Wararkii: Dec
31, 2006
- "Taangiyada Itoobiya oo u Dhaqaaqay Koonfurta" Aljazeera
- Banaanbaxyo
looga soo horjeedo Itoobiya
- Shariif Xasan: Waa
ka xunahay faragelinta Itoobiya...
- Melas Zanawi oo
sheegay in uu soo gaari..
- Cabdulaahi yuusuf oo
Afgooye kula ....
- Urur Goboleedka IGAD oo
haatan u muuqda
- Bananaanbaxyo
lagu taageerayo dowladda oo ka dhacay Muqdisho

"Taangiyada Itoobiya oo u Dhaqaaqay Koonfurta" Aljazeera
Telefishanka Aljazeera oo ka war bixinaya xaaladda Soomaaliya
ayaa warka ku bilaabay:
Taangiyada Itoobiya ayaa Muqdisho looga dhaqaajiyey Koonfurta (30/12/2006) si ay u
weeraraan dagaalyahaniinta dhaqdhaqaaqa Maxaakiimta Islaamiga kuwaas oo lagu soo waramay
in hoggamiyohoodu uu ugu baaqay in ay xejistan Kismaayo, oo ah
deked ku taal Soomaaliya.
Waxaa muuqata in Sheikh Xasan Daahir Aweys uu sidaas kaga baaqay masjid Salaadii
Jimcada, maalin ka dib markii unugyo hubaysan oo ah Maxakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed ay ka soo baxeen
casimada soo wajahaadii Dabaabadka Itoobiya oo garab siinayey dowladda.
Cali Maxamed Geeddi, Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, waxa uu galay Muqdisho Jimcadii kaddib 10-maalmood
oo uu socdey hujuum dhul iyo cir ah oo ay wadey Itoobiya oo garab siineysey
dowladda kumeel gaarka ah ee taagta daran, ayey tiri Aljazeera.
Geeddi waxa uu sheegay in lagu guulaystey dagaalka siyaasadeed, laakiin in hoggaamiyayaasha Maxaakiimta Islaamiga ay ballan qaadeen iska caabin.
Geeddi waxa kale oo uu dagaalyahaniinta
Maxkamadaha Islaamiga ugu yeeray in ay ka soo qayb galaan wadahadal. Isla mar ahaantaasna waxa uu ka digey cawaaqib xumo laga gudi doono haddii ay dagaalyahaniintaasi
fuliyaan hanjabaadooda ah in ay bilaabayaan ololaha dagaalka nooca Guerrilla-ha.

Ciidamada Itoobiya ee Galay Soomaaliya, AP

Ciidamada Xabashida ee galay Soomaaliya: AP

Ciidamada Itoobiya ee xoogga ku galay Muqdisho, AP

Ciidamada Itoobiya ee galay xamar, AP |
Diyaaradaha Dagaalka Itoobiya ayaa lagu arkay hawada Kismaayo iyo magaalada u dhow ee Jilib maalmihii Jimcada iyo Sabtidii, sida ay yiraahdeen khubaro xagga militariga.
Askari ka tirsan dawladda Soomaalida ayaa yiri dagaalyahanada Maxkamadaha Islaamiga - oo ay Addis Abaab iyo
Washington ku eedeeyen in ay taageero ka helaan Al-Qaeda - in ay miino dhigeen jidka ka soo baxa
Muqdisho markii ay ka baxayeen.
"Waxaan ku sii jeednaa Jilib anagoo saaran
kolonyo ah taangiyada Itoobiya oo tiradoodu tahay 15 taangi"
Sidaas yiri Axmednuur Yaasiin oo telefoon kula soo xiriiray
Reuters, oo intaas ku daray "Waxaa jira ciidan dheeraad ah oo kusii jeeda Buaale, waxaana hubaa in dagaalku mar dhow bilaaban doono."
Aljazeera oo ayaa sheegtay in Ilo dawlada
Soomaalida ay yiraahdeen: "Dhammaan Argaggaxisadii waxay joogaan Jilib iyo Kismaayo."
Dagaalyahan ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga, ayey tiri Aljazeera, oo weydiistey in aan la magacaabin, ayaa yiri:" Waa la dagaalami doonaa Itoobiyaanka hujuumka wada. Jihaadku isma taagi doono."
Baarlamaanka ayaa la filayaa in uu Sabtida u codeeyo in dalka lagu soo rogo saddex bilood oo ah "Xukun Degdeg ah" ama [martial law]
kaas oo ujeedadiisu tahay si hubka looga dhigi kumanaan rag ah oo daacad u ah caaqilada qabaa'ilka iyo hoggaamiyaayaasha maleeshiyooyinka
maxalliga kuwaas oo loo aaneeyo in ay ku lug leeyihiin carqaladii socotey sanadaha.
Aljazeera waxay warkeeda kusoo xirtay:
Dawladda Geeddi gebi ahaanteedu waxay ku tiirsan tahay Addis Ababa xagga muruqa Militari, sida ay yiraahdeen dadka wax falanqeeya, waxaana arrin aan cadayn ah sida ay u maaraynayaan ammaanka ciidanka Itoobiyaanaka la'aanteed.
Shariif Xasan: Waa ka
xunahay faragelinta Itoobiya, degdegna ha uga baxaan
Itoobiya...
Guddoomiyaha Baarlamaanka
DFKMG, Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa mar uu la hadlay British
Broadcasting Corporation waxa uu sheegay in ay ad iyo aad
uga xunyihiin ciidamada Itoobya ee soo galay ciidda
Soomaaliya, waxana uu ugu baaqay in sida ugu dhaqsaha badan
uga baxaan, haddii kalena ay Soomaalidu iska difaacaan, kana
dhiidhiyaan. Mar uu ka hadlaayey xagga sharciga waxa uu
sheegay madaxda ogol Itoobiyanka in ay khaladan yihiin.
Waxana uu carrabaabay khiyaano qaran. Shariif Xasan iyo
Faarax Macallin oo siyaasi reer Kenya ah oo ka hadlaya
duulaanka Itoobiya [Halkan
ka dhegeyso].
Shariif Axmed: "Maxaakiimtu
waa la dagaalamaayaan Cadowga Allah"
Dhanka kale hay'adda
wararka ee AP waxay werisey in Sh. Shariif Sh. Axmed oo ku
sugan Kismaayo uu yiri "Waxaan idiin sheegayaa in
maxkamadiha Islaamku ay weli nool yihiin ayna la
dagaalamayaan Cadowga Allah."
AP waxa kale oo ay tiri in badan oo dadka Soomaaliyeed
ee Muslimka ah waxay shaki ka qabaan kutiirsanaanta ay
dawladdu ku tiirsan tahay dalka deriska ah ee dadkiisa in
badan ay yihiin Kirishtaan dalkaas oo ay Soomaalida ka
dhexeyso muran xooggan, 1977 ayaana dagaal dhiig badani ku
daatay uu dhex maray Soomaalida iyo Itoobiya.
Wakaalada AP oo hadalkiida
sii wadata waxay sheegtay in: Qaybo kamid ah Muqdisho laga
dhigay mudaharaadyo looga soo hor jeedo dawladda, halka 300
oo qof ay qayb kale oo magaalada ah ku dhigeen bannaanbax ay
ku taageerayaan ciidamada, kuwaas oo sitey tabeelayaal ay ku
qoran yihiin "Waxaan tageersanahay Dawladda".
Ka hor intii aan
Islaamiyiintu qaban maamulidda Muqdisho waxaa xakumi jirey
qabaa'il iska soo horjeeda kuwaas oo isugu yimid in ay
tageeraan dagaalyahaniinta Maxkamadaha. Hadda, qaar ayaa ka
cabsi qaba in qabaa'ilkii ay soo laabtaan oo midba kan kale
la dagaalamo, ayna dhici karto in ay diidaan xukunka
dawladda. Waxayna AP warkeeda kusoo xirtay: Siyaasada
Qabaa'ilka Soomaalida oo ah mid cakiran kuwaas oo sabab u
ahaa isku day 14 jeer oo la rabey in dawlad laga hir geliyo
dalkaan rabshada iyo qalaalasaha.
"Itoobiya Qorshe
Kama Laha Soomaaliya"
Sida ay qortay shabakda wararka Shiinaha ee Peoples Daily:
"Itoobiya wax qorshe ah kala leh Soomaaliya, laakiin waxay
rabtaa in ay ka hor tagto halista ay xornimadeeda ku hayaan
madaxda xag-jirka ah ee Midowga Maxaakiimta Islaamiga",
sidaas waxaa Sabtidii yiri wasiirka warfaafinta ee Itoobiya.
Waxaa faallo taas ka duwan qortay Sudan Tribune.
Dagaalka Soomaaliya: Waa
mid Itoobiya ay Waji Kaga Samaysaneyso Reer Galbeedka
Shabakada
Sudan Tribune oo Jimcadii faallo dheer qortay ayaa
sheegtay in dagaalka Soomaaliya uu yahay mid Meles Zenawi uu
reer Galbeedka kaga dhisanayo magac cusub ama
sawirkiisa-cusub. [Somalia’s
War: Zenawi’s Quest for a new self-image in the West].
Waxayna shabakadu faahfaahin ka bixisay xasuuqii loo geystey
shacabkii ka mudaharaaday codbixintii Itoobiya kuwaas oo ay
Sudan Tribune tiradooda ku sheegtay ugu yaraan 193 qof oo
naftooda ku waayey iyo 763 oo loo geystey dhaawac aad u
halis ah, waxaana xildhibaan Dr. Getachew Jigi uu tirada
dhimashada gaarsiiyey 600 oo qof. 193 qof oo keliya ayaa
noqon kara kuwo dacwadda Xasuuqa lagu soo oogi karo Zenawi,
ayey tiri Sudan Tribune, oo warkeeda intaas ku dartay in
Judge Aberra oo qareen ahaa 12 sano uu yiri in muddo dhawr
sano ah la diley 15,000 ilaa 20,000 oo ah qowmiyadda Oromada.
Sidoo kale xasuuqii ka dhacay gobolka Gambella intii u
dhexeysey 13-16 December 2003, waxaa xilliggaas ay
xukuumada Zenawi si taxadar leh u qor shaysay in dil lagu
fuliyey 400 oo qof oo deggan magaalada Gambella, kuwaas oo
badankoodu ahaa Annuak. "Haddii Itoobiya uu libaax ku cuno
neef ari ah waxaa lagu sheegaa wararka, laakiin haddii
ciidanka Itoobiya ay dilaan qof ah Anuaks taas warka laguma
sheego. Dadku cabsi ayey la aamusan yihiin, haddii aad
tiraahdid wax uun ayaa kaga soo hor jeedaa dawlada, markaas
waxay helayaan si uun oo laguu xiro."
Shabakada Sudan Tribune oo
hadalkeeda sii wadata waxay tiri: Keligii taliyaha Itoobiya
xaqiiqo ahaan ma ka welwelsan yahay Jihaadiistayaasha ama
argaggaxiso? Dadka la caburiyey ee Itoobiya arrintaas waxay
u arkaan in aysan ahayn yoolka saxda ah ee Zenawi, balse in
uu magac ku raadsanayo la dagaalanka Argaggaxisada.
Xukuumadiisuna waxay fulisey xasuuq isaguna waxa gacmaha ka
wasasheeey dhiigga bini aadamka, ayey tiri Sudan Tribune.
[Sid aad wax uga ogatid ragga magaca ku leh Itoobiya ee ku
jira xabsiyada dalkaasi, akhri [Shacabka
Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka Soomaaliya].
Isha: Aljazeera, Peoples
Daily, Sudan Tribune, AP, AFP, Reuters
Banaanbaxyo
looga soo horjeedo Itoobiya
Waxaa ka socda Dalka
gudihiisa iyo dibadiisa banaanbaxyo looga soo horjeedo,
duulaan ciidamada xabashida wadanka soomaaliya kuna
qabsadeen Caasimada soomaaliya ee Muqdisho waxayna
banaanbaxyadaan kuwooda ugu daMbeeyay ka dhAceen Muqdisho,
cariga Ingiriiska iyo Maraykanka waxayna Banaanbaxayaasha ku
qeylinayeen “Doonimayno xabashi” “waa in ciidamada tikreega
ah si dhaqsi ah uga baxaan soomaaliya “
Jidadka waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa isugu soo
baxay dadwayne aad ufara badan oo jidadka ku gooyay dhagxaan
iyo Taayiro waxayna sheegeen in ay la dagaalami doonaan
ciidamada Xabashida iyo kuwa soo horkacay ee Dowlada
Fedaraalka, Banaanbaxayaasha waxay hor istaageen ciidamo
xabashi oo doonayay in ay Magaalada dhexmaraan waxayna ku
tuurayeen Dhalooyin ay ku jiraan waxyaabaha Qarxa waxaana
gawaarida qaarkood soo gaaray khasaarooyin dhinaca
Miyaaradaha
Melas Zanawi oo sheegay
in uu soo gaari..
Melas Zanawi oo ah Raiisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa
waxa uu sheegay in uu imaan doono Magaalada Muqdisho oo ay
ugu dambeeysay muddo dhowr iyo toban sano xili uu Muqdisho
ku joogay Magangelyo siyaasadeed oo ay u fidisay Dowladii
xiligaasi oo uu madaxda u ahaa Maxamad Siyaad Barre
Melas ZanawI wuxuu Muqdisho u joogay isagoo mucaarad ku ahaa
madaxweynihii hore ee wadanka Itoobiya Mangiste waxaana
Melas la siiyay tas-hiilaadka uu u baahnaa sida isgaarsiinta,
waxbarashada iyo wixii kharashaad ah,
Melas wuxuu sheegay in uu aad u jecel yahay in uu soo eego
magaalada Muqdisho, goobihii uu wax ku baran jiray iyo
waliba Xeebta liido oo uu dalxiis ku tagi jiray hase yeeshee
dadka qaarkii waxay sheegeen in ay ku adkaan doonto
imaashaha magaalada muqdisho waayo shacabka soomaaliyeed
waxay si aad ah uga soo horjeedaan Ciidamada Itoobiya ee
qabsaday soomaaliya.gaar ahaan Magaalada Muqdisho
Cabdulaahi yuusuf oo
Afgooye kula ....
Cabdulaahi Yuusuf Axmad oo ah madaxweynaha Dowlada
fadaraalka ayaa shalay soo gaaray Magaalada Afgooye ayaa
waxa uu kulan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan dowlada,
qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiin caan ah
wuxuuna sheegay in dowlada fadaraalka ay gacan ka geysan
doonto nabad galyada Gobolka Banaadir, sidoo kale wuxuu
sheegay in la aruurin doono hubka gacanta u jira bulshada,
Madaxweyne Cabdulaahi yuusuf wuxuu sheegay in aysan dib u
soo laaban doonin qabqablayaashii dagaalka oo ay muqdisho ka
saareen Maxaakiimta isagoo sheegay in dowlada fadaraalka ay
wado qorshayaal bulshada iskugu keenayso oo la xiriira
dhinaca dib u heshiisiinta.
Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmad wuxuu sheegay in
xasilinta Magaalda Muqdisho loo xilsaaray Ra'iisul wasaare
Cali Maxamad Geedi iyo ku xigeenkiisa arimaha gudaha Xuseen
Caydiid iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska iyo Xooga
Dalka.
Urur Goboleedka IGAD oo
haatan u muuqda
Urur goboleedka IGAD oo la aas aasay sanadihii
sideetameeyihii ayaa haatan umuuqda mid sii bur buraya kadib
markii qaar ka mid ahi dowladahaaasi ay aad uga caroodeen
duulaankii ciidamada Xabashida ee Soomaaliya,
Dowladaha ay ka mid yihiin Jabuuti. Kanya, Suudaan, iyo
Eretaria ay si aad ah u canbaareeyeen duulaankaasi kuna
tilmaameen mid sii kordhinaya dhibaatada soomaaliya iyo
waliba geeska Afrika, waxay codsadeen dowladahaasi in
ciidamada Itoobiya ay si dhaqsa leh uga baxaan soomaaliya
isla markaana in kooxaha isku haya soomaaliya ay soo
fariistaan miiska wadahadalka,
Dowlada Jabuuti ayaa waxay sheegtay in ay san
udulwqaadandoonin duulaanka ciidamada Xabashida ay ku
qaadeen soomaaliya kuna qabsadeen caasimada
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Madaxweynaha DFKMG oo Dib ugu Baqoolay Baydhabo
. Kismaayo oo Si Weyn Looga Ciidey...
.Sidii looga ciidey magaalada Qardho...
.C/Lahi Yuusuf oo Kasoo Degey Afgooye...
.Afhayeenka Xisbiga Ramaas ee England oo la magacaabay
.Xisbiga Ramaas oo ku baaqay xabada joojiyaan...
Wararka oo dhan ka akhri halkan..... Dec 30
Bananaanbaxyo
lagu taageerayo dowladda oo ka dhacay Muqdisho

Sawirka: Xuurshe:

Dad soo dhoweynayey Geeddi. Sawirka: AFP |
Dec 30, 2006: Bannaanbaxyo lagu
taageerayo oo ay kasoo qeybgaleen boqolaal dadweyne ayaa
maanta ka kala dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho,
iyadoo dadweynaha ay ku dhawaaqayeen erayo ay kusoo
dhoweynayaan xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.
Deegaanada Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga
soo dhoweeyay ciidamada dowladda Federaalka KMG ah ee soo
galay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana maanta dadweynaha
ay kor u sideen sawirada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
iyo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, iyadoo erayo ay ka
mid ahaayeen soo dhowaaw Mudane Yuusuf iyo soo dhowoow
Mudane Geeddi, waxayna sidoo kale ay ku shirbayeen QABIIL
QABIILKA WAA QUBMEE, QARANKA MA ISLA QAADANAA iyo erayo
kale.
Banaanbaxyadan oo ka kala dhacay wadooyinka Fiat ilaa Sanca
iyo mid kale oo isagana ka dhacay Hotelka Ramadaan ilaa
Towfiiq, waxaana dadku ay maanta hilmaameen munaasabada
Ciidul Adxaa oo aan si weyn looga xusin Muqdisho.
Qorista Ciidamadii Hore
Oo Ka Socota Muqdisho
Waxaa si xowli ah magaalada Muqdisho ugu socda isdiiwaan
gelin ay sameynayaan ciidamadii hore ee qalabka siday,
iyadoo ciidamadaasi ay ka kooban yihiin dhowr qeybood,
waxaana kusoo aruuraya halka isdiiwaan gelinta ka socoto
ciidamo aad u fara badan, kuwaasoo u diyaar ah iney ku
biiraan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Isdiiwaan gelintan ciidamada qalabka sida ayaa waxay ka
socotaa Hotelkii hore ee Towfiiq ee magaalada Muqdisho,
waxaana howshaasi isdiiwaan gelinta ah wada qaar ka mid ah
saraakiishii hore ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliya, oo
iyagu saxaafadda u sheegay iney dowladda la og tahay iney
diiwaan geliyaan ciidamadii hore ee Soomaaliya.
Ciidamadii hore ee xooga dalka oo in mudo ah howlgelin ayaa
haatan u muuqda kuwo garab ka helaya dowladda Federaalka
Soomaaliya isla markaasna diyaar u ah iney daafacaan oo la
shaqeeyaan dowladda KMG ah, waxayna arintani soo
dedejineysaa in dowladdu awood ballaaran u sii lahaato
xasilinta dalka iyo daafaciisa.
mahamud ahmed hassan
xuurshe114@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 31, 2006
DFKMG oo Reer Puntland ku amartay in ay Hubkooda Geeyaan Xerada 54aad...
Wareegto Ka soo baxday DFKMG oo Su'aalo
Dhalisay oo Dadka Soomaaliyeedna Soo Xusuusiyey Hadalkii Cumar Carte Qaalib
Warka oo dhan ka
akhri halkan...
Dec 29: Banaan
baxyo Rabshado wata oo Lagu diidan yahay ciidamada Tigreega ka dhacay
Magaalada muqdisho.
Halkan
Ka Daawo Video::: Bannaanbaxa Muqdisho
yaasiin maxamed
cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916

A Somali Mogadishu man passes burning tyres after
protestors blocked the road in Mogadishu, Friday,
Dec 29, 2006, after the arrival of Somalia's Prime
Minister Ali Mohamed Gedi. AP |

Somalis disperse after setting fire to tyres on a
road in northern Mogadishu December 29, 2006:
Reuters |
Banaan baxyadan ayaa lagaga soo hor jeedaa ciidamada itoobiyaanka ee la
socda kuwa dowlada federaalka KMG ee soomaaliya islamrkaana iyadoo
banaanbaxayaashu ku dhawaaqayey doonimayno amxaaro ,doonimayno itoobiyaan
iyo erayo oo ka dhan ah ciidamada iyo xukuumada Tigreega ee melez zanawi .
Sidoo kale banaanbaxayasha ayaa dhagxaan ku tuurayey baabuurta tiknikada ee
dabaabadka ay wataan ciidamad itoobiyaanka islamrkaana dhawacyo yaryar u
gaystay askarta waloow aan wax jawaab ah aysan ka bixin ciidamadasi ,sidoo
kalena waxaa xirmay qaar kamida wadooyinka magaalada muqdisho oo lagu gubey
taayiro iyadoo ay istaageen baabuurta gadiidka ee isaga kala goosha
xaafadaha magaalada Muqdisho.
Banaanbaxayaasha oo aad u caraysnaa ayaa ku gubayey wadooyinka Magaalada
muqdisho taayiro islamarkaana kasoo hor jeeda ciidamada itoobiyaanka ee
jooga magaalada muqdisho ,ma jiraan wax masuul ah oo dfkmg ah oo ka hadlay
banaan baxyadan,waloow ay banaan baxayashu ku habeensadeen islamrkaana
markii gabalku dhacay ay kala dareereen .
Si kastaba ha ahaatee xiisada Nacaybka ee loo qabo ciidamada itoobiyaanka ee
ku sugan caasimada iyo meelo kamida gudaha dalka soomaaliya ayaa maalinba
maalinta kasii dambaysa sii xoogaysanaysa islamrkaana keeni karta rabshado
iyo ammaan xumo ka dhalata magalada muqdisho iyo guud ahaanba dalka
soomaaliya.
Halkan
Ka Daawo Video::: Bannaanbaxa Muqdisho


|