SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • "Hoggaamiyaha Islaamiga oo Wacad ku maray in ay Joogayaan Soomaaliya" AP
  • Madfac Lala Beegsaday Dekedda Muqdisho
  • Banaan baxyo Rabshado wata oo Lagu diidan yahay ciidamada Tigreega ka dhacay Magaalada muqdisho...
  • Maxamed Qanyare oo lix bilood kadib dib ugu laabtay xaruntiisii Dayniile...
  • Prof. Geeddi , waxgaradka iyo siyasyiin kulan balaaran kula yeeshay degmada Afgooye qeybaha kala duwan ee bulshada Muqdisho, maantana soo gaaray muqdisho...

Banaan baxyo Rabshado wata oo Lagu diidan yahay ciidamada Tigreega ka dhacay Magaalada muqdisho.

Halkan Ka Daawo Video::: Bannaanbaxa Muqdisho

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916

 


A Somali Mogadishu man passes burning tyres after protestors blocked the road in Mogadishu, Friday, Dec 29, 2006, after the arrival of Somalia's Prime Minister Ali Mohamed Gedi. AP

Somalis disperse after setting fire to tyres on a road in northern Mogadishu December 29, 2006: Reuters

Banaan baxyadan ayaa lagaga soo hor jeedaa ciidamada itoobiyaanka ee la socda kuwa dowlada federaalka KMG ee soomaaliya islamrkaana iyadoo banaanbaxayaashu ku dhawaaqayey doonimayno amxaaro ,doonimayno itoobiyaan iyo erayo oo ka dhan ah ciidamada iyo xukuumada Tigreega ee melez zanawi .

Sidoo kale banaanbaxayasha ayaa dhagxaan ku tuurayey baabuurta tiknikada ee dabaabadka ay wataan ciidamad itoobiyaanka islamrkaana dhawacyo yaryar u gaystay askarta waloow aan wax jawaab ah aysan ka bixin ciidamadasi ,sidoo kalena waxaa xirmay qaar kamida wadooyinka magaalada muqdisho oo lagu gubey taayiro iyadoo ay istaageen baabuurta gadiidka ee isaga kala goosha xaafadaha magaalada Muqdisho.

Banaanbaxayaasha oo aad u caraysnaa ayaa ku gubayey wadooyinka Magaalada muqdisho taayiro islamarkaana kasoo hor jeeda ciidamada itoobiyaanka ee jooga magaalada muqdisho ,ma jiraan wax masuul ah oo dfkmg ah oo ka hadlay banaan baxyadan,waloow ay banaan baxayashu ku habeensadeen islamrkaana markii gabalku dhacay ay kala dareereen .

Si kastaba ha ahaatee xiisada Nacaybka ee loo qabo ciidamada itoobiyaanka ee ku sugan caasimada iyo meelo kamida gudaha dalka soomaaliya ayaa maalinba maalinta kasii dambaysa sii xoogaysanaysa islamrkaana keeni karta rabshado iyo ammaan xumo ka dhalata magalada muqdisho iyo guud ahaanba dalka soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Video::: Bannaanbaxa Muqdisho


"Hoggaamiyaha Islaamiga oo Wacad ku maray in ay Joogayaan Soomaaliya" AP

KISMAAYO: Dec 29, 2006: Sida ay werisey hay'adda wararka ee AP, hoggaamiyaha Islaamiga ah waxa uu Jimcadii wacad ku maray in ay sii wadayaan dagaalka ay kaga soo horjeedaan Itoobiya.

"Kama bixi doono Soomaaliya", sida uu Sheikh SHariif Sheikh Axmed, hoggaamiyaha sare ee Midowga Maxaakiimta Islaamiga, u sheegay hay'adda AP. Waxana uu intaas ku daray "Kama carari doono cadowga. Weligana kama bixi doono Soomaaliya. Waxaan joogi doonaa dhulkayaga".

Sh. Shariif Sh. Axmed waxa uu hay'adda AP la hadlay isagoo jooga magaalada Kismaayo ee Koonfurta Soomaaliya, halkaas oo uu tegey markii xoogaggiisu dib ugu gurteen kaddib markii ay iskaga baxeen Muqdisho oo ay joogeen lix bilood, ayey tiri AP.

Waxaa warku intaas ku daray in ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi uu ballan qaaday in uu burburinayo dagaalyahanada uu ugu yeeray xagjirka dhaqdhaqaaq Islaamiga ah iyo jaalkooda ajnebiga, isagoo sheegay in ay ku qaadaneyso dhawr toddobaad oo dheeraad ah.

Hay'adda waxa ay tiri: Dhaqdhaqaaq Shariif Axmed waxa ay ballan qaadeen in ay Soomaaliya ku maamuli doonaan Sharciga Qur'aanka.

Isha: warka iyo sawirka: AP


Madfac Lala Beegsaday Dekedda Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Jimcadii madfac lala beegsaday dekedda weyn ee magaalada Muqdisho. Tan oo markii koowaad ka dhigeysa in madfac lala beegsado dekadda ilaa markii ay ka baxeen maxaakiimtu. Waxaa wararku intaas ku darayeen in madfacaas oo laga soo ridey Woqooyiga Muqdisho in ay ku dhimatey gabar yar oo reerkoodu degganyihiin meel u dhow dekedda.

Isha: Wakaaladaha


Maxamed Qanyare oo lix bilood kadib dib ugu laabtay xaruntiisii Dayniile .

WARARKA IYO FAALLOOYINKA CAALAMKU KA QORAY SOOMAALIYA
Anti-Ethiopian protest in Mogadishu Aljazeera

Blundering into Somalia | Khaleej Times

US Urges Inclusive Dialogue on Somalia's Future | VOA

Editorial: Somalia's nightmare | Malaysia [New Straits Times]

It's still 'lose-lose' in Somalia | Theglobenamdmail

Ethiopians are divided over war in Somalia | Latimes

U.N. Remains Paralysed Over Fighting in Somalia | Asia  Tribune

Kenya: Four MPs Condemn Attack On Somalia | Daily Nation

.A Dark Deja Vu in Somalia | Times

Is the Press Standing Up to the State Department's Somalia Offensive?  | huffingtonpost

There is no way out after a lie | Shabait


yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Hoggaamiye Kooxeedyadii ay Maxkamadaha Islaamka Muqdisho ka ceyrsadeen ayaa maanta dib ugu soo laabtay xaruntiisii Dayniile ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Maxamed Qanyare oo xaruntiisa Dayniile lagu aas aasay Isbaheysigii La-dagaalanka "Argagixisada" ayaa wuxuu Muqdisho isaga tegay Bishii June ee sanadkan 2006, xiligaas oo ay Maleeshiyooyin ka amar qaadanayay maxkamadaha Islaamka culeys saareen Xaruntiisa Dayniile.

Kadib Qanyare waxaa uu muddo gaaban ku sii nastay Magaalada Jowhar dabadeedna wuxuu u gudbay Tuulada Dirri oo ka tirsan Degmada Ceel Buur, taasi oo ah meeshii uu ku dhashay, sida uu isaguba sheegay.

Qanyare halkaasi kuma negaanin waxaana uga daba tegay Maleeshiyooyinkii Maxkamadaha Islaamka oo ka doonayay in ay ka soo qaataan Gaadiid Tikniko ah oo uu halkaasi ku heystay, iyadoo ay xusid mudan tahay in marka ay maleeshiyooyinka sii daba gelayeen uu Idaacadaha Muqdisho ka sheegay in uu towbad keenay haddii uu dembaabay.

Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah hoggaamiyayaasha Soomaalida ee warkooda caddeysta marka ay hadlayaan ayaa loo ogolaan waayay in uu Tuuladii uu ku dhashay uu joogo, waxayna taasi ku kaliftay in uu tahriib kale sii galo, isla markaana uu ugu dambeyntii isku shubo fariisinka Dowladda Federaalka ee Baydhabo oo uu haatan ka soo guryo noqday.

Maxamed Qanyare Afrax oo si kulul u cambaareyn jiray siyaasadaha madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Cali Geedi waxaa ay meertadii siyaasadda u geystay raggii uu eedeyn jiray, walow taasina looga dawoobi karo in siyaasaddu aysan saaxiib joogto ah lahayn.

Ugu dambeyntiina Maxamed Qanyare Afrax oo weli ah Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka waxaa u suurtageliyay in uu dib ugu soo laabto xaruntiisa Dayniile Ciidamada Itoobiya oo dagaal ay la galeen maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamka uu keenay in ay Xamar markooda isaga tagaan Hoggaamiyayaashii Maxkamadaha, gacan yarayaashoodii iyo weliba maleeshiyooyinkii ay Muqdisho ku qabsadeen, iyadoo Maxamed Qanyare la ogaa in uu si weyn uga soo horjeeday in ay dalka Soomaaliya soo galaan Ciidamo Itoobiyaan ah.

Prof. Geeddi , waxgaradka iyo siyasyiin kulan balaaran kula yeeshay degmada Afgooye qeybaha kala duwan ee bulshada Muqdisho, maantana soo gaaray muqdisho..

Ra’isul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ku dhawaaqay in dowladda federaalka Soomaaliya haatan ay si rasmi ah ula wareegtay maamulka iyo gacan ku heynta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana uu haatan dhamaaday dagaalkii lagula jiray waxa ugu yeeray argagaxisadaa cadowga ah oo talaabooyinka xiga ee xukuumadu qaadi doontana dib laga soo sheegi doono.

Ra’isul wasaare Geeddi oo ka hadlayey kulan balaaran oo uu xalay kula yeeshay Beerta Sheekh Saayid ee degmada Afgooye ayna ka soo qeyb galeen xubno ka kala socday qeybaha kala gedisan ee bulshada magaalada Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen siyaasiin iyo culumaa’udiin ka baxay Muqdisho ayaa intaa ku daray.

“Wax badan ayaa la isweydiiyey muxuu ra’isul wasaaraha u imaan la’ yahay Muqdisho oo ah goobtii laga soo doortay ee uu ku helay jagada awood qeybsiga ku timid ee uu hayo, ILAAHEY baan idinku dhaarshaye wixii shalay ka dambeeyey Muqdisho meel la imaan karo ma ‘aheyd ? ayuu yiri Geeddi oo dadkii halkaasi isugu yimid weydiiyey su’aashaasi, kuwaasoo iyana uga daba daba jiibiyey maya.

“Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyo Qarankii Soomaaliyeed maanta wixii ka dambeeya si rasmi ah ayuu u hanaqaaday waxana idin xaqijinayaa dowladda federaalka Soomaaliya iney tahay dowlad nabadeed waxaana idin balan qaadeynaa inaad ku diirsataan dowladda, ugana reysataan fowdadii dagaalaada sokeeye iyo dhibaatada la soo maraya mudooyinkii la soo dhaafay” ayuu yiri Geeddi.

Kuwa dalkeena iney burburiyaan ku soo tashaday, dalka kama wada bixin waan ka daba tegeynaa una ogolaan meyno hal mitir oo dalkeena ka mid ah iney ku sugnaadaan, waxaan ugu baaqayaa dowladaha deriska nala ah iney muujiyaan taxadar badan fitnadii ay nagala tageena aysan fursad u siin abaabaul kale soo sameeyaan” ayuu yiri Geeddi oo dhinaca kale ugu baaqay maleeshiyada iyoi hubka yaala Soomaaliya oo dhan oo in dowladda loo soo gacan geliyo, lana geeyo goobaha loo cayimay.

Geeddi ayaa sido kale sheegay iney fasaxan yihiin ka ganacsiga dhamaanba waxyaabihii ay mamnuuceen maxkamadaha Islaamka oo isla markaana nabadgelyada hadda iyo wixii ka dambeeya ay u xil saran tahay dowladda federalka Soomaaliya.

Xafladaasi oo sidoo kale uu khudbad ka jeediyey ku-xigeenka ra’isul wasaaraha ahna wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid ayaa la sheegay in ra’isul wasaaraha iyo xubnaha la socda ay xalay ku hoyden degmada Afgooye, iyadoo maantana lagu wado iney u dhaqaaqaan dhinaca degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe oo la filayo inuu kulan balaaran kula yeeshop waxgarad iyo mas’uuliyiin ka kala socota magaalaadan Muqdisho iyo gobolka Sh/dhexe oo uu ka mid yahay Maxamed Dheere, lama oga in ra’isul wasaaruhu intaa ka dib uu u soo gudbi doono Muqdisho iyo inuu ku laaban doono magaalada Baydhabo oo markii horeba ay ka yimaadeen isaga iyo xubnaha la socda.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH