SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Daabaco Boggan | Print

  MA HADHO!!
Waa sheeko xiiso iyo xanuunba leh. Waxay ka koobantahay 4 qeybood oo midkastaa ay tahay buug gaara. Guji


Kawaanka Cusub ee Xoolo Qalka ee Muqdisho ... Guji..



C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji
::: GEEDDI vs HADALKIISII:::

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
Waqtiga Codka: 28:40
::: WIIL U BAAHAN GARGAAR:::

Muqdisho: C/Samed Axmed Cabdulle waa 4 1/2 jir gargaar aadaminimo u baahan... Guji..
:::MAANSADII DOODWANAAG:::

DALIIL:: wt. Axmed Cabdi Geelle: Maansadii 42 ee doodwanaag
::: MAGDHAW  :: UK :::

Maxamuud Saalax Jaamac oo Magdhaw Waydiisanaya Dowladda Britain.. Guji...
:::COLUMBUS, OHIO:::
:::TAARIIKHDII CABBEEY:::
Taariikh Nololedkii Marxuum Cabbeey Daahir Rooble: Ciyaar yahankii Xulkii qaranka Somaliya, una cayaari jirey naadigii Dawladda hoose ee Minashiibio... Guji...
:::SANCA, YEMEN:::

Rasaas lagu Furay Qaxootiga Somaliyeed ee dalka Yemen oo weli horseexda Xarunta UNHCR-ka .... Guji...
 

  WARARKII ISNIIN FEB 13, 2006

  • Isbitaalka Dhimirka Qaranka oo laga furay Muqdisho

  • Dil Xalay ka Dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo

  • C/llaahi Yuusuf  “Koonfurta Gaalkacyo wixii maanta ka dambeeya waxay ka mid tahay Putland..

  • C/Naasir Seerjito oo shalay lagu dhaawacay agagaarka Maxkamada..

  • Musharax cusub oo ku soo biiray xiriirka somaaliyeed kubadda Cagta..

  • 47-ruux oo abaar  ugu  dhintay Deegaano ka mid ah Gobolka Gedo ....

  • Guddiga taakuleynta abaaraha oo la gaarsiiyey lacag gaareysa…..

  • C/raxmaan Abuu Xamza “Kenya waxay sameysey Xukun layaab .

  • Jaaliyadda Gobalka Gedo ee dalalka Yurub  oo deeq gaarsiiyey...

  • Deeq isugu jirta buugaag qalimaan iyo jeestooyin oo la gudoonsiiyay dalada waxbarashada gobolada Jubooyinke ee JEN .

  • maamulka Isbahaysiga oo sheegay in ay ku kuuleysteen soo xarayenta cidamadii gadoodka ahaa ee ku sugnaa jasiirada Koyaamo

  • Shir Weyn oo ay Beesha Hawiye ku Yeelatay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.


Isbitaalka Dhimirka Qaranka oo laga furay Muqdisho

Maalintii Khamiista aheyd ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah looga furay isbitaalka Dhimirka Qaranka, waxaana xafladdii furitaanka ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha samafalka, kuwa dowliga ah iyo kuwooda aan dowliga aheyn, mas’uuliyiin ka socotay dowladda federaalka iyo ardayda dugsiyada gobolka Banaadir, waxaana ugu horeyntii halkaas ka hadlay madaxa cusbitaalka C/raxmaan Cali Cawaale {Xabeeb} oo sheegay in isbitaalka intii uu furnaa uu qaabilay ilaa saddex boqol iyo toban iyo shan bukaan oo qabay cudurada dhimirka kuwaasi oo uu sheegay in intooda badan laga daaweeyey cudurkaasi, kuwa kalana ay u socoto daaweyntooda.

C/raxmaan Cali Cawaale, waxaa uu sheegay, in isbitaalka uu horey uga furnaa xaafadda Suuqa Xoolaha haatanse uu u soo wareegay agagaarka KM4 kasoo hor jeedka Ex-dugsigii sare ee 21-ka Oktoobay isagoo sheegay in dhismaha haatan uu soo dagay ay ugu deeqeen koox dhalinyaro ah.

C/raxmaan waxaa uu sheegay in isbitaalka uu haatan dadka ku daweeyo si tabarucaad ah haatanse ay gabaabsi ku tahay daawada, wuxuuna u soo jeediyey hay’adaha samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed iney gacan ka geystaan sidii loo daweyn lahaa dadka cudurka dhimirka qaba.

Xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ah afhayeenka Dhaqaaqa Bulshada Rayidka ah C/llaahi Max’ed Shirwac wuxuuna sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in maanta Muqdisho laga furo isbitaal dhinaca dhimirka kaasoo uu sheegay in uu gacan ka geysan karo sidii loo daaweyn lahaa dadka qaba cudurka dhimirka oo uu sheegay in ay dhibaato ka soo gaaray dagaaladii sokeeye.

Waxaa kaloo ka hadlay Suudaan Cali Axmed oo ah guddoomiyaha hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda aadanaha ee Elman, wuxuuna u mahadceliyey intii gacanta ka geysatay furista  cusbitaalkaasi, waxaa kaloo ka hadlay Mudane Koleera oo ka socday Hay’adda WHO oo sheegay in itnii karaankooda ah ay gacan siin doonaan isbitaalkaasi oo uu ku tilmaamay inuu yahay kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga furo Muqdisho, tan iyo markii ay dhaceen dagaalada sokeeye.

Waxaa halkaasi ka hadlay dad horey loogu daweeyey Cusbitaalkaasi oo sheegay in ay markii hore ku jireen nolol cariiri ah oo sheegay in haatan ay dib ula qabsadeen noloshoodii waxeyna u mahadceliyeen C/raxmaan Cali Cawaale {Xabeeb} iyagoo sheegay inuu kaalin ka qaatay dib u soo celinta dhimirkooda, waxaana isbitaalka haatan uu tababar uga socdaa qaar ka mid ah ardayda dugsiyada waxbarashada ee gobolka Banaadir oo iyagu la socdaa xaalka bukaanka iyo sida loo daweynayo

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro


Yaa   Caawinaya Wiilkan Yare dhiban 

Ku: Hay'adaha samafalka
Ku: Jaaliyadaha Somaliland
Ku: Ganacsatada Soomaaliyeed
Ku: Ururada bulshada 

Walaalaha Somaliland   waxaa laga codsanayaa in ay u soo gurmadaan Ilma yar oo Magaciisa la yidha Maxamed Farax Jamac da'iisun tahay  10 jir una cadilan dhabarka iyadoo xanguladii dhabarka ka soo dhacday , dhabarka oo suul qabadka ah una bahan qaliin dibadeed oo deg deg ah , dhakhtiirta dalkuna ay sheegeen in dalka dibadiisa mooyaane aan gudihiisa waxba lagaga qab Karin , haddii aan deg deg wax looga qaban xaaladiisa caafimadda halis gelayso  

Sidaa darteef cidii caawin karaysa inay ilaahay dartii wax ula qabtaan  

Hana ugu soo hagaajiyaan waalidka ilamaha yar o laga heli karo telephone-ka 00252-2 623592 ama Mobile 466611 Gabiley

Mohamed Farah | gabiley2000@gmail.com


Dil Xalay ka Dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo

Feb 13, 2006: Waxaa xalay fiidkii ay kooxo dableey ahi ku dileen gudaha magaalada Kismaayo nin dhallinyaro ahaa oo magiciisana la oran jiray Dhegaweyne, dilkaas oo ka dhacay xaafadda Faanoole ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa geystay koox maleeshiya ah oo aan la xaqiijinnin ayadoo ragaasi dilka geyestay ay ku hubeysnaayeen qoryaha fudud.

Dilkaan ayaa waxa uu sababay markii uu dhacay kadib cabsi badan oo laga dareemay gudaha magaalada Kismaayo, iyada oo fiidnimadiiba ay magaaladu kala hoyatay, lamana garanayo sababta xilligaan keentay dilkaan iyadoo aanan weli la soo qabannin cidda dilkan geysatay balse ciidanka amaanka ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku soo qabtaan ragii dilkaan geystay.

Ciidammada ammaanka ee magaalada Kismaayo ayaa xalay waxa ay gaaf wareegayeen dhammaan dariiqyada magaalada si ay u sugaan ammaanka magaalada isla markaasna waxa ay baadi goob ugu jiraan inay soo qabtaan cidda dilkan geysatay.

Arrintan ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli shalay la soo xereeyay qeybtii u danbeysay maleeshiyaadkii gadoodsanaa ee Kooyaame ku sugnaa, isla markaasna uu guddoomiye ku xigeenka Koowaad xildhibaan Seeraar khudbad xasaasi ah oo dhiiri gelin ah u jeediyay ciidammada ammaanka ee magaalada Kismaayo.

cabdi khadar Nuur | Kismaayo | cabdiqadar84@hotmail.com


Waa Gabar u baahan Gargaar Deg Deg ah

Iyadoo shacabka Soomaaliyeed waayadan dambe ay noqdeen kuwo is taakuleeya isla markaana gacan isa siiya, hana noqoto kuwo la Il daran cuduro kala duwan iyo kale oo dhibaato haysato ayaa waxaa halkaan codsi ka jeedinaya Gabar da’deedu tahay 9 jir oo lagu Magacaabo Maryan Max’ed Faarax, taasoo la il daran cudur dhinaca wadanaha kaddib markii Dr. Ibraahim Dusuuqi uu dabooka ka qaaday in gabadhaasi aan waxba looga qaban karin dalka, balse haddii loo qaado dibada oo ay hesho gacan bini’aadanimo ay ka badbaadi doonto cudurkaasi.

Gabadhaan ayaa marba marka ka dambeysa cudurkaan ku sii kordhayo  waxa uu Dhakhtarku sheegay in Gabadhaasi ay noolaan karto muddo gaaban.

Maryan waxa ay Ummadda Soomaalieed meel kasta oo ay joogaan ka codsaneysa in gargaar deg deg ah loo fidyo, sidoo kale waxay ka codsaneysaa Hay’adaha samafalka in iyana gacan ka gaystaan sidii ay daryeel caafimaad u heli lahayd.

Gabaydhaan oo reerkeedu aysan waxba haysan ayaa waalidkeed sidoo kale waxay ka dalbanayaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa in ay gargaar la soo gaaraan gabadhooda oo la il daran cudurka wadna Xanuunka

Ciddii dooneysa in ay gabadhaasi ay gacan siiso waxa ay la soo xiriiri karaan Dr. Nuur Cumar Warsame oo laga helo:

Tel: 2521-570436
       2521-500 658
       2521-857810
E-Mail:
noromarwarsame@hotmail.com

manhal_tb_center@yaahoo.com
      Accoun Number: Dahabshiil 1109


C/llaahi Yuusuf  “Koonfurta Gaalkacyo wixii maanta ka dambeeya waxay ka mid tahay Putland..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo xubno kale oo isugu labada Gole ee Dowladda ayaa shalay gaaray Koonfurta Magaalada Gaalkacyo waxaana dadweyne aad u fara badan iyo mas’uuliyiinta deegaankaas, kuwaas oo markii dambe isugu tagay garoonka Kubbadda Cagta, waxaa ugu horeyntii halkaasi warbixin ka soo jeediyay Guddoomiyaha Koonfurta Iimaan Jiirow oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in maanta ay mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda ay soo gaaraan Koonfruta Gaalkacyo ayna haatan diyaar u yihiin in ay hiil iyo hooba la garab is taagaan Dowladda Federaalka, waxaana kalloo ka hadlay Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato oo isna sheegay in beeshiisu ay diyaar u tahay in ay qaadato wixii heshiis ah ee lagu dhameenayo dagaalkii Gobalada Dhexe, waxaa kalloo ka hadlay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo isna yiri “Colaadda Soomaaliya waxay ka bilaabtay gobalka Mudug waxaana loo baahan yahay in nabadda ay maanta horseedaan”, waxaa kalloo ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isna sheegay in Dowladdu ay mar kasta taageeri doonto cid kasta oo ka shaqaneysa nabadda iy dib u heshiisiinta. C/llaahi Yuusuf oo insa ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in 1993-dii Magaalada Gaalkacyo lagu dagay heshiis ay wada gaareen beelihii halkaasi wada deganaa ee Calaadu u dhexeysay, isagoo sheegay in ay ka soo shaqeeyeen isaga iyo Marxuun Max’ed Faarax Caydiid, maanta loo baahan yahay in maanta heshiiskaasi la balaariyo. “Koonfurta Gaalkacyo wixii maanta ka dambeeya waxay ku biirtay maamul gobaleedka Puntland waxaana laga saaci doonaan dhamaan adeegyada bulshada ha noqoto biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo wixii la mid ah, waxa uu intaasi sii raaciyay “Waa in Gobalka si siman loogu qaybsadaa dhaqaalaha isla markaana uu yeeshaa ciidan mideysan”, markii hadalkaan ka soo yeeray C/llaahi Yuusuf waxaa si weyn u soo dhaweeyay dhamaan mas’uuliyiintii ka soo jeeday Koonfurta Gaalkacyo oo ay ka mid ahaayeen Cismaan Caato iyo Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo xubno kale.

C/Naasir Seerjito oo shalay lagu dhaawacay agagaarka Maxkamada..

C/Naasir Axmed Aadan (Seerjito) oo ahaa qunsulkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Imaaraadka Carabta ayaa shalay lagu dhaawacay agagaarka Maxkamadda Islaamiga ah ee Xararyaale kaddib markii nin dabley ah uu rasaas ku furay, waxaana C/naasir la dhaawacmay labo qofood oo iyana markaas ag taagnaa.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha loo dhaawacay Seerjito balse warar ayaa waxay sheegayaan in Maxakamadd ay ka socotay dacwad la xiriirtay dhul lagu isku haystay taasoo la sheegay in falka loo gaystay Seerjito uu la xiriiro arrinaas.

C/naasir Seerjito oo haatan la dhigay Isbitaalka Xayaat ayaa la sheegay in caafimaadkiisu uu haatna ka reynayo iyadoo ninkii gaystay falkaasi ay gacanta ku dhigeen ciidanka Maxkamadda Islaamiga ah ee Xararyaale.

Mudan C/naasir Seerjito waxaa loo magacaabay Qunsulka dala Imaaraadka Carabta markii xiligii Dowladdi Carta.

Musharax cusub oo ku soo biiray xiriirka somaaliyeed kubadda Cagta..

Maxamuud Cali Ibraahim (Koofur Yare) ayaa shalay waxa uu shaaca ka qaaday in uu ka mid yahay musharixiinta Guddoomiye ku xigeenada Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

Koofur Yare oo in mudo ah ku soo dhex jiray K/cagta isla markaana ahaa xubin ka tirsan guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa sheegay musharaxnimadiisa Guddoomiye ku xigeenka   xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ay tahay mid uu ku rajo weyn yahay in uu jagadaas ka soo baxo marka la gaaro xiliga doorshada, iyadoo Koofur uu ka mid yahay ragga ugu cad cad ee jagadaas isku soo sharaxay.

Maxamuud Cali Ibraahim waxa uu sheegay in uu uga faa’iideyn doono aqoontiisa Isboorti xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta waxa uuna xeeqay  in musharaxtinimadiisa xiriirka soomaaliyeed ee K/cagta ay tahay mid ay ku dhiirageliyeen taageerayaashiisa sidaana uu go’aansaday in uu isku soo taago, oo uu wax weyn ka qabto maamulka xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta

47-ruux oo abaar  ugu  dhintay Deegaano ka mid ah Gobolka ....

47-qof ayaa ku geeriyootay deegaanka Faafaca-Dhuun ee Gobolka Gedo waqtiyadii u danbeeyey, 38 ka mid ah dadkasi waxa u dhinteen biyo la’aan halka sagaal ka mid ahna ay u dhinteen gaajo sida ay sheegeen Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Deegaankaas oo ay ku mideysan yihiin Odayaasha iyo waxa garadka deganka oo qadka Fooneeyaha kula soo xariiray Wargeyska ayaa ku eedeeyey Xuseen Cabdi Inshaar (Xuseen Farey) oo ay ku tilmaameen nin sheegtay Gudoomiyaha Gobolka Gedo  iyo Gaarane Nuure oo isna sheegtay inuu yahay Gudoomiyaha Degmada Garba-haarey inay dhibaato ku hayaan dadka deegaanka faafaca dhuun oo ay xanibeen Booyado biyo u waday dadkaas oo ay shegeen inuu u kireeyey Ugaas Maxamed Wali Axmed Nuur.

Gudigaan oo ka booban 13 xubnood ayna ka mid yihiin Gudoomiyaha Faafaca-dhuun Cabdi Aadan Waraabe, Maxamed Macalin Axmed (Silingi), Cali Suubiye Ibraahin, Xabad Bashiir Muxumud, Diiriye Cali Xaaji, Siyaad Bashiir Cabdi, Cismaan Cali Iimaan, Xasan Cibaar Shire iyo Sh. C/raxmaan Sh. Nasro ayaa sheegay inaysan jirin wax masuuliyad ah oo ay ka hayaan Gobolka ragasi ayna ka mid yiuhiin dhibaatada dadka haysa, waxa ay sheegeen inzy aqoonsan yihiin oo kaliya qofkii wax u qabanaya umadda dhibaataysan, waxayna intaas ku dareen in uu walkiil ka yahay Ugaas Maxamed wali Axmed Nuur oo ay sheegeen inuu dadaal ugu jiro badbaadinta dadka tabaalaysan , waxa ay ka codsadeen umadda Islaamka inay  gargaar deg deg ah la soo gaaraan dadka halkaas ku dhimanaya waxay codsi gaar ah u jeediyeen dadka Muqdisho inay badbaadiyaan dadkaas.

Guddiga taakuleynta abaaraha oo la gaarsiiyey lacag gaareysa…..

Iyadoo weli ay socto uruurinta deeqihii loogu talagalay dadka ay abaaruhu waxyeeladu ka soo gaartay ayaa waxaa maalintii shalay ahayd guddiga taakuleynta abaaraha la soo gaarsiiiyay 63-kun oo Doolar  iyo taban booyadood oo loogu talagalay in dadka abaaruhu ay waxyeeleeyeen biyo loogu dhaamiyo.

Xafladda wareejinta oo ka dhacday xarunta Shirkadda Kalimijaaro ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha Midowga Ganacsatada Maxamuud C/kariin Gabeyre oo sheegay in deeqdaani ay ka soo uruuriyeen shirkadaha ugu waa weyn Gobalka Banaadir.

Guddiga taakuleynta ayaa ka gudoomay deeqdaasi, iyadoo maalintii doraad ahaydna Machadka SIMAD uu guddiga taakuleynta gaarsiiyay 11-Kun oo Doolar oo ay ugu talagaleen dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha oo la sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa ay waxyeeladu  sii kordheyso.  

C/raxmaan Abuu Xamza “Kenya waxay sameysey Xukun layaab .

Guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqda Aadanaha qaxootiga Soomaaliyeed ee adduunka (Human Rights Committee For the Somali Refugee in the World) C/raxmaan Xuseen (Abuu Xamza) ayaa soo saaray qoraal uu ugu magac daray {Xukun la yaab leh} oo uu kaga hadlayo dacwo ay dhawaan ku soo oogtay maxkamad ku taala Magaalad Mombassa ee Dalka Kenya toban dhallinyaro Soomaaliyeed ah.

Wuxuu qoraalkiisa ku bilaabay: 9/2/2006 ayaa la hor geeyay Maxkamad ku taala Magaalada Mombassa toban dhallinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay burcad badeed markii Maxkamaddu la keenayna waxay ku doodeen in aysan maxkamaddu sharci u lahayn qaadista dacwadaan, hase yeeshee Maxkamaddu waxay go’aamisay in dacwadaasi ay qaadeyso.

Waxa uu sheegay in ay layaab tahay in iyadoo maxkamaddu og in eedeysana-yaasha, dhibanayaasha iyo goobta dambigu ka dhacay ay aysan midna Dowladda Kenya xuduudaheeda ku jirin, waxaa kalloo sheegay in muhiim ay tahay in la isweydiiyo mudan Markabka Hindiya muxuu ahaa, ma kalluumeysi buu ahaa, ma badeecuu siday, yaase u fasaxay in uu maro xeebaha Soomaaliya, wuxuu intaas raaciyay in haddii ay ku adkeysato Dowladda Kenya qaadidda dacwadaan in ay tahay arrin ku cusub khaanuunka dowliga ah ee qaaska ah, waxaana lagama maarmaan ah in loo helo qodobo loo cuskan karo.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in ay ku haboon tahay in Kiiskaani uu noqdo mid ay si gaar ah uga wada hadlaan labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya.     

Jaaliyadda Gobalka Gedo ee dalalka Yurub  oo deeq gaarsiiyey...

Maalintii shalay ahayd ayaa Gobalka Gedo waxaa la gaarsiiyay ilaa Boqol Tan oo deeq ah oo Jaaliyadda gobalka Gedo ee qaar ka mid ah dalalka Yurub  ay soo gaarsiiyay dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay abaarta, deeqdaas oo u badneyd raashin ayaa waxaa gudoomay Guddoomiyaha Guddiga taakuleynta ee gobalka Gedo Shiikh Max’ed Bishaar oo isagu u mahadceliyay intii isku soo du’day deeqdaas wuxuuna Ilaah uga baryay in bedelkeeda uu mid ka wanaagsan ugu bedelo.

Sidoo kale waxaa la soo gaarsiiyay xoogaa lacag oo loogu talagalay in dad iyo duunyo loogu iibiyo Biyo maadaama ay biyuhu yihiin kuwa ugu horeeya ee nolosha Bini’aadanka iyo xoolaha.

Gobalka Gedo waxa uu ka mid yahay gobalada ugu daran abaarta waxaana maalin walba ku dhinta dad aad u fara badan oo abaaruhu soo riteen

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Deeq isugu jirta buugaag qalimaan iyo jeestooyin oo la gudoonsiiyay dalada waxbarashada gobolada Jubooyinke ee JEN .

Waxaa Sabtidii deeg isugu jirta buugaag qalimaan iyo waliba jeestooyin ardeyda wax lagu baro la gudoonsiiyay dalada waxbarashada gobolada Jubbooyinka oo marka magaceeda la soo gaabsho loo yaqanao JEN oo fadhigeedu yahay magaalada Kismayo ayadoo ay deeqdas bixisay hey.ada wadaniga ah ee jubba AiD .

Deeqdaan ayaa waxaa ay tahay mid ay xiligaan aad ugu baahnaayeen iskuulada ay ardeyda wax ka bartaan ee ka jira magaalada kismayo iyo waliba deeganada gobolka jubbada hoose maadama aysan jirin wax hey.ad ah o ay hoos tagaan iskuulada waxbarashada ee ku bahoobay dalada JEN .

Gudomiyaha hey,ada maxaliga ah ee JUBBA AID oo ah hey,ada maanta deeqdaan bixinyesay oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf (Sanka) oo hadal gaaban ka soo jeediyay goobtii deeqdan lagu bixinyay ayaa waxaa uu yiri waa markii ugu horeysay oo deeq noocaan oo kale ah aan siino iskuulada ka jira gobolkaan waxaana rajeyneynaa in aanu waxqabadkeena sii badino si bulshada howlaha loo hayo ay u fududaato sidoo kale waxaa deeqdaas halkaas kaga gudoomey heyada jubba Aid gudoomiyha dalada waxbarashada JEN mr ENG Aways ayadoo isaguna aad uu ugu amaaney hey.adaas waxqabadkeeda islamarkaana ay ka filanayaan deeq intaan ka badan

maamulka Isbahaysiga oo sheegay in ay ku kuuleysteen soo xarayenta cidamadii gadoodka ahaa ee ku sugnaa jasiirada Koyaamo

Afhayeenka guud ee ciidanka Isbahaysiga Dooxada Jubba ninka lagu magacaabo Sanka ayaa shaaca ka qaaday maanta in ay gabi ahaanba soo xarodeen maleeshiyaadkii gadodka ahaa ee dhawaanahan ku sugnaa jasiirada Koyaamo oo 40 KM u jirta magaalada Kismayo.

Soo xareynta maleeshiyadan gadoodka kaga maqanaa maamulka Isbahaysiga Doxoada Jubba ayaa waxaa dadaal dheer u galay gudoomiye ku xigeenka maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba xildhibaan Yusuf Mire (Seeraar) asagoo ku guuleystay in uu ugu horeyn meesha ka soo saaro ciidanka maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba gaar ahaan ciidamadii dhawaan loo carbinayay in ay ka howol galaan bada kuwaasoo la geeyay aaga jasiirada kooyaamo si halkaas ay howlo amaan oga fuliyaan taasina ay si fogeysay carada ciidankii gadoodka oga maqanaa isbahaysiga oo ayaguna ku sugnaa jasiirada kooyaamo kadibna uu gudoomiyahu ku guuleystay in uu ayaguna meesha ka soo kaxeeyo ciidankii gadodka ahaa ee halkaas ku sugnaa.

Si kastooy ahaataba lama garanayo in maleeshiyadan haatan la soo caro celiyay ay dib ugu biri doonaan guutooyinkii ay horey oga tirsanayeen ayadoo maleeshiyadan ay ku jiraan qaar ka mid ah maleeshiyadii afduubka u heysatay sadexdii marakab ee kaluumeysatada ahaa ee inta mudada ah afduubka loogu heystay xeebaha gobolka jubbada hoose.

CABDI QADAR NUR MAXAMED (FILIPIIN)
 cabdiqadar84@hotmail.com


Shir Weyn oo ay Beesha Hawiye ku Yeelatay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

Shir aad iyo aad loo soo Qaban qaabiyay ayna ka soo qeyb Galeen Aqoon yahano Culamaa, udiin iyo Cuqaasha Beesha Hawiye ee ku Nool dalka Masar ayaa Habeenkii xalay ahaa lagu qabatay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

Shirkaas ayaa ugu Horeyntii waxaa Looga hadlay Xaalada uu Maanta Dalka ku sugan yahay iyo Sida ay Beesha Hawiye u arkaan Hawlaha Dib u Hishiisiinta ee ka soconaaya Gudaha Dalka Soomaaliya Taas oo ay ugu Danbeysay Go,aanka ay Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya ay ku Qaateen in ay Hal Meel ku Kulmaan taas oo la Filayo in Dbayaaqada Bishan ay ku Kulmaan Xildhibaanada Soomaaliya Markii ugu Horeesay Tan iyo Markii la soo Magacaabay Gudaha Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Baydhabo.iyagoo Sheegay in ay Taageesanyihiin in uu Qabsoomo Kulankaas oo ay iskugu imaanayaan Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo aanan Wali Kulan ku Yeelanin Gudaha Dalka Soomaaliya.

Shirkaas ayaa Xubnihii ka hadlay waxaa ka mid ahaay Sh/Yusuf oo ah Xoghaya Guud ee Gudiga Fulinta Beesha Hawiye ee Dalka Masar ,isaga oo ku dheeraaday sida ay ahmiyad u leedahay in ay Midowdo Beesha Hawiye Meel kasta oo ay Joogaan iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed wuxuuna uu Guul u rajeeyay Kulanka La filayo in ay Yeeshaan Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya Dhawaan.

Sidoo kale Shirkaan ayaa waxaa Xubnihii kale ee ka Hadlay ka mid ahaay Axmed Cali iyo Maxamuud Cabdulle Xayfow iyo Xubno kale oo Fara Badan waxayna Dhamaantooda ku Dheeraadeen Ahmiyadda ay Leedahay Midnimada Beesha Hawiye Gudaha Dalka Soomaaliya iyo Dibadiisaba.

Shiirkan ay Beesha Hawiye Yeelatay ayaa isagu waxaa la Qabtaa lixdii Bilba Mara iyadoo Xubnaha Beesha Hawiye ee ku Nool dalka Masar ay isagu yimaadaan ayaa Caawa ka duwanaa shiraraki hore loo Qaban jiiray Waxaana Dood Dheer iyo Falnqayn ka dib la Doortay Maamulka Cusub ee Gudiga Beesha Hawiye ee Dalka Masar Kuwaas Xilka Hayn Doona Lixda Bil ee soo Socota: Sida ku Cad Dastuurka axdiga ay dhigteen Gudiga Beesha Hawiye iyadoo Halkaas lagu Doortay 12 Xubnood oo Noqonaya Gudiga Beesha Hawiye iyagoo 12kaas Xubnoodna ay iska soo Dhex Doorteen Gudiga Fulinta Beesha Hawiye Kuwaas oo Magacyadooda ay Yihiin Sida Soo socota.

1-Ibraahim Cadaawe Rogomeey (Gudoomiye)

2-Macalin Barre (G.Ku Xigeen 2aad).

3- Ustaad Idiris (Xoghayn).

4-Sh/Yuusuf . (Xoghaye Guud).

Shirkaana Waxa uu ku soo Gabagaboobay sidoo loogu Tala Galay iyadoo ay Dadki ku soo Qayb Galayna ay aad ugu Faraxsanaayeen.ka soo Qayb Galka Kulankaan.

Diyaariye Mahad Carabow Cali Cairo EGYPT
Mahad554@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2006

C/llaahi Yuusuf, Shariif Xasan iyo Geedi oo kulan ku yeeshay Galkacyo..
»
Nin Talyaani ah oo shalay ku Islaaamay magaalada Muqdisho
»Cismaan Caato iyo Furux oo gaaray Magaalada Gaalkacyo
»Shaar-Guduud oo lagu qancinayo in uu ka qayb galo shirka..
»Maamulka Tooratoorow oo soo saaray warqad qoraal ah
»Sifir iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaarey Baydhabo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Feb 11