.Kismaayo oo
Si Weyn Looga Ciidey
.Kacdoon ka soo Cusboonaaday Muqdisho
.Madaxweynaha
DFKMG oo Dib ugu Baqoolay Magaalada Baydhabo .
.Garowe: Afhayeenka Xisbiga Ramaas ee England oo
la magacaabay.
.Xisbiga Ramaas oo ugu baaqay somaliada in ay
xabada joojiyaan ciida fadligeeda.
.Sidee Looga Ciiday Magaalada Qardho
.Madaxweynaha Dowlada Federaalka KMG oo Saaka
Markiisii Ugu horaysay kasoo degey Afgooye.


Sh. Shariif (dhexda) oo fadhiya goobtii lagu tukaney
salaada ciida, Kismaayo, 30/12/2006: Sawirka:
Reuters

Sh. Aweys oo jooga meeshii lagu tukanayey salaada
ciida, Kismaayo: Dec 30, 2006. Sawirka: Reuters |
Kismaayo
oo Si Weyn Looga Ciidey
Waxaana Dadweynaha
la hadlay Sheekh Shariif Axmed
Dec 30, 2006:
Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta si
weyn looga ciidey, waxaana dad kunanaan gaaraya ay isugu soo
baxeen fagaaraha garoonka kubbada ee Kismaayo.
Dadweynihii
ciida ka soo qayb galay waxaa la hadlay Sh. Shariif Sh.
Axmed oo halkaas ciida kula tukadey, isagoo sheegay in aan
mowqifkoodii waxba iska bedelin oo ay diyaar u yihiin in
Itoobiya ka saaraan dalka Soomaaliya, guushuuna ay
Soomaalida ku dambayn doonto. Ummadda Soomaaliyeedna waxa uu
ugu baaqay in ay midoobaan, diyaarna u noqdaan difaacidda
Diinta, Dalka iyo Dalka.
Muqdisho oo Aan
Laga Dareemin Ciidul Adxaa
Sabti: Dec 30,
2006: Maanta oo ah Ciid Al-Adxaa ayaa waxaa magaalada
Muqdisho laga dareemin ciid, Ayadoo aan meelo badan oo
magaalada ah laga oogin salaadii ciida. Waxaa dadku taas ku
macneeyeen in magaalada ay haystaan Itoobiyaan, shacabkuna
ay arrintaas aad uga caraysan yihiin.
Saddam Xuseen oo La Daldaley
Taariikh kooban ee Saddam Xuseen...
Akhri..
Madaxweynaha DFKMG oo Dib
ugu Baqoolay Magaalada Baydhabo .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Dec 30, 2006: Wararka Hada
naga soo gaaraya degamada afgooye ayaa sheegaya inuu
madaxweynuha DFKMG uu dib ugu boqoolay magaalada baydhabo ,kadib
markii uu kulamo la qaatay waxgaradka ,Odayaasha iyo
shacabka degamada afgooye, islamarkaana uga soo gudbay isla
xaruntii hore ee jaamacada lafoole oo uu Halkaas ay isku
arkeen Odayaal ka tegey Magaalada muqdisho ,xildhinaano ka
tirsan dowlada oo iyaguna ka tegey magaalada muqdisho iyo
wax garad kale.
Waxaan khadka telefoonka
kula xiriiray masuulka xog haynta gaarka u ah madaxweynaha
mud; Xuseen Cali ayaa ii xaqiijiyey inuu madaxweynuhu kulamo
kula qaatay xaruntii hore ee Lafoole masuulyiin kamida
Odayaal ,Ugaasyo ,waxgarad iyo mudanayaasha baarlamanka
dfkmg ah oo uu kamid yahay Kadare ,xildhibaan Dhuxuloow iyo
kuwo kale ,sidoo kalena waxuu cagta soo mariyey magaalada
afgooye oo uu salaada kadib uu socod booqasho ah kusameeyey
magalada afgooye islamrkana uu madaxweynuhu dib noqonayo
magaalada baydhabo.
''waxuu madax weynuhu
Booqasho ku samaynayey magaalada afgooye oo uu saaka salaada
ciidda kula tukaday ,sidoo kalena waxuu kulamo la qaatay
Odayaal ,waxgaradka iyo shacabka reer afgooye islamrkana
waxuu hore aanu tagnay xaruntii jaamacada lafoole halkaas oo
ay isku arkeen madaxweynaha kulamona ku wada qaateen Odayaal
iyo waxgarad ka socday Magaalada muqdisho oo uu hogaminayey
Cali Ugaas cali iyo Odayaal dhaqameedyo kale ,sidoo kale
waxay isku arkeen lafoole masuuliyiin kamida mudanayaasha
baarlaamaanka oo uu kamid yahay xildhibaan kadare ,dhuxuloow
iyo kuwa kale sidoo kalena madaxweynaha waxay halkas isku
arkeen wax garadka iyo aqoon yahaniinta ku sugan Lafoole''
ayuu yiri mud; xuseen cali .
Mar aan waydiiyey maxaa
sababay Madaxweynuhu inuu iyadoo Villa soomaali shacabku
reer muqdisho ku sugayaan inuu dib ugu laabto Lafoole ayuu
waxuu iigu jawaabay '' waxaa jirta madaxweynuhu Marnaba
uguma jirin safarkiisa inuu Maanta ku tago Magaalada
Muqdisho ,islamarkaana waxaa uu muqdisho ku imaan doonaa
Dhowaan safar la shaaciyey Hadii alle idmo '' ayuu yiri mud;
xuseen cali .
Si kastaba ha ahaatee
Madaxweynaha ayaa saacadihii nasoo dhaafay ka duulay
magaalada Afgooye isagoo kusii jeeda xarunta Gobolka baay ee
baydhabo oo ay waday Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee dalka
itoobiya.
Madaxweynaha Dowlada
Federaalka KMG oo Saaka Markiisii Ugu horaysay kasoo degey
Afgooye.
Waxaa
saaka Goor hore si lama filaana Uga soo degey garoonka
diyaradaha ee magalada afgooye madaxweynaha dowlada dfkmg
soomaaliyeed cabdlillaahi yuusuf axmed oo ay waday
diyaaradaha qumaatiga u kaca ee itoobiya islamarkaana ay
weheliyaan wafuud kale iyo ciidamadiisa ilaalada ee dowlada.
C/Laahi Yuusuf waxaa
Afgooye keentay diyaarad Helikopter ah oo ay leeyihiin
ciidamada Militeriga Itoobiya, taas oo ka soo qaaday
Baydhabo.
Madaxweyne c/laahi yuusuf
ayaa maalintii shalay kulan kula yeeshay xaruntiisa
madaxtooyada ee Magaalada baydhabo wasiirka arimaha dibada
ee xukuumada itoobiya asiyas muzfin islamrkana ay ka wada
hadleen sida la sheegay sidii uu dalka ugu casuumi lahaa
hogamiyayaal ka socda caalamka oo uu kamid yahay Hogaamiyaha
itoobiya melez zanawi .
Sidoo kale Madaxweyne
yuusuf ayaa wararka qaar sheegayaan inuu doonayo maanta inuu
usoo gudbo magaalada muqdisho islamarkaana dadka kala hadlo
xaruntii villa somali ee magaalada muqdisho . [waa intii
aysan soo bixin wararka sheegaya dib ugu laabashadiisa
Baydhabo]
Arintan ayaa kusoo
beegmaysa maanta oo ay tahay ciida barakaysan ee ciidul
udxaa oo ka duwan ciidihii Hore ee ka dhici jiray
Magaalooyinka afgooye iyo muqdisho islamrkana aysan jirin
wax dad ah oo maanta ku tukaday masaajidka weyn ee
isabaahaysiga islaamka ee ku yaala magaalada muqdisho iyadoo
loo aanaynayo ciidamada Tigreega oo ku Hareeraysan xarumaha
u dhow dhow masajidka darteed aysan jirin dad ku tukatay
halkaasi.
Si kastaba ha ahaatee ma
jiraan wax sidoo kale farxadii ciiduhu lahaan jireen oo
maanta ka muuqanaya magaalada afgooye iyo muqdisho iyadoo ay
jiraana meelo dadku ay durba ka bilaabeen banaan baxyo yar
yar oo laga yaabo inay weynaadaan oo ay kaga soo hor jeedaan
ciidamada tigreega ee ku jira gudaha dalka soomaaliya gaar
ahaan magaalada muqdisho.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 30, 2006
Garowe: Afhayeenka Xisbiga
Ramaas ee England oo la magacaabay.
warqad ka soobaxday xafiiska Xisbiga mucaaradka ah ee ka
jira Puntand oo loo yaqaano Ramaas political Part/ RPP ayaa
lagu magacaabay afhayeenka xisbiga dalka England kaasi oo
loo magacaabay sida ku cad warqada ka soo baxday xafiiska
ramaas ee Garowe Sharmaake C/llaahi sidan ayayna u qornayn
warqadasi.
Puntland state of somalia
Ramaas Political Party
Rpp/179/06 Garowe: 30/12/06
Ku: Sharmaake Cabdilaahi Leicester UK,
Ujeedo: Magacaabis afhayeenka xibiga Ramaas eedalka Engalnd
Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas
Markuu arkay barnaamijka guud ee xisbiga
Markuu arkay xeerka xisbiga
markuu arkay dastuurka DGPL
Markuu ogaaday jaaliyada ku nool England ee reer Puntland in
ay danaynayaan afhayeen xisbgia Ramaas ee wadankooda.
Markuu la tashaday Gudiga fulinta ee xisbiga.
Waxaa lamagacaabay Mudane Sharmaake C/laahi oo loo
magacaabay afhayeenka xisbiga Ramaas ee England.
Mudane waxaa lagaa codsnayaa in aad dhawrto qawaanmiinta
xisbiga iyo rabitaanka shacab waynaha puntland.
Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas
Daahir C/qaadir muuse
Email: daahirciiro@hotmail.com Mobile: 002525747090
Xafiiska Xisbiga Ramaas ee Garowe
Garowe: Xisbiga Ramaas oo
ugu baaqay somaliada in ay xabada joojiyaan ciida fadligeeda.
Puntland state Of Somalia
Ramaas Political Party
RPP:180/06 Garowe: 30/12/06
Ku: saxaafada madaxa banaan ee Somlia
Ku: shacabwaynaha Puntland
Ku: Guud ahaan shacabka Somaliyeed
Ujeedo: Ciid wanaagsan
Mudanayaal iyo marwooyin waxaan idin leenahay ciid wanaagsan
waxaana ilaahay idiin ka baryaynaa ciidan ciideeda in aad ku
gaadhaan nabad waarta iyo hiigsi horumarineed.
Waxaan umada somaliyeed ugu baaqaynaa meel kasta oo ay
joogaan in ay xabada dhigaan wixii ka dhexeeyana ay ku
dhamaystaan wadahadal.
Waxaan illaahay uga baryaynaa umda somaliyeed in ilaahay
bogadooda isku mariyo burcad.
Waxaan kaloo idin kula talinaynaa meel kasta oo aad joogtaan
in aad ku dayataan shacabwaynaha puntland oo meel iska
dhigay xumaanta shacabwaynaha Somaliyeed una soo jeensaday
hormarka Dalka.
Golaha xukuumada Federalka waxaan ugu baaqaynaa kooxaha ka
soo horjeeda in ay leheshiiyaan wadahadalna wax lagu doono
xabadana la joojiyo si loo gaaro nabad iyo horumar dhan
walbaba leh.
Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas daahir C/qaadi muuse
Email: Daahirciiro@hotmail.com mobile 002525747090

Sidee Looga Ciiday Magaalada Qardho
C/weli Xasan
Cabdi (gooni)
gooni2@hotmail.com
Qardho,Puntland Somalia
002525747061
Sabti: Dec 30, 2006::
Dadweyne aad u badan ayna ka muuqatay farxad iyo bilicsanaan
sare ayaa maanta iskugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee
xarunta Gobolka karkaar ee Qardho si salaadda CIIDAL ADXAA
ay ugu tukadaan goobtaas.
Dadkii salaadda ciida
iskugu yimid ayaa iskugu hambalyaynayay sanadka cusub ee
islaamka inuu noqdo mid horumar iyo nabad Soomaaliya u
keena,waxa uuna imaamka ugu duceeyay wadamada islaamka ee
dhibka ka jiro in ALLE ka saaro ayna helaan amaan iyo maamul
wanaagsan oo ay kaga baxaan dhibaatooyinka.
Wadooyinka ayaa camirnaa oo
iyadoo badankood shacabka ay muujinayeen ku faraxsanaanta
maalinta ciidda.
dadweynihii ka soo qeyb galeen
Salaada ciida waxaa ka dhex muuqday qaar ka mid ah
Masuulyiinta gobolka Karkaar iyo degmada iyo qaarka ka mid
ah xildhibaanada golaha baarlamaanka Puntland ,waxayna
qaarkood u rajeeyeen Ummadda soomaaliyeed Nabad iyo barwaaqo
in ay ka helaan sanadka cusub ee islaamka .
Ugu dambayntii dadweynihii Magaalada
Qardho waxa ka la qaybsadeen farxaddda ciidal adxaa
muslimiinta dunida caalamka waxayna u rajeeyeen nabad iyo
caano.
C/weli Xasan Cabdi (gooni)
gooni2@hotmail.com
Qardho,Puntland Somalia
002525747061
Warbahinta Caalamka iyo
Soomaaliya::::
Kacdoon ka
soo Cusboonaaday Muqdisho
Sabti: Dec 30,
2006: Maanta oo ah Ciid Al-Adxaa ayaa waxaa magaalada
Muqdisho laga dareemayaa kacdoon looga soo horjeedo
ciidamada Itoobiya ee xoogga ku soo galay dalka Soomaaliya.
Waxaana meelo badan oo magaalada ah ka socda mudaharaadyo
kacdoonkaas la xiriira. Waxaa taas dheer in aan qaybo badan
oo magaalada ah maanta laga ciidin.
Waxaa wararku
sheegayaan in maanta ay dhaceen bannaanbaxyo rabshado wata
ay oo dadku ay tuurayeen dhagxaan ay shalay 29/12/2006 ka
dheceen, iyagoo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah ciidanka
Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya. Waxaana meelaha
qaarkood lagaga soo waramay in la gubey calanka Itoobiya.
Marka la eego
dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo colaada soo jireenka ah
ee gumeystaha Itoobiya, waxay xaaladda u muuqatey mid u eg
in dalka oo dhan ay ka dhici doonaan kacdoon ballaaran, gaar
ahaan magaalada Muqdisho oo ay hadda ciidamada Itoobiya ee
ugu xoogga badani ku sugan yihiin. Waxaana warbaahinta qaar
ka mid ah weriyeen in la arkayey dumar Soomaaliyeed oo
mudaharaadka ka qayb qaadanaya kuwaas oo cunayey Hilib
Ceeriin iyagoo ula jeeday in xabashida xilli sii horeysey
sidaas loo baday in ay hilibka ceeriin cunaan.
Qof weydiistey
in aan la magacaabin ayaa yiri: "Waxaa soo dhow ERYAAY
ERYAAY, XABASHIDA ERYAAY, oo markaas ay dalka Soomaaliya
caga caddaan uga bixi doonaan, jidka dheerna laga ugaarsan
doono, inta ka hartaana iyagoo xiiqsan ku laaban doonaan
guryohoodii".
Magaalada
Muqdisho oo markii ay la wareegeen Maxaakiimta Islaamiga ah
muddo lix bilood ah noqotay meel xasilan oo ammaankii,
bilicdii iyo kala dambayntii kusoo laabatay ayaa maanta oo
Maxaakiimtii ka maqan yihiin u muuqata meel faraha ka sii
bexeysa.
Isha:
Wakaaladaha
Dec 29: Banaan
baxyo Rabshado wata oo Lagu diidan yahay ciidamada Tigreega ka dhacay
Magaalada muqdisho.
Halkan
Ka Daawo Video::: Bannaanbaxa Muqdisho
yaasiin maxamed
cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916

A Somali Mogadishu man passes burning tyres after
protestors blocked the road in Mogadishu, Friday,
Dec 29, 2006, after the arrival of Somalia's Prime
Minister Ali Mohamed Gedi. AP |

Somalis disperse after setting fire to tyres on a
road in northern Mogadishu December 29, 2006:
Reuters |
Banaan baxyadan ayaa lagaga soo hor jeedaa ciidamada itoobiyaanka ee la
socda kuwa dowlada federaalka KMG ee soomaaliya islamrkaana iyadoo
banaanbaxayaashu ku dhawaaqayey doonimayno amxaaro ,doonimayno itoobiyaan
iyo erayo oo ka dhan ah ciidamada iyo xukuumada Tigreega ee melez zanawi .
Sidoo kale banaanbaxayasha ayaa dhagxaan ku tuurayey baabuurta tiknikada ee
dabaabadka ay wataan ciidamad itoobiyaanka islamrkaana dhawacyo yaryar u
gaystay askarta waloow aan wax jawaab ah aysan ka bixin ciidamadasi ,sidoo
kalena waxaa xirmay qaar kamida wadooyinka magaalada muqdisho oo lagu gubey
taayiro iyadoo ay istaageen baabuurta gadiidka ee isaga kala goosha
xaafadaha magaalada Muqdisho.
Banaanbaxayaasha oo aad u caraysnaa ayaa ku gubayey wadooyinka Magaalada
muqdisho taayiro islamarkaana kasoo hor jeeda ciidamada itoobiyaanka ee
jooga magaalada muqdisho ,ma jiraan wax masuul ah oo dfkmg ah oo ka hadlay
banaan baxyadan,waloow ay banaan baxayashu ku habeensadeen islamrkaana
markii gabalku dhacay ay kala dareereen .
Si kastaba ha ahaatee xiisada Nacaybka ee loo qabo ciidamada itoobiyaanka ee
ku sugan caasimada iyo meelo kamida gudaha dalka soomaaliya ayaa maalinba
maalinta kasii dambaysa sii xoogaysanaysa islamrkaana keeni karta rabshado
iyo ammaan xumo ka dhalata magalada muqdisho iyo guud ahaanba dalka
soomaaliya.
Halkan
Ka Daawo Video::: Bannaanbaxa Muqdisho
"Hoggaamiyaha
Islaamiga oo Wacad ku maray in ay Joogayaan Soomaaliya" AP
KISMAAYO: Dec
29, 2006: Sida ay werisey hay'adda wararka ee AP, hoggaamiyaha Islaamiga ah
waxa uu Jimcadii wacad ku maray in ay sii wadayaan dagaalka ay kaga soo
horjeedaan Itoobiya.
"Kama bixi doono Soomaaliya",
sida uu Sheikh SHariif Sheikh Axmed, hoggaamiyaha sare ee Midowga
Maxaakiimta Islaamiga, u sheegay hay'adda AP. Waxana uu intaas ku daray "Kama
carari doono cadowga. Weligana kama bixi doono Soomaaliya. Waxaan joogi
doonaa dhulkayaga".
Sh. Shariif Sh. Axmed waxa uu
hay'adda AP la hadlay isagoo jooga magaalada Kismaayo ee Koonfurta
Soomaaliya, halkaas oo uu tegey markii xoogaggiisu dib ugu gurteen kaddib
markii ay iskaga baxeen Muqdisho oo ay joogeen lix bilood, ayey tiri AP.
Waxaa warku intaas ku daray in
ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi uu ballan qaaday in uu burburinayo
dagaalyahanada uu ugu yeeray xagjirka dhaqdhaqaaq Islaamiga ah iyo jaalkooda
ajnebiga, isagoo sheegay in ay ku qaadaneyso dhawr toddobaad oo dheeraad ah.
Hay'adda waxa ay tiri:
Dhaqdhaqaaq Shariif Axmed waxa ay ballan qaadeen in ay Soomaaliya ku maamuli
doonaan Sharciga Qur'aanka.
Isha: warka iyo sawirka: AP
Madfac Lala Beegsaday Dekedda
Muqdisho
Wararka ka imanaya magaalada
Muqdisho ayaa sheegay in Jimcadii madfac lala beegsaday dekedda weyn ee
magaalada Muqdisho. Tan oo markii koowaad ka dhigeysa in madfac lala
beegsado dekadda ilaa markii ay ka baxeen maxaakiimtu. Waxaa wararku intaas
ku darayeen in madfacaas oo laga soo ridey Woqooyiga Muqdisho in ay ku
dhimatey gabar yar oo reerkoodu degganyihiin meel u dhow dekedda.
Isha: Wakaaladaha
DFKMG oo Reer Puntland ku amartay in ay Hubkooda Geeyaan Xerada 54aad...
Wareegto Ka soo baxday DFKMG oo Su'aalo
Dhalisay oo Dadka Soomaaliyeedna Soo Xusuusiyey Hadalkii Cumar Carte Qaalib
Warka oo dhan ka
akhri halkan...


|