar yahay.
 
Hay’adda UNHCR oo ka digtay doonyaha tahriibka .
 
Febraayo Waa bil Xusuus Mudan(Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee ogadenya ka dhacay Febraayo1994).
 
 
 ====================== 
 
 
Abaaraha ayaa si ba’an u haya Ogaadeenya iyo Oromiya, waxayna abaartu horseeday in cunto la’aan wayni ay labadaas meelood ka jirto, iyadoo dad ay tiradoodu hal milyan ka badan tahay ay macaluul qarka u saran yihiin, sidaas waxaa arbacadii digniin ku bixiyay Ururka Cuntada iyo Beeraha FAO ee Qaramada Midoobey.
 
Ururka Cuntada iyo Beeruhu FAO wuxuu dalal deeqda bixiya ka dalbay in la soo gaadhaan 18.5 milyan oo dollar, si gargaar degdeg ah labadaas gobol loogu fidiyo. Ururka FAO wuxuu xaaladda Ogaadeenya iyo Oromiya ku tilmaamay mid aad u liidata oo wax-ka-qabasho degdeg ah u baahan.
 
Ururka FAO wuxuu kaloo intaas ku daray in roobkii Dayrta ee la waayay uu keenay in xoolo badani ay le’daan. Wuxuu kaloo intaas raaciyay in abaar middanoo kale ahi ay ka jirto dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
 
Ogaadeenya oo kaliya waxaa ku tabaalaysan in hal milyan ka badan, kuwaasoo kaalmo degdeg ah u baahan, waxaana la filayaa in xilliga Jiilaalka oo ku began inta u dhaxaysa bilaha Janwari iyo Maarso uu sii kordhiyo dhibaatada abaarta ah ee gobolka ka jirta, sidaas waxaa qoraal uu soo saaray ku sheegay Ururka FAO.
 
Ururku wuxuu kaloo sheegay in lacag loo baahan yahay lagu daryeelo xoolaha, si noloshooda loo badbaadiyo iyo in dadwaynaha la siiyo abuur ay hadhow beeraha u isticmaalaan iyo gargaarka ku aaddan daryeelka degdegga ah.
 
Xadka Itoobiya iyo Eritereya oo wali xaalkiisu khatar yahay.
 
Dhulka hubka ka caaggan eek u dheraran xadka u dhexeeya Eritereya iyo Itoobiya ayaa wali xaaladdiisu aad u kacsan tahay, sidaas waxaa khamiistii lagu sheegay warbixin ka soo baxday ergada Qaramada Midoobey ee xadka ilaalisa. Ergadu waxay warbixintan soo saartay labo bilood ka dib markii dawlada Eritereya ay go’aansatay inay dalkeeda ka caydhiso shaqaalaha Qaramada Midoobey ee u dhashay dalalka Yrurub iyo Woqooyiga Ameerika.
 
Ergada Qaramada Midoobey waxay sheegtay in bilihii u denbeeyay ay labada dale e Eritereya iyo Itoobiyaba ay dhaqdhaqaaq millatari ka wadeen xadka u dhexeeya.
 
Dhinaca kale dawlada Eritereya ayaa sheegtay in koox dhawr iyo toban qof ka kooban oo u shaqaynayay Qaramada Midoobey, kuwaasoo la sheegay in la xidhxidhay, aan la xidhxidhin, balse la xareeyay, si ay u gutaan shaqada qaranka.
 
Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dawlada Eritereya ay wali hayso 11 ka mid ah 13 qof oo Qaramada Midoobey u shaqaynayay oo la qaqabtay horraantii toddobaadkan. Afhayeenku wuxuu sheegay in xadhiggani uu qayb ka yahay xayiraada ay dawlada Eritereya ku soo rogtay Qaramada Midoobey, hase yeeshee dawlada Eritereya ayaa arrintaas ku gacan saydhay.
 
Dawlada Eritereya ayaa Qaramada Midoobey ku eedaynaysa inay ku guul darraysatay inay wax tallaabo ah ka qaado xukuumadda Itoobiya eek u gacan saydhay oggolaanshaha qaraarkii ka soo baxay maxkamadda adduunka ee ku saabsanaa xallinta khilaafka xadka Eritereya iyo Itoobiya.
 
Hay’adda UNHCR oo ka digtay doonyaha tahriibka .
 
Hay’ada Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha daryeelka qaxootiga ee UNHCR ayaa ka digtay doonyaha aan adkaysiga fiican lahayn ee lagu soo raro dadka soomaalida u badan ee u soo tahriiba waddanka Yamen.

Qoraal ay UNHCR soo saartay waxay ku sheegay in looga digayo dadka tahriibayaasha ah inay adeegsadaan doonyaha xaaladoodu aad u liidato ama cilladaysan ee ay ka soo raacayaan dalka Soomaaliya, taasoo horseeda in boqollaal dad ahi ay Badda u dhex dhintaan ama khataro kale la soo gudboonaadaan.

Qoraalkan oo laga soo saaray xafiiska UNCHR ee waddanka Yamen waxaa lagu xusay in dadka wax tahriibiya ee inta badan ka shaqaysta xeebaha Soomaaliya iyo Yamen ay dhibaatooyin iyo xadgudubyo ba’an u gaystaan dadka doonaya in loo tahriibiyo dalka Yamen.

Hay’ada UNHCR waxay kaloo qoraalkan ku sheegtay in dadka wax tahriibiya ee iska leh doomaha ama maraakiinta dadka lagu tahriibiyo ay dad rakaabka ah ku qasbaan inay Badda isku dhex tuuraan iyagoo awood adeegsanaya.
 
Radio Xoriyo
17 February 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

 


70,000 oo Qof oo Mudaharaad ku dhigay Pakistan
iyo Baarlamaanka Norway oo soosaaray xeer mamnuucaya aflagaadada Diimaha iyo
Xildhibaanad reer Australia ah oo Raali gelin ka bixisay hadalkeed "Qaranka Islaamka" Guji..


Kismaayo: Maleeshiyo si Nabad ah looga saaray Xaafadda Guulwade
»Cali Max’ed Geedi oo la filayo in uu gaaro Adis –Ababa
»C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo dib ugu soo laabtay Jowhar
iyo Warar Ku Saabsan Abaaraha Soomaaliya .. Akhri Feb 16


»Duq Ibliis Copenhagen bay Daash ku leedahaye
»Gefka loo geystey Nabiga (NNKH) waa Xaniinya taabadkii ugu..
»
Denmark oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa..
»
Fikirkiisa Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!!
»OGAAN IYO ULAKAC | Inj. Nabaddoon
»
HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?