Dumarka Soomaaliyeed Iyo Nolosha Qurbaha
Cabdixakiim
Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com
Leicester UK
Marka hore Mahad oo idil waxey u sugnaatay Allaah,
Naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa
ahaatay.
Sida aynu ka warqabno kadib bur burki ku dhacay
Qaranki Soomaaliyeed, waxa dadka Soomaaliyeed soo
wajahay dhibaatooyin aad iyo aad u tiro baddan, oo
ay ugu weyntahay dhibaatooyinka lagala kulmay soo
qixitaanki loo soo qaxay Qurbaha, gaar ahaan (
Europe, America, Australia iyo Carabaha).
Dhibaatooyinkaas waxa ay si toos ah intooda baddan
ay taabanayeen Dumarka Soomaaliyeed iyo caruuraha
Soomaalida.
Run
ahaanti waxa qurbaha u soo qaxay Dumar aad iyo aad u
tiro baddan, oo qaarkood ay Raggooda la socdaan,
qaarkood ay waalidkood la socdaan, qaarkood keligood
ah ( Single ) iyo qaar caruurtooda wata, aanse
ragoodu la socon. Dumarkaa faraha baddan ee qurbaha
yimid waxey isugu jiraan kuwo isdabbiri kara, oo
howlahooda iyaga keligood qabsada, kuwo uu
raggooddii ay la socdaan, oo wax walba loo qabto,
iyo kuwo aan isdabbiri karin, aan heysanna cid wax u
qabata. Marka dhibaatada aan doonayo inaan maqaalkan
uga hadlo waa dhibaatada heysata dumarka keliga ah (
Single mother ) ama ay la joogaan raggooda laakiin
aanan ku heysan wax daryeel ah ama laga yaabee inuu
(Full Time) Shaqeeyo, oo uusan waqtiba u heyn reerka.
Waxyaalaha aadka looga naxo ee heystaa dumaradaa waa
markaad soo gasho xafiisyada, oo aad ku arkeyso
hooyo keligeed ah oo jiideysa illaa iyo 3-4 caruur
ah, oo aan luqada garaneyn, qolyaha xafiiska joogana
ay ku oronayaan maanta turjubaan kuuma heli karno ee
maalin hebla soo noqo, iyadoo marka iska
calaacaleysa oo oroneysa ma heysto cid aan caruurti
uga soo tago, soo kaxeyntooda waa igu dhib ee please
maanta haley qabto danteyda. Nasiib darro waxa dhici
karto inaan dareenkeeda la fahmin, in ay nasiib qof
Soomaali ah oo luqada ku dhaama ay aragto mooyee.
Waxa kaloo taas ka sii daran mararka qaar waxaad
arkeysaa dumar ku jiidaya caruurtood Gaariga
ciyaalka ( Push chair ) oo taagan halka Buska laga
raaco. Sida caadiga ah Buska wuxuu qaadaa illaa iyo
labo Gaari, marka waxaa dhaceysa in maalintaas oo
dhan ay meesha taagan tahay oo uu bus walba ka
tegayo. Sida aan maalin dhaweyd la kulmay, waxa aan
imid meel Bus laga raaco oo magaaladeyda ah, waxa
taagneyd gabar Soomaaliyeed, oo wadata ilmo yar oo
ay ku jiideysay gaariga caruurta iyo mid kale oo ka
yara roon. Shan daqiiqo kadib waxaa yimid Buski, oo
waxaan rabay inay iga hormarto, dareewalki baa yiri
maya wuu buuxaa halka loogu talagalay gaariga.
Haddii la laabi lahaana waxey tiri waa nooca aan
laabmeyn. Gabadhi wey iska calaalcashay oo waxey ii
sheegtay inuu yahay buski 5aad ee ka tagaya. Buskana
15ki daqiiqoba mar buu soo marayaa. Waxey aheyd
maalin uu roob da’ayo, qaboow baddan uu jiro halka
ay u socoto aad bey u fogtahay. Arimaha noocan oo
kale waa wax maalin walba dhacaya.
Waxyaalaha kale ee aad looga naxo waxa ka mid ah,
inaad maqleyso meel fog baan deganahay, oo cid nasoo
booqato ma jrto wax muslin ah iyo Soomaaliba nooma
dhawa. Qofka noocaas oo kale waxa dhici karto cidlo
darted inuu isla hadlo.
Dhibaatooyinkaas aan soo sheegnay iyo kuwo kaloo
fara baddanba waxaanu oran karnaa waxa eedeeda 1aad
iska leh ragga u dhaxa dumaradan, oo ay dhici karto
inay qaarkood habeenki oo dhan ay qayilayaan,
maalintiina ay hurdaan. Sidoo kale waa suurto gal
inuusan wax balwad ah laheyn laakiin uu maalin oo
dhan fadhiyo golayaasha sheekada ( Fadhi Ku Dirir )
oo uu fiidkii guriga aadayo. Qofku hadduu shaqeeyo
cudur daar buu yeelan karaa ama haddii uu arday
yahay oo uu waxbaranayo, waayo wuxuu u maqan yahay
waa Mustaqbalka reerka. Sidoo kale gabdhaha
Soomaaliyeedna eeda waxbey ku leeyihiin, oo waxaad
maqleysaa ninkeyga waa leygu diray, oo haddii aan
sidan moodayo ma eryeen. Runti waa wax laga naxo
hadalada qaar.
Waxa magaalooyinka Soomaalida ay degaan ka jira
xafiisyo baddan oo u adeega danaha Bulshada, oo had
iyo jeer looga khidmeeyo. Nasiib darro waxa dhici
karta in gabadha Soomaaliyeed loo sheeko xumeeyay oo
lagu yiri xafiiskaa wuxuu u adeegaa reer hebel, ee
ha aadin ama lagu yiri Soomaalidu waxba ma yaqaanaan,
ee waxaaga ha u geysan. Nasiibdarada jirta waa
Soomaali baddan oo aan bulshada wax dheef ah kusoo
kordhineyn haddana maalin walba u taagan inay dadka
kala dilaan, oo ay isku diraan. Iyagoo abuuraya
sheekooyin been ah, oo ay kaarka kaga gubayaan
shaqsiga u heelan inuu u khidmeeyo dadkiisa.
Anigu waxaan talo ahaan kusoo jeedin lahaa arimahan:-
- In dadka ay
dhibtu heyso ay u tagaan Goobaha loogu adeegayo
bulshada, oo ay joogaan dad walaalahooda ah oo
luqadooda wax walba ugu qabanaya.
- In Dumarka
Hormuudka u ah ururada Dumarka ay had iyo jeer
wacyi geliyaan dumarkan tabarta darran ee aan
heysan cid u gargaarta.
- In Dumarka ay
dhexdooda isu axsaan sameeyaan, si ay dhexdooda
wax isugu qabtaan. Ogow inta aad axsaan sameyso
in la’eg ayaad minallaah ka heleysaa. Waxaan ula
jeedaa gabadha kale ee dhibkaaga oo kale qabta,
markeeda carurrta ka hey, si ay adna berri kuugu
heyso. Oo Booqashada dhexdiina ku badiya.
- In Bulshadu ay
iska qabtaan dadka had iyo jeer beenta iyo
barobogaandada kula dhex wareegaya dadka, oo
dadka kala dilaya.
- In Dumarka
Soomaaliyeed ay isku dayaan inay bartaan
Waxbarashada Asaasiga ah ( Basic Skills
Education ) oo ay ka faa’ideystaan dumarada kale
oo ay aqoontoodu sareyso ama ay la xiriiraan
Communitiyada Soomaalida, ama College-yada
Magaalada ku yaal.
- In Ragga
kuwooda shaqeeya, ay waxbaraan dumarkooda si ay
gabadhu isu dabbirto xilliga ay keligeed tahay.
- Ragga Qayila,
ogaada aakhiro su’aal baa danbeysa oo waa
leydiin weydiin doonaa mas’uuliyadi reerka ee
aad dayacdeen.
- Kuwa fadhi ku
dirirada ka sheekeeya, ogaada wax baddan
reerkiina oo aad u khidmeysaan ayaa idinkaaga
kheyr baddan sheekadan iyo siyaasadan aan meel
lagu gaarayo jirin.
- Gabdhaha
Hormuudka u ah Ururada Dumarka, waxaan oran
lahaa ha sameeyaan ( Out Reach Sessions ) oo ha
booqdaan guryaha Dumarad dhibtu heyso, si ay u
ogaadaan heerarka dhibaatooyinkooda. Xitaa
komuunitiyada kale wey sameyn karaan arintan.
Waxaan qabaa haddii talooyinkaas iyo kuwo kaloo la
mid ahba la qaato in wax baddan ay dhibaatooyinku u
yaraanayaan. Ogow Qurbo noloshiisu wey dhib baddan
tahay, oo ma joogno dhulkeeni ay ciidu noo
hiilinaysay, oo hawadu ay wanaagsaneyd, darisku uu
ahaa kuwo had iyo jeer iska warqaba. Marki aanu
waddanka joognay dhibaatooyinkan ma muuqan oo
bulshadu iyagaa isu gargaarayay midba midka kale.
Soomaliyeey aynu isu gargaarno, oo isu diir naxno,
Aynu taageerno keena dhibtu heysato. Ogow haddii
halkan dadka la siiyay dhaqaale ay noloshooda ku
dabbiraan, laakiin waxyaalo kale oo fara baddan oo
cid dabbiri karta aanay jirin ayaa maqan. Sida lagu
dabbiri karaana waa bacda Allaah, inagoo isu
gargaarna, gacmaha isqabsana, Axsaanka oo aynu
dhexdeena ku badino iyo inagoo is booqana had iyo
jeer.
Hadalkeygi waa iga intaas, wixi aan saxay waxey u
sugnaatay Allaah, wixi aan khaldeyna waa nafteyda
iyo sheydaan.