SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Soomaalida Minneasota oo Bannaanbax Ballaaran ku dhigay Minneapolis
Bannaanbaxaas oo looga soo horjeedo Duullaanka Itoobiya ku soo qaaday dhulka Soomaaliya...

  • "Waxaan weydiisaneynaa Madaxweynaha Maraykanka, Mr. Bush, iyo maamulkiisa in ay joojiyaan taagerada argaggaxisada. Ciidanka Itoobiya waa argaggaxiso," Xasan Maxamuud....
  • "Manihin Argaggaxiso, diin ahaan waxaan nahay dad Muslimiin ah, waxaan nahay Ameerikaan, waxaan nahay Soomaaliyiin." Jaamac X. Khaliif
  • Soomaalida Minnesota oo ku baaqay in Kalsoonidii Lagala Laabto Dawladii KMG

Halkan ka daawo Bannaanbaxii Minneapolis::::


C/Risaaq Xaaji Xuseen


JaamacXasan Khaliif


Xasan Jaamici





Minneapolis: Bannaanbax: Sawirada: Fox9

Soomaalida deggan magaalooyinka mataanaha ee St. Paul/Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ayaa Sabtidii (Dec 30, 2006) mudaharaad ballaaran ku dhigay magaalada Minneapolis. Mudaharaadkaas oo ay kaga soo horjeedaan gumeysiga iyo duulaanka ay Itoobiya kusoo qaaday gudaha dalka Soomaaliya.

Mudaharadkaas oo ay kasoo qayb galeen dadweyne aad u farabadan oo lagu qiyaasay kumanaan waxay ku dhawaaqayeen erayo ay kamid ahaayeen: "Ma rabno gumeysi, ma rabno Itoobiya, Ma nihin Argaggaxiso, waxaan nahay Muslimiin, dowlad Muslim ahna ma aha argaggaxiso, Islaamka ayaa xalka ah, Maraykanku wuxuu taageeray dhinaca khaldan, ma rabno gumeysi, ma rabno xasuuq, Itoobiya ha dhacdo", waxaana jirey tabeelayaal ay ku qoraayeen erayo looga soo hor jeedo gumesiga Itoobiya.

Mudaharaadka waxaa ka hadlay dad farabadan oo isugu jira culimaa'u diin, siyaasiyiin, waxgarad, gabayaa, aqoonyahanno, leh rag iyo dumar.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Ra'iisul wasaarihii Soomaaliya sannadihii 1964-67, oo ka mid ahaa dadweynihii ka qayb galay bannaanbaxa looga soo horjedo duulaanka Itoobiya ayaa yiri: "Waxay Soomaaliya u baahan tahay dawlad dadka u adeegta, oo ay dadku leeyihiin, oo ay dadku soo doorteen".

Jaamac Xasan Khaliif, musharraxiintii madaxweynaha xilligii ay socotey doorashadii dowlada Soomaalida loogu soo dhisay Nairobi, oo ka mid ahaa dadweynaha ka soo qaybgalay bannaanbaxa ayaa yiri: "Itoobiya iyo Soomaaliya waxay daggaalamayeen muddo ka badan toddoba boqol  oo sano(700 sano), waxayna dawladannada Maraykanku si khaldan garab u siisay Itoobiyo, iyadoo aan wax tixgelin ah siinayn raabitaanka dadka Soomaaliyeed." Waxana uu intaas ku daray "Ma nihin Argaggaxiso, diin ahaan waxaan nahay dad Muslimiin ah, waxaan nahay Ameerikaan, waxaan nahay Soomaali."

Najax Ibraahim oo ahaa nin dhallinyaro ah oo goobta ka hadlay ayaa yiri: "Quraanku waxa uu keenaa Nabad, mana nihin Argaggaxiso."

Xasan Jaamici oo bannaanbaxa ka hadlay oo sharraxayey fikirka khaldan ee adduunka ka haysto dawladda Islaamka ah ayaa yiri: "Dawlad Islaami ah macneheedu ma aha Argaggaxiso", "Dadka mudaharaadayey waxay rabaan in dadku fahmaan in Dawlad Islaami ah aysan dariiq u ahayn Argaggixisada".

"Waxaan weydiisaneynaa Madaxweynaha Maraykanka, Mr. Bush, iyo maamulkiisa in ay joojiyaan taagerada argaggaxisada. Ciidanka Itoobiya waa argaggaxiso," ayuu yiri Xasan Maxamuud oo xubin ka ah Somali Institute for Peace and Justice.

Baaq: Kalsooni Kala Laabasho

"Waxaan kalsoonidii kala laabanay dawladdii Kumeelgarka ahayd ee Soomaalida oo loo soo dhisay dib u heshiisiin maadaama ay burisey wixii loo soo dhisay, kaddib markii ay dalka kusoo hoggaamisey cadaw, waxaana dhammaan Soomaalida loogu baaqay in ay kalsoonida kala laabtaan dawladii Kumeelgaarka ahayd", ayey ku dhawaaqayeen mudaharaadayaashu.

Waxa kale oo erayadii mudaharaadayaasha ka mid ahaa: "Hoggaamiyaasha Dawladda Kumeelgaarka ah: Diin ma wadaan, Soomaalinimo ma wadaan,  Wadaninimona ma wadaan. Waxey wadaan Gumeysi."

Waxaa kale oo dadweynuhu ku dhaqaaqayeeen erayo ay ka mid ahaayeen:

  • "C/Laahi Yuusuf ma aha madaxweyne Soomaaliyeed, waa qabqanle dagaal, mana rabno"
  • "Cali Maxamed Geeddi ma aha ra'iisul wasaare Soomaaliyeed, waa qabqable dagaal, mana rabno"
  • "'Son of Caydiid' - Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, waa qabqable dagaal, mana rabno"
  • Qanyare, Maxameed Dheere iyo inta la socota Zenawi waa qabqablayaal dagaal, mana rabno"
  • "Dooni meyno Meles Zenawi, Dooni meyno Tigreega"
  • "Ha dhaco Meles Zenawi, ha dhaco."
  • "Tigreegu degdeg ha uga baxaan dalkeena"
  • "Dooni meyno dowlada ajnebi soo dhiseen, dawlad Tigree wati.
  • "Maraykanku yuusan tageerin qabqablayaasha dagaalka
  • "Lacagta aanu  bixino ee cashuurta ah "Taxpayers money" yaan lagu bixin taageerada qabqablayaasha dagaalka
  • "Waxaan nahay Maraykan, waxaan nahay Soomaali, waxaan Muslimiin, ee ma nihin argaggaxiso,

Maxkamadaha Shacabkaa Raba

Dadweyna bannaanbaxa isugu yimid ayaa si waadax ah dareenkooda u muujinayey iyagoo ku dhawaaqayey in Maxkamadaha Islaamiga ah ay shacabka Soomaaliyeed rabaan, in dadka Soomaaliyeed ay yihiin Muslimiin ayna rabaan dawlad shacabku soo dhistay oo wanaagsan, oo shacabka u shaqaysa, oo dadka u dhexeysa, oo caadil ah, oo caddaalad samaysa.

Bannaanbaxa oo ka dhacay barxadda u dhow wadada Chicago iyo wadada Franklin, oo ku taal  dhinaca ay Soomaalida ugu badani ka deggan yihiin magaalada Minneapolis, waxaana halkaas la isugu yimid ciidii ka dib, 10:00 barqanimo waxaana halkaas la joogey in ka badan laba saacadood iyadoo uu xilligu aad u qaboobaa, dhulkuna uu dhiiqo ahaa, roob yar oo da'ay awgeed.

Taariikhda Madow ee la soo deristey Soomaaliya

Dadweynaha qabowga isugu soo baxay waxay ku dhawaaqayeen: "Reer Muqdisho waan maqallay in aydin ciidin ciidul-Adxaagii, oo aad la murugaysan tihiin in ciidamadii tigreegu ay dhex mushaaxayaan dariiqyada magaalada Muqdisho, annaguna murugada ayaan idinla qaysaneynaa, qabowgaan ayaana taaganahay annagoo aan dareemayn in ay ciid maanta tahay, annagoo isugu jira rag iyo dumar, oo wadana carruurtanadii." Waxana ay qaadayeen "Soomaaliyeey toos oo toosoo isku tiirsad'ee" iyo erayo kale oo guubaabo ah.

Dadweynaha bannaanbaxaas joogey waxay sheegeen in maanta ay tahay taariikh madow ee la soo deristey dalka iyo dadka Soomaaliyeed maadaama uu maanta dalka Soomaaliy abadankiisa ku jiro cadowga Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayo Meles Zenawi.

Warbaahinta Minnesota

Warbaahinta Minnesota ayaa goobta mudaharaadku ka dhacayey yimid, kuwaas oo si weyn wax uga qoray, lagana soo baahiyey TV-yada, laguna qoray jaraa'idka caanka ah ee magaalada.

TV-ga Fox9 oo ka warbixinayey bannaanbaxa ayaa yiri: Soomaali aad u farabadan ayaa Sabtidii mudaharaad ka dhigay magaalada Minneapolis ay kaga soo hor jeedaan Dawladda Maraykanka" waxana uu intaas ku dara in "in dadka Mudaharaadayey ay aad uga xun yihiin in aan Maraykanku cambaarayn isku dayga Itoobiya ay rabto in ay Muqdisho dhinac ugaga leexiso Maxaakiimta Islaamiga."

Kanaalka Fox9 oo warka sii wata, kuna daabacay shabaka warbaahintiisa, ayaa yiri: Dadka mudaharadayey waxay sheegeen in Itoobiya ay gumaysaneyso Soomaaliya, iyo in raabashadihii dhowaanta ay yihiin kuwa soo socdey boqolaal sano oo xiisadi u dhexeysey labada dal (Somalia iyo Itoobiya). Dawladda Itoobiya waxay tiri ciidankeeda taageerada ka haysta UN-ka waxay caawiyen dawlada Soomaaliyeed ee sharciga ah si ay markale u xegsato xukunka dalka .

Inkasta oo dawladda Maraykanku aysan si toos ah uga qayb qaadan, haddana waxay diidey in ay cambaareyso ficilka ay qaadaatay Itoobiya taas oo ah dhambaal in aysan rabin dowlad Soomaaliyeed oo Islaami ah oo xiriir saaxiibtinimo la yeelan karta kooxaha argaggaxisada, ayuu yiri TV-ga Fox9.

Cabdullahi Xasan oo dukaanle ah ayaa jariidada StarTribune waxa uu u sheegay sababta uu bannaanbaxa uga soo qayb galay ay ahayd in Soomaaliya hadda ku hoos jirto gumeysi. Sacdiya Cigaal, oo 23-ji ah, dalkiina ka soo maqnayd 12 sano waxay qorsheyneysey in Soomaaliya aado Janaayo, laakiin markii ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliyey ayey dib u dhigtay safarkeedii. Cabdul Maxamed oo xubin ka ah Somali Institute for Peace and Justice, ayaa yiri "soo gelitaankii ciidamada Itoobiya ay soo galeen Soomaaliya waxay ahayd markii ugu xumayd taariikhda Soomaaliya." ayey qortay StarTribune.

Lt. Rick Thomas oo ka tirsan Booliska Minneapolis Police waxa uu dadweynihii bannaanbaxa ka soo qayb galay ku qiyaasay 1,500 oo qof, balse dadka Soomaalida ah waxay ku qiyaaseen dhawr kun oo qof.

Halkan ka daawo Bannaanbaxii Minneapolis::::

Isha: Fox9 (Video & Sawirada), StarTribune

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2006



somalia
"Taangiyada Itoobiya oo u Dhaqaaqay Koonfurta Soomaaliya"

.Melas Zanawi oo sheegay in uu soo gaari Muqdisho..
.Shariif Xasan: Waa ka xunahay faragelinta Itoobiya...

.Banaanbaxyo iska soo horjeeda oo laga dhigay Muqdisho
.Cabdulaahi yuusuf oo Afgooye kula kulam....
.Urur Goboleedka IGAD oo haatan u muuqda..
Wararka oo dhan ka akhri halkan....

Madaxweynaha DFKMG oo Dib ugu Baqoolay Baydhabo
. Kismaayo oo Si Weyn Looga Ciidey...
.Sidii looga ciidey magaalada Qardho...

.C/Lahi Yuusuf oo Kasoo Degey Afgooye...
.Afhayeenka Xisbiga Ramaas ee England oo la magacaabay
.Xisbiga Ramaas oo ku baaqay xabada joojiyaan...
Wararka oo dhan ka akhri halkan..... Dec 30

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH