SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARK ASOOMAALIYA EE MAANTA FEB 7, 2006

Banaanbax balaaran oo roob doon ah oo ka dhacay magaalada kismayo

Banaanbax balaraan oo ay ka soo qeyb galeen culumaa u diinka, wax garadka, siyaasiyiinta iyo ardeyda dugsiyada quraanka iyo dadweyne aad u fara badan oo allaah looga baryayey roob iyo in uu umadiisa ka saaro abaarta ayaa Isniintii waxaa uu ka dhacay isbartiibo VECIO ee magaalada kismayo.

Banaanbaxaan ayaa intii uu socday waxaa meesha ka hadley culimaa'u'diinka reer kismayo ayagoo halkaasna ku tujiyay labo rakco oo salaada roob doonka ah dadweynahii halkaas isugu soo baxay, waxaana sidoo kale halkaas ay mashaa,ikhda qaar ka soo jeediyeen ducooyin aad u fara badan oo allaah looga baryayo in uu umadiisa roob siiyo.

Sidoo kale waxaa banaanbaxii laga canbaareeyay sawirada anshax xumada ah ee lagu aflagaadeynayo rasuulkeenii suubanaa NNKH ee ay soo daabaceen wargeyesyada ka soo baxa wadamada yurub qaarkoos ayadoo ay wadaadadu carabka ku adkeeyeen in ay muslimiinta caalamka ficil ka muujiyaan falkaas isaga ah.

cabdi khadar Nuur
cabdiqadar84@hotmail.com


C/llaahi Yuusuf oo wada qorshe ah in xilka laga qaado Mid ka mid ah Wasiirada..

Warar aanu ka helnay ilo ku dhow Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxay sheegayaan in uu sii xoogeystay khilaafkii u dhexeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/risaaq Cismaan Jurile, wuxuuna khilaafkaasi bilowday markii C/risaaq Jurile uu si cad uga soo hor jeestay in Magaalada Baydhabo lagu qabto kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, iyadoo dhawaan mar la wareystay uu sheegay in safarkii ay ku tagi lahaayeen Magaalada Gaalkacyo aysan waxba ka ogeyn oo uu ahaa mid uu iska watay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed. C/risaaq Jurile oo ahaa nin ay si aada h isugu dhawaayeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxa uu isku dhacoodu bilowday waqti aan sidaasi u fogeyn, iyadoo C/risaaq Jurile uu u ambabaxay safaro uusan ka war qabin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, iyadoo Wasiirka ay si aad ah haatan isku dhow yihiin Geedi oo uusan ka harin meel kasta oo uu Ra’isul Wasaaruhu uu u kicitimo waxaana ugu dambeysay markii ay dhawaan tageen Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya. C/risaaq Jurile waxaa hadda ka hor uu khilaaf dhex maray Wasiirka arrimaha dibadda  C/llaahi Shiikh Ismaaciil, waxa uuna C/llaahi ku sigtay in uu iska casilo xilka wasiirnimo, kaddib markii uu C/risaaq uu isku darsaday howlihii Wasaaradda arrimaha dibadda iyo tii qorsheynta Qaranka. Sidoo kale C/risaaq Cismaan Jurile waxaa kalloo lagu eedeeyay in mucaawino ay soo dhiibtay Dowladda Talyaaniga uu keligii gudoomo taas oo la sheegay in xitaa la ogeysiin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed. C/risaaq Cismaan waxa uu xiriir dhow la leeyahay Dowladda Talyaaniga waxaana Wasiirnimada ku helay qalqaalo dhanka Dowladda Talyaaniga ah, waxayna wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu kulamo la yeeshay Odoyaal iyo waxgarad ka tirsan Beesha uu ka soo jeedo C/risaaq Jurile si ay u soo magacowdaan Wasiir kale oo bedela 

Xubnaha Digil iyo Mirifle ee ku sugan Jowhar oo sheegay in markii shanaad laga soo celiyey..

Xildhibaan ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle diidayna in Magaciisa la sheego ayaa waxa uu sheegay in maamulka ka jira Gobalka Sh/dhexe iyo qaasr ka mid ah Wasiirada Dowladda Federaalka aysan ogoleyn in xubnaha Digil iyo mirifle ee ku jira labada gole in ay u kicitimaan Magaalada Baydhabo si ay uga qaybgalaan kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka iyo soo dhaweynta xubnaha Golaha Baarlamaanka.

“Waa markii shanaad oo aan ka soo laabano Garoonka oo nala leeyahay diyaaraddii waa baaqatay’ ayuu yiri Xildhibaankaasi  oo intaa raaciyay “xitaa anagoo ku sugan guryaheena oo aan dooneyno in aan u kicitino Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar  ayaa nalagu yiri maanta wax diyaarad ah oo Baydhabo u jeeda ma jiraan”. Waxaa kalloo uu sheegay in xitaa ay diyaar u ahaayeen  safar dhinaca dhulka ah oo ay  ugu kicitimaan Magaalada Baydhabo, balse  soo jeedintoodii lagu gacan sayaray, waxaana lagu cabsi galiyay in wadooyinka aysan ahayn kuwo ammaana ah. Waxaa kalloo Xildhibaanku uu sheegay in sidoo kale ay damceen in safar ay ugu soo kicitimaan Magaalada Muqdisho maadaama uu dhamaaday khilaafkii balse ay diidmo kala kulmeen mas’uuliyiinta Dowlada iyo Maamulka Gobalka Sh/dhexe.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa khudbaddiisii ugu dambeysay oo uu u jeediyo xubnaha labada Gole uu sheegay in ay ambabixi doonaan xubnaha labada Gole ee Beelaha Digil iyo Mirifle ayna u ambabixi doonaan Magaalada Baydhabo si ay uga qaybgalaan kulanka Baarlamanka.

 

Sh. Aadan Madoobe “ku soo laabashadeyda Baydhabo waxaa keenay ….”

Sh. Aadan Maxamed Nuur (sh. Aadan Madoobe) oo ah Wasiirka garsoorka DKMG iyo xubno la socday ayaa shalay soo gaaray Magaalada Baydhabo oo uu ka maqnaa muddo fara badan gaar ahaan intii ay socdeen dagaaladii u dhaxeeyey Beelaha RRA-da waxaana halkaas ku soo dhaweeyey xubno uu horkacayey Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade.

Sh, Aadan Madoobe mar uu ka hadlayay ku soo laabashadiisa Baydhabo waxa uu yiri “waxaan Baydhabo u imid siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle nabad galyada Magaalada Baydhabo iyo sidii uu ku qabsoomi lahaa kulanka Baarlaamaanka ee 26-ka Bishan” waxa uu intaas raaciyey “aad baan ugu faraxsanahay in aan ku soo laabto Magaalada Baydhabo waxaana u howlgali doonaa sidii loo dhamayn lahaa khilaafka yar e u dhexeeya siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle”

Mar la waydiiyey ma cid gaar ah ayaa u xilsaaran nabad- galyada Magaalada Baydhabo waxa uu ku jawaabay Shiikh Aadan Madoobe “ma jirto cid gaar ah oo u xilsaaran nabadgalyada Magaalada Baydhabo waxaana ka qayb qaadanaya masuulyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle,

Waxaa Magaalada Baydhabo ku qulqulaya siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ee ku jira Baarlamaanka, waxaana horey u tagay xildhibaanadii beelaha Digil iyo Mirifle ee ku sungaa Magaalada Muqdisho.  

Boosaaso oo ay ka dhaceen banaanbaxyokeenay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee maamul Gobaleedka Puntland waxay sheegayaan in maalntii shalay ahayd halkaasi ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeeday gefkii loo gaystay Nabigeena (NNKH) oo ay u gaysteen wargeysyo ka soo baxa qaaradda Yurub gaar ahaan Denmark, waxaana dadkii banaanbaxayay markii hore isugu tageen garoonka K/cagta ee Boosaaso waxaan dadkii halkaas isugu soo baxay Culuma’u-diinka oo sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in Nabigeenka Suubanaa gef loo gaysto.

Dadkii Banaanbaxayay ayaa markii dambe waxay u soo dhaqaaqeen wadooyinka waxay bilaabeen in ay tuuryeeyaan halka ay degan yihiin Hay’adaha Samfalka iyo Xarumaha Dowladda, waxaase ku soo baxay ciidanka Booliiska oo rasaas ku kala eryay, hase yeeshee dadkaasi waxay sidoo kale bilaabeen in ay taayiro gubaan oo ay Baabuurta xitaa dhagaxeeyaan, iyado rasaastii ay ridayeen ciidanka Booliiska uu ku dhintay wiil dhalinyaro ah, waxaan ku dhaawacmay shan kale.

Ciidanka Booliiska ayaa markii dambe ku guuleystay  in ay xakameeyaan banaanbaxaasi iyagoo dadkii banaanbaxayay ay dib ugu laabteen guryahoodii, waxaana dib u furmay jidadkii iyo goobihii ganacsiga, iyadoo taliyaha Ciidanka Booliiska uu sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono oo uu sheegay in la aqoonsado

Ururka OSPAD oo tababar u furtay dhalinyaro.....

waxaa shalay xarunta ururka Dhowrista iyo Horumarinta Soomaaliyeed ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan OSPAD (Organization for Somali Protection and Development ) ka furmay tababar socon doona 12 malmood dhalin yaro Soomaaliyeed oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir.

tababarkaan oo uu soo qabanqaabiyey ururka OSPAD ayaa waxaa lagu barayaa dhalin  yaradaas casharo la xariira  hogaaminta Bulshada iyo hagidda ururada Bulshada waxaana waxa dhigaya macalimiin ka socota ururka Green Gate oo ah urur macalimiin ah isla markaana hoos taga hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caruurta.

Furitaankii xaflada tababarka waxaa furay madaxa Xaquuqda Aadanaha Hay’adda OSPAD C/laaha Maxamed Cali oo ka warbixiyey ujeedada Siminaarka, waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Hay’adda OSPAD C/nuur Cismaan Wehliye oo sheegay in tababarkaasi uusan ahayn kii ugu horeeyey ee uu qabto ururkoodii waxa uu sheegay inay qorshaynayaan dhawaan tababaro kale oo lagu horumarinayo wacyiga dadka gaar ahaan dhalin yarada, waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Dalladda isku xirka dhalinyarada Gobolka Banadir (Banadir Yuoth Network) Axmed Maxamed Guuleed (Kaftamaaye), waxaa sidoo kale ka hadlay Cumar Shariif oo Gudoomiye ka ah urur lagu magacaabo BAPDO oo ka dhisan degmada baraawe

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7,2006