SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAALLO

  • Dawladdu shaatiga ha baddalato, Maxkamaduhu ha is aruursheen
  • BAAQ FURAN KU WAJAHAN DAWLADDA KUMEELGAARKA SOOMAALIYEED
  • Waxaan la yaabanahay!!
  • Taariikhdu waxay Qoreeysaa
  • DAAHIR AWAYS OO JAMBAY.
  • Damiir laa wayaasha Ithopia u shaqeeya dadka ka baro
    ISRAACA Press Release

Dawladdu shaatiga ha baddalato, Maxkamaduhu ha is aruursheen, Shacbiguna ha midoobo 

''Innalillaahi wa inna ileyhi raajucuun'' wixii dhintay Ilaahay ha u naxariisto. Qof walba wuxuu aaminsanaa ee uu u dagaalamayey ayuu Ilaah horti la tagay. Kallimadda aan manbarkaan ka oranayo maxaakiimta waxay tahay dadaal badan oo la dib jiro ayaa badan, marxaladda lagu jiro awgeed is aruursho lana shaqeeya wixii dan soomaali wada toosna uga hor imaaneyn kitaabka Ilaahay iyo Sunnada, xusuusnaadana

  قول الشاعر المتنبي ((جانب السلطان واحذر بطشه – لا تخاصمان من إذا قال فعل)). 

Muujiya wada shaqeyn una dhabar dabca wixii aad is leedihiin waddanku dhibta ayuu uga bixi karaa kana qayb qaatan waddanka danihiisa.

Shacbigana waxaan leeyahay xagsada nabadda iyo ammaanka , qabiil qabiil maanta waad ka gudubteen ha deer dib ha ugu laabanina , isku geysta cududda , la shaqeeya wixii wada danihiina, hana noqdo waxaad wax ku kala dooraneysaan mid ku qotonta shareecada islaamka taas ayaad ku liibaaneysaan if iyo akhiro. Qabiilna yuusan Qabiil kale colaad ugu qaadin  dambiyo shakhsiyaad galeen ama qaryadahaan dhacaya ee danta guud ha la ilaasho. 

Dawladda ku meel gaarka ah imtixaan kii ugu weynaa ayaa haysta siday uga dabaalan lahayd fallankeeda ha qabato. Imtixaanada hor yaal waxaa ka mid ah: 

  1. Siday cadawga ay keentay waddanka uga saari lahayd ileyn balo ninkii keena baxshee.
  2. Siday askarta Tigreega ummadda hantideeda iyo cirdigeeda uga celin lahayd.
  3. Siday ummadda soomaaliyeed uga badbaadin lahayd dagaal qabiil
  4. Iyo siday ugu baahi lahayd waddanka oo idil una soo celin lahayd ammaankii ugana hor tagi lahayd spaarooyinka.

Yuusan noqon xoogga maanta la adeegsanayo mid ujeedadiisu ahayd kaliya in Maxaakiimta Islaamiga ah meesha lagaga saaro, ee waa inuu noqdo mid wax ku ool ah. Waxuu shacab weyne u fadhiyaa wax qabad ka badan wixii Maxkamaduhu qabanayeen.   

Waxaan xusuusinayaa dawaladda inay dib ugu noqdaan taariikhda oo ay darsaan khaladaadkii ay horey ama ayagu u galeen ama maamuladii ka horeeyey sida dawladdii sal ballaaran iyo tii carti ay u galeen. Waa inay ka faa'iideystaan khibrada maxaakiimta oo sida aan la socono kasbaday shacabka soomaaliyeed isla markaasna qabtay horumar badan oo la taaban karo. Taasna waxaa dhaliyey baan oran karaa waa adeegga ay adeegsanayeen shareecada Islaamka. Maantana nin kasta oo caqli leh waa ogsoon yahay inaan soomaali la isugu keeni Karin diin mooyee wax kale. Taasna ma ahan fikrad san ku neefle yiri ee waa qawlka Ilaahay. Waxa dad mideyn kara waa mabda' xitaa shuuci ha ahaadee marna qabiil ummad ma mideeyo. Xaqiiqda soomaaliya taalna waa qabiil, waxaana looga gudbi karaa iyada oo diinta lagu bahoobo. Daliishuna waa maxkamadaha. Marka Dawladdu intay shaatiga baddalato ha isku daydo inay shacabku tuu rabo ee ah in diinta islaamka ku dhaqdo. Taas markaan dawladdu ha isku daydo waa haddii ay rabto inay shacbiyad yeelato dadka iyo dalkana badbaadiso.

Laakiin haddii ay mooddo inay wax ku hagaagayaan sidatan iyo faranji kaalmadiis waxba ku hagaagi mahayaan. Faranjiga kaalmadiisuna way xaddadan tahay ama iil buu reebin. Wax jiraaba cakkaaraha ayuu imaan (wallahay ma aqaan cakkaaraha waxa laga wado – ka gudub). Khudbadihii raggii dawladda mas'uuliinta u ahaa ee dib u qabsaday meelihii ay ka talin jireen ay u jeediyeen shacabkii magaalooyinkaas deganaa ayaa waxaa ka mid ahaa saacaddaan laga bilaabo QAADKA IYO SHANEEMOOYINKUBA WAA FURAN YIHIIN waayo maxkamdahii meesha laga eri. Hadalkaas oo kale ma ahan mid mas'uulnimo ka muuqato. Wuxuuna toos uga soo horjeedaa shareecada islaamka ah, anshaxa iyo aadaabta ruuxa muslimka ah. Ummadda Muslimka ahna waa tii is farta wanaagga iskana reebta xumaanta.

Gabar yar oo la bixinayo ayaa Rasuulka (SCW) laga wariyaa  in aabbuhu gabadhiisa u guuriyo nin diin leh waayo ninka diinta leh gabadha haddii uu jeclaadana wuu karaameyn haddii uu nicbaadana ma dulmindoono waayo waa ehelu diin. Marka maxaad moodaa ummad dhan oo muslim ah ninka cad-caddey fawaaxishka ugu baaqaya. Hor Ilaah hor shacab kama sinna nin meeshuu qabsado ka xiraya wixii fusuq iyo xumaan wada iyo mid fidinaya xumaan iyo fasaad. Harag iyo kitaabna isku mid ma aha ee dawalladdu haddii sida ay sheeganeyso u dhalatay ummadda soomaaliyeed ha ka shaqeyso danteeda iyo waxa maslaxad u ah iskuna raaci karaan waliba si fudud, taasina waa ku dhaqanka diinta islaamka iyada ayaa wallaahay horumar dhinac kastaba ah lagu gaari karaa ee dawladdu ha tijaabiso.

Ustur Yaa Rabb. 
Said Warsame
Shwarsama@hotmail.com 


BAAQ FURAN KU WAJAHAN DAWLADDA KUMEELGAARKA SOOMAALIYEED

Waxaan ugu baaqayaa dawladda kumeelgaarka somaliyed,In aad qaadataan kudhaqanka shareecada islaamka,waxad ku badbaadineysaan naftina addun iyo aakhiraba.waxad kaloo ku badbaadinaysaan xukunkiina iyo shacabka somaliyed.

Waxan idinsheegayaa in kitaabka uu soo dajiyay ALLE Weyne Sw wuxuna usoo dajiyay in la isku xukumo casri kasta Kitaabka xukunkiisu cadaw kuma ahan,kamana hor imaanayo xadaaradda reer galbeedka,xadaaradda reer galbedkuna cadaw kuma ahan,kamana hor imaaneyso xukunka islaamiga,haddaan si khaldan loo turjumin.(waxa kusoo qulqulaya,kuna nabad galaya dalalka reer galbeedka dhammaan qaybaha kala madhabta ah ama kal afkaarta ah ee culimada muslimiinta,waxay kafaaiideysanahayan xadaaradda reer galbeedka si hamuun kujirtana u boobahayan,sheikh walba wuxu jecel yahay in uu helo,digree(shahaado)farsamada reer galbeedka). Xukunka isl;aamigu ma ahan sida culimada maxakimtu uturjumayaan(ufahamsan yihin) Ma ahan in ayagoo kaliya xaq uleeyihiin,sida dhaqankooda ka muuqata.

mana ahan in ay idiinka xaqleeyihiin,adinkaa uga xaq leh haddaad qaadatan kudhaqanka sharecada islamka(Al_xaqqu liman sabaqa).adinkaa uga soo horreeyay xukunka adinkaana uga xaq leh,caddaaladda ALLE weyne SW.weykasarreysaa In qof qof looga kacsho xukunka.

Waxan kaloo idiinsheegayaa umadda somaliyed waxey diyaar u yihiin in lagu xukumo kitaabka ALLE weyne SW xukun kalana ma ogola, Waxan idiin caddeynayaa somalida hadda waa la dhammeyn karaa,waxan Kitaab ahaynse laguma xukumi karo,maadaaba aad dawlad utihiin shacabkaas Waxaad ku khasbantihiin in aad uhogaansantaan rabitaanka shacabka.

Taasi waa dagaal maskaxeed waana sida kaliya oo aad kuhanan kartaan codka shacabka kagana guuleysan kartaan maxaakiimta. Waxan dawladda kumeelgaarka usheegayaa in joogitaanka ciidamada Itoobiya dhabarjab ku yihiin dawladda,Dawladdu waxay ku weyday joogitaanka Ciidamada Itobiya dhammaan kalsoonidii shacabka somaliyed.

Tan labaad ciidamada Itobiya nabad ilaalin kama noqon karaan somaliya, Hubkana kama dhigi karaan somalida,Qofka somaliga ah waxa qorigiisu Galayaa gacan Itobiyaan marka ladilo oo kaliya,somaliduna waxay dareemeysaa Gumeysi cusub,waxay dareemayaan in dagaalkani qayb ka yahay dagaalkii 77.

Waxa u dhexaysa somalida iyo itobiyanka colaad fac weyn,waxa arinta somaliya Iyo itobiya tusaale u ah,hadalkii uu yirih safiirka qaramada midoobay ufadhiya Germalka,markii Europe udireysay ciidamo nabad ilaalin Lubnan iyo Srael; Ma udirayno ciidamo Germal ah, waxanse kaga qayb qaadaneynaa xabad joojinta siyaabo kale sida dhaqaale iyo qalab,Waxa udhexaysa labada shacab Germalka iyo Israel cuqdad soo jireen ah, sidaas awgeed madooneyno in askari jarmal ah Qori kufiiqo qof Israeli ah. Haddii labada dawladood,dawladda somaliya iyo itobiya daneynayaan in lasoo Afjaro colaadii dheereyd ee udhexeysay labada dal,waa arrin fiican,wadadaanise Ma ahan wadadeedii.Aniguna ra’yigeyga ku saabsan sidii colaada loosoo afjari Lahaa mar kalaan soo qorayaa haddii ALLE weyne SW idmo.

Abuturab. Abuturab100@gmail.com 
mineapolis USA.


 Waxaan la yaabanahay!!

  • Qore: Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)

Nin doqon ahaa ayaa waxa damcay inuu gursado gabar uu aad u jeclaa ugana helay.ninkaas wuxuu goostay inuu gabadha kaa doonto reekooda.ninkii ninkii doqonka ahaa waxa aad ula dardaarantay hooyadiis iyadoo ku dartay nin adeerkiis si uu u sii raaco.oo uu hadalkana u sii toostoosiyo .dardaarinkii hooyada waxa ka mid ahaa inuusan hadalka badin marka uu tago guriga gabadha uu doonayo. {Akhri.. Qoraalka oo dhan}


Taariikhdu waxay Qoreeysaa

Arligaa laka boobayaa nin u Itaal roone
Anse il ah aanqiru sabaan iligyadiisiiye ...

waxaan ku xifdiyi jirnay iskoolada markii aan yaryareeyn maantase waxaa dib ii xasuusiyay dhowr arimood oo ay ka mid tahay dagaalada wadankeena.

itoobiyaan dhib malahan waxaa inaga dhaxaysay kumaankunoo sanadood dagaalo aan joogsi lahayn weligeedna waa lagu taageeri jiray laakiin waxaa is weydiiyaa karasaayaashaan xukunka rabo in laku keeno diyaarad iyo dabaabado si ay u maamulaan shacab dhiigooda lagu daadiyay waxaan ahayn waxaa nahay islaam!!!

waa yaabe sow kama fekerin erayada ay leeyihiin masuuliyiin isku sheega in dareenka dhaawacayso inay yiraahdaan haddii ay xaq yihiin maxay inooga guulaysan waayeen..waxaan dilnay ....allaase ka sareeyo waxaase kasii yaab badan oo la weydiinaayaa cabduitobia iyo geedi ninka maanta tolnimo u daba joogo waxay ila tahay inay taariikhda qoreyso oo anay marna guusha raaceeyn nimaan xaqa raacin..
ogaadase waxa socdaa waa inbosibil mashin oo ay ka mid yihiin kufri oo idil dowladase waxaa lagu xabisay baydhabo iyo kenya raac itopia ama hoogse waa shicaarka aragtidaydase waa qaladkii ugu weynaa ee la galo inta taariikhdeena ay soo taxneed inaa lilaahi wainaa ilaahay raajicuun....

Allhau Akbar! Duco yaan laka joojin

said Sh Mahamud EMail: bakaare@hotmail.com


DAAHIR AWAYS OO JAMBAY.
I ARKAAA…..I QARIYAA.  

Waa: Dr. M. X. Said . Al-jabarti.
EMail:
al_jabarti@hotmail.com

Waxa  qabsadeen Muqdisho xagaagii hore xoogag isgu jira maxkamadaha  islaamka iyo ururada bulshada.Waxaa si daramaatiko  ah  oo degdeg ah iska  dba-dhacayay arimo la yaab leh . Dhacdooyinkaas waxaay ku socdeen xawli ka  dheereeya codka . Taas oo fursadaan siinhaynin in qofku  ka fikiro waxyaalaha dhacayay. 

Haddaan wax-yar milicsanno xawliga iyo xawaaraha ay ku ordayeen ma ahayn midd u ogalaanaya qofna in fahmo sida wax u socdaa, meesha loo socdo iyo waxa loo socdo midna .

Waxaa kale oo mugdi ku jiray xaqiiqada kuwa hor-kacayaa xawaaraha maxkamadaha. 

Waxaa ku dhacay dadka jiha-wareer iyo dayaw aan ku koobnayn dadka caadiga ah ee xataa wuxuu saameeyay qaar badan oo la sheegayo in ay ka tirsanyihiin madaxda maxkiimta iyo taageerayaashooda.. 

Muddo 6 bilood ah oo ka danbaysay qabsashadii Muqdisho ayaa waxaa soo muuqanayay maalinba maalinta ku xigta sawirka runta ah ee waddada ay afka saareen maxkamaduhu jidkii culaadda iyo ololayaal dullimaad. Taas oo noqotay  tallaabadii ugu horaysay uguna danbaysay.

 Hawgalka maxkamadaha haddaan in yaar  dib u fiirinno wxaan arkaynaa uu sidaan u socday: 

·        Sagaalkii bilood ee Dawladdu fadhiday Jawhar iyo lixdii ka horaysay ee Kenya joogtay Maxkamadaha iyo qab-qablasha Muqdisho waxay ahaayeen isku xilfi iyo isku hadaf . Waxayna isku bahaysteen carqaladaynta iyo fashilinta dawladda. 

·        Waxaa markii ugu horaysaba la af-duubay kacaankii dad-wayna Muqdisho ku riday qab-qablashii dagaalka. Waxaana awooddii  maroorsaday Maxaakimta. Waxaana laga takhalusay bulshadii ra’yadka oo ugu horeeyo guddoomiyihii gobolka Banadir ee sharciga ahaa ee dawladdu u magacawday. Maxkamadihii waxay isu-beddeleen Qabqable-wayn oo dagaal ama xuutkii xudadka liqay. 

·        Billawgii waxaa dadka loo sheegay in nabadda  la dhawrayo. Dawladda sharciga ahna lala heshiinayo lana ictiraafsanyahay. Qab-qablayaashana waxaa lagu eedeeyay  in dawladda iyo nabadda ka soo horjeedaan. 

·        Waxaa.dadka lagu ciriiryay oo Maxkamaduhuna ku mashquuleen waxyaalo aan diinto fara-gelinin oo la xiriira xuriyadda shakhsiga iyo meheraddiisa. Sida habka timaha loo xiirto  iyo meheradihii dad badani ka helayeen nolo-maalmeeka sida fotooyinka iyo meelaha cajaladaha iyo takaayooyinka la mamnuucay. Halkii  shaqo la abuuri lahaa dadka waxaa loo abuuray shaqo la’aan.   

·        Waxay ku duuleen oo ay xoogg ku qabsadeen Gobollada Sh.hoose, Hiiraan, Galguduud iyo koonfurta Mudugg.Muddo bil gudaheeda ah waxaa gacanta u gashay min Muqdisho ilaa Bandiiradlay. 

·        Waxay ku duuleen oo xoogg ku qabsadeen Kismaayo. Waxay ku xijisiiyeen Afmadaw, Qooqaani ilaa iyo Dhooblay. Waxay ku darsadeen Gobolka J.Dhexe. Gedana waa la soo hadal-qaaday. 

·        Inttaas markay gacanta ku dhigeen Waxaa beddeleen afkoodii ku wajhanaa Dawladda. Oo waxay bilaabeen in ay shaki geliyaan sharciyadda Dawladda Umadda Soomaaliyeed iyo bulshada caalamku u fadhiday dhismaheeda labada sano waqtiga ka badan. Waxayna sheegteen in iyagu wakiilka dadka Somaliyeed. 

·        Waxay duullimaad ku bilaabeen Gobolka Bay ee saldhigga u ah Dawladda. Waxayna qabsadeen Ciiddii al-fidriga ee Ramadaan laba casho ka hor magaalada Buur-hakabo. Waxaana la qorsheeyay in Baydhabo la qabto maalinta ciidda Fidriga. Weerarkaa waxa baajiyay khilaaf soo dhex-galay maxkamadaha 

·        Maanlintaas ciidda ahayd ayaa Sh. Sharif  oo ay la socdaan madax badan wuxuu Buur-hakabo kaga dhawaaqay Jihaad lagu qaadayo Ethiopia iyo Dawladda Federaalka ah ee Somalia.

Waa maalintii sheekha ay ka tuureen cimaamaddii iyo qamiiskii oo loo labisay tuutuhii mooryaanta qorina loo dhiibay.  

·        Waxaa la qabsaday Diinsoor. Xuddurna waxaa loo diray ciidan maxkamadaha raacsan oo uu wato Mr. Saransoor. 

·         Waxaa halkaa lagu soo ibyay hareeraynta Xarunta Dawladda ee Baydhabo. Waxaana la bilaabay weeraro is-daba-jooga oo Baydhabo ku wajahan. Waxay Maxkamaduhu keeneen dalka ciidamo ajnabi ah iyo hubb laga soo dejiyo circa iyo badda.

·         Ugu danbayntii waxa loo qabtay Dawladda  Somalia in ay isku-dhiibto muddu toddobaad ah Etoopiana kala baxdo  toddobaadkaas wixii jooga Baydhabo.

·         Lixdaas bilood Maxkamaduha meesha qaabsadaanba Waxay furayeen Xiryo ciidamo logu xereeyo. laga billaabo badiiradlay ilaa iyo Dhooblay. 

·         Ma jirto meel dugsi wax-barasho ama xarun caafimaad lagu soo hadal-qaaday. Dadkii daadadku iyo fatahaado dhibaateeyeen oo geedaha saaraa marna il-raxmadeed lagu ma daymoonin wax loo qabto iska daaye. 

·        Toddoba dii casho ee digniinta ahayd markay dhamaatay waxaa Baydhabo lagu soo qaaday weeraro aan kala go’ lahayn .Waxa la qaaday hujuum balaaran oo la soo geliyay kumanaan ciidan ah. Waxaa laga soo weeraray Baydgabo koonfurta xagga iIidaale iyo xagga waqooyi Daynuunay. 

·        Maxkamaduhu waxay ku soo shubeen goobaha dagaalka kumanaan isugu jira dhallin-yaro, ardy iyo caruur aan qaadanin wax-taba-bar ah. Ma jiraan saraakiil ciidanka dagaal-gelinaysa .Dhamaan waa la yaacayaa dabkana waa lagu daadanayaa..

·        Waxaay ku sifoobeen kuwa hoggaaminayaa Maxkamadaha kuwii Alle-wayne ku sheegay kitaabka ee uu yiri :haddii awood helo wuxuu socda dhulka si uu fashaadiyo, Wuxuuna halaaga Beeraha iyi caruurta, Allena majecla fasaadka. Kuwaasi  waa kuwa Alle nacladay oo uu maqalka iyo aragaba tiray. Miyaysan u fiirsanin Quraanka mase qalbiyadooda waa qufulanyinn… ilaa dhamaadka Aayadahaas  ( Suurato Muxamedd Aayadaha21-25) 

·         Waxaay dagaal jihad ah ku iclaamiyeen dal daris ah oo xoogg badan. Waxaay ku dhawaaqeen in ay Ethiopia weerarayaan oo ay qabsanayaan Caasimadda  Adiis-Ababa. Ethiopiyada cusubb waxay shacabka Somalia la garab-taagnayd hiil iyo hoo intii karaankeed ah.Waana mid shareecada Islamka ka soo horjeeda. 

Nimankaas diinta ka been sheega si xukanka xoogg ugu qabsadaan marka ay ridaan dawladdii dadku sida wada-jirka ah u doortay shareecada Islanku waxay ku magacadaa Mufsidiin iyo fallaago. Daandaansiga dalka Ethiopiana wuxuu ka dhigay maxkamadaha ku quraanku ku tilmaamay MUCTADIIN DAALIMIIN AH. 

Dadka Somaaliyeed ee muslinka iyo dawladdooda waxaa waajibb diini  iyo waddaniba ku ah : 

1-      In ogaadaan in shareecada Islaamku aysan ogolayn in xukunka lagu qabsado xoog. Balse waa in uu ku yimadaa duurasho  loo dhanyahay. 

2-      Shareecda islaamoku ma ogola dullaan lagu qaado dad nabadd ah xataa hadday gaalo yihiin si loogu xukumo shareecada. 

3-      Kooxdii isku dayda in ay xoogg ku ridaan dawladd  sharci ku dhisan waxay shareeca ku magacawdaa BUGHAAT oo macnaheedo yahay fallaago.Waana in dawladda iyo dadkuba si wada jir ah isga daafacaan ulana dagaallamaan. 

,Dawladda iyo dadkeeda waxay shareecadu u bannaysay in ay difaacooda la kaashadaan cidd kasta oo ay kaalmo ka heli karaan GAAL iyo MUSLIN. Waxaad xusuusantihiin dagaalkii khaliijka 1991kii dalalka Kuwayt iyo Sucuudiga waxaay kaalmameeyay ciidadmo ka  yimidd 33 dal oo .waxaan u badna kuwa aan muslinka ahayn. Taasna waxaa isku raacay shir loo qabtay culimada caalmka Islaamka. 

4-      Dawladda iyo dadka Somaaliyeed waa in iyaga oo isku-duuban ay iska daafcaan kooxahan shar-wadeenka ah ee uu horkacayo ninka u waashay xukunka X.D,Aways Waana in ay la kaashadaan dagaalkooda ka soo horjeeda Mufsidiinta Somaal-diidka ah  qola kasta oo ay kaalmo ka helayaan Gaal iyo muslin, madw iyo caddaan. 

5-       Kaalmada dalalka deriska ah sida Ethiopia, Kenya,  Ugaandha iyo Afrika guud ahaan waa tan ugu habboon oo waa walaalo deris ah. Amerika iyo Europ haddii wax laga helana waa in la soo dhoweeyaa.. Carabb iyadu waa walaalo aan iyagu wax is-tarin cid kalana waxba tarin.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa : Waxaa bilaabatay jabkii kooxda uu hoggaamiyo Mufsiddka, mujrimka xarbiga, dagaal-ogaha Col. X.D. Aways.Jabkii mufsidiintu wuu billaamay. Shalay iyo manta waxaa laga dijiyay CALANKII madoobaa ee KHAWAARIJTA  magaalooyin badan oo ka tirsan gobollada Mudug, Galguduud iyo hiiraan. Iyo Bay. Waxaa magaalooyinkaas dibb ugu soo noqday Calankii buluugga ahaa ee qaranka Somalia isaga oo halkaas ka maqnaa 5 bilood oo magaalooyinkaas mufsidiinto af-duub ku hasten.

Saaka oo ugu danbaysay ayaa Calankii Astaanta u ahaa Umadda Somaliyedd dibb looaga saaray magaalada Jawhar. 

Waxaan Alle-wayne ka rajayhayn in Buluuglay ay dhowaan ka dul-babban-doonto Mudisho. Kaddibna umadda Somalia billawdo DIB-U-DHISKA DALKEEDA. 

Waa: Dr. M. X. Said . Al-jabarti.
EMail:
al_jabarti@hotmail.com


Damiir laa wayaasha Ithopia u shaqeeya dadka ka baro

Waxaan dadka u cadeynayaa iney bateen damiir laa wayaal u shaqeeya cadwoga ummada Soomaaliyeed hadaba waxaan u sheegayaa dadka Soomaaliyeed iney dadka ka bartaan damiir laawa yaasha

1 Damiir laawe Cabdulaahi Yuusuf Ahmed
2 Damiir laawe Cali Maxamed Geedi
3 Damiir laawe Salaad Cali jeele
4 Damiir laawe Cabdi qeybdii
5 Damiir laawe Barre Hiiraale
6 Damiir laawe Cade Muuse
7 Damiir laawe Buubaa
8 Damiir laawe Hassan Daahir Afqurac
9 Damiir laawe Husseen Caydiid
10 Damiir laawe Cabdiraxmaan Diinaari
11 Damiir laawe Cabdulaahi sheikh Ismaaciil
12 Damiir laawe Gacma dheere

Caqli laawayaasha Caqliga laga xaday

1 Caqli laawe Maxamed Dheere
2 Caqli laawe Cabduqaadir Beebe
3 Caqli laawa Laqanyo
4 Caqli laawe Cabdi waal
5 Caqli laawe Dabageed

Kuwan ayaa noo horseedet Tigree ka soo duulay Maqla oo Addis Ababa u jirta 2.00km waxaan shacbka Soomaaliyeed ogeysiinaya iney ku jihaadaan cadowga waxaan kaloo ka codsanayaa Soomaalida iney iska kaa shadaan cadowga waxaana leeyahay Ummada Soomaaliyeed sabra Nasrigii ayaa dhaw

Sakariye Maxamed Ahmed Email: sakariye85@hotmail.com


Rag Baa Is Hayee, Rahu Ha Aamuso

By: Cali-Daahir X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com

Waxaan Ku Bilaabanayaa Magaca Alle SW Nabigeenii Muxammadna Nabad Gelyo Iyo Naxariista Alle Dushiisa Ha Ahaato

Hadduu Macalinku Yimaado
Ardadu Way Aamustaa

Horaa loo yiri: Dabkuu Munaafaq Shidaa Mu’min Baa Ku Gubta. Sidiisaba munaafaqu xilliga colaada kolka lajoogo cagaha dhulka kuma hayee waa carab kanoole sida nin caqligiisu wax u dhimanaayeen ayaa wuxuu arkay mas kolkaa buu yiri: Ar Rag Malahoo Oo Maskaan Dilo! Soomaali booska ninkaasi oo waliba xanuunsan oo alle aktii cudurdaar kaleh ayaad ka joogtaan oo ay idiin dheer tahay xisaab aakhiro iyo cadaab daran Alle SW idinkii.

Midda kale qof wayn beenta kuma haboona laakiin ma joojin kartaanoo calaamadaha munaafiqiinta lagu garto ayaa waxaa kamid ah kolkuu hadlo inuu been sheego. Sadexda aan jannada geli doonina waxaa kamid ahaa boqor beenaale ah sida Rasuulka SCWW uu inoogaga waramay.

Waad ogtihiinoo waxaa laydiin kugu yeeraa dowlada taakta daran, dowlada fadhiidka ah iwm. Idinkoo aadan waxba qabanayn ayaad warka aad u badiseen halka maxaakiimtuna mudadii yarayd wax wayn oo aan la inkiri Karin ay qabteen iyagoo Alle SW kaashanaya. Sidaa darteed waxaad ku sifowdeen siduu yiri Imaamu Al-Awzaaci RC:

Qofka mu’minka ahi wuxuu hadlaa in yar, wuxuuna camal falaa in badan, Munaafiquna wuxuu hadlaa in badan wuxuuna camal falaa in yar.

Wuxuu yiri Imaamu Xasan Al-basri RC

Munaafaqu wuxuu siyaa dadka carrabkiisa, wuxuuna ka ceshadaa Alle SW Qalbigiisa iyo Camalkiisa.

Wuxuu kaloo yiri Imaam Xasanul-basri RC:

waxaa kamid ah munaafiqnimadu iskhilaafka carabka iyo qalbiga, inay iskhilaafto waxa qarsoon iyo waxa muuqda iyo inay is khilaafto galitaanka iyo bixitaanka oo wuxuu kasoo galaa albaabka bixitaanka wuxuuna kabaxaa albaabka galitaanka.

sidaa darteed miyeydaan ka xishoonayn idinkoo tilmaamahaa leh intaad dadka soo hor istaagtaan oo aad ka warbixisaan hawl aanba laydiin dirsan maadaama ay is hayaan Maxaakiimta iyo Xabashi.

Mida kale haddiiba aad beenta wada dhalateen oo aydaan iska dayn karin maad sheegtaan mid run u eg marka aad xabashida ku magacaabaysaan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed halka maxaakiimtana aad ku sheegaysaan ciidamada cadawga. Horay baanse ugu sheegay maqaalkii aan ku magacaabay:

BBCda Oo Baafin Doonta Bukaan-Socodka Baarlamaanka

Itoobiya Waa Ina Adeertey Hadday Kula Ahaatay
Ibliisna Waa Ina Adeerkaa Adaan Wax Ogayne

ILama Soo Gasheen Aydhiskeeda Iyo Injirteeda
Ee Adaa Yiri Kaalayoo Imowe.

Idinka iyo waxa lamidka ah inay ummad hogaamiyaan iska daayee xaq uma laha inay xoolaha xero kula xaroodaan. Waana arimihii uu Rasuulku SCWW uu kasii waramay inay imaan doonaan:

Waxaa dadka u iman doona sanado is dabo maris ah oo mardabad badan waxaa la rumeystaa beenlowga, waxaana warkiisa la beeniyaa runlowga, waxaa la aaminaa khaa’inka, waxaa khaa’in loogu yeeraa amiinkii amaanada ku fiicnaa waxaana u hadla oo gartooda gooya Arruweydiyah. Waxaa la weydiiyay Rasuulka SCWW waa maxay Al-Ruweydiyah, wuxuuna rasuulku SCWW yiri: Waa qofka aan qiimaha lahayn oo ka hadlaaya arrimaha dadwaynaha. Warin kale ayaa waxay leedahay: waa faasiq yare oo kahadlaaya arimaha dadwaynaha. WW: Imaamu Axmad RC.

Towfiiqda Allaha Ina Waafajiyo

Cali-Daahir X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com

 


Ra’iisul wasaare Meles Zenawe “Deg-deg ayaan Muqdisho ku qabaneynaa?

mahamud ahmed hassan 
xuurshe114@hotmail.com

 

Xukuumadda dalka Itoobiya ka talisa ayaa sheegay shalay inay guul meel dhexe ah ka gaartay duulaanka ay ku soo qaadday duulaanka ay ku soo qaadday maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya, ayna qabsan doonto xaruntooda weyn ee magaalada Muqdisho maalmo gudahood.

 

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawe ayaa sheegay in ciidamadiisa dagaalka ku qaaday Soomaaliya ay ka taageerayaan dowladda taagta daran ee KMG Soomaaliya, wuxuuna sheegtay inay dagaal yahannada Islaamiyiinta ka dileen ilaa 1000 dagaal yahan.

 

“Ilaa iminka waxaanu dhameystirnay kala bar howgalkeena ka mid ah, si deg-deg ah ayaana qeybta dhiman u dhameystiri doonaa, ciidamadeena way ka tagi doonaan Soomaaliya” ayuu yiri Meles Zenawe oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Addisababa.

 

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay inay Soomaaliya ka joogaan ciidamo gaaraya 3000 ilaa 4000 askari oo ay dhabarka ka jebiyeen maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya agagaarka xarunta dowladda ee Baydhabo, wuxuuna ku dooday in kooxda Islaamiyiinta ay hadda ku jirto kala daadasho.

 

Wuxuu sheegay in laga xumaado wixii qasaare ah ee gaaray dadka Soomaalida ah, laakiin kuwa ajnabiga ah geeridooda aan loo jixin-jixeynin, wuxuuna sheegay in dagaalka si weyn loo qorsheeyay oo 300 ka mid ah la dilay, wuxuuna ka sii digay in wixii halis ah ee uga yimaada Soomaaliya jawaab laga bixin doono.

 

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo ka hadlayay go’aankii ay dowladda Federalka Soomaaliya ku sheegtay inay xireen hawada ayuu caddeeyay in dowladdiisa ay ka taageeri doonto dowladda Federalka Soomaaliya markii ay codsi ka heleen.

 

“Wax iska caabin nooc kastoo ay tahay kalama kulmin shacabka Soomaaliyeed” ayuu iri Meles oo rajo ka muujiyay wada hadalkii dowladda Federalka Soomaaliya iyo mucaaradka  maxkamadaha Islaamiga inay mira dhal noqon doontaan, haddii dagaalyahannada argagaxisada ee Soomaaliya ku soo qulqulayay ay isaga tagaan.

 

“Maxkamadaha ma ahan dhibaatada, dadka maxkamadaha ka tirsan iyo dhibkooda halis naguma ahan, dadka kaliya ee halista nagu ah waa hoggaamiyayaasha xagjirka ah ee maxkamadahaasi iyo waxa loogu yeeray mujaahidiin” ayuu yiri ra’iisul wasaare Zenawe oo sii raaciyay: “Waxaan filayaa inay xikmad u tahay dowladda Federalka inay wada hadal la yeelato maxkamadaha kuwooda qunyar socodka ah oo heshiis la gaarto, hadda ma sii haysan karaan awooddii ay ku lahaayeen maxkamadaha”.

 

“Maxaan weerarka u qaadnay iyadoo ciidda kirismaska la joogo, ma ahayn waqti dagaal, laakiin way nagu qasbeen oo gacmaha ayay naga soo jiideen, waqti ayay noo qabteen, qorshe ayayna sameysteen” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo ku eedeeyay Maxkamadaha inay weerar ku soo qaadeen Itoobiya iyagoo taageero ka helaya Eriteriya.

 

Ra’iisul wasaare Meles Zenawe ayaa u muuqday nin deggan oo faraxsan shalay, halka habeenkii uu dagaalka ku dhawaaqayay uu xaalkiisu ahaa mid kacsan oo aad u naxsan, waxayna wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya sheegatay dhammaan guulaha dagaalka, iyadoo la is weydiinayo ciidamada dowladda Federalka waxa ay qabteen.

 

mahamud ahmed hassan 
xuurshe114@hotmail.com


ISRAACA Press Release

Pan-Somali Council for Peace and Democracy (ISRAACA) 1201 Pennsylvania Ave, NW #300 PMP #49 Washington, DC 20004 Telephone: (202) 661-4653 Email: contact@israaca.org www.israaca.org

________________________________________________________________
Press Release

December 26, 2006

We, the Pan-Somali Council for Peace and Democracy (ISRAACA) unequivocally condemn the Ethiopian military invasion into Somali territory and strongly demand the government of Prime Minister Meles Zenawi to halt the aggression and withdraw its forces immediately.

We urge the international community to put pressure on the Ethiopian Government to stop this naked aggression in violation of international law and to respect the sovereignty and territorial integrity of Somalia. Mindful of the severity of the prolonged suffering of the Somali people for the past sixteen years, we the Pan-Somali Council believe that the only way out of this political stalemate is through constructive and open dialogue between the Islamic Courts Union and the Transitional Federal Government.

We therefore strongly recommend the Islamic Courts Union (ICU) and the Transitional Federal Government (TFG) to show restraint; resume peaceful dialogue through the Khartoum Peace Conference; reach a sound plan for power sharing and honor all previous agreements.

We also invite the ICU and the TFG to work for the creation of a platform that will allow the two groups to collectively reach an agreed upon framework for achieving stability and bringing international peace keeping troops under the auspices of the United Nations to Somalia.

The Pan-Somali Council for Peace and Democracy is a Washington-based Somali advocacy organization.

Sincerely,

Board of Directors

 



 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH