SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Waxaan la yaabanahay!!

Qore:Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-kenya
+254721130470


Nin doqon ahaa ayaa waxa damcay inuu gursado gabar uu aad u jeclaa ugana helay.ninkaas wuxuu goostay inuu gabadha kaa doonto reekooda.ninkii ninkii doqonka ahaa waxa aad ula dardaarantay hooyadiis iyadoo ku dartay nin adeerkiis si uu u sii raaco.oo uu hadalkana u sii toostoosiyo .dardaarinkii hooyada waxa ka mid ahaa inuusan hadalka badin marka uu tago guriga gabadha uu doonayo.

Markii gurigii la tagay oo la bilaabay ka-sheegaynta arimihi loo socday ayaa waxa meesha soo fariistay wiil yar oo la dhashay gabadha la donayo.wiilkaasoo lahaa madax weyn.sheekaduna waxay socotaba waxaa la dareemay in ninkii doqonka ahaa uusan caadi ahayn oo aad u amakagsan yahay markii la su’aalay waxa uu la yaabay yahayna waxa uu yiri “waxan la yaabanahay sida wiilkan madaxa weyn leh uu uga soo baxay caloosha hooyadii”

Manta wadanka waxa uu gallay maraxalad aad iyo aad u addag,sida muuqata waxa bilow ah dagaal ay ku dhamaanayaan umada somaliyeed ee dagaaladaa kasoo daashay ku dhawaad 16-sano,dadka somalida ah ee dunida daafaheeda aaday sidoo kale waxa ay dareemayaan dhibaato qurba joognimo,kuweena kudaha wadanka joogana waxa ay ku nool yihiin cabsi,dhalinyardu shaqoyin iyo wax barasho ku filan ma helaan marka laga reebo wax yar oo rag iska celis ah iyo naf ku celcelin aan aheen marka laga reebo.cidna uma maqna ceelna uma qodna.

Layaab markii aad aragto waxad is leedahay maxay yihiin waxa lala yaaban yahay,dabcan qof walba oo dunida jooga wax un buu la yaaba nolashuna wax yaabo badan oo lala yaabo ayaa maalinkasta ku soo gordha,balse aniga ahaan waxan aad iyo aad aad ula yaabay dad badan oo dadkoodii u maqan hadana aan is ogeen in ay dad u maqan yihiin.waa dadka dadkooda yiraahada hebelbaa dibad inoo jira.

Macnaha hadalka waxa uu noqonayaa haddi aan kuu jilciyo,markii wadankii uu dhibka ka dhacay,dad fara badan oo Somali ah ayaa wadanka dibadiisa aaday,hadana dadka waxa ay u qeebsamaan dad dantooda garanaya iyo dad dantooda aanan gareneenin.markaan maqli jiray weedha ah dadka somalida ah waa dad hadal jecel waxna aan qorin waxna aan aqrin waa la yaabi jiray balse markii aad is baraatiko ah u arakto way kuu kala cadanaysaa.

Manta wadanka waxa ka socda dadku isku aragti kama wada aha tusaale ahaan qof walba meesha ay uu is leeyahay dantaada ayaa jirta ayuu taageera,qaaarna waxa ay ku saleeyaan teegeetidooda qaab qabiil oo hebal oo madax ah ayaan isku heeb nahay ayuu ku doodaa.

Magaalada Nairobi oo ay dagan yihin Somali fara badan ayaa aad iyo aad xaalka Somalia hada uu marayo loogala socda,habeen dhexdaas ah oo aan soo booqdo cid aanu qaraabo nahay ayaa islaan guriga joogtay waxa taleefon ku soo wacday islaan kalo ay saxiibo yihiin,waxa ay iska waresanayaan ma ahan arin u qaas ah balse waxa ay noqdeen siyaasiyiin,eedo xaalku intuu marayaa iyo wax cusun mahayo wa sidii aad igu ogeed ayay sheekadoodii ku dhamaantay.iyago marna kaftamayay marna xaqiiqada ka hadlaya

Taas waxa iiga sii yaab badan goobaha ay somalidu isugu timaado waxa ka socota dood mararka qaar keenta gacan ka hadal,mararka qaarna waxa dooda soo hadalada dooda ku jira erayo caay ah damiirka qofka muslimka wax u dhimaya,inta badan dadka isugu yimaada meelaha fadhi ku diraryada waa dad dibadaha u socda ama caafimad u jooga.

Xaaafada islii oo ay somalidu uga badan dagan tahay,labadii qof oo meel tagaan inta badan waxa ay iska wareesteen xaalku meesha uu marayo,meesha ugu caansan ee dadkan ee isugu yimaadaan waxa la yiraahdaa maasha,goobtu waxa ay leedahay maqaayad laga shaaheeyo iyo hotel,internet-yo wararka ugu danbeeya lagala socdo.

Dad fara badan ayaa subax iyo galaba jooga waa meel mar walba mashquul ah,inta kuraasta fadhiga buuxsamaan ayaa istaag kooxo kooxo loo wada dooda,mararka qaar waxad is leedahay dadkan hadii ay hub heesan layaaheen way is leen laheeyeen,runtii dadka meesha isugu imaado waxa ku jira mararka qaar,dad xildhibaano dowlada federaalka ah fanaanin hore, dad Somalia magac ku leh iyo dad ka yimid wadamada dibada ah.

Markaan u guur galay xaalka meesha ka socda,waa mindi mindi ku taaag,dood aan ku saleesneen wax ujeedo ah nin walba waxa uu ka hadlaa ujeedadiisa ugaarka ah oo aan wax cilmi ah ku saleesneen,waa dad inta badan heesta biil iyo waxa ay cunaan oo jooga wadan amaan,balse waxan aad ula yaabay oo kale meesha waxa ku dayacmaya waa waqti dadka doodaya waa dadkii wax u qaban laha wadanka inta badan maraad fiiriso wa ka yar da’da sodomeeyada marka ugu badnaan la eego,allow u madan u gar gaar.

Hadaba xaalku wadanka uu marayo waxan filayaa in uu san u baahneen in meelaha lala istaago war,wadanka waxa uu u baahan yahay dad war barta ee si cadaalad ah u hogaamiya,dad ka difaaca cadowga,waxaanu nahay umad dunida ka danbeeysa,wiil yar oo an isku aragnay goob kubada lagu dheelo ayaa I waydiiyay itoobiya maxa naga rabtaa?,inta aanan u jawaabin ayaan waydiiyay da’diisa waxa uu ii sheegay in 16-sano jir yahay waxa uu la fac yahay dhibka wadanka,inkasto aniga ahaanba aan ka mid ah da’ ahaan dadkii la hanaqaaday dhibka wadanka,wiilka waxa uu igu yiri waxaa wadankii iigu danbeeysay ku dhawaad 5-sano ka hor,alla mahadii waan u sharxay ilaa xad waan ka dhaadhiciyay waxa socda.

Dadkii la rabay in ay wadanka wax u qabtaan,waa qaar qurbaha dan mooday iyo qaar wadamada qurbaha kusoo barbaaraa ee hadhoow wadanka ku soo noqon doona iyadoo dhaqamo kale wata.wadankana aan taariikhdiisa aqoon,somalidu waa dad laga geeyay inta wadanka ku hartayna ladoonayo in la dhameeyo.

Wadankeena waxa uu u baahan yahay waa dad si caadalad ah u maamula,waxaana filayaa in wali damiirka somalinimo uu nool yahay wuuna noolan doona Somalia ha noolaato.

Wabilaahi toqfiiq

Salaamat minkuli aafar

Ibraahim da’ud c/laahi

sayfudii@hotmial.com

+254721130470
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Ibraahim Mareekanka: Wadanka ugu Weeyn ee Caalamka hub ka iibiya..!!!... Akhri..

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH