Saddam
Xuseen oo La Daldaley
Wararka ka imanaya dalka
Ciraaq ayaa tibaaxay in saakay oo ah Sabti, maalin
Ciidul-Adxa, waaberigii 6:00am, xilliga Ciraaq, ayaa
lagu diley deldelaad madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq, Saddaam Xuseen.
Saddaam Xuseen waxaa la
qorsheynayey in lala daldalo walaalkiis
Barzan Ibrahim iyo Awad
Hamed al-Bandar oo ahaa qareen ka tirsanaa
xukuumadii Saddaam, waxaase wararku sheegeen in la
daldalayo ciida ka dib.
[Wararkii
u dambeeyey ka daawo AljazeeraTV-LIVE]
TAARIIKH KOOBAN EE SADDAM XUSEEN:
1937-2006
Ap-28-1937-ayuu
ku dhashay Auja oo u dhow magaalada Tikrit
oo u jirta 200km waqooyiga Baghdad.
1956-ayuu
ku biiray xisbiga Ba’ath
1958-lix
bilood ayuu xirnaa ka dib markii lagu eedeyay inuu waday
dhaqdhaqaaq dowlada looga soo horjeeday.
1958-waxaa
uu ka qeyb qaatay afgambigii leysku dayey in xukunka
looga tuuro Abdulkarim Qasim, wuxuuna ka dhaawacmay
lugta kadibna waxaa uu ufakaday Syria ka dibna Masarayuu
sii galay.
Feb-25-1960-ayaa
dil lagu xukumay asaga oo dalka dibada kaga maqan.
1962-waxaa
uu Masar ku dhameystay dugsiga sare.
Feb-8-1963-waxa
uu ku soo noqday Ciraaq.
Oct-14-1964-ayaa
la xiray waqtigaa oo ay socdeen olole lagaga soo
horjeeday xisbigii Ba’ath.
1966-ayaa
asaga oo xabsiga ku jira loo magacaabay ku xigeenka
xoghaya guud ee xisbiga Ba’ath.
1967-xabsiga
ayuu ka fakaday.
1968-asaga
oo xubin firfircoon ka ahaa afgambigii waqtigaa waxaa uu
mas’uul ka noqday nabadgelyada gudaha wadanka, isla
sanadkaana waxaa uu dhameeyay kuliyada sharciga.
June-1-1972-waxaa
uu hogaaminayey qorshe lagu qarameynayay ilaha Saliida
kuwaaa oo ay maamulayeen shirkado reer galbeed ahaa.
June-1979-Sadam
waxaa uu noqday
madaxweynaha dalka Ciraaq.Ka dib markii uu xukunka kala
wareegay madaxweyne Bakr taa oo ka dhalatay damacii
Bakr ee ahaa in uu Syria la midoobo Sadamna
taa waa uu ka soo horjeeday. Wuuxuna ku xukumay xabsi
guri.
Sep-17-1980-Sadam
waxaa uu ka baxay heshiiskii uu 75-kii la galay Iraan ee
ku saabsanaa xuduudaha.
Sep-22-1980-
waxaa bilaabmay dagaalkii Ciraaq iyo Iran.
1988-Ciraaq
ayada o kaalmo ka heleysa Ciidamada bada ee mareykanka
ayey dib u qabsatay dhulkii Iraan kaga qabsatay intii
dagaalka lagu guda jiray ee u dhaxeysay 1984-86.
July-waxaa
dhamaaday dagaalkii Iraan iyo Ciraaq.
Aug-2-1990-Ciraaq
waxa ay qabsatay Kuwait.
Jan-17-1991-ayaa
in ka badan 30-dawladood Ciraaq ka saareen dhulkii
Kuwait.
1994-dhaqdhaqaaq
melateri ayuu Sadam ka sameeyay xuduudka Kuwait.
1998-Sadam
waxaa uu eryay shaqaalihii qaramada midoobay.
Oct-15-2002-waxaa
la qabtay doorashooyinkii madaxweynaha Sadam waxaa uu
ahaa musharaxa kaliya ee u taagan madaxweynenimada
wuxuuna ku guuleystay aqlabiyad dhan cod ah 100%.
March 19, 2003:
Ayaa Maraykanku weerary Ciraaq
July 22, 2003:
Ayaa la diley labadiisii wiil ee Uday iyo Qusay
December 13, 2003:
Ayaa Maraykanku qabteen Saddaam Xuseen
July 1, 2004:
Ayaa Maxkamad la soo taagey Saddaam Xuseen.
October 19, 2006, waxaa sii socotey maxkamadii oo lagu
eedeeyey xasuuq 1982 oo ay ka mid ahaayeen 148 qof ee
tuulada Dujail, Ciraq.
November 5, 2006:
Ayaa lagu helay dembigii lagu soo oogey, waxaana lagu
xukumay in lagu dilo deldelaad
December 30, 2006:
Sabti, maalin Ciid Al-Adxa ayaa lagu diley la daldaley Saddaam
Xuseen.
Sadam
waxaa uu 1958-guursaday
Sajida khayrallah waxayna u dhashay shan caruur ah
oo kala ah laba wiil (Uday iyo Qusay) iyo
sadex gabdhood. Gabar uu dhalay Saddam ayaa waxay Ciraaq
weydiisatey in aabeheed meydkiisa la siiyo qoyskiisa si
loogu aaso dalka Yemen, laakiin waxaa wararku sheegeen
in codsigaas laga diidey oo lagu aasayo qabri aan la
garanayn oo ku yaal Ciraaq.
Akhri:: TAARIIKHDA CIRAAQ:::
Isha: Qaar qoralka ka mid ah:Cabdiraxmaan
Ismaaciil shire (Darbane)
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 30, 2006

C/Lahi Yuusuf oo Kasoo Degey
Afgooye
Madaxweynaha DFKMG oo soo garey Afgooye
kuna sii jeeda Villa Soomaaliya ee Muqdisho iyo sidii
looga ciidey magaalada Qardho...
Akhri... Dec 30

Muqdisho: Banaan baxyo Rabshado wata oo Lagu diidan yahay ciidamada Tigreega
. Video: Taayiro lagu gubey waddooyinka
Muqdisho...
. Maxaakiimta: Dagaalka looga hojeedo ITO
waa sii wadeynaa
. Madfac Lala Beegsaday Dekedda Muqdisho...
. Maxamed Qanyare oo
dib ugu laabtay xaruntiisii Dayniile..
Warka oo dhan ka
akhri halkan.....