SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Daabaco Boggan | Print


Kawaanka Cusub ee Xoolo Qalka ee Muqdisho ... Guji..



C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

WARARKA FEB 2, 2006

  • Kismaayo: Waddo 3km oo la dayac tiray...

  • Beesha Caalamka oo soo cara celiyey Raiisul Wasaare Geedi

  • Cismaan Caato oo deg deg ugu ambabaxay Magaalada Nairobi..

  • C/llaahi Yuusuf oo Nairobi dhawaan kula kulmi doono wasaiirtada hubeysan..

  • G/Baarlamaanka oo la filayo in maalmaha soo socda u ambabixi doono Baydhabo

  • Max’ed Dheere oo weli ka biyo diidsan in Baydhabo ay martigeliso ..

  • Qaylodhaan ka soo yeertay Maamulka Degmadda Qoryooley...

  • Daahir Riyaale Kaahin oo Q/Midoobey ka dalbaday in soomaliya laga qaadin

  • Gudiga Taakuleynta Abaaraha Oo Qabtay Shir Jaraa’id oo ku saabsan Abaaraha.


Kismaayo: Waddo 3km oo la dayac tiray...

Wajigii labaad ee barnaamijka loogu magacdaray dib u dhiska iyo bilicsami ku soo celinta wadooyinka magaalada Kismayo ayaaArbacadii waxaa xariga ka jaray wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta dowlada FKG ah ee somaliyeed xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiraale) waxaana xariga laga jaray wado aad u bur bursaneyd oo dherirkedu gaarayo ilaa 3 KM ayadoo xarig ka jarida wadadaan ay goob joog ka ahayeen masuuliyiin ka tirsan dowlada FMG ah iyo waliba maamulka Isbahaysiga .

 Wadadaan oo ahayd wado bacaad ah oo hadana ay boholo ka qodnaayeen ayaa haatan waxaa laga dhigay wado jey ah oo ay baabuurtu si dhib yar u mari karaan halka awal ay ahayd wado aad u burbursan oo ay baabuurta xamuulka ah  ee marta ay kala kumi jireen dhibaato aad u fara badan oo isugu jirta gadoon iyo xanibaad . 

Wadadaan xariga laga jaray dhismaheeda ayaa waxaa ay isku xirtaa xaafada VIA Afadmood ee galbeedaka magalada Kismayo iyo halka loo yaqaano Qacle ee bartamaha magaalada Kismayo,  waxa ayna  socotay dhismaha wadadaan  mudo 28 maalmood ah ayadoo ay ku baxday qarash gaaraya sadex boqol sideetan iyo shan malyan oo ay wali harsantahay qarash kale oo lagu dhameystirayo dayac tirka wadadaan waxaana ay tahay wadadaan mid halbowle u  ah shacabka ku dhaqan magaalada kismayo waxayna haatan ay fududeyneysaa in ay yaraato culeyska baabuurta ee marta laamiga ayadoo horeyna loo dayac tiray meelo uu ka burbursanaa laamiga weyn ee dhex mara magaalada Kismayo. 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin
Kismayo somaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

 

Beesha Caalamka oo soo cara celiyey Raiisul Wasaare Geedi

Waxaa shalay soo gaaray Magaalada jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe wafdi uu hogaaminayo Ergayga gaarka ee Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay francois fall wafdigaas oo ka soo duulay Magaalada Nairobi ayaa u yimid Jowhar sidii ay Ra’iisal Wasaare Cali Maxmed Geedi ugu qancin lahaayeen in uu aqbalo go’aankii Gudoomiyaha Baarlamaaka iyo Madaxweynuhu ku gareen in Baydhabo marti galiso kulanka Baarlamaanka.

Wafdigaan shalay soo gaaray Magaalada Jowhar oo isugu jiray Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo IGAD ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi waxayna shirkaas ka dib si wada jir shir jaraa’id ugu qabteen Magaaladaas waxayna sheegeen inay ka wada hadlayeen sidii loo sii wadi lahaa howlaha dib u heshiisiinta dalka.

Ra’iisal Wasaaree Geeddi oo shirkaasi jaraa’id ka hadalay ayaa sheegay in isaga iyo wafdiga kale ay kawada hadleen sidii loo dhamayn lahaa khilafaadka yaryar ee jira isla markaana looga shaqayn lahaa sidii loo kulan siin lahaa baaarlamaanka loona heli lahaa dowlad shaqeysa, waxaa sidoo kale shirkaas jaraa’id ka hadlay Ergayga Xogayaha Mr. fall oo sheegay in rajeynayaan inay meel mar noqdaan isku dayga ay ku doonayaan howlaha dib u heshiisiinta .

shirkaas Jaraa’id looguma sheegin in ay si dhab ah uga heshiiyeen waxyaabihii ay ka wada hadleen iyo in Geeddi uu si rasmi ah u aqbalay qorshaha wafdiga, su’aalo la waydiiyey Ra’iisal Wasaaraha iyo Fall oo ahay in Geeddi uu aqbalay go’aankii kulan Baydhabo ayey ka gaabsadeen inkastoo Cali Maxamed Geeddi uu sheegay in Baydhabo ka mid tahay Magaalooyin Somaaliya laguna qaban karo shirka Baarlamaanka warar ayaa sheegaya in geedi uu aqbaley in baydhabo lagu qabto kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka

Cismaan Caato oo deg deg ugu ambabaxay Magaalada Nairobi..

Cismaan Xasan Cali Caato oo ah Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta ayaa u dhaqaaqay dhinaca Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaddib markii uu martiqaad ka helay Guddoomiyaha Baarlamaanka shariif Xasan Shiikh Aadan.

Guddoomiyaha iyo Cismaan Caato ayaa ka wada hadlaya la tashi ku saabsan sidii loom eel marin lahaa heshiiskii ay wada gaareen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka kaasoo aaqiritaankii la iskula ogolaaday in Magaalada Baydhabo ay martigeliso kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka 26-ka Febaraayo.

Cismaan Caato intii uusan ka ambabaxin garoonka waxa uu sheegay in ka qaybgalka kulanka Baydhabo ay kaga muhiimsan tahay nabadeynta dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya Gobalada Dhexe waxa kale oo uu sheegay in Guddoomiyaha uu kala hadli doono sidii uu gacan uga gaysan lahaa nabadeynta beelaha ku daaalamaya Gobalada Dhexe isla markaana uu u bixin lahaa wixii tasiilaad ah oo ku saabsan qabsoomidda kulan dhex mara mar kale waxgaradka beelaha ku dagaalamaya Gobalada Dhexe ka dhaca Gobaladaas.

"Haddii aan ka weyno Dowladda wixii tasiilaad ah anaga ayaa isku tashaneyna" ayuu yiri Cismaan Caato.

C/llaahi Yuusuf oo Nairobi dhawaan kula kulmi doono wasaiirtada hubeysan..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la filayaa in uu dhawaan Magaalada Nairobi kulan kula yeesho Wasiirada hubeysan ee ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana kulankaan qaban-qaabinaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan inkastoo aan la shaacin waqtiga uu dhacayo kulankaasi haddana waxaa Magaalada Nairobi haatan ku sugan Wasiirka amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax, Wasiirka Howlaha guud iyo Guryeynta Cismaan Caato, waxaana horey kulan Magaalada Nairobi ugu dhex maray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Max’ed Qanyare Afrax, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda Magaalaada Muqdisho ka ambabaxo Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow iyo Wasiiro kale.

Kulankaan ayaa lagu soo afmeeri doonaa wixii khilaafaad ah oo horey u dhex maray Wasiiradaas iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, sidoo kale waxaa la filayaa in kulan uu ka soo qaybgalo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo isna ka mid ahaa mas’uuliyiintii Dowladda ee uu khilaafku kala dhexeeyay Wasiirada hubeysan

G/Baarlamaanka oo la filayo in maalmaha soo socda u ambabixi doono Baydhabo

Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh oo dhawaan ku dhawaaqay in Magaalada Baydhabo ay martigelineyso kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu gaaro Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha waxaa horey u soo raaci doona Wasiirka Beeraha Xasan Max’ed Nuur Shaarguduud iyo xubno ka tirsan labada gole ee ka soo jeeda gobaladaasi.

Guddoomiyaha ayaa la filayaa in Magaalada Baydhabo uu kulan kula yeesho Wasiirada iyo xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle isaga oo ka dhaadhicin doona in ay u diyaargarow qabashada kulanka Baarla-maanka oo la filayo in uu dhaco 26-ka Febaraayo.

Dhinaca kale waxaa shalay Magaalada Muqdisho ka ambabaxay xubno ka tirsan labada gole ee Beelaha Digil iyo Mirifle, waxaana ka mid ah xildhibaan Black, Xildhibaan Afaraale, Xildhibaan Fanax, waxaana beri Magaalada Baydhabo u ambabixi doona Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo Xildhibaan Foosiyo

Max’ed Dheere oo weli ka biyo diidsan in Baydhabo ay martigeliso ..

Iyadoo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi uu aqbalay in Baydhabo lagu qabto kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka ayaa haddana ninkey sida aadka ah isugu dhow yihiin ee Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) waxa uu ka biyo diidsan yahay in Magaalada Baydhabo ay margigeliso kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, waxa uuna sheegay in Magaalada Baydhabo ay tahay magaalo aan xasilooneyn oo aan nabadgelyadeeda la isku haleyn kari. Ra’isul Wasaare Geedi ayaa waxa uu shalay la kulmay mas’uuliyiin ka socotay Beesha caalamka oo uu hogaaminayay Francois Fall, iyadoo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ku qanciyay in uu ogolaado in Baydhabo ay noqoto meesha lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka. Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa la filayaa in ay kulmaan Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi si uu uga dhaadhiciyo in uu isna aqbalo in Baydhabo ay martigeliso kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka. Xubnihii ka socday beesha caalamka ayaa iyagu wax kulan ah la yeelan Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) hase yeeshee waxaa la filayaa in mar kale isna ay la kulmaan si uu u ogolaado in Baydhabo ay noqoto halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeye ee Baarlamaanka. Ilaa iyo haatan ma jirto cid ciidan in Baydhabo ay martigeliso kulankaasi marka laga reebo dhowr xubnood iyagoo horey u sheegay in Baydhabo ay tahay Magaalo aan martigelin karin kulanaasi.

C/laahi Yuusuf oo shalay gaaray dalka Jabuuti…

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa shalay subax ka duulay madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf iyo wafdi uu hoghaminayo ayagoo ku sii jeeda dalka jabuuti ka dib martiqaad ay ka heleen Madaxweynah dalka Jabuuti Ismaa’iil Cumar Geele.

C/laahi Yuusuf iyo wafdigiisa ayaa isla shalay gaaray dalka jabuuti waxayna kulamo hor dhac ah la yeesheen madax ka tirsan dalka jabuuti waxaana lagu wadaa in maanta uu kulan gaar ah yeeshaan labada Madaxweyne Ismaa’il Cumar Geele iyo C/laahi Yuusuf waxaana lagu wadaa inay ka wada hadlaan arimo la xariira dalka soomaaliya..

tagista C/laahi Yuusuf ee Jabuuti waxay ka dambaysay kulan dhexmaray labada Masuul shirkii Khartuum ee dalka Suudaan ee ay isugu tageen madaxda dalalka Africa waxaana ka mid ah wafdiga Madaxweynaha Wasiirka Horumarinta reer Miyiga Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo Dheere).

Daahir Riyaale Kaahin oo Q/Midoobey ka dalbaday in soomaliya laga qaadin

Daahir Riyaale Kaahin oo ah Madaxweynaha Maamulka la magacbaxay Somaliland ayaa warqad qoraal ah u diray Q/Midoobey uu kaga dalbanayo in Soomaaliya laga qaadin cunaqabteynta hubka.

"Haddii Soomaaliya laga qaado cunaqabteynta waxaa sii xoogeysanaya dagaaladii sokeeye" ayuu yiri Daahir Riyaale oo intaa raaciyay "Cunaqabteynta marka laga qaado Soomaaliya waxayna iyana saameyn ku yeelaneysaa khilaafka u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland".

Daahir Riyaale waxa uu sheegay in Soomaaliya haatan ay baahan tahay in laga qaado hubka balse uma baahna in hub loo fasaxo, waxayna sii fogeyneysaa xaaladad murugsan ee Soomaaliya.

Qaylodhaan ka soo yeertay Maamulka Degmadda Qoryooley...

Warqad qoraal ah oo ay na soo gaarsiiiyeen Maamulka iyo Odayaal dhaqameedyada iyo qaybaha kale ee Bulshada ee Degmada Qoryooley ayaa ugu baaqayaa Hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn in ay gargaaar deg deg la soo gaaraan dadka ay waxyeeladu ka soo gaarta abaaraha iyo biya la’aanta ee nawaaxiga Qoryooley ee Gobalka Sh/hoose, waxayna sheegeen xubnahaani in degmada ay saaran tahay culeys aad u weyn oo la xiriira iyadoo degmadaasi ay soo buuxdhaafiyeen dad iyo duunyo ka kala yimid Gobalada Bay iyo Bakool iyo waliba Gedo, markii horeba ay deegaankaasi ka jirtay biyo la’aan aad u baahsan.

Fuustadii biyaha ah ayaa la kala siitaa 350 ilaa iyo 400-kun oo shillin Soomali ah halka markii hore ka ahayd 20-Kun, iyadoo marka neefka Lo’da ah la geeyo suuqa uusan goyn karin labo Loor Galley ah xitaan Fuusto biyo ah

Ugu dambeyntii waxay u so jeediyeen Ha’adaha samafalka in ay indhahooda ku soo arkaan dhibaatada ka jirta deegaankaasi, sidoo kale waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay gacan siiyaan walaalahooda kale ee abaartu ku habsatay.

Gudiga Taakuleynta Abaaraha Oo Qabtay Shir Jaraa’id oo ku saabsan Abaaraha.
Acount-Numbar oo ay ka fureen shirkadaha Dahabshiil 2282 iyo Amal Bank10739

Iyadoo dalka ay ka jiraan Abaaro aad u baaxad weyn oo galaaftay dad iyo Duunyo ayaa waxaa dhawaan la magacaabay Guddi taakuleyn oo u badan culama’udiin waxayna Shalay shir Jaraa’id ay ku qabteen Hotel Muqdisho ee Magaalada Muqdisho, waxayna faah-faahin ka bixiyeen qaabka loo aruurin karo taakuleynta, waxayna shirkaas jaraa’id intuu uusan dhicin saxaafadda loo qeybiyay qoraal uu so saaray Guddigan oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Sheekh Axmed maxamed Suleymaan, wuxuuna u qornaa sidan:-
Guddiga waajibaadkiisa waa wacyi gelinnta Bulshadda howlaha gurmadka deg-dega ah ee Abaaraha, hubinta, qiimeynta iyo warbixin ka sameynta xaaladda goobaha ay abaaruhu ku habsadeen, uruurinta kaalmadda lagu bad-baadinayo dadka tabaaleysan, gaarsiinta kaalmadaas meelaha ay abaaruhu ka dheceen, guddiga gargaarka abaaruhu kulankiisa 1-aad oo ka dhacay Hotel-ka Mogadisho ee Magaaladda Mogadishu, wuxuu mahadcelin ballaaran u soo jeedinayaan guud ahaan hay’adihii iyo shaqsiyaadkii iyagu iskood isugu xilqaamay inay wax ka ogaadaan xaaladda abaaraha, isla markaana wax ka qabtaan, guddiga abaaruhu falanqeyn dheer kaddib wuxuu ummada Soomaaliyeed u soo jeedinayaa baaq ku aadan sidii loo samata bixin lahaa abaaraha ka dhacay Goboladda dalka qaarkood.

Guddiga gurmadka abaaraha wuxuu ku baaqayaa markii la arkay abaaraha ku habsaday goboladda dalka qaarkaood , markii la arkay dhibaatadda culus ee saameysay dadka iyo duunyadda, markii la arkay in kaalmo lagu sugo gacan dibadeed aysan bad-baadin karin dadka iyo duunyadda dhibaateysan, mar haddii aan nahay ummad muslimiin ah oo aaminsan diintooda, isla markaana jecel in ay ku dhaqmaan diintooda, mar haddii shacaarka ugu sareeya ee Islaamka uu xambaarsan yahay uu yahay in dadka Muslimiinta ah ay isku gar-gaaraan oo ay is kaalmeeyaan, welibana kaalmada Allana ay ku xirantahay in aan inagu isku kaalmeyno ayaan ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ugu baaqeynaa qodobadan Hoos ku qoran.
Ø in ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ALLE u tooba keenaan oo ay is cafiyaan
Ø in dhammaan Hay’adaha warfaafinta sida ugu dhaqsiyaha badan u gaarsiiyaan warbixinada la xiriira abaaraha meel kasta iyo goob kasta Gudaha iyo dibadda.
Ø in dhammaan hey’adaha siyaasadda, waxbarashadda, arrimaha bulshada, Xarumaha dacwada, masaajidada, dugsiyadda Qur’aanka, Culimadda iyo cuqaasha beelaha ay si deg-deg ah shacabka Soomaaliyeed ugu wacyi galiyaan ka qeyb qaadashada Barnaamijka bad-baadinta Ummadda.
Ø in qof kasta oo naga mid ah uu murugada iyo dareenka la qeybsado waalihiisa dhibaateysan.
Ø in qof kasta iyo guri kasta oo Soomaali ah uu kala baro xabadda Rootiga ah ee uu cunayo si uu u bad-baadiyo walaalkiis u dhimanaya Baahi iyo Oon
Ø In maal qabeenadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed si buuxda oo waxtar leh uga qeyb qaataan bad-baadinta Ruuxa Muslimka ah iyo qaraabada.
Ø in Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ay u istaagaan inay maanta samata bixiyaan dad ka badan Rubuc ummadda Soomaaliyeed oo qarka u saaran inay u geeriyoodaan baahi, oon iyo cuduro ka dhashay.
Ø dhammaan hey’adaha Gargaarka Islaamiga ah iyo qeyrkooda waxaan ugu baaqeynaa inay door muuqda ka qaataan xallinta dhibaatadda baaxadda leh ee ku dhacday ummadda Soomaaliyeed.
Guddiga oo xaafiis ka furtay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa Bakaaraha dhismaha Shirkadda Sundus oo dhanka Koonfur uga dhagan Xarunta Dahabshiil ayaa ciddii daneyneysa inay wax ka qabtaan waxay ku soo hagaajin karaan wixii kaalmo lacageed ah Account-ka ah 10739 Amal Bank of Somalia ama 2282 Dahabshiil Bank, wixii intaas dheer waxaad kala xiriiri kartaan Telefoonada kala ah:- 00252-1-658565/ 577471/ 524621/ 286606/ 514777.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2006


xubno ka tirsan dowlada oo u soo guuray Kismayo  

Wafdi balaaran oo isugu jira xildhibaan iyo sawiiro ku xigeeno oo ka tirsan dowlada FKG  ah  ayaa Talaada (Jan 31) soo gaaray magaalada Kismayo ayagoo ka soo kicitimay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada Dhexe oo haatan fariisin KMG  ah u ah dowlada FGM  waxaana si diiran ugu  soo dhaweeyay wafidgan  garoonka magaalada Kismayo  masuuliyiin sar sare oo ka tirtsan dowlada FKG ah iyo xubno kale oo ka tirsan maamulk Isbahaysiga Dooxada Jubba oo uu horkacayay wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta xildhibaan Barrre Aadan Shire (Hiraale) .

Wafdigaan soo gaaray magaalada Kismayo ayaa waxaa hogaaminayay wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaan dhiga Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere) ayadoo ay ku weheliyeen safarka wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo guriyeytan Cabdi rixmaan Yuusuf Diiriye (Indho buur ) iyo waliba xildhibaana kale oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan Cabdi risaax bsaaq biixi xildhibaan Cali baashi  xaaji Maxamuud  waxaana  ay xubnahan ka tirasan dowlada uu socdaalkoodu ku wajahnaa howlo shaqo oo quseeya dowlada .

 

Socdaalka wafidgaan ka socda dowlada ayaa waxaa saxaafada oga warbixiayay wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhiga Cumar Dheere isoo sheegay in uu socdalkoodu yahay mid arimo badan quseeyo waxaana uu sheegay cumar dheere in magaalada Kismayo ay tahay meel haatan amaankeedu uu aad u sareeyo ayna xubnaha dowlada ee ku weheliya safarkiisa ay ay fariisin  KMG ah ku yeeshaan magaalada kismayo .  

Wafdigaan maanta soo gaaray magaalada Kismayo oo si toos ah oga soo anbabaxay magaalada Jowhar ayaa waxaa uu socdaalkooda ku soo beegmay xili magaalada Kismayo ay soo gaareen maalintii shalay ahayd xildhibaano ka tirsan dowlada FKG oo uu horkacayay xildhibaan Yuusuf Mire Maxamuud (Seeraar) iyo waliba xildhibaan ENG  Buule waxaana dhamaanba wafuudan haatan ku soo qulqulaysa magaalada Kismayo  si aad ah ugu soo dhaweeyay magaalada   bulsho weynta ku dhaqan magaalada kismayo waxana haatan ay  noqoneysaa tirada xubnaha dowlada ee ku sugan magaalada Kismayo  10 xubnood oo sigu jira wasiiro, wasiiro ku xigeeno iyo waliba xildhibaano. 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismayo somaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho oo soo Dhoweeyey Kulanka Baydhabo
»Ra’isul Wasaare Geeddi oo ka hadlay arimaha baydhabo
»Banaanbax lagu taageerayay in Baydhabo lagu qabto kulanka
»Francios Fall oo dhex dhexaadinaya Geedi iyo...
Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji Feb 1

Kawaanka Cusub ee Xoolo Qalka ee Muqdisho
Warbixintii
Muuse Maxamud Jiisow...  Guji... Jan 31