SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII Feb 15, 2006

  • Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka digay in shirka baydhabo ay ka soo qaybgalaan.. 

  • Cumar Xaashi Aadan “Mudadii aynu kala maqneyn xubnaha Dowlada cid meel gaarta waa la waayay”

  • Dagaalo ay dad ku dhinteen oo shalay ka dhacay Magaalada kismaayo…

  • Dugsiga 11-ka Janaayo oo lagu qabanayo shirka Baarlamaanka ee Baydhaba ka dhacay...

  • C/llaahi Yuusuf oo la kulmay Xildhibaanada iyo Wasiirada Dowladda kaga jira Beelaha Sacad iyo Suleymaan..

  • Beelaha Biyamaal iyo Geledi oo heshiis ka gaaray khilaafyo mudo u dhexeeyay...

  • Kulan ay isugu yimaadeen guddigii loo xilsaaray dhameynta khilaafka beelihii ku dagaalamay deegaanka Galgalato oo...

  • Bas ay saarnaayeen Arday ka tirsan Dugsiga Hoyga Xamar oo lagu weeraray agagaaraka …


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Xaflad isugu jirtay sagootin iyo dardaaran oo loo sameeyay xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho.. 
 

Waxaa maalintii shalay ahayd Xaflad isugu jirtay sagootin iyo dardaaran loo sameeyay xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo isku diyaarinaya in ay ka qaybgalaan kulanka Baarlamaanka oo 26-ka bishan lagu qaban doono Magaalada Baydhabo, waxaana xafladaasi soo qaban-qaabiyay xubnaha Gobalka Banaadir, waxaana xafladaani ka qaybgalay mas’uuliyiinta Hay’adaha samafalka, Ururada Bulshada, Dalladaha waxbarashada iyo ganacsatada iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Madiino Maxamuud Cabdi (Madiino Janaraal) oo ahaa Haweenkii horseedka u ahaa in ay dhacdo xafladaani, waxayna tiri “waan idin soo dhaweenay, waana idin sagootineynaa, waana idin sugeynaa”, waxay intaas sii raacisay “ma dooneyno khilaaf dambe oo u dhexeeya xubnaha Dowladda, waxaana ballanqaadeynaa in aan la shaqeeno Dowladda, Haddii idinka oo is khilaafsan aad Baydhabo ku kala tagtaan hanagu soo laabanina”.

Waxaa kalloo isna halkaasi ka hadlay Xuseen Xaaji Bood oo isna u mahadceliyay intii soo qaban-qaabisay xafladaasi gaar ahaan Haweenka Gobalka Banaadir, “Baydhabo waa gobal ka mid ah Gobalada  dalka waxaana rajeynaynaa in halkaasi lagu soo dhameeyo wixii khilaafaad ah oo u dhexeeya dowladda, waayo shacabka Soomaaliyeed waxay xiligaani u baahan yihiin dowlad, ciddii ka hor timaadana way la diriri doonaan”,  ayuu yiri Xuseen Xaaji Bood oo in taa raaciyay “haddii aad khilaafkaan soo afjartaan waxaan idiin ballanqaadeynaa in aan Balli-Doogle idinkaga hor imaadno”.

Waxaa kalloo ka hadlay C/llaahi Max’ed Shirwac oo isna ku hadlayay magaca bulshada Rayidka ah waxa uuna u mahadceliyay Haweenka Gobalka Banaadir oo iyagu soo qaban-qaabiyay xafladaasi, waxa uuna  sheegay in Haweenku yihiin kuwii weligood garab taagnaa hanaanka Nabadda ee Soomaaliya, iyagoo doonayay mar kasta in dalku uu helo Dowlad.

Mar uu ka hadlayay dhinaca abaaraha waxa uu sheegay in dalka ay haatan ka jirto dibaato aad u baaxad weyn oo ay sababeen abaaraha waxa uuna ka codsaday Xildhibaanada in midkiiba uu bixiyo labo Boqol oo Doolar, Dr. C/casiis Xaaji Gacal oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yiri “waxaa ceeb ah in arday aan waxba haysan aan maanta niraahno kaalmo na siiya, waxaana arrintaasi sabab u ah Dowlad la’aanta haysata shacabka Soomaaliyeed”.

Sidoo kale waxa ka hadlay Maxamuud C/kariin Gabeyre oo ku hadlayay magaca ganacsatada Soomaaliyeed waxa uuna sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan Dowladda, balse loo baahan yahay in Dowladdu ay soo afjarto wixii khilaafaad ah oo dhexdeeda ah.

Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) ayaa isna u mahadceliyay Xildhibanaadii iyo Wasiirada mudada sanadka iyo barka ahayd la qaybsaday dhibaatada walaalahooda ku nool Gobalka Banaadir, isagoo sheegay in inta kalana looga baahan yahay in ay cafis weydiistaan shacabka Gobalka Banaadir.

Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa waxa uu isna sheegay in xildhibaanada looga baahan yahay in ay dabacsanaan muujiyaan si loo gaaro nabad iyo dib u heshiisiin dhab ah, “waa in aad dantiina ka hor marisaan danta ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Cabdi Qaybdiid, sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Maxamuud Cumar Tootoow oo ah Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Gobalka Banaadir wuxuuna u mahadcelin u jeediyay intii soo qaban-qaabisay xafladaasi, waxa uuna u soo jeediyay Xildhibaanada in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho oo uu sheegay in ay tahay Caasimadda Soomaaliya.

Cumar Xaashi Aadan oo ku hadlayay magaca Xubnaha labada Gole ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay ka shaqeyn doonaan danta ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan sidii ay dowladdu ugu soo laaban lahayd Magaalada Muqdiso, balse waxa uu bulshada rayidka ah u soo jeediyay in inta ay ka maqan yihiin Magaalada ay ka sii shaqeeyaan sidii loo furi lahaa Dekedda iyo waliba Garoonka Diyaaradaha.

“Mudadii ay kala maqnaayeen Xubnaha Dowlada cid meel gaarta waa la waayay maanta waxay dantu ka badin waysay in la isku soo gurguurto, maadaama la soo taabtay runtu waxa ay ahayd” ayuu yiri Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in dhibaatada Soomaaliya haysata ay tahay faragelin siyaasadeed, sidoo kale waxaa hadlay C/qaadir Xaaji Dhaqane oo ah wasiiru Dowladaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa isna waxa uu sheegay in dhibaatada Soomaliya haysata ay ugu wacan tahay fulinta dano shisheeye, iyadoo intii ay xafladdu socotay ay halkaasi dadka ku maaweelinayeen Maki Xaaji Banaadir iyo Abwaanad Sacdiya.

 
Daabaco Boggan | Print


Kawaanka Cusub ee Xoolo Qalka ee Muqdisho ... Guji..



C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji
::: GEEDDI vs HADALKIISII:::

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
Waqtiga Codka: 28:40
 


Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka digay in shirka baydhabo ay ka soo qaybgalaan.. 

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarmaanka kuna sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay diideen in kulanka Baarlamaanka ay ka soo qaybgalaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya, waxayna sheegeen in arrintaasi ay keeni karto in gebi ahaanba uu fashilmo shirka Golaha Baarlamaanka. “Shirkii dhacay 17-kii Bishii Maarso ee sanadkii hore waxaa shirakasi rashiliyay Dowladda Itoobiya, iyadoo garab siineysa qaar ka mid ah Xubnaha Dowladda” ayay yiraahdeen xildhibaanadaasi waxayna intaasi sii raaciyeen “Dowladda waa midda keentay in dowladda ay kala degto Magaalada Muqdisho iyo Jowhar isla markaana ay hub siisay qaar ka mida h Dowladda Federaalka”. Shirkaan ayaa lagu martiqaaday ilaa iyo saddex boqol oo ergo oo ka kala socda Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo dalalka deeqda bixiya. Shirka Baydhabo oo la filayo in goob ka joog sidoo kale ka noqdaan mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda oo ay ka mid yihiin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa su’aasha taagan waxa ay tahay ma noqon doonaan mid ku dhamaada si nabadgelyo ah, maadaama Xildhibaanada horey looga bartay gacan ka hadal, af-lagaado iyo wixii la mid ah, iyadoo Xildhibaanadii Baarlamaanka ee ku sugan Muqdisho ee loo sameeyay xafladda la daawad siiyay Filimkii laga duubay 17-kii Maarso markii gacan ka hadalku dhex maray Xildhibaanada, waxaana looga digay Xildhibaanda in fal noocaan oo kale ah ku kacaan.    

Cumar Xaashi Aadan “Mudadii aynu kala maqneyn xubnaha Dowlada cid meel gaarta waa la waayay”

Cumar Xaashi Aadan oo ku hadlayay magaca Xubnaha labada Gole ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay ka shaqeyn doonaan danta ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan sidii ay dowladdu ugu soo laaban lahayd Magaalada Muqdiso, balse waxa uu bulshada rayidka ah u soo jeediyay in inta ay ka maqan yihiin Magaalada ay ka sii shaqeeyaan sidii loo furi lahaa Dekedda iyo waliba Garoonka Diyaaradaha.

“Mudadii ay kala maqnaayeen Xubnaha Dowlada cid meel gaarta waa la waayay maanta waxay dantu ka badin waysay in la isku soo gurguurto, maadaama la soo taabtay runtu waxa ay ahayd” ayuu yiri Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in dhbaatada Soomaaliya haysata ay ugu wacan tahay faragelin shisheeye oo ay ku hayaan qaar ka mid ah Dowladaha deriska ah iyo dowladdu kale, waxa uuna u soo jeediyay Bulshada Soomaa-liyeed in ay ka digtoonaadaan dibindaabyada ay wadaan dowladahaasi, kuwaas oo uu sheegay in aysan dooneyn in Soomaali ay hesho dowlad iyo kala dambeyn balse ay isaga sii jirto burburka iyo dhibaatada.    

Dagaalo ay dad ku dhinteen oo shalay ka dhacay Magaalada kismaayo…

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in maalintii shalay ay halkaasi ka dhaceen dagaalo u dhexeeyay kooxo maleeshiyo ah oo ka wada tirsan Isbahaysiga Dooxadda Jubba.

Dagaalkaan oo la isku adeegsaday hubka fudud iyo midka culus ayaa waxaa ku dhintay afar waxaana ku dhaawacmay dhowr kale.

Dagaalkaan oo sabab u ahaa markii kooxo maleeshiyo ah oo ku sugnaa Duleedka Magaalada Kismaayo ay soo galeen Magaaladaasi taasina ay keentay in ay qalqal geliyaan nabadgelyadii Magaalada, warar kale ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaasi ku bilowday markii nin lagu dhex dilay Magaalada Kismaayo kaddibna ay isku bedeshay aano qabiil.

Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo ah Guddoomiyaha Isbahaysiga dooxadda Jubba ahna Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Dowladda Federaalka ayaa waxa uu soo saaray wareegto uu ku mamnuucaayo in wax hub ah aan lala dhex mari karin Magaalada Kismaayo.

Dadweynaha Magaalada kismaayo oo iyagu ka daalay dagaalo sokeeye oo soo noq noqday ayaa shalay dhigay banaanbax ay ku cabanayeen, waxayna ku dhawaaqayeen “Dagaal dambe doonimeyno”.      [Warar Dheeraad ah oo kusaabsan dagaalak Kismaayo hoos ka akhri]

Dugsiga 11-ka Janaayo oo lagu qabanayo shirka Baarlamaanka ee Baydhaba ka dhacay...

Kulan ay shalay isugu yimaadeen xubnaha labada Gole ee beelaha Digil iyo Mirifle uuna shir gudoominayay Guddoomi-yaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh ayaa waxaa looga hadlay qaabka loo soo dhawenayo xubnaha Baarla-maanka iyo sidii looga shaqeyn lahaa nabadgelyada Magaalada Baydhabo, sidoo kale waxaa isla soo qaaday halka lagu qabanayo kulanka Baarlamaanka.

Dood iyo dheer iyo falanqeyn kaddib ayaa waxaa la isku afgartay in kulankaasi lagu qabto Dugsigii sare ee 11-ka Janaayo kaddib markii xildhibaanadu ay isku raaceen in meeshaasi ay tahay goobta ugu haboon ee lagu qaban karo kulankaasi.

Guddoomiyaha iyo Xildhibaanadii la socday ayaa markiiba waxay kormeer ku tageen dugsigaasi oo leh hool aad u weyn iyadoo dhowrka maalmood ee ka haray shirkana dayactir lagu sameyn doonto dugsigaasi, inkastoo uu ka mid yahay meelaha keliya ee ka badbaaday dagaaladii sokeeye oo aan waxyeelo sidaas ah ka soo gaarin.  

C/llaahi Yuusuf oo la kulmay Xildhibaanada iyo Wasiirada Dowladda kaga jira Beelaha Sacad iyo Suleymaan..

Wararka naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobola Mudug ayaa sheegaya in magaaladaas uu kulan ku dhex maray madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo xildhibaanada ka soo jeeda beelaha Sacad iyo Suleymaan oo waayadan ku dagaalamayey gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

            Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa kula kulmay magaalada Gaalkacyo xubno ay ka mid ahaayeen wasiirka Hawlaha guud Cusmaan Cali Cali {Caato} wasiirka horumarinta reer Miyiga Max’ed Max’ud Guuleed {Gacma dheere} Wasiiru dowlaha Badda iyo Dakadaha Max’ed Jaamac Furux, Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle {Xaaf} iyo mas’uuliyiin kale waxeyna kawada arrinsadeen sidii loo dhammeyn lahaa dagaalada dhiiga badani ku daatay ee u dhaxeeya labada beelood.

            Waxey isla garteen in loo istaago joojinta dagaalka iyo in si wada jir ah loogu ambabaxo deegaanada ay colaadaha ka socdaan iyo in heshiiskaani uusan noqonin kuwii hore oo kale, kulankaasi oo uu ka hadlay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayuu ka codsaday mas’uuliyiinta labada beelood iney ka dhabeeyaan nabadda iyo iney si wadajir ah uga qeyb qaataan joojinta dagaalka.

            Madaxweyne C/llaahi Yuusuf wuxuu sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah ay u booqdaan meelaha ay kala joogaan labada ciidan si loo helo niyadsami iyo kalsooni dhex martay labada ciidan, waxaa uu sheegay ineysan micno keeneynin in qolo walba ay gaarkeeda u aaddo deegaanadeeda balse ay ka wanaagsan tahay iney si wadajir ah goob kasta, shir kasta iyo shaqo kasta ay isku duubni uga wada qaybqaataan, xildhibaanada labada beelood ayaa ayaguna sheegay inay ka go’antahay dhamaynta colaaddas. 

Beelaha Biyamaal iyo Geledi oo heshiis ka gaaray khilaafyo mudo u dhexeeyay...

Shir ay isugu yimaadeen Ugaasyada, Malaaqyada, Nabad-doonada, Culimaa’udiinka, Siyaa-siyiinta iyo dhalinyarada beelaha Biyomaal iyo Geledi ayaa shaaca looga qaaday in wixii khilaaf ahaa ee u dhaxeeyey labadaasi beelood oo soo bilowday sida ay sheegeen xiligii gumeysiga kuwaasoo dagaalo xun oo dad badani ay ku dhinteen uu dhex maray labadaasi beelood heshiis laga gaaray.

Warsaxaafadeed shalay ka soo baxay shirkii ay yeesheen kaddib ayaa lagu shaaciyey in la dhameeyey khilaafkii u dhaxeeyey beelahaas, “Fajiistihii Talyaaniga iyo kuwii gaalo raaca ahaa colaaddii ay na dhex dhigeen maanta si wadajir ah oo daacadnimo ayaan uga heshiinay haddii aan nahay maguurtida beelaha Biyomaal iyo maguurtida Geledi, heshiiskeenuna wuxuu noqon doonaa mid joogto ah ilaa adduunku jiro” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkaasi.

Heshiiskan ay gaareen beelaha walaalaha ah ayaa sida warsaxaafadeedkan lagu sheegay waxaa qeyb weyn ka qaadatay dowladda KMG ah iyagoo sheegay iney ugu mahadcelinayaan dadaalkii ay u galeen xallinta khilaafaadkooda, waxaana xalinta khilaafaadkaas goob joog ka ahaa dhamaan xubanaha Golaha Maguurtida Biyomaal iyo Geledi, waxaana ku saxiixnaa, Guddoomiyaha Golaha Maguurtida Biyomaal Eng. Ibraahim Maadey Axmed, Max’ed Sheekh Cumar, Col. C/llaahi Cali, Ugaas Xaaji Max’ud Muudey iyo  Ugaaska Jubbooyinka Ugaas Max’ed Nuur Garaad iyo xubno kale, dhinaca beesha Geled waxaa uga saxiixnaa, Guddoomiyaha Degmada Afgooye, Eng. Miikaa’iil Sh. Cabdi Axmed, Ugaas Xaaji Muuse Baane Rooble, Axmed Max’ud Geesey {Afwaas} Nabadoon Axmed Cabdi Abuukar iyo xubno kale.  

Kulan ay isugu yimaadeen guddigii loo xilsaaray dhameynta khilaafka beelihii ku dagaalamay deegaanka Galgalato oo...

Waxaa maalintii shalay aheyd Hotel Binu-Cali kulan isugu yimid guddigii loo xilsaaray dhammeynta khilaafkii beelihii ku dagaalamay deegaanka Galgalatao ee degmada Kaaraan, waxaana kulankaasi soo qaban qaabiyey ku simaha guddoo-miyaha ahna guddoomiye ku xigeenka arrimaha nabadgelyda gobolka Banaadir Max’ed Cismaan {Dhagaxtuur}.

Kulankaasi ayaa warbixin laga dhageystay guddigii loo xilsaaray arrintaasi waxeyna sheegeen iney u baahan yihiin in gacan lagu siiyo hawlahooda si loo dhameeyo khilaafka.

       Max’ed Cismaan {Dhagaxtuur} ayaa waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu wakiil ka yahay dowladda uuna mar kasta u taagan yahay sidii uu nabad u dhex dhigi lahaa beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in gobolka uu kaabi doono guddiga loo xilsaaray khilaafkaasi, wuxuuna u soo jeediyey guddiga in hawlahooda ay dardar galiyaan, si loo afjaro kulankaasi oo ay ka qeyb galeen waxgarad, odayaal, siyaasiyiin iyo aqoonyahano kasoo wada jeeda beesha Mudulood ayaa waxaa ka mid ahaa xubnihii halkaasi goobjoooga ka ahaa Sh. Axmed Siyaar, Sh. Xasan Cadde, Max’ed Max’ud Shamuuq, Xaaji Yuusuf Max’ed iyo xubno kale. 

Bas ay saarnaayeen Arday ka tirsan Dugsiga Hoyga Xamar oo lagu weeraray agagaaraka

Gaari ay saarnaayeen arday wax ka barata Dugsiga Xanaanada ee Hoyga Xamar ayaa mar uu marayay agagaarka jidka Warshadaha gaar ahaan waaxdii dhul bixinta ayaa waxaa weerar ku qaaday koox dabley ah waxaana, halkaasi ku dhaawacmay labo arday iyadoo lix arday oo kalana ay kooxdii dableyda ahayd ku kaxaysteen gaarigii.

Ardayda saarneyd gaariga oo gaareysay 40 ayaa waxaa carruurtaasi ku dhacay qalqal iyo walbahaar iyagoo qaarkood buugaagtoodii iyo kabahoodii ay ka carareen intii ay ka boodayeen gaariga.

Ma ahan markii ugu horeysay oo arday saaran Bas la weeraro, kal hore ayay ahayd markii arday dhigeynasay Dugsiga Hoyga Xamar la weeraray iyadoo kooxdii dableyda ahayd kooxdii dableyda ahayd gaarigii la galeen dhinaca deegaanka Madiina.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 15, 2006


4 qof oo si gooni gooni ah maanta loogu dilay gudaha magaalada kismayo

Feb 14, 2006

Waxaa maanta lagu dilay gudaha magaalada Kismayo afar qof halka shan kalan lagu dhaawacay kadib markii falal israsaseen ah oo kala gooni goni ah ay maleeshiyo hubeysani ku dhex mareen gudaha magaalada Kismyo.

Afartaan qof ee maanta la dilay ayaa sadex ka mid ah waxaa ay ku dhinteen kadib markii ay tacshiirad daqiiqado socotay ay is weydaarsadeen maleeshiyo ka tirsan maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo waliba maleeshiyo ka mid ah maleeshiyooyinkii dhawaan laga soo xareeyay jasiirada Kooyaamo ee ku beesha ah co. Cabdi Cigaal ayadoo midka    dhintay uu ka mid ahaa maleeshiyooyinka ka tirsan maamulka Isbahaysiga halka labada kalana ay ahayeen dad shacab ah oo markaasi ku sugnaa halka ay tacshiirada isku weydaarsadeen labadaasi maleeshiyo waxaana sidoo kala halkaas ku dhaawacmey shan qof oo shacab ah ayadoo goobta ay tacshiida isku weydaarsadeena ay ahayed halka loo yaqaano Aargo oo ku taala bartamaha magaalada kismayo ahana goobaha ugu dadka badan kismayo

Qofka kale ee dhintay ayaa waxaa uu ahaa nin shacab ah oo maleeshiyo hubeysani ay si aar gudahso ah oo daba socotay falkii dilka ah ee sadexda qof lagu dilay ay ugu dileen gudaha magaalada kismayo waxaana maanta dhamaanba heegan la galiyay ciidanka amaanka ee maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba si ay weerar ugu qaadaan ciidanka labadii habeen ee la soo dhaafay falalka dilka ah ka waday magaalada kismayo ayadoo haatana laga cabsi qabo in uu dagaal ka bilowdo xaafada Guulwade ee bariga magaalada kismyo oo ay haatan fariisn ka dhigteen ciidanka gadoodka ah ee ku hayebta ah co.Cabdi Cigaal waxaana la saadaalinayaa in dagaal la mid ah kii 15 jenuary ka dhacay daaraha dhaadher ee ku yaala xaafada calneley ee magaalada kismayo uu ka dhaco xaafada guul wade ee haatan ay maleeshiyoyinka isku hor fadhiyaan inkastoo uu hatan arintu ku dhex jiro gudoomiye ku xigeenka isbahaysiga mr Seeraar.

dhanka kale waxaa galabta ka dhacay magaalada kismayo banaanbax balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen ururada bulshada kasoo looga soo horjeeday dagaal lagu hoobto oo mar kale ka dhaca gudaha magaalada kismayo kasoo dhex mara dadka walaalaha ah ee ku wada dhaqan deegaankan

cabdi khadar Nuur
cabdiqadar84@hotmail.com

Xaabsade iyo Shaatigadud oo si wadajir ah  u  gaaray Magaalada Baydhabo..
Shariif Xasan iyo wafdi la socday oo  gaaray Baydhabo
Wargelin: Xildhibaanadu haku soo xaroodaan Baydhabo
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Feb 14


»Duq Ibliis Copenhagen bay Daash ku leedahaye
»Gefka loo geystey Nabiga (NNKH) waa Xaniinya taabadkii ugu..
»
Denmark oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa..
»
Fikirkiisa Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!!
»OGAAN IYO ULAKAC | Inj. Nabaddoon
»
HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?