Faallo
Shirka Baydhabo Ninba Timo Xamar
WQ C/Shakuur Cali Mire
Shakuur@somtv.net
London, uk
Bishaaan 26-keeda waxaa la filayaa in magaalada
Baydhabo ee xarunta gobolka bay uu ka dhaco kulankii ugu horeeyey oo noociisa ah
oo ay yeeshaan xubnaha baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya kaasoo ka dhacaya
gudaha Soomaaliya tan iyo markii bishii Ogoosto 2004-tii lagu amaamudey
magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkaan oo ah mirihii heshiiskii Caddan ee ay
madaxweyne Cabdullahi Yuusuf iyo Gudoomiye Shariif Xasan gaareen shantii bishii
Janaayo ee sanadkaan ayey dadaal dheer kadib waxaa ay umuuqataa in Madaxweyne
Cabdullaahi Yusuf iyo gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Adan ku qanciyeen
dhinacyadii ay kala hoggaaminayeen inay aq-balaan kasoo qeybgalka shirka,
inkastoo labada dhinac ee kala taageerayey gudoomiyaha iyo madaxweynaha xubno
badan oo ka mid ah ay shaki weyn ka muujiyeen qaabka iyo nooca ay madaxweynaha
iyo gudoomiyaha baarlamaanku ugu soo heshiiyeen magaalada xeebta ah ee Caddan
haddana waxaa muuqata inay aq-baleen mabda`ahaan ka qeybgalka shirka Baydhabo.
Faalladii middaan ka horeysay waxaan ku qaadaa
dhiggey heshiiskii lagu saxiixay Caddan iyo caqabadihiii hor-yaaley oo markii
aan faafiyey mudo kadib ay qodobadii aan xusey in badan oo ka mid ah soo shaac
baxeen, inkastoo ay jiraan arragtiyo iyo mowqifyo siyaasaddeed oo si degdeg ah
hadba iskubadalayey siyaasadda aan mabaadiida ku dhisneyn darteed.
Waxaa jira dad badan oo shaki ka muujinaya
qabsoomida shirka baydhabo ayagoo sabab uga dhigaya arrimo ay ka midyihiin,
gudoomiyaha baarlamaanka iyo Ra`iisulwasaare Geeddi oo aan wali heshiiska ka
gaarin cidda maamulaysa qaban-qaabada iyo dhaqaalaha shirka ku baxaya, (inkastoo
la saadaalinayo in shirka gaalkacyo la`iskula meeldhigi doonno xalna looga
gaari doono qaab agaasinka shirka, kooxihii RRA oo aan wali heshiis rasmi ah
kagaarin cidda looga dambeynayo sugidda ammaanka magaalada Baydhabo, ayadoo
booqashada Kiish Bur iyo Sheekh Adan Madoobe tahay tallaabo iskusoo dhaweynaysa
garabyadda RRA, haddana Shaati guduud wali waa ka maqan yahay magaalada Baydhabo,
sidoo kale ciidamadii Xudur iyo Waajid wali looma oggolaan inay ka qeybqataan
ammaanka magaalada Baydhabo waxaana magaalada si buuxda gacanta ugu haya ciidamo
ka amar qaata xildhibaan Xaabsade, waxa laga yeelayo ciidamo la sheegay inay ka
imaanayaan Puntland oo ay sugayaan ammaanka Madaxweynaha ayaa ayadana aan xal
laga gaarin, arrimahaas oo dhan waxaa lagu tilamaamayaa inay yihiin caqabado
wali horyaal qabsoomida shirka balse annigu waxaan qabaa qodobka ku saabsan
cidda looga dambeynayo gacan ku qabashada ammaanka magaalada maahane inta kale
in ay yihiin qodobo laga gaari karo xal haddana ay u muuqataba inay wax ka
bilowdeen.
Haddaba qoramadaan waxaan ku eegeyaa haddiiba uu
dhaco shirka Baydhabo ujeedooyin noocee ah ama natiijo noocee ah ayey ka
doonayaan dhinacyadii horey khilaafku uga dhexeeyey ee ayagu aanan wali wax
heshiis ah ka gaarin arrimihii ay isku khilaafsanaayeen marka laga reebo inay ku
heshiiyeen inay kulankooda ugu horeeya ku yeeshaan magaalada Baydhabo.
Kooxda Madaxweynaha:
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxaa uu u arkaa kulanka baarlamaanka ee ka
dhacaya Baydhabo guul u soo hoyatay asaga iyo xubnaha ku fikirka ah, waxaa ayna
shirka Baydhabo ka leeyihiin dhawr ujeeddo oo kala ah, in beesha caalamka iyo
dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya ee xujada ka dhigay dowladdu waa
iskhilaaf-santahay meesha laga saaro xujadaas si loogu fasaxo dowladda wixii
kaalmo ah ee loogu talagalay, in ay xildhibaanada baarlamaanku isku- raacaan
ama u codeeyaan in dowladdu ku shaqeyso magaalada Baydhabo inta laga xallinayo
ammaanka iyo maamulka magaalada Muqdisho, in xildhibaanadu si wadajir ah ama
aq-labiyad ah u oggolaadaan in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka si loo
keeno ciidamo shisheeye. Waxaa intaas madaxweynaha u sii dheer sida warar
xog-gaalihina sheegayaan in la`isku shaandheeyo golaha wasiirada.
Kooxda Shariif Xasan:
Kooxda Shariif Xasan markaan waa taag yar yihiin isku-duubnaantii horena ma
jirto, Aw-Qanyarena waa leexdey tan iyo wixii ka dambeeyey doorashadii
gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha Baarlamaankana waxaa muuqata in asaga
iyo madaxweynuhu ay meel qoto dheer isla gaareen taasoo keentay inuu
Ra`iisul-wasaare Geeddi ka shakiyo waxa labada nin u qarsoon, balse xubno u
badan xildhibaano caadi ah oo ah kuwii horey u joogey Magaalada Muqdisho oo uu
hormuud u yahay Xaaji Muuse Yalaxow oo ay ku xoog-sanyihiin Cusmaan Caato,
Bootaan Ciiise Caalim, Cumar Xaashi waxaa ay ku socdaan ama shirka Baydhabo la
imaanayaan dhawr ajande ama qorshe siyaasaddeed oo kala ah in baarlamaanku u
codeeyo in madaxweynaha, dowladda iyo baarlamaankuba Muqdisho fariisin ka
dhigtaan iyo in la keeno baarlamaanka Motion ka dhan Ra`iisul-wasaare Geeddi si
jagada wasiirka koowaad loogu dhiibo siyaasi ku arragti ah inta badan beelweynta
hawiye oo loo arkey inuu Geeddi ku guuldaraystay inuu hanto taageerada iyo
arragtida beesha uu magaceeda ku hantay Ra`iisul-wasaaranimadda.
Mala Ridi Doonnaa Geeddi?
Shirkii ay madaxweynaha iyo
gudoomiyaha baarlamaanku ku yeesheen magaalada Nairobi xilligii ay ku
dhawaaqayeen waqtiga iyo magaalada lagu qabanayo shirka baarlamaanka war lagu kalsoonaan
karo oo aan ka helay siyaasiyiin kusugnaa waqtigaas magaalada Nairobi waxaa ay
ii xaqiijiyeen in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo gudoomiyaha baarlamaanku ay
siwada jir ah ugu damaanad qaadeen Ra`iisulwasaare Geeddi inaan la ridi doonin
arrintaasina inay dhacdo ay ka hortagi-doonaan ayagoo taas badelkeeda ka
dalbadey inuu taageero qorshaha Baydhabo, sidoo kale xubno ka tirsan beesha
caalamka ayaa Ra`iisul-wasaare Geeddi ugu qalbi qoboojiyey in wakiiladda beesha
caalamku ay ka shaqeynayaan inaan shirka Baydhabo la keenin wax Motion ah oo ka
dhan ah Geeddi, Sidoo kale safarkii uu Ra`iisul-wasaare Geeddi ku tagay Addis-ababa
waxaa lagu tilmaamey inuu ahaa safar loogu talagalay in Ra`iisul-wasaaraha lagu
kalsooni galiyo inuusan si fudud kuwaayi doonin kursigiisa laguna dhameynayey
madmadowgii soo kala dhexgalay asaga iyo madaxweynaha.
Inkastoo ay dhab tahay haddii madaxweynaha,
gudoomiyaha baarlamaanka, wakiilada beesha caalamka, dowladda Itoobiya oo wada
jira ay kashaqeeyaan inay ka hortagaan shaqo ka cayrin lagu sameeyo
Ra`iisul-wasaare Geeddi ay tahay arrin suurta galin karta in uu Cali Geeddi sii
ahaado Ra`iisul-wasaaraha xukuumadda ayaa haddana waxaa jirta in go`aanka
rasmiga ah iyo awoodu ay gacanta ugu jirto 275 xildhibaan ee ku kulmi doona
magaalada Baydhabo iyo sida ay uga go`an tahay inay shaqada ka qaadaan ama
iskadaayaan balse aan sugno sida ay wax noqdaan.
Maxaa Kasoo Bixi Kara Shirka?
Maadaama shirkaan lagu magaacabay kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka taas
macneheedu waxaa weeye inaan wali la isku raacsanayn in Baydhabo noqoto xarunta
KMG ah ee dowladda sidaas-dareteed waxaa ugu horeeya ee fadhiga baarlamaanku
hadduu qabsoomo uu go`aan kagaarayo waa xaggee dowladdu xarunta ka
dhigataa? markii ay noqoto xildhibaanadu inay arrintaas go`aan ka gaaraan oo cod
u qaadaan waxaa uu tilmaamayaa sahan laga dhex-sameeyey xildhibaanadu inay kala
qabaan afar arragtiyood oo ku aadan meesha ay dowladda xarun ka dhiggan lahayd.
Qaar waxaa ay qabaan inay u codeeyaan in madaxweynaha, baarlamaanka, iyo
xukuumadda intuba ay xarun ka dhigtaan magaalada Baydhabo inta laga xalinayo
ammaanka iyo maamulka Muqdisho, qeyb kale ayaa ayana qabta inay u codeeyaan in
baarlamaanka iyo golaha wasiiradu xarunka dhigtaan Magaalada Muqdisho
Madaxweynaha iyo madaxtoooyaduna sii joogaan Baydhabo inta laga xallinayo
magaalada Muqdisho, koox kale ayaa ayana qabta inay u codeeyaan in madaxweynaha,
baarlamaanka golaha wasiirada intuba ay xarun ka dhigtaan Muqdisho, halka
Ra`iisul-wasaare Geeddi iyo tiro yar oo wasiiro ah qabaan in madaxweynaha iyo
dowladdu xaruntoodu ahaato Jowhar baarlamaankuna xarunka dhigto Baydhabo.
Inkastoo ay adagtahay in ay dhamaan xubnaha
baarlamaanku haldhinac isku raacaan haddana waxaa kaliya ee arrintaas go`aan
looga gaari karo waa in marka hore intaan baarlamaanku cod qaadin la`isla gaaro
xeer jajab noqon kara in hay`addaha dowladda loo kala qeybiyo Baydhabo iyo
Muqdisho hadiise ay dhacdo in ay xildhbaanada inta badan u codeeyaan in dhamaan
hay`aadaha dowladdu ay halmeel saldhig ka dhigtaan sida Baydhabo ama Muqdisho
taasi waxaa ay noqonaysaa in ay dhinicii dhanka codka looga tug-tugroonaado ku
gacanseyraan dhinaca kale, oo waa inaan maanka ku heynaa in Madaxweyne
Cabdullahi Yuusuf ay ku adag-tahay hay`addaha dowladda oo dhan waxaa ay tagayaan
Muqdisho, sidoo kale hoggaamiyeyaasha Muqdisho iyo xildhibaano iyo siyaasiyiin
badan oo ku dadaaban ayagana uma cuntami doonto dhamaan hay`aadaha dowladda
xarun haka dhigteen Baydhabo Muqdishana yaan la tagin haddii ay taasi dhacdo
waxaa ay arrintu ku noqon kartaa meeshii ay taagnayd shirkii Caddan ka hore iyo
meel kasii liidata waana lagama maarmaan in la helo xal meel dhexe ah.
Guntii iyo gabagabadii waxaa ay u muuqataa
shirkan kooxaha iyo dhinacyada ka qeybgalaya in ay koox kasta la imaanayso
qorsheheeda iyo ajandaheeda gaarka ah ayna iskudayi doonto inay meel-marsato
ajandahaas, waxaan dhihi lahaa “Shirka Baydhabo Ninba Timo Xamar” oo aan ula
jeedo in qolo walba qorshe u gaar ah latageyso ee uusan aheyn shir lagu tagayo
hal qorshe oo meel looga soowada jeedo, balse aan sugno wixii ay la timaado
siyaasadda isbadbadelka badan ee aan qofna saadaalin karin maadaama ay tahay
siyaasad aan ku dhisnayn fikrad iyo arragti wax lagu badbaadinayo, waxana qabaa
wali aan waqti kale siino inta ay ka gaarayaan meeshii ay ku kala leexan jireen.
WQ C/Shakuur Cali Mire
Shakuur@somtv.net
London, uk
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2006 |