SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
March 29, 125

Wararkii: Dec 31, 2006

  • Faahfaahin ku saabsan dagaal ka bilowday agagaarka Jilib kaas oo u dhexeeya....
  • Dagaal ka Qarxay Woqooyiga Jilib
  • Qanyare: Dawladdu in ay Maamulka Muqdisho Gacanta ku qabato Waa Dhalanteed...
  • Max’ed Qanyare “Geeddi iyo C/llaahi Yuusuf waa niman aan wax garaneyn oo xitaa aan maamuli karin Guryahooda
  • Cali Max’ed Geeddi oo sheegay in aysan dib u soo laaban doonin Qabqablayaashii...
  • Cadde Muuse oo Cadaado kulan kula yeeshay...
  • Qarax Bam oo ay Dad u dhinteen oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
  • Kulan Albaabadu u Xiranaayeen oo Geeddi Muqdisho Kula Yeeshay Xildhibaanadii Kusugnaa Muqdisho...
  • Ra’iisul wasaare Geedi oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho
  • Waa sidee xaalada Magaalada Jilib oo ay kulaalayaan Ciidamo tigree ah?

Dagaal ka Qarxay Woqooyiga Jilib

Dec 31, 2006: Wararka ka imanaya magaalada Jilib ayaa tibaaxay in dagaal aad u xoog weyn uu maanta ka qarxay meesha lagu magacaabo Helashid oo 11 miles Woqooyi ka xigta magaalada Jilib halkaas oo diyaar ku yihiin 3,000 oo dagaalyahaniin kuwaas oo diyaar u ah dagaal, sidaas waxaa tiri hay'adda wararka ee AP.

"Waxaan maqlayaa madaafiicda iyo hubka culus ee la is weydaarsanayo oo ka dhacaya bannaanka maagaalada," sidaas waxaa yiri Cabdi Maalik oo ka tirsan hay'ad samafal oo joogta Jilib, sida uu telefoon ugu sheegay AP.

Miigaga Itoobiy ayaa dul xiimayay magaalada Kismaayo maanta, sida ay sheegtay AP.

"Dagaalyahaaniintanadu waa jebin doonaan ciidamada Itoobiya," sidaas waxaa yiri Sheik Axmed Maxamed Islaan, madaxa dhaqdhaqaaqa Ismaaliga ee aagga Kismaayo sida uu u sheegay AP.

Maxamed Suldaan Cali, oo deggan magaalada Jilib, waxa uu sheegay in ciidamada Islaamigu ay wadada soo geleysa magaalada ay dhigeen miinooyin ah kuwa meesha fog laga qarxiyo.

Geeddi: Al-Qaeda ayaa Joogta Soomaaliya

Wakaalada Wararka AP waxa kale oo ay sheegtay in Cali Maxamed Geedi, ra'iisulwasaaraha DFKMG, uu Axadii safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya, Michael Ranneberger, kala hadlay adkaynta amniga xadka Kenya iyo Soomaaliya. Waxana ay hay'addu wersiey in Geedi sheegay in ay Kismayo ku sugan yihiin saddex nin oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay 1998 Safaaradaaha Maraykanaka ee Bariga Afrika. Saddexda nin ee la sheegay in Maraykanku raadinayo waa Fazul Abdullah Mohammed (Comorian),  Saleh Ali Saleh Nabhan (Kenyan) iyo Abu Taha al-Sudani (Sudanese) oo lagu xiriiriyey Al-Qaeda.

"Waxaan ognahay in ay Kismaayo joogaan", ayuu yiri Geeddi. "Waxaan rabnaa in aan qabano ama dillo raggaas wax kasta oo ay nagu qaadataba" ayuu Geeddi u sheegay AP. "Waa xididada dhibaatada" ayuu raaciyey.

AP waxay sheegtay in dhaqdhaqaaqa Islaamigu ay beeniyeen in ay wax xiriir ah la leeyihiin Al-Qaeda.

Qanyare: Dawladdu in ay Maamulka Muqdisho Gacanta ku qabato Waa Dhalanteed...

Wakaalaada Wararka ee AP waxay tiri: Maxamed Qanyare Afrax, oo aahaan jirey qabqable-dagaal ee Muqdisho oo hoggaamiyey isbahaysigii uu maraykanku garabka siinayey ee Muqdisho laga saaray bishii June, waxa uu sheegay in uu rumaysan yahay in Dawladdu ay Maamulka Muqdisho gacanta ku qabato ay tahay Dhalanteed.

Qanyare waxa uu intaas ku daray: in Dagaalyahaniinta Islaamigu ay diyaar u yihiin inay bilaabaan dagaal guerrilla ah oo ka bilowda magaalooyinka. Waxana ay wakaaladu intaas ku dartay in Xalay uu Qarax ka dhacay Muqdisho, ay ku dhimatay qof dumar ah... [Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Hadalka Qanyare, dagaalka Jilib iyo Qaraxa Muqdisho ka akhri hoos.]


Faahfaahin ku saabsan dagaal ka bilowday agagaarka Jilib kaas oo u dhexeeya....

Ciidamada Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa mar kale waxay foodda is dareen ciidamo isugu jira kuwa Dowladda iyo Itoobiya, waxa uuna dagaalku haatan ka socdaa meel ku dhow degmada Jilib ee Gobalk J/dhexe, iyadoo ciidamada Maxaakiimtu isku qaybiyeen labo aag, qolo waxay ka dagaalameysaa meel ku dhow Degmada Bu’aale, iyadoo dagaalku uu ku baahay dhamaan dhulka hawdka ah ee ku yaala deegaankaasi.

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah waxay doonayaan in ay difaacdaan magaalada Kismaayo, waxaana Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ay yihiin kuwo isku dhaarsaday in ay iska difaacaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Federaalka, sidoo kale ciidamadan ayaa ah kuwo dagaalyahaniin ah waxaana ku jira mas’uuliyiintii Maxaakiimta islaamiga ah.

Dagaalkaan oo la isku habeensaday ayaa la isku adeegsanayey hubka culus iyo midka fudud, waxaana lagu waramay in tuulooyin ku dhawaa halka uu dagaalku ay dad badani ka qaxeen kuwaas oo u cararaya tuulooyinka kale ee ku dhow, si ay uga badbaadaan dagaalka socda.

Dagaalkaan ayaa ka duwan dagaaladii hore, waayo ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah waxay sameysteen taliyaal ciidan kuwaas oo ay ka amarqaadanayaan ciidamada, iyadoo Guddoomiyaha Maxaakiimta Islaamiga ah ee Gobalad Jubbooyinka uu sheegay in dagaalkaani uu ku baahi doono dhamaan wadamada Geeska Afrika, haddii aan si dhaqsi leh wax looga qaban gardarada ay Ciidamada Itoobiya ku soo galeen dalka Soomaaliya. Sidoo kale wararka ka imaanaya xuduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya waxay sheegayaan in dad fara badan oo ka qaxay dagaalada ay doonayaan in ay u gudbaan xerooyinka xaqootiga ee ku yaala dalka Kenya, iyadoo Ciidamo fara badan oo Keenyaati ah la soo dhoobay xuduuda

Max’ed Qanyare “Geeddi iyo C/llaahi Yuusuf waa niman aan wax garaneyn oo xitaa aan maamuli karin Guryahooda

Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax oo wareysi siiyey jariirad lagu magacaabo Couera de la Zero oo ka soo baxda dalka Talyaaniga ayaa waxa uu u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed oo ay la shaqeeyaan Dowladda, waxa uuna sheegay Qanyare in Cali Max’ed Geeddi iyo C/llaahi Yuusuf Axmed ay yihiin niman aan waxba garaneyn oo xitaa aan maamuli karin Guryahooda, isagoo sheegay in uu wixii haatan ka dambeeya, isagoo ku fadhiya Kursiga Baarlamaanka uu kula dagaalami doono dhinaca siyaasadda.

Ugu dambeyntii Max’ed Qanyare waxa uu sheegay in marka la uruurinayo hubka loo baahan yahay in helo cid dhex dhexaad ah, maadaama aan is aamini weynay muddo 16 sano, waxaa kaloo uu sheegay in xiligii UNISOM hubkii la uruuriyey la siiyey dad gaar ah dib aan isugu baabi’inay, mana dooneyno in taasi ay mar dambe dib u soo laabato, isagoo sheegay in loo baahan yahay in shacabku ay fahmaan Dowladnimo. {Amarkii DFKMG ee hub ka dhigista ka akhri halkan...}.

Cali Max’ed Geeddi oo sheegay in aysan dib u soo laaban doonin Qabqablayaashii...

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hotel Globol ayaa waxa uu ka hadlay dhowr arrimood, oo ay ugu horeyso hub ka dhigista, waxa uuna sheegay in dowladdu ay saartay guddi soo qorsheeya, qaabka ugu haboon ee bulshada hubka looga dhigi karo.

Mar uu ka hadlayey dhinaca ciidamadii ka haray maxaakiimta Islaamiga ah waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay cafis u fidisay, waxa uuna u soo jeediyey shacabka in dadkii ku dhaawacmay dagaalka dib loogu soo celiyo isbitaalada si loo daaweeyo.

Mar uu ka hadlayey dib u soo laabashada qab-qablayaasha dagaalka, waxa uu sheegay Ra’isul Wasaaruhu in uu dhamaaday xiligii qab-qablayaasha dagaalka, waayo ayuu yiri mudo 16 sano ah ayay dhibaato ku hayeen ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale dhinaca saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in Dowladdu ay soo dhaweyneyso saxaafadda xorta ah balse loo baahan yahay in ay ka hadasho wax xaqiiqda ku saleysan oo aysan ka hadlin wax dhibaato u keeni kara bulshada Soomaaliya, ra’siul wasaaruhu waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ay dib ugu laaban doono wadankoodii marka ay gutaan hawsha ay dowladda u hayaan. {Faahfahin dheeraad ah oo shirka Jaraa'id ee Ra'iisul wasaaraha hoos ka akhri...}

Cadde Muuse oo Cadaado kulan kula yeeshay...

Gen. Cadde Muuse oo ah Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland oo shalay soo gaaray Degmada Cadaado ee Gobalka Galguduud oo xarun u ahayd ciidamdii maxaakiimta Islaamka ee ka dagaalamayey gobalada Dhexe, waxa uuna markiiba wada hadal la yeeshay Odoyaasha iyo waxgaradka iyo Culima’udiinka ku nool Cadaado, waxayna isla soo qaadeen sidii looga shaqeyn lahaa nabadgelyada.

Cadde Muuse waxa uu sheegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan loogu sameyn doono maamul Degmada Cadaado oo ay ka qaybgali doonaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Waa markii ugu horeysay oo Cadde Muuse yimaado Cadaado, waxaana keenay markii Ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga ah ay halkaasi isaga soo baxeen, waxaa ka hadlay kulankaasi Daahir Shidane oo ka mid ah ragga haatan sii haya maamulka Degmada Cadaado, waxa uuna sheegay in Degmada Cadaado wixii haatan ka dambeeya ay taageeri doonto Dowladda Federaalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Warar Dheeraad ah oo Hoos ka akhri...


Koonfurta Magaalada Muqdisho oo Gawaaarida lagu dhejiyey Sawiro Geeddi iyo Zenawi...

Dhanka Koonfureed ee magaalada Muqdisho ayaa maalmahan lagu arkayey in gawaarida lagu dhejiyey sawirka Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi iyo Ra'iisul wasaaraha Dawladda Federaalak Kumeel Gaarka ah, arrintaas oo sii xoojineysa shakiga laga qabo xiriirka gaarka ah ee u dhexeeya Zenawi iyo Geeddi. "Zenawi ma waxa uu rabaa in uu Koonfurta Muqdisho ka hir geliyo qabqable dagaal oo cusub" ayuu yiri qof sawirkan arkay. Sawirka hoose waxaa qaaday hay'adda wararka ee AP.


Geeddi iyo Zenawi oo lagu dhejiyey gaari marayey Koonfurta Muqdisho

Sawirka: (Guy Calaf / AP)... EEG HALKAN


Dagaalo Faraha lagaga Gubtay oo ka Soconaya degmada jilib iyo deegaanada ku dhowdhow.

Wararka Naga soo gaaraya deegaanada jubooyinka ayaa sheegaya inay halkaasi ka soconayaan dagaalo aad u qaraar oo u dhexeeya ciidamada maxaakiimta islaamka iyo ciidamada dfkmg ah oo kaashanaya kuwa tigreega , degmada jilib ayaa waxay u jirtaa magaalada kismaanyo ee xarunta jubada hoose 120km islamarkaana iydoo ay dhowaan markii ay ciidamada maxaakiimta islaamku ay ka guureen magaalada muqdisho ayay magaalada kismaanyo saldhig ka dhigteen islamarkaana difaaca ciidamada maxaakiimta ee ugu soo horeeya ayaa ku sugan magaalada jilib

Dagaalkan ayaa waxaa laysu adeegsanayaa hubka waaweyn iyadoo warar ilo xog ogaal ah laga helayaa ay sheegayaan inay ciidamada maxaakiimta islaamku ay iska caabin xoog leh ka sameeyeen goobtaasi islamrkana ay ka gubeen ciidamada itoobiyaanka ee ka dagaalamaya deegaanadaasi waloow ay jiraan in meelo badan laga soo weeraray .

Si kastaba ha ahaatee xaalada dagaalka ka soconaya deegaanada jubooyinka ayaa kusoo beegmaya xili ay masuliyiinta u hadlay golaha maxaakiimta islaamka oo ku sugan magaalada xeebta ah ee kismaanyo ay sheegeen inay iska caabin doonaan ciidamada itoobiyaanka ah ee kusoo duulay dalkooda.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com



Ciidamada Xabashida ee galay Soomaaliya: AP

Qarax Bam oo ay Dad u dhinteen oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax sababay dhimasho Hal qof oo haweenay ah iyo sadex dhaawac ah xalay ka dhacay degamada yaaqshiid agagaarka Hotel ramadaan, Qaraxan ayaa wararka aan ka Helano waxay sheegayaan in lala begsaday Qoys Deganaa xaafada agagaarka Hotelka ramadaan iyagoo ku cawaysimaya gurigooda daaradiisa waxaa lagu soo tuuray Bam gacmeed islamrkaana halkaasi ay qudh baxday Hooyadii Qoyskaas Halka Aabihii iyo gabadh iyo wiil uu dhalay ay dhaawac yihiin.

Qaraxaan dhimashada iyo dhaawaca gaystay ayaa waxuu ka dhashay Bam gacmeed sida ay noo xaqiijiyeen Dad deris la ah xaafadaasi oo goob joogayaal ahaa Markii Qaraxu dhacayey ayaa noo sheegay in Bam lagu soo tuuray guriga iyagoo ku sugan qoyska oo ka koobnaa sida ay noo shegeen goob joogayaashaasi 5qofood ayaa waxaa ka badbaaday hal wiil oo qura .

Caaqil maxamed weli oo deris la ah qoykaasi ayaa noo xaqiijiyey in Loo malaynayo in Bamka ahaa mid lagu soo tuuray Qoyska islamrkaana loo aanaynayo xaalada amaan xumo ee ka jirta magaaladaa muqdisho.

Mar aan waydiiyey maxamed weli Maxay tahay sababta qoyskan Bamka loogu tuuray ayuu waxuu yiri ''Waxaanu anagu u qaadanay ama ay U eg tahay qoyskan oo ahaa qoys ahaa dadka aadka u tageersanaa Golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed islamrkaana ayba qoyska qaarkiis ka mid ahaayeen inay tahay sababtu '' ayuu kusoo koobay maxamed weli oo ah nin weyn oo wax garad ah .

Si kastaba ha ahaatee waxaa soo ifbaxaya dhibaato amaan xumo oo ka jirta magaalada muqdisho tan iyo intii ay golaha maxaakiimta islaamku iskaga baxeen magaalada muqdisho .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916


Kulan Albaabadu u Xiranaayeen oo Geeddi Muqdisho Kula Yeeshay Xildhibaanadii Kusugnaa Muqdisho...

  • Muuse Maxamuud Jiisow
    somali39@hotmail.com

Khariidadii Xildhibaanadu soo bandhigeen Dec 10, 2006 oo ay hor dhigeen Geeddi 12/31/2006

Ra'iisul wasaaraha dowlada fadaraalka KMG somaliyeed prof: cali maxamed Geeddi oo kulan albaabadu u xiran yihiin kula yeesha hotel global ee magaalada muqdisho xildhibaannadii baarlamaanka ee Muqdisho ku sugnaa ka hor intii aanay dowladu soo gelin.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa kulan ballaaran kula leh xildhibaannada Baarlamaanka ee Muqdisho ku sugnaa xilliyadii ugu dambeeyay.

Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa kulankaan waxaa lagu sheegay inuu kala hadlayo xildhibaannada qaabkii ay Muqdisho ku joogeen iyo xaaladda haatan ka taagan Magaalada Muqdisho sida ay u arkaan, maadaama ay yihiin xildhibaanno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannadaan oo si toos ah ula safnaa Maxkamadaha xilligii ay Muqdisho ku sugnaayeen ayaa waxay soo bandhigeen khariidad ay ku sheegeen in Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Geeddi ay xafiiskiisa ka heleen, waxayna ku sheegeen in Prof. Geeddi uu dalka siiyay Ethiopia.

Intaa ka dib ayuu raiisal wasaare cali maxamed geedi shir jaraa'id ku qabtey isla hotelka global isaga oo uga hadlay shirkaa jaraa'id arimo ay ka mid ahaayeen sidii hubka looga dhigi lahaa dadka somaliyeed guud ahaan gaar ahaana kuwa ku nool muqdisho iyo nawaaxigeed ,wuxuuna sheegay in dowlada fadaraalka uu gebo gebo u marayo qorsha hubka dhigista shacabka somaliyeed .

Raiisal wasaaraha DFKMG, Geedi, waxaa uu shirkiisa jaraa'id uga hadlay qodob muhiim u ah dhamaanba dadka somaliyeed kaasi oo ah sida ay dowlada fadaraalka ka yeeli laheyd hogaamiye kooxeedyadii ay dowladu dib u soo noolkeysay isaga oo dadka ka qanciyey in aysan hogaamiyeyaashaas ka yeli doonin in ay u dhaqmaan sidii hore islamarkaana ay soo celiyaan isbaarooyinkii u yaalay iyo isqabqabsigii foosha xumaa .

 

"markii ay hogaamiyayaashu ay maxmamaduhu ka adkaadeen ee ay yimadeen fadhiisinka dowlada ee beydhabo dowladu wey soo dhaweysay balse taasi micnaheedu ma aha in ay dowladu raali ka eheyd wixii ay muqdisho ku haayee"n ayuu yiri raiisal wasaaraha DFKMG oo dhanka kale sheegay in ay dowladu soo jeedineyso in dib loogu soo celiyo dhaawacyadii isbitaalada laga saaray ka dib markii ay dowladu soo degtey muqdisho ispitaalada oo ay hadda diyaar ku yihiin dhaqkhaatiir somaliyeed oo heegan buuxa loo geliyey sidii ay u daaweyn lahaayeen dadkii lagala cararay ispitaalada."

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623


Ra’iisul wasaare Geedi oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho

Maxamuud Axmed Xasan 
Xuurshe114@hotmail.com

Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Global ee magaalada Muqdisho Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed  Geedi, wuxuuna shirkiisa Jaraa’id uga hadlay arrimo muhiim ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horeyntii ka hadlay arrimaha Ciida. Isagoo ugu hambalyeeyay umadaha Islaamka iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo sanadkaan sankiisa xiga Ilaah uga baryay Ummadda Soomaaliyeed inay nabad barwaaqo ku waaraan hadii Alle idmo.

“Waxaan aaminsanahay in shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay u ooman yihiin inay ogaadaan xaalada uu dalka ku sugan yahay iyo talaabooyinka xiga ee la sugaayo”  ayuu yiri  Ra’iisul wasaare Geedi  oo intaas sii raaciyay “ Inay dalka ka dhaceen dagaalo, kuwaasoo sababay kuwii sheegan jiray maxaakiimta Islaamiga oo tan iyo bishii Juun laga soo bilaaba si horornimo ah u abaabuli jiray dagaalo, iyadoo la ogsoon yahay gobolo muhiim ah oo dalka ah iney xoog ku qabsadeen, ilaa iyo aaqirkii dowladda Soomaaliyeed ee siyaasadeedu tahay dib u heshiisiin  iyo xalinta khilaafaadka bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ah, soo celinta amniga guud ee dalka iyo fulinta adeegyada guud ee dalka, dalkana u horseedo dib u dhis iyo horumar, marar badana ugu baaqeysay qeybaha kala duwan ee bulshada dalka iney gartaan dib u heshiisiinta iyo nabada iney aas aas u yihiin jiritaanka iyo nolosha Soomaaliyeed, waxay markii danbe daandaansigoodii ka fursan waayay Maxaakiimta iyo inta la halmaansha iney fadhiga dowladda ee magaalada Baydhabo iyo guub ahaan gobolka Bay soo weeraraan, waxayna taasi aakhirkii nagu kaliftay inaan is difaacno kana difaacno dadka Soomaaliyeed”

Ra’iisul Wasaare Geeddi wuxuu sheegay in nimanka argagixisada ee shisheeye uu yahay jidka ay u soo mareen dad  Soomaaliyeed oo iyagu qeyb ka mid ah ka tirsan tahay qeybna ay marin habow tahay, una raacday sidaa, “Waxaan haynaa xaqaa’iq dhab ah, calanka Erateriya iyo calan Madow, balaayaa madeebee oo lagu badelayo meel kasta oo ay tagaan astaantii Qarankii Soomaaliyed ee calankeena aheyd, ayaa lagu arkay aagagii ay ka dagaalamayeen oo ay ka mid tahay Diinsoor, waxaana filayaa in saxaafadda iyo adduunweynaha intooda kale ay indhahooda ku arkeen” ayuu yiri Geeddi.

 Ra’iisul Wasaare Geeddi waxaa uu sheegay in iyadoo isdifaaceyso Dowladda isla markaasna gaashaneysa dowladda aan deriska nahay ee Itoobiya oo uu sheegay iney iska aragti ka yihiin la dagaalanka argagixisada geeska Afrika iyo guud ahaan Qaarada Afrika, iney ku guuleysteen ciidamadaas iyagoo ku shaqeynaya dalabka dowladda Federaalka oo uu horay u ansixiyay Baarlamaanka Federaalka.

 “Dowladdu waxay ka dalbatay iyadoo ka duuleyso amniga iyo xasilinta dalka Soomaaliyeed dowladda Itoobiya iney gacan ka geysata arintaa, marka ay adduunka intiisa kale ay ka gaabiyeen gacan siinta iyo taageerada dowladda, ay u hanato waajibaadkii ay u dhaaratay iney u fuliso shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Prof. Geeddi oo ku dheeraaday faahfaahinta uu ka bixinayey xukuumadiisa iyo muqtaqbalka waxa ay dooneyso.

 “Waxaan ugu baaqeynaa dadka Soomaaliyeed iney soo noqdaan oo ay ka qeyb qaataan dib u heshiisinta oo ay yimaadaan guryahooda, anagu caddowga shisheeyaha ah ee argagixisada ayaan la dagaalameynaa”  ayuu yiri Geeddi oo sheegay ineysan dalka ka jirin bannaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda, isagoo xusay in labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu shaki jiray oo dowladda ay waxay ka qaban doonto iyo kuwa Itoobiya ee jooga gudaha dalka, “markii fariinteenu gaartay shacabka in ciidamada Itoobiyaanka ee nala jooga aysan aheyn kuwo caddow ah oo ay yihiin kuwo adeegaya iyaga, waa joogsadeen banaanbaxyadaasi, maantana xaalada wey degan tahay waxaana rajeynayaa iney sidaas u sii socoto, dowladda oo aan is khilaafsaneyn arintaas waa wajaheysaa”

 Ra’iisul Wasaaraha oo la su’aalay in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maxaakiimta oo ku sugan Kismaayo ay iclaamiyeen iney jihaadka sii wadi doonaan waxaa uu ka yiri “Dhiig dadka Soomaaliyeed laga daadshaa cidii wadeysa iyadey u taal”.

 Prof. Geeddi waxaa uu sheegay in degmada Afgooye ay maamul u sameeyeen isla markaana degmo walba oo ay dowladu gacanta ku heyso loo sameynayo maamul ay raali ka yihiin dadka deegaankaas, wuxuuna sheegay in xukuumada ay dhawaan furi doonto dekadda iyo garoonka diyaaradaha dibna loo howgelin doono duulimaadyadii diyaaradaha degdegna howshaas loogu howgalayo.

“Waxaan la dagaalameynaa oo aan dalka ka saareynaa caddowga shisheeyaha ee argagixisada, Soomaalidana waxaan ugu baaqnaynaa iney u soo laabtaan guryahooda” ayuu yiri Geeddi oo sheegay in jiraan dhaawacyo ka mid ahaa maxkamadaha oo laga saaray isbitaaladii ay yiileen, markii ay dowladdu qabsatay goobihii ay horay u joogeen, wuxuuna ugu baaqay in dhaawacyadaasi guryaha ku urayo dib loogu soo celiyo oo aysan jirin cid aano loo dilayo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ugu baaqay ardayda iyo waalidiintooda in ay dib ugu laabtaan goobihii waxbarashada, wuxuuna xusay iney jiraan arday fara badan oo iskuulaadka looga joojiyay in ay tagaan goobaha dagaalka, kadib markii ay soo baxeen arday fara badan oo lagu laayey dagaalkii ay dowladdu la gashay kooxihii maxaakiimta sheegan jiray.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha wuxuu maanta la kulmay xubnaha labada gole eek u sugan Muqdisho iyagoo ka hadlay sidii caasimada Muqdisho loogu soo celin lahaa nidaamkii iyo heygalkii dowladnimo, waxayna isla garteen in howshaasi si siman ugu shaqeeyaan, isla markaana halkaa lagu magacaabay guddi ka shaqeeya arimahaas.

Maxamuud Axmed Xasan 
Xuurshe114@hotmail.com


Waa sidee xaalada Magaalada Jilib oo ay kulaalayaan Ciidamo tigree ah?

Wararka naga soo Gaaraya Magaalada jilib ayaa sheegaya in Dadka ku dhaqan Degmada Jilib iyo nawaaxigeeda ay bilaabeen iney halkaasi isaga qaxaan iyadoo laga cabsi qabo in dagaalo culusi halkaasi ku dhex maraan ciidamada golaha maxaakiimta islaamka iyo ciidamada tigreega ee taageeraya dolwada fkmg soomaaliya

Xiisadahaani colaadeed ee ka taagan Degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe ee dadku ku barakacayaan ayaa waxa ay timid kadib markii ay kusoo dhawaadeen Ciidamada DF iyo Ciidamada Ethiopia oo iskaashanaya kuwaasoo doonaya iney la wareegaan gacan ku heynta Gobolada Jubbooyinka.

Qoysas badan ayaa 24kii saac ee nasoo dhaafay waxa ay Qaxayeen Degmada Jilib iyo tuulooyinka hoos yimaada, kadib markii deegaanadaasi ay dhufaysyo ka samaysteen Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga oo doonaya iney iska Difaacaan ciidamada itoobiyaanka ah ee kusoo duulay.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in Degmada Jilib oo Kismaayo u jirta 120 Km u jirta ay kusoo durkayaan ciidamada itoobiyanka oo ku hubaysan taanigiyada iyo hubka culus islamrkaana ay dadka shacab u badani ay isaga barakacayaan iyadoo laga cabsi qabo in dagaal culusi uu Qarxo.

Gudoomiyaha Degmada Jilib Sheekh Cabdi Dhaayoow Cabdi oo Warbaahinta Muqdisho la Hadalyey ayaa sheegay in deegaankaasi ay isaga barakaceen inta badan dadkii ku dhaqnaa iyagoo u kala firxaday deegaano ay is leeyihiin in naftooda ay ku badbaadiyaan.

Si kastaba ha ahaatee Arintan ayaa kusoo Beegmaysa Xili ay masuuliyiinta golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed ee ku sugan Gobolada jubooyinka ay ku dhawaaqeen inay iska caabin doonaan ciidamada tigreega ee kusoo duulay ciidooda.

yaasiin Maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916

Faafin: Dec 31, 2006

"Taangiyada Itoobiya oo u Dhaqaaqay Koonfurta Soomaaliya"
.Melas Zanawi oo sheegay in uu soo gaari Muqdisho..
.Shariif Xasan: Waa ka xunahay faragelinta Itoobiya...

.Banaanbaxyo iska soo horjeeda oo laga dhigay Muqdisho
.Cabdulaahi yuusuf oo Afgooye kula kulam....
.Urur Goboleedka IGAD oo haatan u muuqda..
Wararka oo dhan ka akhri halkan....

Soomaalida Minneasota oo Bannaanbax Ballaaran ku dhigay Minneapolis
banaanbax
Bannaanbaxaas oo looga soo horjeedo Duullaanka Itoobiya ku soo qaaday dhulka Soomaaliya, ayaa dadweynihii ka soo qaybgalay waxay baaq u dirayeen dowlada Maraykanka, iyagoo... Akhri...


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.