Aqoonta
iyo aqoonyahanka.
Qore:
Abdi-Mahdi A. Warsama
Orebro Sweden.
mahdigodane@yahoo.com
Bal
inta aanan u guda galin ubucda qoraalkan gaaban, waxaan isku dayayaa in aan ina
soo hordhigo, su`aasha oranaysa, waa kuma aqoonyahan? Haddaba haddii aan
su`aashaas si kooban uga jawaabo, waxaan oran karaa
aqoonyahan waa qof aqoon leh.
Su`aal kale
ayaa iyana meesha soo galaysa, taas oo oranaysa waa maxay aqooni?
Haddii aan
jawaabta su`aashan aan la aado dhinaca falsafadda ee uu ku fadhiyo ereyga
aqoon, waxa kolkaasi macnihiisu noqon karayaa ku hadba dhinac laga eegi
karo(Relative), hasa yeeshee inta badan waxaa lagu qeexaa in aqoontu tahay
tibaax(information) uu qofku ku helo laba siyood kuwaas oo kala ah:
-
Waxbarasho leh manhaj la raaci karo oo is-haysta(Formal education), sida
qofka oo yeesha aqoon xirfadeed(Dhakhtar, Macallin, Alxanle, Makaanik,
xiddigiye I.W.M).
- Tu qofku
ka helo adduunka ku wareegsan oo uu ka hanto aqoon ballaaran oo kor u qaadda
adduun-araggiisa iyo fahamka dunida ku xeeran(Informal education).
Aqoontaas
iyada ahi waxa ay albaabada u furtaa hibada gaarka ah ee ilaahay siiyey
qofka(The human talent), waxayna ballaadhinaysaa qaababka iyo tabaha uu qofku u
adeegsan karayo aqoonta ilaahay ku mannaystay. Si kastaba ha ahaatee aqoontu ma
aha wax laga sal-gaari karo. Tan iyo inta ilkaa laga dhigayo qofku wuxuu ku
jiraa aqoon kororsi joogta ah. Sidaas daraadeed waxa la oran karayaa qof aan
aqoon lahayniba ma jiro.
Aqqoonyahniinta addunku intaas waxa ay ku foogan yihiin daraasado aqooneed oo
aad u balaaran. Hadh iyo habaynba culimada adduunku waxa ay ku soo kordhiyaan
dunida ina ku xeeran natiijooyin qaaya leh oo ka dhashay daraasadaha ay ku
hawlan yihiin isla markaasna wax weeyn ku soo kordhinayaa aqoonta qotada dheer
leh.
Qof waliba
qofka uu ka sii aqoon balaaran yahay, hoos ugu sii dhaadhaca uguna si talax-taga
baarista cilmiga ayuu wuxuu isu sii aqoonsanayaa in uu huudhi yar ku dul
mushaaxayo badaha dadliqa ah ee aqooneed ee ku xeeran, wuxuuna mar kasta oo uu
ku sii talax-tagoba isu sii aqoonsanaya Jaahil dhagaweyn. Wuxuuna sii
noqonayaa maskiin aan kibir badnayn.
Inkasta oo ay
aqoontu wax weeyn ka badasho hab nololeedka qofka, haddana waxa jira laba
arrimood oo saamayn weeyn ku yeelanaya nolosha iyo dhaqanka qofka, kuwaasi oo
ah:
-
Shakhsiyadda qofka(dabeecaddiisa, dad la dhaqankiisa, dadnimadiisa I.W.M).
-
Xaddaaradda iyo hab-dhaqameedka bulshada uu ka soo jeedo iyo hadba inta ay
il-baxnimada bulshadaasi ay xididada dhulka ugu mudani qoto-dheeryihiin.
Arrimahani waxa ay hoosta ka xariiqayaan in shakhsiyadda iyo xadaaradda uu
qofku hiddaysanayaa ay saamaayn weeyn ku yeelanayaan aqoontiisa sida uu u
adeegsanayo iyo xiriirada uu la leeyahay dunida ku xeeran.
Tani ayaa
inoo ka markhaati kacaysa dhaqanka iyo hab nololeedka guud ahaanba ummaddeenna
coloowday ee dagaalka sokeeye uu cardaaduuqaha ka dhigay, gaar ahaanna qaybta
bulshadeenna soomaaliyeed ee lagu magacaabo wax-garadka, aqoonyahaniinta iyo
xirfadleeydaba.
Muddadii
dagaalka sokeeye waxa aad u batay sicir bararka ku dhacay dadka loogu yeero
wax-garadka, aqoonyahaniinta iyo xirfadleeyda. Waxaad arkaysaa magacyo aad u
badan sida boroofesoore, dotoore, aqoonyahan iyo qaar kaloo badan oo si isdaba
joog ah dhulka uga soo fuuraya sida koronkorrada. Waxaad arkaysaa nin weeyn oo
gadh iyo gafuur leh oo aad ula muraaqoonaya marka lagu magacaabo borofasoore ama
datoore. Waxa laga yaaba in mixnadda ninkaas la siiyey in uusan lahayn. Waxaad
kaloo arkaysa nin la leeyahay huggaamiye, guddoomiye, suldaan, garaad, shiikh
iwm oo meel aqoonteeda iyo xilkooda uu ku hantay aan la garanayn, haddana u
muraaqoonayaa mixnadda ama xilka been-abuurka ah ee la huwiyey.
Mararka
qaarkood waxaanba is-iraahdaa malaha soomaalidu waxa ay ka soo qalin jabisaa
kulliyadaha jinka iyo shayaadiinta. Haddii ay sidaas tahay sow kuma timaami
karro dadkaas aqoonyahaniinta jinka iyo shayaadiinta xilkooduna yahay
waxyeelada ummada iyo qaranimada soomaaliyeed.
Markaad u
fiirsatid ilaha aqoontoodu ka soo burqatana, waxaad ku tilmaami kartaa
marfishyada qabyaaladda iyo is-laweeynida iyo been-abuurka aqoondarradu ka
buuxdo.
Hab-dhaqameedka qabyaaladeed ee soomaalidu caanka ku noqotay, ayaa nimankaas aan
kor ku xusay(Aqonyahaniinta jinka iyo shayaadiinta) muraayado u ah
hab-dhaqameedkooda. Bal cidkaleba iska daaye, kuwii helay wuxuun aqoon ah oo
bulshadu ka filanaysey in aqoontoodu sababi karto in ay ka xuubsiibtaan
dhaqamada gaboobay ee hidde-raaca ah sida qabyaaladda ayna yeelan doonaan dawr
maangal ah iyo aqoon ay ku maarayn karaan u adeegidda dalkooda iyo bulshadoodaba
ayaa ugu badan kuwa hormoodka ka ah kala googooynta caqli-darrada ah ee
dalkeenna iyo adeegsiga nidaamka gaboobay ee qabyaaladda. Haddi aad
cambaarayntaas ila ogolaataan, kolkaas miyaanay nimankaasi ahayn
aqoonyahaniinta jinka iyo shayaadiinta?
Dhaleecayntan
dusha ka wada saari maayo mana wada khusayso dhammaanba aqoonyahaniinta
soomaaliyeed. Waxa jira qaar aad uga tiiraanyaysan xaaaladda somalidu ku sugan
tahay. Hasa yeeshee dhinac kale ayaa dhaliilku ka qabanyaa iyagana, kaas oo ah
urursanaan laŽaantooda iyo iyaga oo ku guul-darraystay is-abaabulkooda. Waxaa
qaybtan ka muuqda caalwaa iyo niyad-jab. Waxa ay ku calaacalaan, in wakhtigu ka
hiiliyey, in dadka soomaalidu wili uu diin-garaarsan yahay oo uu sakhrad ku jiro
oo aan meelina uga banaanayn.
Arrimahan oo
dhan waxa laga yaaba in ay yihiin wax cudurdaar laga dhigan karo, hasa yeeshee
waxa meesha ka maqan adeegsiga dhabta ah ee xirfadahooda, aqoontooda iyo
waaya-argnimadooda. In isha wax laga daawado xal ma aha.
Wargays lagu
magacaabo SAHAN PRESS ayaan mar aan fogayn ka akhriyey waraysi ay la yeesheen
qoraaga caanka ee Soomaaliyeed Mudane Nuuradiin Faarax isaga oo ka qayb
qaadanayey shirweeynihii qorayaasha iyo hal-abuurayaasha Soomaaliyeed ee london
ka dhacay 24/2/1999. waxaana uu yiri.
-
Sida ay iigu
muuqato in la is-dhigto ma aha...waxa habboon in wixii isku xirfad ahiba dhinac
isugu dillaamaan ayna xalka ka dhex raadiyaan xirfaddooda iyagoo adeegsanaya
aqoontooda.......waa in dadka aqoonta iyo xirfadda lihi isu raacaan mixnadooda
balse aanay isu raacin dhinaca dhiigga(Qabiilka).
Anigu
sidan waan la qabaa Nuuradiin Faarax, waana aragti caafimaad qabta oo si weeyn
loo ayidi karo. Laakiin arrintan uu qoraagu ka hadlay malaha ma khusayso
mixanadleeyda iyo aqoonyahaniinta jinka iyo shayaadiinta.
Ilaa iyo
hadda ururka qoraayaasha iyo hal-abuurka oo ay xubno ka yihiin qorayaal,
hal-abuureyaal iyo joornaaliisteyaal qaayo leh ayaa saaxadda xirfadleeyda
Soomaaliyeed ka muuqda. Haddaba waxaa habboon in ay abuurmaan ururo xirfadeed oo
badani si ay uga baxaan kala filiqsanaanta isuna kaashadaan, una noqdaan cudud
meesha ka saari karta kuwa aan ku tilmaamay aqoonyahaniinta jinka iyo
shayaadiinta ayna saamayn weeyn ugu yeeshaan xal u helidda dhibaatada
gaamurtey ee dalkeenna..
Qore: Abdi-Mahdi A. Warsama
Orebro Sweden.
mahdigodane@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2006 |