SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKII Feb 14, 2006

  • Shiikh Axmed Indha-Giir “aad baan uga xumaanay Dhaawac soo gaarey Cabdi Naasi Seerjito..
  • Xildhibaanada Baarla-maanka oo lagu wargeliyey in Baydhabo ku soo xaroodaan...
  • Banaadir oo loo aqoonsaday Idaacadda keliya ee ka diiwaangashan dalka...

  •  Shariif Xasan iyo wafdi la socday oo  gaaray Baydhabo.....

  • Wararkii ugu dambeeyey ee Magaalada Gaalkacyo...

  • Xaabsade iyo Shaatigadud oo wadajir ah  u  gaaray Magaalada Baydhabo..

  • Shir ay shalay Beesha Wacbuudhan Abgaal ku yeelatay magaalada London loogana hadlayay xarriga Nabadoon Xassan Xussein Jilibeey


Shiikh Axmed Indha-Giir “aad baan uga xumaanay Dhaawac soo gaarey Cabdi Naasi Seerjito..

Guddoomiyaha Maxka-madda Islaamiga ah ee Xararyaale Shiikh Axmed Indha-Giriir oo shalay u waramayay saxaafadda ayaa waxa uu si aad ah uga hadlay weerarkii ka dhacay meel ku dhow Maxkamadda Islaamiga ah ee Xararyaale kaas oo lagu dhaawacay saddex qof oo uu ku jiray qunsulkii hore ee Imaraadka Carabta xiligii Dowladdii Carta C/Naasir Axmed Aadan (Seerjito), wuxuuna sheegay Shiikhu in arrinaasi ay ku dhacday si kama’ ah isla markaana ay si aada ah uga xumaadeen falkaasi oo uu ku tilmaamay mid waxashnimo ah.

Shiikh Axmed Indha-Giir waxa uu sheegay in ay ku raad joogaan ninkii ka dambeeyay falkaasi ayna ka raadin doonaan meel kasta oo uu galo.

Shiikh Axmed waxa uu sheegay in ninka falka gaystay uusan ka mid ahayn ciidanka Maxkamadda, sidoo kale waxa uu sheegay in falka noocaas oo kale ah aysan ka fileyn maxkamadda iyo agagaarkeeda balse waxa uu sheegay in ay ku dhacday qadar Alle, waxaa kalloo uu sheegay in ninka gaystay uusan ka mid ahayn dadka dacwaddu u dhexeysay oo ay maalmahan Maxkamadda Islaamiga ah ee Xararyaale ay ku howlaneed.

Xildhibaanada Baarla-maanka oo lagu wargeliyey in Baydhabo ku soo xaroodaan...

Xildhibaanada Baarla-maanka oo iyagu isku diyaarinaya in ay ka qaybgalaan kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka oo dhacaya 26-ka bishan ayaa waxay mas’uuliyiinta ugu sareysa ee Dowladda ku waragelinayaan in 20-ka bishan ay xaadir ku ahaadaan Magaalada Baydhabo.

Mas’uuliyiintu waxa ay sheegeen in wixii ka dambeeya 20-ka bisha loo howlgali doono qaabka ugu haboon ee looga qaybgali karo kulanka, iyagoo sheegay in ay jiri doonaan shirar hordhac ah oo looga arrinsanayo arrimaha shirka iyo sidii ay wada shaqeyn u dhex mari lahayd Dowladda.

Dhawaan ayaa Xildhibaa-nada baarlamaanka waxaa loo qaybiyay lacagihii ay ku tagi lahaayeen Magaalada Baydhabo si ay uga qaybgalaan kulanka Baarlamaanka, iyadoo maalmahan Magaalada Baydhabo ay ku sii qulqulayeen Xildhibaanada Baarlamaanka waxaana maalintii shalay ahayd Magaalada soo gaaray Wasiirka Beeraha Xasan Max’ed Nuur (Shaarguduud) oo mudo ka maqnaa Magaalada Baydhabo

Xaabsade iyo Shaatigadud oo wadajir ah  u  gaaray Magaalada Baydhabo..

Waxaa xalay maqribkii soo gaaray Magaalada Baydhabo Wasiirka Beeraha Xasan Maxamed Nuur (Shaatigadud) iyo Xildhiban Maxamed Ibraahin xaabsade  ka dib socdaal dhulka ah oo ay uga soo ambabaxeen Degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo maalmahaan shir uga socday Xildhibaanada iyo Masuuliyiin kale oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle oo  uu ka dhexjiray in muddo ah khilaaf siyaasadeed.

Imaatinka labadaab Masuul ayaa ku soo beegmay xili uu soo dhamaaday kulankii Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle iyo  Magaalada Waajid  ee ay uga arinsanayeen sidii  uu u qabsoomi lahaa kulanka Baarlamaanka ee lagu wado inuu 26-ka bishaan ka furmo Magaalada Baydhabo.

Inkastoo khilaaf siyasadeed uu ka dhexeeyey siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle  hadana Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) iyo Xildhiban Maxamed Ibraahin (Xaabsade) waxay  ku dagaalamay gacan ku haynta Magaalada Baydhabo ka dibna xoog looga saaray Magaaladaas maleeshiyadii Shaatigadud balse heshiiskii hada ay ku gaareen masuuliyiinta Digil iyo Mirifle Magaalada Waajid ka dib ayaa waxaa sigaar ah kulan u dhex maray  Maxamed Ibraahin Xaabsade, Sh. Aadan Madoobe iyo Shaargaduud oo ay uga wada hadleen arimo hoose oo la xariira kulanka Baydhabo iyo amaanka Magaaladaas waxaana la sheegay inay isla meel dhigeen arintaas.

Waxaa horey u yimid Magaalada Baydhabo Sh. Aadan Madoobe Ibraahin Kiish-buur, C/lle Diirow Isaaq iyo xubno kale oo ay si wayn isaga soo horjeedeen Maxamed Ibraahin Xaabsade oo asagu gacanta ku haya Magaalada Baydhabo.   

 Shariif Xasan iyo wafdi la socday oo  gaaray Baydhabo.....

waxaa shalay duhurkii ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo  Gudoomiyaha Barlamaanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka soo ambabaxay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo ay malmahaan ku sugnayeen madaxda ugu sareysa  Dowladda KMG ah sida  Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha.

waxaa Gudoomiyaha ku soo dhaweeyey dadwayne aad u fara bada iyo Xildhibaano ku sugnaa Magaalada Baydhabo wuxuuna markii uu ka soo dagay garoonka u gudbay hotelka uu ka degan yahay Magaalada oo uu kulamo kula yeeshay qar ka mid xubnaha baarlamanka ee halkaasi ku  sugan, Guddomiyaha Baar lamaanka oo uu uga warbixiyey safarkiisii Magaalada Gaalkacyo iyo kulamadii dhexmaray iga iyo labada masuul ee Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

        Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa maalmo ka hor u tagay Magaalada Gaalkacyo sidii uu shir wada tashi ula soo yeelan lahaa Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra’iisasl Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo ayagu ku sugam Magaalada gaalkacyo, waxa uu sidoo kale u tagay Magaalada Gaalkacyo sidii loo dhamay lahaa khilaf ka dhex jiray isga iyo Ra’iisal Wassare Cali Maxamed Geeddi oo salka ku haya fadhiga Baarlamanka ee ka dhacaya Baydhabo iyo eedo uu Ra’iisal Wasaaruhu ka tirsanyo Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan oo la xariira gudiyo uu u magacaabay qabsoomidda kulankaas.  

Wararkii ugu dambeeyey ee Magaalada Gaalkacyo...

sedexda nin ee ugu sareysa Dowladda KMG  ah ee kala ah Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, Gudoomiyaha Baar lamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa shalay meel fagaare ah uga dhawaaqay inay dhameeyeen khilaafaadkii u dhexeey isla markaana ay iska afgarteen sidii loo wadi lahaa howlah horyaala Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen hotelka taar ee ku yaala Magalada gaalkacyo ayey kaga dhawaaqeen inay soo afjareen madmadowgii siyasaded u dhexeyey masuulyiinta Dowlada gaar ahaan 3-masuul ee ugu sareysa, waxaana halkaas laga aqriyey warqad qoraal ah oo ay ku cad yihiin heshiiska ay gaareen Madaxweynaha , Ra’iisal Wasaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka,

Wasiirka Tacliinta Sare Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen ayaa aqriyey qodobada ay gareen waxa ayna ku sheegeen inuu dhamaaday kala aragti duwanaashihii u dhexeeyey dhaxdooda, waxaa goob joog ka ahaa goobtii heshiiskas looga dhawaaqayey Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda KMG ah,  heshiiskaan ayaa waxaa ka horeeyey heshiis ay  Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Gudoomiye Shariif Xasan ku soo gaareen Magalada Cadan ee dalka Yemen horaantii bishii Janaayo taas oo ay ka dhalatay in Baarlamaanku yeesho kulan guud oo lagu dhamaynayo khilaafaadka.

Banaadir oo loo aqoonsaday Idaacadda keliya ee ka diiwaangashan dalka...

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa shalay ka dhacday xarunta Idaacadda Banaadir, waxayna xafladdaasi ku saabsaneyd shahaadooyin, bilad sharaf iyo koobka sanadka 2006-da, iyo soo dhaweynta sanadguurada lixaad ee ka soo wareegtay aasaasidii Idaacadda Banaadir. Inta aysan xafladdu bilaaban ayaa waxaa halkaasi lagu soo bandhigay shahaadooyinkii, bilad sharafihii iyo koobkii sanadka 2006-da, iyadoo koobka iyo shahaado sharafta ay ku guuleysatay Gabar lagu magacaabo Amaal Amiin Siciid oo  iyadu kaalinta labaad ka gashay qiimeyn ay sameysay wasaaradda warfaafinta ee Masar iyadoo kaalmaha koowaad iyo saddexaad ay kala galeen wadamada Mareykanka iyo Faransiiska.

Xafladaasi waxaa ka hadlay xogahaya umar Max’ed Cabdule (Cumar Dhegeey) oo isagu u mahadceliyay maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda Banaadir oo uu sheegay in Soomaaliya ay u soo hooyeen guul wax ku ool ah oo dhinaca warbaahinta Soomaaliyeed, kadib markii ay buuxisay booskii warbaahinta ee Jaamacadda Carabta, sidoo kale waxa uu u mahadceliyay Amaal Amiin Siciid oo iyadu kaalinta labaad ka gashay qiimeyntii wasaaradda War-faafinta ee Masar iyo waliba iyo Idaacadad Banaadir ay noqotay Idaacadda keliya ee soomaaliyeed ee ka diiwaan gashan dalka Masar.

Waxaa kalloo ka hadlay Ibraahim Rooble oo isna ku hadlayay magaca Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in Idaacadda Banaadir ay tahay Idaacad u shaqeysa bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhinaca nabadda iyo Isboortiga, waxaa kalloo halkaasi ka hadlay Cabdi Aadan Guuleed oo ku hadlayay magaca saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka qaybgashay xafladaasi ayaa waxa uu sheegay in guushaan ay soo hoysay Idaacadda Banaadir ay tahay guul u soo hoyatay saxaafadda xorta ah ee Soomaaliyeed.

Waxaa kalloo ka hadlay agaasimaha Idaacadda Banaadir Axmed Cali Dhegweyn (Axmedna) oo isagu sheegay in Idaacadda Banaadir ay tahay Idaacad mar kasta ku shaqeysa rabitaanka Shacabka waxa uuna u mahadceliyay Dowladda Masar gaar ahaan wasaaradda War-faafinta oo uu sheegay in ay dhiiragelin siisay saxaafadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay Amaal Amiin Siciid oo iyadanu sheegtay in aad ugu faraxsan tahay xafladaan qiimaha badan ee loo sameeyay, waxay kalloo sheegtay in halkaa ka sii wadi doonto dadaalkeeda ku aadan sidii ay saxaafadda Soomaaliya kor loogu qaadi lahaa, iyadoo dhawaan ay dib ugu laaban doonto dalka Masar.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Shir ay shalay Beesha Wacbuudhan Abgaal ku yeelatay magaalada London loogana hadlayay xarriga Nabadoon Xassan Xussein Jilibeey
 
Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen Siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Saraakiil, iyo Culuma'udiin ayaa looga dood iyo falanqeyn dheer ka dib laga soo saarey qoraal maanta (Feb 13) loo gudbiyay Guddoomiyaha Xamar & Xamar daye Macallin Xaashi Maxamed wuxuuna qoraalkii u dhignaa sidatan:-
 
Ku: Macallin Xaashi Maxamed
 
Shir ay isugu yimaadeen waxgaradka Beesha Wacbuudhan Abgaal una dhaqan magaalada London ee dalka Ingiriiska kuna saabsanaa xarriga Nabadoon Xassan Xussein Jilibeey, dood iyo falanqeyn dheer ka dib waxay isla garteen in ay kuu soo jeediyaan codsigan:-
 
Adigoo tixgalinaya wada dhalasha beelaha Wacbuudhan kaa codsaneynaa adigoo ah odeygii beesha haatanna ah mas'uulka ugu sarreeya ee xagga nabadgalyada degaanka in aad sii deysid ninkaa odeyga ah isla markaana ah Nabdoon ka tirsan beelaha Wacbuudhan Abgaal.
 
Waxaan mar labaad kaa codsaneynaa adiga in aad aqbasho codisgii aan kuu soo jeedinay.
 
waxaa saxiixay:-
 
1. Dr. Xassan Maxamuud Cali "Baseey"
2. Dr. Xassan Cali Nuur
3. Xassan Macallin Maxamed
4. Cali Caddow Maxamed "Cali Jarmal"
5. Xaaji Xassan Buulle "Xaaji Qaroofoow"
6. Col. Xussein Xassan
7. Abuukar Cali Jimcaale
8. Axmed Xassan Afrax "Matoote"
9. C/raxmaan Ibraarim Kiimiko
10. C/kariin Xassan Farey
11. Sheikh Maxamed Muumin
12. Maxamed Ibraahim Dayniile
13. Maxamed Yuusuf Macallin
14. C/naasir xassan Xussein
15. Maxamed Cali Gacal
16. Xassan Afamaato
 
Mahadsanid
 
Wariye Alasow
London, UK
alasow73@hotmail.com

Muslimiinta Wadanka Holland oo aad uga xumaaday hadalkii ka soo yeeray Ayaan Xirsi..

Muslimiinta ku nool wadanka Holland ayaa si aad ah uga carooday hadalkii Ayaan Xirsi Cali oo ay ku taageertay sawirkii lagu aflagaadeeyay Nabiga (NNKH) ee lagu soo daabacay qaar ka mid ah wargeysyada wadamada Yurub oo ugu horeeyo wadanka Denmark, iyadoo ku tilmaantay wargeyska in uu ku saxnaa in uu soo bandhigo sawirkaasi, waayo waxay tilmaameysaa xoriyadda Saxaafadda, waxayna hadalkaasi Muslimiintu ku tilmaameen mid gef ku ah diintooda iyo Nabigoodaba. Waxay ka codsadeen dowladda in ay talaabo ka qaado Haweeneydaasi, maadaama ay sii kicisay carrada ummaddaha Islaamka oo waayadaani aad uga carreysnaa sawiraadaas. “Inkastoo  inta badan Gaaladu ay ka cudurdaarteen gefkaas haddan Ayaan Xirsi waxay sii danqisay Boogtii” ayuu yiri nin Soomaali ah oo degan wadanka Denmark, oo intaas sii raaciyay Ayaan waan og nahay in ay ka baxday diinta Islaamka, laakiin wixii dhibaato ah oo ka yimaada hadalkaasi waa mid ay dusha u ridan doonto mas’uuliyadeeda”. Ayaan Xirsi Cali waa Gabar asal ahaan ka soo jeeda wadanka Soomaaliya balse haysata dhalshada wadanka Holland ka mid ah xildhibaanada Baalramaanka wadankaasi, ayaa kal horey waxay wax ka sameysay Filim loogu gefayay Diinta Islaamka iyo gabadha muslimiinta ah taasoo si weyn uga carreysiisay dadka Islaamka meel kasta oo ay joogaan waxayna aakhiritaankii keentay in la dilo ninkii soo saaraha ka ahaa filimkaasi oo lagu magacaabo Van Goh, waxaana dilkiisa gaystay nin asal ahaan ka soo jeeday wadanka Marooko oo haatanna ku xiran xabsi ku yaala Wadanka Holland. Ayaan Xirsi wixii waqtigaasi ka dambeeyay waxay ahayd Haweenay nafsadeedu ay halis gashay waxaana soo gaarayay mar kasta hadalo hanjabaad ah oo lagu leeyahay waa lagu dili doonaan goor ay ahaataba, waxaana haatan ilaalia ciidamo booliis ah oo la socda dhaqdhaqaaqeeda meel kasta oo ay u bixayso.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 14, 2006

»Warbixin & Tacsi: Geeridii Garaad C/qani Garaad

47-ruux oo Abaar ugu Dhintay Deegaano ka mid ah Gobolka Gedo
»Isbitaalka Dhimirka Qaranka oo laga furay Muqdisho
»Dil Xalay ka Dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo
»C/lhi Yuusuf “K/Gaalkacyo waxay ka mid tahay Putland..
»C/Naasir Seerjito oo lagu dhaawacay agagaarka Maxkamada
»Musharax cusub oo ku soo biiray xiriirka kubadda Cagta..
»Abuu Xamza “Kenya waxay sameysey Xukun layaab..
»Jaaliyadda Gobalka Gedo ee Yurub oo deeq gaarsiiyey...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji.. Feb 13

 


»Duq Ibliis Copenhagen bay Daash ku leedahaye
»Gefka loo geystey Nabiga (NNKH) waa Xaniinya taabadkii ugu..
»
Denmark oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa..
»
Fikirkiisa Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!!
»OGAAN IYO ULAKAC | Inj. Nabaddoon
»
HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?