SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKA FEB 9, 2006

  • Dowladda Itoobiya oo codsatay in ay sugto Ammaanka kulanka..

  • Cismaan Caato oo u ambabixi doona Gobolada Dhexe..

  • Guddoomiyaha Baarla-maanka oo kusii jeeda Galkacyo..

  • Iska hor imaad shalay ka dhacay Muqdisho..

  • C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo shalay kulan ku yeeshey Gaalkacyo...

  • Xarunta Shirkadda Xawaalada Dalsan ee Boosaaso oo weerar lagu qaadey  ...

  • Maamulka degamada Qansax-Dheere oo ka soo yeerte Qayla dhaan...

  • CIIDAMO MILATARI AH OO LAGA QORAYO W.BARI KENYA.

Dowladda Itoobiya oo codsatay in ay sugto Ammaanka kulanka..

Dowladda Itoobiya ayaa ku dadaaleysa sidii ay gacan lixaad ah ugu yeelan laheyd kulanka  baarlamaanka Soomaaliya ee lagu wado in 26-ka bishan uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa codsatay iney sugto ammaanka magaalada Baydhabo inta uu socdo kulanka Baarlmaanka ee halkaasi ka dhacaya. Saraakiil Itoobiyaan ah oo kulan kula yeeshay madaxweyne C/llaahi Yuusuf magaalada Gaalkacyo ayaa la xaqiijiyey iney kala hadleen arrimo la xiriira kulanka baarlamaanka ee magaalada Baydhabo waxeyna u sheegeen madaxweynaha in haddii la doonayo inuu xalismo khilaafka u dhaxeeya Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi iyo C/llaahi Yuusuf in la ogolaado in ammaanka Baydhabo gacanta loo galiyo ciidamada Itoobiya isla markaana meesha laga saaro ragga haatan gacanta ku haya magaaladaas oo ay gacan saar leeyihiin hogaamiyaasha siyaasadda Muqdisho iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay sheegtay iney si weyn uga soo horjeedaan siyaasadda Itoobiya. Saraakiishan ayaa C/llaahi u sheegay in laga tanaasulo qodobka ah in magaalada Baydhabo ammaankeeda ay sugaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo ay isku siyaasad yihiin guruubka Muqdisho isla markaana meesha laga saaro tuhunka ah in xilka laga qaado Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi, Itoobiyana ay taasi badalkeeda ku dadaaleyso sidii Ra’isul wasaaraha iyo xulafadiisa ay ugu qancin lahaayeen tagitaanka Baydhabo, lamana oga waxa madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu ku qanciyey saraakiishaan Itoobiyaanka ah iyadoo la ogyahay in dhawaan Ra’isul wasaare Geeddi, Max’ed Dheere iyo Jurile ay kulan kula yeesheen magaalada Adis ababa wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya si dhab  ahna aan loo faahfaahin wixii ay isla soo qaadeen.     

Cismaan Caato oo shaaca ka qaaday in maalinta Berri ah ay gaari doonaan ..

Cismaan Xasan Cali Caato oo shalay safar dhinaca dhulka ah kaga soo galay Magaalada Baydhabo soona gaaray Magaalada Muqdisho kana mid ahaa wafdigii Guddoomiyaha Baarlamaanka ee gaaray Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay u amababixi doonaan maalinta beri ah Gobalada Dhexe si ay u soo nabadeeyaan.

Cismaan Caato iyo xubanaha la socda oo ka mid aha Beelaha Sacad iyo Suleymaan ayaa marka hore ku digi doona Magalada Gaalkacyo waxayna kulamo la yeelan doonaan Mas’uuliyiinta Dowlada ee halkaasi ku sunga si ay gacan ugu siiyaan dib u heshiisiinta labada beelod.

Cismaan Caato waxa uu sheegay in sidoo kale ay tagi doonaan deegaanadii ay ka dhaceen dagaalada, ayna kulamo la yeelan doonaan dadka ku dhaqan deegaanadaasi iyagoo ka dhaadhicin doona heshiiskii ay Magaalada Muqdisho ku gaareen beelahaasi.

Cismaan Caato ayaa Dowladda KMG ah ku eedeeyay in ay ka gaabisay sidii ay u nabadeyn  lahayd beelaha walaalaha ah e Sacad iyo Suleymaan oo mudo sanad iyo ku dhawaad ah ku dagaala-mayay gobaladaasi.

Guddoomiyaha Baarla-maanka ayaa la filayaa in.. 

Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa waxaa la filayaa in uu maanta u ambabaxo Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug si uu halkaasi kulamo ula soo yeesho Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha oo iyagu haatan ku sunga Magaaladaasi.

Saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda ayaa isla meel dhigi doona sidii uu u qabsoomi lahaa kulanka Baarlamaanka oo qorsheysan in 26-ka bishan uu ka dhaco Magaalada Baydhabo.

Waxay kalloo ka wada hadli doonaan sidii ay wada shaqeyn xoog leh ay u dhex mari lahayd saddexdooda, maadaama mudo sanad iyo ku dhawaad ah uu khilaaf u dhexeeyay.

Waxaa kalloo mas’uuliyiintu isla qorsheyn doonaan sidii ay iyagoo wadajira ay uga qaybgali lahaayeen kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka.

Iska hor imaad shalay ka dhacay Xaafadda..

Labo qof ayaa ku dhimatay dhowr kalan way ku dhaawacmeen kaddib markii uu iska hor imaad ku dhex maray xaafadda Raadeelka ee Agagaarka Wasaaradda Gaashaandhiga kooxo dabley ah oo jidgooyi u taalay halkaasi iyo Maleeshiyo kale oo daacad u ah Wasiirka Amniga Max’ed Qanyare AFrax.

Iska hor imaadkaan oo dhow saacadood socday ayaa aaqiritaankii kooxdii daacadda u ahayd Max’ed Qanyare ay la wareegaan bartii jidgooyadu tiil kooxdii dabelyda ahayd, oo iyagu  horey baad uga qaadi gaadiidka halkaasi maraya.

Dagaalka waxaa dhaliyay kaddib markii nin Dabley ah oo ka tirsan Ciidamada Max’ed Qanyare lagu xiray Maxkamadda Xararyaale ayna ka dambeeyeen kooxdaan dableyda ah, waxaana goobtaan oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Max’ed Qanyare lagu waramay in Gawaarida aan wax lacag ah looga qaadeyn, balse kooxihii maleeshiyada ahaa ayaa waxaa la sheegay in meel aan sidaas uga fogeyn ay rasaas goos goos ah ka tuurayeen, waxaana haatan socda wada hadal lagu dhameenayo arrinaasi..    

Xarunta Shirkadda Xawaalada Dalsan ee Boosaaso oo weerar lagu qaadey  ...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso waxay sheegayaan in xaruntii shirkadda Xawaaladda ee Dalsan ay ku lahayd Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ayaa tacshiirad lagu furay.

Waxaa iska tacshiiradaas ku dhintay hal ruux, waxaana ku dhaawacmay labo qof.

Warka galabnimadii shalay naga soo gaarey Bosaso waxa ay sheegeen in Boolisku ay gacanta ku dhigeen nin lagu eedeeyey in uu ahaa kii dilka geytey.

C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo shalay kulan ku yeeshey Gaalkacyo...

Waxaa maalinnimadii shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug wafdi uu hogaaminayo Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi, wafdigaas oo ka ambabaxay magaalada Jowhar ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo mas’uuliyiin uu horkacayey madaxweynaha dowladda KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed.

Wafidigaan gaaray magaalada Gaalkacyo ee uu hogaaminayo Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa shalayba kulan hordhac ah ku yeeshay halka uu ka dagan yahay madaxweyne C/llaahi Yuusuf magaalada Gaalkacyo, waxeyna kaga wadahadleen arrimo la xiriira dib u heshiisiinta ee hadda laga gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan kulanka lagu wado inuu Baydhabo ka dhaco 26-ka bishan.

Ra’isul wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa la sheegay iney xalay si gaar ah isu arkeen isla markaana ay ka wada hadleen arrimo la xiriira khilaafka ka dhaxeeya labada mas’uul oo salka ku haya go’aankii guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha ay ku gaareen in magaalada Baydhabo lagu qabto kulanka Baarlamaanka lama faahfaahin inay iska fahmeen iyo inkale balse Ra’isul wasaare Geeddi ayaa horey u sheegay in uu ka qeyb galayo kulanka Baydhabo balse wuxuu intaasi raaciyey inuu magcaabay guddi suga nabadgalyada magaalada Baydhabo taasoo horey loogu xil saaray mas’uuliyiinta beelaha Digil iyo Mirifle. waxaana lagu wadaa in guddoomiyaha baarlamaanka uu isna gaaro magaalada Gaalkacyo, si uu kulan wada tashi ah ula yeesho Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, oo halkaasi ku sugan.

Maamulka degamada Qansax-Dheere oo ka soo yeerte Qayla dhaan...

Guddoomiyaha degmada Qansax dheere Aadan Cabdi Qooqane iyo ku xigeenkiisa ayaa kulan kula yeeshay magaalada Waajid hay’adaha samafalka ee halkaasi ku sugan waxeyna kala hadlayeen sidii gargaar loogu fidin lahaa dadka abaaruhu ku dhufteen ee ku sugan degmada Qansax-dheere iyo deegaanada hoos yimaada

Mas’uuliyiintan oo muddo sideed beri ah ku sugnaa magaalada Waajid ayaa la kulmay hay’adaha UNICEF, WFP, CONCERN iyo ICRC waxeyna sheegeen iney ka heleen toban booyadood oo biyo ah oo la kala gaarsiiyey degmada Qansax-dheere iyo degmada Diinsoor, mas’uuliyiintan oo qadka telefoonka kula soo xiriiray wargeyska Ayaamaha iyagoo ku sugan degmada Waajid ayaa ka codsaday ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in lala soo gaaro gargaar bini’aadanimo dadka ay abaaruhu halakeeyeen ee ku sugan deegaanadaasi.

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda gurmad taakuleyn ah oo la doonayo in lagu samatabixyo dadka abaaruhu ay halakeeyeen, iyadoo Guddiga taakuleynta Qaranka ay soo gaarayaan lacago iyo Dahab, waxaana ilaa iyo haatan ay qabteen 20-Kun oo Doolar, sidoo kale Machadka SIMAD ayaa isna ilaa iyo haatan uruuriyay 11-Kun oo Doolar, sidoo kale Ardayda dugsiyada Gobalka Banaadir ayaa iyana uruurinaya lacago iyo raashin ay ugu talagaleen dadka abaartu ay waxyeeleysay, sidoo kale Shirkadda Hormuud ayaa ilaa iyo haatan noqotay shirkaddii ugu horeysay oo gurmad dhinaca biyaha ah gaarsiisay.

W/D Amiin Yuusu Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com  

WARARKA KENYA:::

ISKU SOO BIXII UGU WEYNAA EE MUSLIMIINTA KENYA OO DHACAYA JIMACAHA

 
Khaadiga sare ee muslimiinta Kenya sheekh hammad khasim  ayaa ugu baaqay muslimiinta ku nool guud ahaan wadanka Kenya in ay ka taxadaraan qalalaaso ka dhasha mudaaharaadyada la qabanqaabinayo in laga sameeyo dhamaan magaalooyinka muslimiinta ay dagaan ee wadanka Kenya. warkan oo dhan akhri
 
 
MUSUQMAASUQA KENYA OO SII BADANAYA.
 
Gudiga Qaran ee u dooda xuquuqul insaanka ee Kenya national human rights commission ayaa ugu baaqay muwaadiniinta wadanka in ay kor u qaadaan cadaadiska ay ku saarayaan dowalada in ay sharciga la tiigsato saraakiisha sarsare ee Dowlada laguna eedeenayay in ay ku lug leeyihiin musuq maasuqyada baaxada weyn ee wadanka ka dhacay,
 
Gudoomiyaha gudigaasi Maina Kiyaayi ayaa waxaa uu sheegay in muwaadininta ay xaq u leeyihiin in si cadaaladnimo ku saleysan ay ula dhaqqanto dadka lala xiriirinyo fadeexadaha sida anglo leasing iyo goldernberg kiyaayi ayaa waxaa kaloo uu ugu baaqay dowlada in ay sida ugu dhaqsaha badan maxkamad u soo taagto saraakiisha lala xiriirinayo fadeexadahaas.
 
Waxaa is soo taraya cadaadis lagu doonayo in dowlada ay talaabo ka qaado wasiiro ka tirsan dowlada oo lagu soo oogay in ay lunsadeen malaayiin shilinka Kenya ah qaar kale ayaa soo jeediyay in Madaxweyne ku xigeenku uu is casilo laakiin Moday Awori ayaa ku gacan sayray soo jeedintaas Xaaladda musuqmaasuqa ayaa si weyn looga hadal hayaa guud ahaan dalka Kenya.
 
Maanta iyo shalay waxaa magaalada gaarissa gaaray xubno ka socday Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa si ay u ogaadaan heerka uu joogo musuqmaasuqa magaalada gaarisa,iyadoo baryahaan ay jireen cabasho laga muujinayay lacagaha deeqda ah iyo raashinka loogu tala galay shacabka W.bari Kenya in la waayay iyadoo aan la siinin dadkii loogu tala galay,wali waxaa sii socta dhimshada dadka iyo xoolaha ee ka dhalata biya iyo baad la’aanta ku baahday gobolkan.
 
CIIDAMO MILATARI AH OO LAGA QORAYO W.BARI KENYA.
 
Waxaa Arbacadii Feb 8 magaaladan gaarissa lagu qabtay munaasabad lagu diiwaangalinayo dhalinyaro cusub oo ku biiraya ciidanka malitariga ee wadanka kenya munaasabadan oo lagu qabtay fagaaraha baraza park ee magalada gaarisa ayaa waxaa iskugu soo baxay dhalinyaro tiradooda ay ka badneyd 300 oo 26 ka mid ah ay ahaayeen gabdho.
 
Sarkaal ka tirsan ciidanka malitariga ayaa waxaa uu nooga waramay in qorshahan lagu diiwaan galinayo ciidanka cusub loo fulinayo si cadaaladnimo ay ku salaysan tahay sarkaalkaas oo lagu magacaabo Elayas Mbuuyi ayaa waxaa uu sheegay in ka yar 12 qof in laga xulan doono dhalinyaradaasi maanta la isku keenay ee gaaraysay sadex boqol isla barri ayuu gudigan tagi doonaa magaalada wajeer oo laga soo qori doono dhalinyaro kale oo loo qaadanayo milatari.
 
Guud ahaan dhalinyaradan ayaa laga qaadanayaa gobolka W/bari ee Kenya waxaa ku jiray gabdho aad ugu hanweynaa in ay ku biiraan Ciidanka Milatariga Kenya laakiin aysan u suurta galin.
 
Dhalinyara Jecel In ay ka mid noqdaan ciidamada dalkan badankood waxaa loo qaataa Milatari laakiin aad ayay ugu yar yihiin ciidanka Booliiska,waxaan la ogayn in ay iyagu doorteen iyo in kale.
 
Canab Abdule
canabmumtaz@yahoo.com

TAHNIYAD AROOS

1. Aabe Xasan Mahdi Maxamed iyo Maama Khadiija (Boosaaso)
2. Aabe Saciid Maxamed Akhyaar iyo Hooyo Maka Ciise (Boosaaso)
3. Xasan Mahdi Maxamed (Ingiriiska)
4. Ahmed Xasan Maxamed (Xeef), (Pakistan)
5. Ilham Xassan Maxamed (Pakistan)
6. Hodan Xasan Mahdi (Boosaaso)
7. Nasro Saciid Akhyaar
8. Cumar Saciid Akhyaar
9. Axmed Qaasim Faarax (Caatoos), (Pakistan)
10. Dr. Cabdulfataax Maxamed Xasan (Dr. Nero), (Pakistan)
11. Dr. Cabdullaahi Yuusuf Faarax (Pakistan)
12. Eng. Xassan Cabdullaahi Diiriye (Pakistan)
13. Eng. Cabdiraxmaan Xasan Shabuuti (Pakistan)
14. Dr. Cabulwali Cabdullaahi Jaamac (Pakistan)
15. Dr. Farxaan Bashiir Xasan (Pakistan)
16. Dr. Faarax Axmed Muuse (Boosaso)
17. Dr. Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Turbac (Pakistan)
18. Dr. Maxamed Ayaanle (Pakistan)
19. Ibraahim Qaasim Faarax (Nairobi)
20. Jibriil Qaasim Warsem (Nairobi)
21. Jamaal Cumar Xirsi (Pakistan)
22. Maxamed Yuusuf (Boosaaso)
23. Idil Cabdullaahi Ciise (Pakistan)
24. Layla Axmed Jaamac (Ingiriiska)
25. Seytuun Axmed Jaamac (Ingiriiska) iyo
26. Falastiin Axmed Diiriye

Waxa ay tahniyad u dirayaan Cali Xassan Mahdi iyo Faaiso Saciid Maxamed oo isniintii (30/01/06) ku aqalgalay xaafadda Laanta Hawada ee magaalada Boosaaso. Waxa ayna leeyihiin noqda kuwa isku waara oo lakulma bash bash iyo barwaaqo. Wiil iyo Caano Gabar iyo Caano.
Thanx .

Laxiriir
faiza Noor
yoursoul91@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2006