SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Khudbadaha laga Filikaro Shirka Baydhabo 

cabdiwaaxid

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Islaamka iyo fidraduba waxay boorriyeen hadalka kiisa ugu habboon xag kasta. Sida diintu sheegtay, hadalka wanaagsani waa sadaqo iyo macruuf. Soomaalidu waxay tiraahdaa qofka araggiisu ku deeqo baa oontiisu ku deeqdaa. Waxaa laga wadaa haddii qofi ku martigeliyo ama ku sooro haddiise uu weji furfuran iyo hadal fiican kugu qaabiliwaayo; waq qiimo ah kulama laha martigelintu haddayba meesha ka maqantahay hadalka fiican iyo weji furnaantu. Waa innaga dhahna: hadalna meel dheer buu ku dhacaa; dhagaxna meel dhow. Waa innaga sidoo kale dhahna: hadal wuxuu ammaanyahay inta uu uurkaaga kuugu jiro. Waa kala labo hadallada aan guryaheenna iyo saaxiibadeen kula hadalno iyo hadal ku wajan Soomaali oo dhan iyo weliba adduunka kale ciddii xiiseyneysa. 

Qoraallada ay xisbiyadu qorshahooda ku soo bandhigaan iyo khudbooyinka madaxda ama siyaasiyiintu jeediyaan waa muraayadda laga dheehankaro garashadooda, siday uga taxodareen qorshahaas iyo hadafkooda siyaasadeed. Hadduu hadalku kaa soo baxo, waa sida qofka maqlayaa u turjunto; khasab ma aha inuu u qaato sidaad adigu ka wadday. Waa arrintaas midda keenta in qofka hadal yaqaanka ahi uu isla markiiba sharrax iyo faallo u raaciyo mar kasta oo uu ku hadlo hadal micnayaal kale xambaari kara si aan qof walba suu rabo uusan ugu qaadan. Weliba hadda waxaa la joogaa waqti saxaafaddii ay cirka isku shareertay oo wixii Baydhabo laga dhaho uu isla sekenkiiba gaarayo daafaha adduunka. Suxufiyiintu waxay ka helaan dhacdhaca iyo ka-fiirso la’aanta khudbooyinka. 

Hal khudbo ayaa  keeni karta iney cirka ku geyso ama hal mar ciidda kula gasho. Iyadoo taasi jirto ayaa waxaa caado u ah madax badan oo Soomaaliyeed iney inta dadka iska soo hor istaagaan iyagoon wax soo diyaarsan dhahaan waan idiin khudbeyneynaa! Waxaa dhici karta inayba  markoodii horaba u dhalan hadal-aqoodnimo. Markaasaad arkeysaa wuxuu  nus saac ka hor sheegay isagoo dib usoo celinaya. Waagii la is khasbijiray, dadku way ku khasbanaayeen iney la socdaan oo u sacabbiyaan khudbo aan qiimo lahayn laakiin hadda taasi meesha waa ka baxday. Siday aniga ila tahay waxaan filayaa in khudbadaha furitaanka ee Baydhabo laga filayo ay ku agwareegayaan dhibcahan: 

  1. Sida caadada ah waa in loo xamdinaqo Allaha Weyn ee kulankaas suurtogeliyey laguna salliyo nabigiisii (SCW). Dabadeedna loo mahadnaqo ciddii shirkaas soo qorsheysay, xildhibaannada, martida kale - sokeeye iyo shisheeye key rabaan ha ahaadeen iyo dadka degen degaanka shirka lagu qabanayo.
  1. Iney mar kale xusaan dhibka uu leeyahay khilaafku iyo inaan horay loo soconkarin ilaa laga gudbo. Waxay ku fiicantahay in la milicsado markuu hal-abuurku lahaa:   

Midigtuba miciin ma leh

hadday bidixdu maqantahay

waa labo mataanoo howsha maamulaayee

Waa in hogaamiyayaashu caddeeyaan inay nasoo daashatay colaad, qabyaalad, cudurro iyo abaar. Marka waxaa la rabaa in dadka Soomaaliyeed laga waraabiyo nabad iyo horumar. Waa iney sheegaan in qof hal gacan lihi uusan ceelkii Walwaaleed ka waraabinkarin dad iyo duunyo midna.

  1. Waa iney Ilaah ugu mahadceshaan iney maanta ku shirayaan magaalo Soomaaliyeed taasoo fadhigaas ku kordhineysa waddanimo iyo xamaasad  halka magaalooyin shisheeye lagu shirilahaa. Sidoo kale xildhibaannada lagu dhaho: yaan la ismartiyeyn; minanku waa minankiinii.
  1. Waa in madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanku la imaan qorshooyin si aan loogu qaadan iney wax qarsoon ku soo heshiiyeen. Dadka hortoodana mar ka dhahaan: wax noo qorsoon ma leh. Marka arrinta eber baa laga soo bilaabayaa. Qorshuhu wuxuu  u yaal xubnaha baarlamaanka oo dhan.
  1. Inta madaxdu caddeeyaan in khilaafkii iyo is-gaashaanbuureysigii  dhammaaday sidii SRRC Vs Samato-bixin ama Xamar Vs Jowhar. Waa iney dhahaan haddii saxaafadda iyo dadka wax qoraba nagu sheegijireen sidii labo kooxood ee kubbad-cageed oo qolaba rabtay iney qolada kale ka goolal badato oo ka guuleysato; ineysan arrintu hadda saas ahayn. Waa iney dhahaan waa in xubnaha baarlamaanku la mid noqdaan ardey-Qur’aan oo subcis iyo dareeris  isagu yimid oo kale. Danta ardeydu waa isku mid – Qur’aan barasho; sidoo kalana si is le’eg ayey Qur’aanka u qeybsanayaan oo waa aayad aayad. Ardeyga canaanta iyo ciqaabta lihi waa kan Qur’aankiisa dhaqaajinwaaya. Sidoo kale xubnaha baarlamaanka looma rabo iney labo kooxood oo iska soo horjeeda noqdaan ee waa iney sida ardeydaas hal meel ah wax u wadaan oo qof kasta sida subciska uu danta qaranka ka qeybqaato. Xubinta ceebta dusha u ridaneysa waa midda sida ardeyga Qur’aanka wadiwaaya ka soo bixiweyda shaqadii loo diray. Wuxuuna la mid noqonayaa qof dhiniciisa Soomaaliya laga soo galay.
  1. Waa in hogaamiyayaashaasu xubnaha u sheegaan ineysan mar kale sameyn falkii ay Nairobi ka sameeyeen ee ahaa shaqaaqadii gacan-ka-hadalka iyo ceydaba lahayd. Waa in wixii la isku qabto si waxgaradnimo leh looga hadlo oo la iska dhaadhiciyo.
  1. Sidoo kale waa in marka hogaamiyayaashu khudbadaha furayaan aysan is dhexgelin Soomaali iyo Ingiriis. Waa jaahilnimo in adoo malaayiin qof oo Soomaaliyeed hadal ujeedinaya aad hadalka ula qeybsiyo marti aan dhowr iyo toban ka badneyd. Waxaa fiican in khudbooyinka oo Ingiriis lagu sii qoray loo qeybiyo dadka ajnabigaa dabadeedna waxay la soo baxayaan markii madax kasta uu khudbadiisa akhrinayo. Haddey khasab tahay in Ingiriis meesha looga akhriyo waxaa fiican in marka qofku khudbadiisa Soomaali ku dhammeysto ka dib lagu akhriyo Ingiriis.
  1. Marka arrintu intaas marayso waa in madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanku ay marka kale xilbaannada iyo martida kalaba u xaqiijiyaan in heshiiskii ay Cadan ku gaareenba ahaa aan isu imaanno oon wada hadalno. Aysanna jirin qorshayaal u gooni ah ooy jeebka kala soo baxayaan. Marka hadda laga bilaabo sidii wax la leeyilahaa waxay u taal xubnaha baarlamaanka. Waana iney khudbooyinkooda ku soo xiraan iney mar kale Allaah u mahadnaqaan. Dabadeedna dadkii aan kor ku soo sheegneyna ay u mahadceshaan.
  1. Hadday rabaan waxay khudbooyinkooda ku darikaraan farriimo ku socda  dadka martida loo yahay iyo kuwa martida ah, Soomaalida kale iyo beesha caalamkaba. Waxayna ka hadlikaraan waxyaalo ku saabsan nabadgelyo-sugidda shirka, nadaafadda iyo waxyaalo kale. Laakiin hadday rabaan shir-jaraa’id oo gooni ah bey arrimahaas kaga hadli karaan.

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2006


70,000 oo Qof oo Mudaharaad ku dhigay Pakistan
iyo Baarlamaanka Norway oo soosaaray xeer mamnuucaya aflagaadada Diimaha iyo
Xildhibaanad reer Australia ah oo Raali gelin ka bixisay hadalkeed "Qaranka Islaamka" Guji..


Kismaayo: Maleeshiyo si Nabad ah looga saaray Xaafadda Guulwade
»Cali Max’ed Geedi oo la filayo in uu gaaro Adis –Ababa
»C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo dib ugu soo laabtay Jowhar
iyo Warar Ku Saabsan Abaaraha Soomaaliya .. Akhri Feb 16


»Duq Ibliis Copenhagen bay Daash ku leedahaye
»Gefka loo geystey Nabiga (NNKH) waa Xaniinya taabadkii ugu..
»
Denmark oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa..
»
Fikirkiisa Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!!
»OGAAN IYO ULAKAC | Inj. Nabaddoon
»
HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?