SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Itoobiya: C/llaahi iyo Jeelle ma noo Qarsoon yihiin

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Itoobiya, ayaa dagaalkaasi waxa uu noqday mid ka duwan sidii la filayey, gaar ahaan dhinaca Dowladda Itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa waxaa horey loogu sheegay ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ay yihiin kuwo kooban oo haysta hub tayadiisu hooseyso, waana midda keentay in Ciidamada Itoobiya aysan ka jawaabin ku soo dhawaanshaha ciidamada Maxaakiimta ee Gobalka Bay, iyagoo maskaxda gashtay in ay dharbaaxyo ku dhifan doonaan, waxayna soomaalidu tiraahdaa (La-Mood-Noqose-weyday).

Markii Ciidamada Itoobiya ku bateen dhimashada iyo Dhaawaca ayaa Saraakiishoodu waxay kulamo la yeesheen saraakiisha Dowladda KMG ah waxayna warbixin ka siiyeen xaaladda dagaalka, iyagoo Dowladda Federaalka ku canaatay in ay been ku dagaal geliyeen, iyadoo la og yahay in Dowladda Itoobiya ay horey u sheegtay inay afar iyo labaatan saacadood ku qaadan doonin Maxaakiimta Islaamiga ah.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in uu Salaad Cali Jeele oo ah Wasiirku xigeenka Gaashaandhiga ku yiri “Si dad badan ayaad ula shaqeysaa Maxaakiimta Islaamiga ah, waayo Maxaad Ciidamada Itoobiya niyadda uga jabisay oo aad u tiri, Maxaakiimta waxaa ka barbar dagaalamaya ciidamo ka tirsan kuwa XISBULLAAH, sow xisbullah ma ahan kuwii jabiyey Israa’iil”, arrinkaas oo ay la yaab ku noqotay Salaad Cali Jeele oo garan waayey wax uu kaga jawaabo, waxaana loo sheegay in wararka noocaas oo kale ah ay noqdaan kuwo ay mar kasta la socdaan Saraakiisha Itoobiya.

Salaad Cali Jeele oo ah ninka Keliya ee Dowladda sida aadka ah wax looga weydiiyo arrimaha Dagaalka ayaa mar kasta ku celceliya in Maxaakiimtu ay dalka soo geliyeen Ciidamo shisheeye ah oo laga keenay wadamada Aasiya, kuwaas oo uu sheegay Salaad in ay xiriir la leeyihiin kooxo argagixiso ah, hase yeeshee Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa mararka qaarkood si kaftan ah u yiraahda Soomaaliya waa inoo wada mid ah, oo marka warkaasi loo kuurgalo hadalkaasi u ek yahay in xitaa Ciidamada Itoobiyaanku dayn doonin Dowladda Federaalka.

Sarkaal kale oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya ayaa isagoo dhag aan la qabto lahayn waxa uu u soo galay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, waxa uuna ku yiri “Waxaan soo maqlay in aad walaalo tihidiin Sheekh Shariif oo aad waliba ka soo wada jeedaan Qabiilka Abgaal), Geeddi waa uu yaabay waxa uuna garan waayey wax u ku jawaabo, wuxuuse ku adkeysay inay labo mabda’a kala aaminsan yihiin, basle Sarkaalkii oo aan sidaa u qancin ayaa isaga tagay.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo mudo lix sano ah ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa mar la wareystay markii la soo daayey ayaa waxa uu sheegay in mar un ka aarsan doono Itoobiya, hadalkaan ka soo yeeray C/llalahi Yuusuf ayaa haatan saansaankiisii muuqdaa, waayo, waxaa dagaalka ku dhimanaya waa ciidamo Itoobiyaan ah, waxaana ku dhaawacmaya Ciidamo Itoobiyaan ah, inkastoo Saraakiisha Itoobiya laftoodu ka shakisan yihiin C/llaahi Qudhiisa, waxayna wararku sheegayaan in ilaalo gaar ah ka hayaan C/llaahi iyo xubnaha Dowladda ee kalaba.

Marka la fiiriyo dadka Soomaaliyeed waa dad xag walba ka siman, ha noqoto dhinaca Diinta, Afka, Dhaqanka iyo Midabka, waa dad ku xeel dheer in ay aarsadaan mar ay ahaataba, haddaba C/llaahi oo Doorashadiisii ay qayb ka qaadatay Dowladda Itoobiya, ayaa wax laga weydiiyey sababaha uu Dowladda Itoobiya isugu soo dhawaadeen, maadaama ay tahay caddowga Ummadda Soomaaliyeed, C/llaahi isagoo arrintaasika jawaabaya waxa uu yiri “Itoobiya anigaa idinka aqaan, aniga ayaana dagaal la galay, waa taan gaarsiiyey Harar iyo Hawaash, marka kuwa fikraddaas aamisan waa kuwo qaldan, iga Itoobiya ma soo dhaweysanayo basle dano ayaan ku wataa”, haddaba Su’aasha is weydiinta Mudan waxay tahay C/llaahi Miyaa wata danta gaarka ah Mise Dowladda Itoobiya ayaa wadata, waayo, maxay tahay sababta ay Ciidamada Itoobiya ugu dhimanayaan Baydhabo, waa arrin qof kasta oo Soomaali ah garan karo, maxaa yeelay Dowladda Federaalka haatan waxay ku soo hartay shaqsiyaad iyo goob qura, haddii ay ahaan lahayd dowlad balaaran oo dalka inta badan haysata, hadalka C/llaahi waa loo garaabi lahaa, basle waxaa cad in C/llahi shaxdu ka xumaatay, Itoobiya ay rabto in dhulka Soomaaliyeed gacanta u soo galo, oo xitaa C/llaahi uma eka inay wax la wado.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Tartanka Dhinaca Saxaafadda ee Xubnaha Maxkamadaha:

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 23, 2006


YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA

Akhri HALKAN....

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD