SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jendayi Frazer: oo ku hor Kuftey Siyaasadda Soomaaliya

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Jendayi Fraszer waxay dhawaan sheegtay in seddax Nin oo ka dambeeyay Qaraxyadii magaalooyinka Nayroobi iyo Daara Salaam ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, isla markaana ay gacanta ku hayaan Maxkamadaha Islaamiga, hadalka ka soo yeeray haweeneydaasi wuxuu la yaab ku noqday Shacabka Soomaaliyeed, maxaa yeelay shacabka Soomaaliyeed waa kuwo mar walba jecel inay ogaadaan wixii ku soo kordha isla markaana ah kuwo aan ku dhax milmi Karin dadka kale ee shisheeyaha ah, tusaale haddii aad tagto tuulo aadan weligaa tegin dadka ayaa kugu soo xoomaya iyagoo ku leh “War nin yahow degaankan waad ku cusub tahaye xaggee ka timid”?, haddii aadan dhaqsa isku sheegin waxaa laga yaabaa inay dhibaato ku soo gaarto, in kastoo dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo marti soorka ku wanaagsan. Markii Maraykanku dagaalka ku qaadayay Ciraaq, waxa uu caalamku uu ka dhaadhiciyay in Ciraaq ay haysato Hubka Nukleyeerka ah, war bixintaasina uu ka helay dad ay si aad ah isugu dhow yihiin Saddaam Xuseen, hase yeeshee Maraykanka oo si wanaagsan u dhiraadhirin war bixintaas ayuu Dalkaas Shab yiri, haddaba cid kasta way ka dheregsan tahay wixii Maraykanka ka raacay waddanka Ciraaq, waxaana weli muuqa dhibaatadii laga dhaxlay beentaas iyo warbixinadii kale ee Maraykanka loo gudbiyay.

Waxaa xaqiiqa ah in dad Soomaali ah. ay Dawladda Maraykanka ay u gudbiyeen warbixin la mid ah middii Maraykanka horey loogu gudbiyay ee waddanka Ciraaq, iyadoo hoggaamiyaasha qaarkood ee arrimaha sidan ah ay u adeegsadaan sidii siyaasadoodu ay u meel mari lahayd isla markaana meel ku gaari lahaayeen beentaas ay gudbiyeen, sidoo kale dadka Soomaaliyeed ayaa warbixinta sidan oo kale oo beenta ah waxay u adeegsadaan arrimo qabiili ah si ay mar uun uga aarsadaan qabiilka kale ee ay iska soo hor jeedaan.Cabdullaahi Yuusuf sanadkii 2002dii wuxuu caalamka u sheegay in degaanka shimbiraale ee Gobolka Bari ay farriisin u tahay Kooxo argagixisa ah, markiise halkaa la tegay ayaa waxaa loogu tegay Dad kalluumaysato ah oo hawlahooda ku mashquulsan, illaa iyo haatana Cabdullaahi Yuusuf wuxuu wadaa in Soomaaliya ay ku sugan yihiin argagixiso, si mar uun uu ugu helo taageero Millatery si uu uga aarsado Maxkamadaha Islaamiga oo ku yimid rabitaanka Shacabka markii ay u adkaysan waayeen hoggaamiye Kooxeedyadii.

Shirkaddii Barakaat ayay ahayd markii Albaabada loo laabay isla markaana la xayirey hantideedii oo ay ugu adeegeysey shacabka Soomaaliyeed ee ku nool daafaha adduunyada, waxaana xiritaankan ka dambeeyay hoggaamiyo Kooxeedyo Soomaaliyeed oo markaas Maraykanka u gudbiyay warbixin khalddan oo ah in shirkadda Barakaat ay u shaqayso waxa ay ugu yeeraan kooxaha argagixisada, kaddib markii baaritaan dheer la sameeyay ayaa waxaa la ogaaday in shirkaddaas wax lug ah ku lahayn argagixisada caalamka ah,waxayna ujeedada warbixintaas khalddan loo gudbiyay ay ahayd sidii Soomaaliya oo xilligaa ku jirtay burbur siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba in la sii wiiqo si aysan dib uga soo kabanin dhibtii ay dagaalada sokeeye u geysteen, waxaana warbixinta laga dhadhansanayay sidii hoggaamiyaasha Kooxaha ay Maraykanka ugu beerlaxowsan lahaayeen sidii ay wax uun san-dureerta ah ay uga heli lahaayeen.

Hadalka ka soo yeeray Jendayi Freszer wuxuu ahaa mid aan laga fiirsan oo lagu deg degay, Soomaaliduna waxay tiraahdaa BEENI RAAD MA LEH, Murti kale ayaa oraneysa wax wax socda waxaa ugu gaabiya Been oo waa tii iyaduna la yiri Been fakatay Run Ma gaarto, haddaba su;aasha is weydiinta u baahan waxa ay tahay hadalada ka soo yeerey haweeneydan ma yihiin kuwo ka gadmaya Aqalka Cad ee Maraykanka oo ay hadda ku soo bateen kooxaha Diimuquraadiyiinta?, Markii uu Maraykanku yimid Soomaaliya, Sanadkii 1992dii wuxuu ku mar marsiyoodey in Soomaaliya uu gacan ka siinayo dhinaca abaaraha iyo macluusha hase yeshee siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa Qub Moos u tuuray oo yiri” haddii Maxamed Faarax Ceydiid la qabto wax walba waa hagaagayaan waana la ogaa sheekadaas halkii ay ku dambeysey iyo wixii ka raacay Maraykanka Waddanka Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka waxaa haboon inay wax ka weeydiiso dadka Soomaalida ee iyagu wax ka og xaqiiqda Soomaaliya ka jirta dhab ahaantii, waana middaas midda Maraykanka u roon xitaa Dawladda Itoobiya warbixinada ay Maraykanka u gudbinayso waa mid ay danaheeda ku raadsanayso oo markii hore soo marey hogaamiyaasha siyaasadda soomaaliya ugu dambayntiina Soomaalidu waxay tiraahdaa HUBSIINO HAL DHAN BAA LA SIISTAA”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Tartanka Dhinaca Saxaafadda ee Xubnaha Maxkamadaha:

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2006


YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA

Akhri HALKAN....

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD