SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Daabaco Boggan | Print


Kawaanka Cusub ee Xoolo Qalka ee Muqdisho ... Guji..



C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

WARARKA FEB 1, 2006

  • Dowladda Kenya oo sheegtay in Siyaasiyiinta Somaliyeed aysan.. 

  • Ra’isul Wasaare Geeddi oo sheegay in in Cabdulaahi Yuusuf uu ka been abuurtey...

  • Xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho oo sheegay in Baydhabo tahay..

  • Francios Fall oo dhex dhexaadinaya....

  • Banaanbax lagu taageerayay in Baydhabo lagu qabto kulanka ugu horeeya..

  • Xaflad sagootin ah oo loo sameeyay guddoomiyihii hore ee Naadiga Nakadsa..

Dowladda Kenya oo sheegtay in Siyaasiyiinta Somaliyeed aysan.. 

Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Go’aankii Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ahaa in Magaalad Baydhabo lagu qabto kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka taas oo ay Dowladda Kenya sheegtay in ay soo dedejineyso in ay wax badan u qabsoomaan baarlamaanka iyo xukumadda maadaama aysan mudo sanad ah aysan wax kulan isugu imaan. “Ma dooneyno in wixii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo aan waxtar lahayn iyadoo la og yahay in Dowlada Kenya shirkaasi ay kaga baxday lacag aad u fara badan ilaa iyo haatanna aan lacagtaasi weli la bixin” ayaa lagu yiri warkaas ka soo baxay  wuxuu inaas sii raaciyeen “Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ma lahan biseyl siyaasadeed ma doonayaan in dalkooda ay ka saaraan dhibaatada”. Dowladda Kenya waxay sheegtay in aysan ka daahi doonin sidii shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen dowlad u shaqeysa kana saarta dhibaatada, waxaa kalloo warkaas lagu sheegay in Dowladda ay ka qaybqaadan doonto sidii loo dhex dhexaadin lahaa xubnaha sar sare ee dowladda oo iyagu khilaafkoodu noqday mid aan dhamaad lahayn, waxaana la filayaa in Magaalada Jowhar uu dhawaan soo gaaro ergay ka socda Dowladda si uu kulamo ula yeesho Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo isagu ka biyo diidsan go’aankii Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ahaa in Magaalada Baydhabo ay noqoto Magaalada Martigelineysa kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, sidoo kale waxa uu ergaynaa la kulmi doonaa Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo isagu ka mid ah ragga sida aadka ah uga soo horjeeda in Baydhabo lagu qabto kulanka Baarlamaanka

Ra’isul Wasaare Geeddi oo sheegay in in Cabdulaahi Yuusuf uu ka been abuurtey...

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa shalay kulan la yeeshay xubnaha Golihiisa Wasirada ee ku sugan Jowhar wuxuuna kulankaasi ahaa mid looga hadlayay go’aankii guddoomiyaha Baarlamaanka ee ahaa in Magaalada Baydhabo ay noqoto halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, wuxuuna Ra’isul Wasaaruhu ku tilmaamay go’aan uu qaatay shaqsi keliya oo aan laga tashan xubnaha kale ee Dowladda.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi waxa uu sheegay in Magaalada Baydhabo ay tahay meel aan xasilooneen oo aan lagu aamini karin xubnaha Dowladda, isagoo sheegay in arrintaasi ay keeni karto dhibaato hor leh.

Mar uu ka hadlayay in Go’aankaasi uu wax ka ogaa iyo in kale waxa uu yiri “C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiye Shariif Xasan waxa  aan isku ogeyn in Shirka lagu qabto Muqdisho ama Jowhar markaana talada la baahiyo si ay meeshaa uga soo baxdo meel la isku raacansan yahay. Ra’isul Wasaaruhu waxa uu sheegay in isaga, Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay isku raaceen in inta aan lagu dhawaaqin Magaalada marti-gleineysa kulanka in marka hore la soo kormeero Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo  iyo Jowhar.  

Xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho oo sheegay in Baydhabo tahay..

Xubnah labada gole ee ku sugan Muqdisho ayaa waxa ay isugu yimaadeen kulan uu shir guddoominayay afhayeenka xubnahaas Cumar Xaashi Aadan, waxaana looga hadlayay go’aankii Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ahaa in Magaalada  Baydhabo ay noqoto Magaalada lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka.

Kulankaasi ayaa xubnaha labada Gole waxay si weyn ugu soo dhaweeyeen in Magaalada Baydhabo lagu qabto kulankaasi, waxayna ku tilmaameen in Magaaladaasi ay tahay Magaalo u qalanta in lagu qabto kulankaasi.

“Wax maanta looga hor yimaado go’aankaasi meesha ma yaalaan, waayo xubnaha ku sugan Jowhar iyo kuwa ku sugan Muqdisho dhamaantood waxay u qoor dhiibteen Guddoomiyaha Baarlamaanka isaga ayaa lahaa go’aankaasi” ayay yiraahdeen xubnaha labada Gole oo sheegay in ay ka qaybgali doonaan kulanka ka dhacaya Magaalada Baydhabo ee 26-ka Febaraayo. 

Francios Fall oo dhex dhexaadinaya....

Madaxweynaha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu ka codsaday beesha caalamka inay gacan ka geystaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka mar kale soo wajahay dowladda federaalka kaddib markii xafladdii lagaga dhawaaqayey halka lagu qabanayo kulanka ugu horreeya ee baarlamaanka uu ka baxay Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi oo uu dib ugu laabtay magaalada Jowhar.

Francios Fall oo ah ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa haatan dadaal ugu jira sidii uu Ra’isul wasaaraha ugu qancin lahaa in uu ka qeyb qaato Geeddi socodka nabadda Soomaaliya isla markaana ay dowladdu u noqon laheyd mid wada shaqeysa.

Ergayga ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu soo gaaro magaalada Jowhar si uu kulamo ula yeesho Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi iyo guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb {Max’ed Dheere} si uu ugu qanciyo inay ka qeyb galaan kulanka ugu horreeya ee Baarlamaanka ee la filayo in 26-ka bishan uu ka dhaco magaalada Baydhabo.

Ra’isul wasaaraha iyo Max’ed Dheere ayaa iyagu si aad ah uga soo hor jeestay in magaalada Baydhabo lagu qabto kulanka ugu horreeya ee Baarlamaanka, waxey doonayaan in Jowhar ay noqoto halka lagu qabanayo kulanka ugu horreeya hase yeeshee wareysi uu bixiyey C/llaahi Yuusuf wuxuu ku sheegay in Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi uu ogolaa in Baydhabo lagu qabto kulanka ugu horreeya ee Baarlamaanka.

Banaanbax lagu taageerayay in Baydhabo lagu qabto kulanka ugu horeeya..

Iyadoo Magaalada Baydhabo ay noqotay Magaalada martigelineysa kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka kaasoo dhacaya 26-ka Feebaraayo ayaa waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Baydhabo a dhacay banaanbax aad u balaaran kaasoo ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka iyo guddigii loo xil saary diyaarinta kulanka ugu horeeya laguan taageerayay qabashada kulankaas ee Baydhabo ayaa waxa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in Magaalad Baydhabo ay noqoto magaaladii ugu horeysay ee lagu qabto kulanka Baarlamaanka.

Dadweynaha oo aad u fara badnaa ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid ahaayeen “Baydhabo way u qalantaa in lagu qabto kulanka Baarlamaanka, xaq ayay u leedahay in lagu qabto”.

Dadweynaha oo aad u xamaasadeysnaa ayaa waxaa loo sheegay in loo baahan yahay in si weyn loogu diyaar garoobo kulankaasi isla marakana looga shaqeeyo nabadgelyada iyo xasiloonada Magaalada.

Xaflad sagootin ah oo loo sameeyay guddoomiyihii hore ee Naadiga Nakadsa..

Xaflad si heer sare ah loo agaasimay laguna sagootinayay Guddoomiyihii hore ee Naadiga NAKADSA laguna soo dhaweenayay guddoomiyaha cusub ayaa shalay lagu qabtay machadka SIMAD ee magaalada Muqdisho waxaana ka qaybgalay ardayda ka mid ah naadigaasi, madaxda Hay’adaha Samafalka, maamulka Dugsiga Axmed Gurey iyo martisharaf kale, ayaa waxaa ugu horeyntii ka hadlay Mahad Max’ed Xasan oo ka mid ah ardayda Jaamacadda Banaadir oo sheegay in ardayda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u is taagaan sidii ay dadkooda uga badbaadin lahaayeen abaarta iyo dhibaatadeeda, sidoo kale waxaa ka hadlay Maryan Cabdule Qaawane, Axmed Diini Axmed, Max’ed Nuur Gacal iyo C/kariin Xuseen Guuleed oo dhamaantood u soo jeediyay guddoomiyaha cusub in uu halkiisa ka sii wado howshiisa, waxayna sheegeen in Ardayda Soomaaliyeeed looga baahan yahay in ay gacan siiyaan dadkooda dhibaateysan.

Waxaa kalloo ka hadlay C/Najiib Xasan Nuux oo ah maamulaha dugsiga sare ee Axmed Gurey ayaa waxa uu sheegay in ardayda ka tirsan naadigaas ay tiradoodu gaareyso 1700 oo arday oo ka qalinjebiyay dugsiga Sare ee Axmed Gurey, marka la fiiriyo tirade ardaydaasi waa mid tayo wanaagsan oo bulshad wax u qaban karta, wuxuuna u soo jeediyay guddgia cusub ee Naadiga NAKADSA in ay howshooda horey u sii wadaan.

Guddoomiyihii hore Ciise Maxamuud Guure ayaa dukumintigii naadiga ku wareejiyay Guddoomiyaha cusub Max’ed Xaashi Balal, waxaana halkaasi lagu daawaday barnaamij ka hadlayay wax-qabadkii naadiga mudadii uu jiray, sidoo kale waxaa halkaasi barnaamujyo guubaabo ah ka soo jeediyay Maxamuud Ibraahi (Qarbuush) iyo koox uu watay.   

 W/D Amiin Yuusuf Khasaaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 1, 2006

Wararkii Shalay hoos ka akhri...


WARARKA JAN 31, 2006

  • Dowladaha Talyaaniga iyo Itoobiya oo la sheegay in ay ka dambeeyeen ka bixidii Geedi..

  • C/llaahi Yuusuf “Geedi isagaa saxiixay Baydhabo in lagu qabto kulanka...

  • Cali Max’ed Geedi oo si kedis ah ugu soo laabtey Jowhar...

  • Hadaladii laga yiri xafladdii ku dhawaaqista goobta shirka lagu..

  • Max’ed Dheere “Kenya laguma gaari karo go’aan ay leedahay soomaalida..

  • Xildhibaan Faysal Cumar oo soo dhaweeyay ku dhawaaqida Baydhabo...

  • Hay’adda DBG oo markii ugu horeysay u tababartay dad Soomaaliyeed oo ka hortaga Sunta lagu daadiyo...


Dowladaha Talyaaniga iyo Itoobiya oo la sheegay in ay ka dambeeyeen ka bixidii Geedi..

Xildhibaano diiday in magaciisa la sheego kuna sugan Magaaalada Nairobi ayaa waxa ay sheegeen in ka bixitaankii xafladdii lagu dhawaaqayay halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka ee Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ay sababteeda lahaayeen ama ay ka dambeeyay dowladaha Itoobiya iyo Talyaaniga.

“Cali Max’ed Geedi isaga ayaa ogolaaday in lagu qabto Magaalada Baydhabo kulanka, balse xiriiro ay la soo sameeyeen ayaa waxay ku booriyeen Cali Max’ed Geedi in uu isaga baxo xafladda ku dhawaaqista, deg degna uu ugu ambabaxo Magaalada Jowhar taas oo uu u hogaansamay Ra’isul Wasaare” ayay yiraahdeen xildhibaanadaasi, oo sheegay in maalmahan uu khilaaf u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Dowladaha Talyaaniga iyo Itoobiya oo iyagu si aad ah u doonayay in kulanka lagu qabto Magalada Jowhar.

Kulan ay Magaalada Khartuum ku yeesheen Madaxweynaha iyo Milless Sanawi ayaa la sheegay in kulankasi uu ku dhamaaday is afgaranwaa iyadoo markii uu ku soo laabtay C/llaahi Yuusuf Magaalada Jowhar uu sheegay in ay jiraan Dowladu shisheeye oo aan dooneyn maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, balse loo maleenayo in ay yihiin Itoobiya iyo Talyaaniga. 

Cali Max’ed Geedi ayaa la filayaa in maanta uu kulan deg deg ah isugu yeero xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Jowhar, kulankaas oo looga hadli doono waxa ay ka yeelayaan ku dhawaaqistii  Baydhabo. 

C/llaahi Yuusuf “Geedi isagaa saxiixay Baydhabo in lagu qabto kulanka...

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo khudbad ka jeediyay xafladdii shalay lagu qabtay Hotelka Grand Regency ee Magaalada Nairobi ee Guddoomiyaha ku iclaaminayay halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka in ay tahay Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu ka hadlay Madaxweynuhu maqnaashaha iyo ka baaqsashada Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ee xafladda.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in uu ka xun yahay in Ra’isul Wasaare Geedi uu ka soo qaybgali waayo xafladda, wuxuuna Beesha Caalamka, Xildhibaanada meesha joogay iyo Ummada Soomaali-yeedaba uga tacsiyeeyay arrintaas, Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Cali Max’ed Geedi uu saxiixay isla markaana uu ogolaaday in shirku lagu qabto Magaalada Baydhabo.

“Ra’isul Wasaare Geedi isagaa saxiixay in Baydhabo lagu kulmo, isagaa Guddoomiyaha Baarlamaanka la qaatay anna sidaas ayuu ii sheegay, Guddoomiyaha iyo Ra’isul Wasaaruhu iyagoo wada socda ayay ii yimaadeen waxayna ii sheegeen in ay isku afgarteen arrintaas, aniguna waan ka ogolaaday, maanta waxaana ku balansaneyn in aan xafladdaan aan beesha Caalamka iyo Xildhibaanada hortooda kaga dhawaaqno, Geedina in uu ka soo qaybgalo ayaan ku balansaneyn, haddey sidaas tahayna ma garanayo waxa uu uga baaqsday Ra’isul Wasaaruhu uuna uga tagay Magaalada Nairobi” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo xildhibaanada ka dalbaday in ay gacan ka gaystaan sidii Ra’isul Wasaaraha loogu qancin lahaa go’aanka la gaaray.   

Cali Max’ed Geedi oo si kedis ah ugu soo laabtey Jowhar...

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa shalay ka soo degay Garoonka Magaalada Jowahr xili la filayay in uu ka qaybgalo xafladdii looga dhawaaqi lahaa goobta lagu kulminayo Baarlamaanka Soomaaliya kaddib markii uu ka soo biya diiday qorshaha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf  iyo Guddoomiyaha Baaralamaanka Shariif Xasan Shiikh Adaan oo isku raacay in kulanka lagu qabto Magaalada Baydhabo.

Ra’isul Wasaare Geedi markii uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jowhar wax hadal ah ma bixin inkastoo saxaafaddu weydiisay waxa uu ku saluugay shirka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ku go’aamiyeen in Magaalada Baydhabo laga dhigo goobta kulanka Baarlamaanka, balse waxa uu isugu yeeray xubnaha golayasha ee ku sugan Magaalada Jowhar maalinta berito ah in ay shir isugu yimaadaan uuna siin doono wixii war ah oo ku saabsan arrintaas.

Soo bixiitaanka Ra’isul Wasaare Geedi uu ku gacan seyray qorshaha Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha ayaa waxay ku soo beegan tahay xili xasaasi ah oo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere uu isna sheegay in uusan aqbaleynin in lagu kulmiyo Baarlamaanka meel ka baxsan Magaalada Jowhar haddii taas la waayana aysan gorgortan geli karin kulanka Baarlamaanka uu ka dhaco caasimadda Muqdisho. 

Hadaladii laga yiri xafladdii ku dhawaaqista goobta shirka lagu..

Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka KMG ah iyo dublamaasiyiin iyo martisharaf ka socotay beesha caalamka ayaa shalay isugu tagay hotelka Grand Regency ee Magaalada Niarobi halkaas oo ay ka dhaceysay xaflad qado ah oo lagu iclaaminayay goobta sida weyn loo sugayay ee Guddoomiyaha Baarlamaanku ku qaban doono kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka  Soomaaliya. Kulankaas oo u ka qaybgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha Baarlamaanka shariif Xasan Shiikh Aadan oo sheegay in uu ku faraxsan yahay in howl dheer kaddib ay soo gebgabowdo la tashiyadii iyo howshii u saabsaneyd sheegista goobta shirka. Waxa uu sheegay in maanta uu aad ugu faraxsan yahay in uu si rasmi ah ugu dhawaaqo in 26-ka Feebaraayo ay tahay maalinka uu dhacayo kulanku isla markaanka uu ka dhacayo Magaalada Baydhabo, waxa uuna ka codsaday Xildhibaanada in ay si deg deg ah ku yimaadaan mudadaas. Waxa uu sidoo kale ka codsaday beesha caalamka iyo wadamada deeqaha bixiya in ay taageeraan go’aankaas isla markaana ay soo dedejiyaan dhaqaalhii ay ugu talagaleen qabsoomidda kulankaas, isagoo sidoo kalana ka codsaday in ay goob joog ka ahaadaan maalinta uu kulankaasi dhacayo. Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) oo ka tirsan Wasiirada Dowladda kana mid ah xildhibaanada KMG ah ayaa halkaasi ka akhriyay warqad qoraal ah oo ay ku qoran yihiin dhamaan qodobadii ay ku heshiiyeen Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha iyo waqtiga iyo meesha kulanka lagu qabanayo, sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweynaha KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka howshii laga sugayay uu maanta soo gebagabeeyo, waxa uu sheegay in howshaan ay tahay howshihii Guddoomiyaha isaga iyo inta kalana laga rabo in ay taageeraan, wuxuu sidoo kale sheegay in uusan garanaynin sababa uu Ra’isul Wasaaruhu uga maqan yahay kulanka, waxaa kaloo halkaasi isna ka hadlay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Francios Fall oo u mahadceliyay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada waxa uuna sidoo kale ka codsaday beesha caalamka in ay si deg deg ah u diyaariyaan dhaqaalihii shirka. 

Max’ed Dheere “Kenya laguma gaari karo go’aan ay leedahay soomaalida..

iyadoo si wayn loo sugayey go’aanka ku dhawaaqista goobta uu ku kulmayo golaha Barlamaanka soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya khilaaf xoogan oo dhexyaala madaxda ugu sareysa dowladda KMG ah kas oo ku sabsan magaalada lagu kulmayo waxaana maalintii shalay ahayd ka hadlay arintaas gudoomiyaha gobolka sh/dhexe maxamed cumar xabeeb (maxamed dheere) oo sheegay inuusan raali ka hayn in kulanka laga wareejiyo magaalada jowhar.

maxamed dheere waxa uu sheegay in kulankaas uu ka dhoco jowhar hadii kalena uu ka dhoco magaalada muqdisho wixii inytaas ka baxsanina ay tahay wax laga leeyahay dano iyo ujeedooyin  qarsoon, waxa uu sheegay maxamed dheere in madaxdii soomaaliyeed ay ku sugan yihiin dfalka gudihiisa  ee aysan joogin dalka kenya tas oo loo qaatay in uusan la dhacsanayn howsha ay wadaan madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka.

waxa uu intaas raaciyey inaysan sharci ahayn in magaalada baydhabo lagu kulmiyo golaha baarlamaanka waxa uuna sheegay in magaalada jowhar ay si sharci ah ku tahay saldhiga kmg ah ee dowladda magaalada muqdishona ay si shrci ah ku tahay caasimadda soomaaliya isagoo intaas ku daray inaysan magaalda baydhabo aysan meelna ka soo gali karin laabadaas.

 “Kenya laguma gaari karo go’aan khuseeya soomaaliya waayo dowladdii iyo madaxdii Soomaali-yeed waxay ku sugan yihiin dalka gudihiisa sidaas darteed ma jirto wax ka khudseeyo kenya arimaha soomaaliya” ayuu yiri maxamed dheere oo intaas ku daray in cidii ku dhawaaqda in kulanku ka dhoco meelka baxsan muqdisho iyo Jowhar ay iyadu masuul ka tahay wixii ka yimaada arintaas.

Xildhibaan Faysal Cumar oo soo dhaweeyay ku dhawaaqida Baydhabo...

Xildhibaan Faysal Cumar Guuleed oo ka soo jeeda Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo isugu jira ku dhawaqistii Guddoomiyaha Baarlamaana goobta uu ka dhacayo kulanka Baarlamaanka, howlihii ay waayadaan labada Gole ka hayeen gobalka Banaadir iyo sidoo kale anjadayaasha looga hadli doono kulanka ugu horeeya ee golaha Baarlamaanka.

 Xildhibaanku waxa uu soo dhaweeyay go’aankii uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarla-maanka in kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanku ka dhaco Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay 26-ka Feebaraayo, xildhibaanku waxaa kalloo uu ka hadlay howlihii labada Gole ay ka wadeen Gobalka Banaadir, waxa uuna sheegay in sidoodii ay u sii socon doonaan, marka kulanka ugu horeeya uu dhacana howlaha Xamar ma is taagayaan inta dhimanaya waxaa lagu dhameystiri doonaan kulanka Baarlamaanka.

Wuxuu sidoo kale Xildhibaanku sheegay in kulanka Baarlamaanka marka ugu horeysa ee xildhibaanadu is arkaan ay kaga doodaan sidii ay meel isaga dhigi lahaayeen, isla markaana ay uga heshiin lahaayeen khilaafaadkii hore kaddibna laga doodo la islana meel dhigo sidii ay u shaqeyn lahayd Dowladda, Baarlamaankuna u yeelan lahaa fikir mideysan. Mar uu sidoo kale ka hadlaayay soo laabashada Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi uu ku soo laabtay Magaalada Jowhar ayuu yiri “anigu ma joogo Nairobo waaxaanse ku suganahay Muqdisho laakiin waxaan ogahay in Ra’isul Wasaare Geedi uu saxiixay in Baarlamaanku uu ku kulmo Baydhabo. 

Hay’adda DBG oo markii ugu horeysay u tababartay dad Soomaaliyeed oo ka hortaga Sunta lagu daadiyo...

Hay’adda DBG ayaa shalay soo saartay War Saxaafadeed ku saabsan tababar dad soomaaliyeed ka hortaga waxyaabaha haraadiga ah ee sunta ah ee lagu daadiyo xeebaha Soomaaliya.

Tababarkaas oo socday mudo labo todobaad ah ayaa waxaa war-saxaafadeedkasi u qornaa sidatan:-  Kaddib dhul gariirkii ka dhacay Badweynta Hindiya ee Koonfur Bari qaaradda Aasiya taariikhdu markay ahayd December 26-dii 2004 si gaar ahan ugu dhiftay qaar ka mid ah wadamada kala ah Induniisaya, Thailand, Sri-Langa iyo Maldives soona gaaray xeebaha Soomaaliya, haddaa hay’adda daryeel bulsho guud DBG iyadoo dhowrsa barnaamujkeeda qiimeynta waxyeelada ka dhasha masiibooyinka waxay si deg deg ah u dirtay saraakiil sahan ku sameysa baaxadda dhibaatada saameysay bulshada iyo deegaanka Soomaaliyeed mudadii lagu jiray howshaas waxaa xeebaha Soomaaliyeed gaar ahaan qaybaha badaweynta Hindiya lagu arkay haaman iyo fuustooyin waaweyn oo daxaleystay isla markaana si gaara h u xiran oo badidood badda ka soo caariyay kaddib mowjadihii xowliga dheer ku socday ee a dhashay Sunaamigii.

Haamahaas iyo fuustooyinkaas sida laga soo xigtay dad ku nool xeebaha ku firirsan badweynta Hindiya waxay gaysteen khasaarooyin isugu jira dad iyo doonyo laga soo bilaabo Jubadda Hoose iyo kuwa Mudug.

Musiibadaas kaddib DBG waxay baaq u dirtay caalamka si loo darso waxyaabaha ku dhex jira qalabkaas oo la tuhunsan yahay ilaa iyo hada in ay ku jiraan sun kala duwan si khatartaas loo xakameeyo dalka waxaa dhawaan yimid khuburo shisheeye oo tababar siisay koox Soomaliyeed mudadii u dhexeysay 11 ilaa iyo 15-kii Janaayo.

Nooca tababarka waxa uu ahaa sidii kooxda DBG u wajihi lahayd isaga ilaalin lahayd qatarka haamanka iyo sidii dadka soomaaliyeed looga badbaadin lahaa ilaa iyo heer iyadoo la ogsoon yahay in xilka adag ay qaban karto dowlad.

Tababarku waxa uu ka koobnaa gargaarka deg degga ah iyo caafimaadka guud, qaabka neefsashada iyo qalabka difaaca, ka sifeynta sunta qalabka iyo goobta shaqada, qaabka qaaditaanka halista ah iyo istimcaalka Global Positioning. Haddaba Abuukar Shiikh iyo Cumar Colaad oo ah saraakiisha ugu sareysa hay’addaasi ayaa waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in wixii war ah oo dheeraad ah oo ku saabsan haamahaas Ha’adda DBG si kooxda tababaran loogu diro.    

W/D Amiin Yuusuf Khasaaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2006


Shariif Xasan oo Shaaca Ka Qaaday in Baarlamaanku ku shiri doono Baydhabo
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG ayaa maanta shaaca ka qaaday in kulanka ugu horeeya ee baarlamaanku uu.. Guji

XAALAD ADAG OO LA SOO GUDBOONAATAY DENMARK
»Fatwada ka soo yeeray Muftiga Sacuudiga
»Sacuudiga oo u yeeratay Safiirkeeda Denmark
»Safaaradaha Kuwait iyo Libya oo albaabada loo laabay
»Khasaaraha shirkadaha Denmark soo wajahay
»Safiirka Denmark ee Sacuudiga oo dhaleeceeyay JP
»Calankii Denmark oo la gubay...
Wararkan oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jan 30

Ra’isul Wasaare Geeddi oo lagu Qanciyey in aan Xilka laga Qaadi Doonin.
»Kulankii labaad oo ay yeeshaan C/laahi Yuusuf iyo Qanyare..
»Dalladda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqey Roob doon…
»Deeq daawo oo la gudoonsiiyey isbitaalka Kismayo....
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Jan 30