SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Garowe: Xukuumada Puntland oo wada qorshe lagu dhimayo shaqaalaha dawlada.

Warar si hoose la iskula dhexmarayo ayaa xaqiijinaya in ay wado shaqa dhismis xukuumada Puntland lagu dhimayo shaqaalaha laamaha dawlada ee ka hawlgala ama ka shaqeeya puntland.

Shirkii khamiislahahaa ee khamiistii ina dhaaftay ay ku yeesheen golaha wasiiradu xarunta madaxtooyada magaalada Garowe ayay isku raaceen warkan sida hoose la iskula dhexmarayo ee ah shaqa dhimis lagu samaynayo shaqaalaha puntland in kasta oo aan saxaafada loo soo bandhigin warkan.

Hase ahaatee waxaa shirkaasi lagu go'aamiyay in la sameeyo gudi tirakoob ku sameeya dhamaan waxaaxyaha shaqaalaha oo ay ugu horeeyaan kuwa wasaaraduhu iyada oo ay qayb ka tahay shaqadhimista aan sida wayn loo shaacin.

Gudigan lamagacaabay oo ka kooban wasiiro wasiiro kuxigeeno ayaa waxaa madax looga dhigay wasiirka shaqada iyo shaqaalaha waxaana xubin ka ah agaasimaha madaxtooyada caydaruus cismaan boqor iyo xubno kale.

Gudigan ayaa loo xilsaaray in ay baaritaan ku sameeyaan hawsha loo igmaday ayaa saakaba arintaan bilaabay iyaga oo ka bilaabay wasaarada caafimaadka iyo Diinta iyo awqaafta ee DGPL halkaaasi oo heegan lagu galayay dhamaan shaqaalihii kawada shaqaynjiray labadan wasaaradood islamarkaan mid mid loo tusay gudiga iyo xubin walba waxa ay ku shaqada leedahay gudiga ayaa ka soo laabtay wasaaradaha iyaga oo ku maqsuud ka ah baaritaanka in kasta oo aysan shaqaaluhu soo wadaxaadirin hadana waxaa jirta marka la baarayo in ay soo wada xaadiraan taasna aan lagu tusaale qaadan karin inay shaqaalihii maanta la tirakoobay ay sidaas ku sugan yihiin mar walba balse u baahan in tira koobku uu soo noqnoqdo.

Dhinaca kalena shaqaalaha puntland ayaan iyagu helin mushahaar joogta ah waxaana la iswaydiinayaa shaqaale aan mushahaar joogta ah helin wax lagaga samaynkaro shaqadhimis shaqaalaha puntland ayay ka maqan tahay mushaaraad badan sidoo kale ayaa iyana la iswaydiinayaa shaqsigii shaqa dhimis lagu sameeyaa ma helidoonaa xaqa ka maqan mise waa la duudsiin doonaa.

London: Stamford Bridge studium ee guriga chelsea oo ay ka dhacday ciyaar aad u xamaasad badnayd.


Ciyaar aad u xamaasad badnayd ayaa ku dhexmartay guriga chelsea ee Stamfor Bridge labadan naadi ee ugu awooda badan horyaalka ingiriiska ee chelsea oo marti loogu ahaa gurigeeda iyo arsenal o ah naadi qadiimi ah islamarkaana awoodbadan.

Kooxda arsenal oo ay ka maqnaayeen ciyaartii xalay sadex ciyaar yahay oo difaaca iyo khadka dhexe iyo weerarka uga ciyaara oo kala ah Ricisk, henry, iyo colu ture ayaa la timid ciyaar natiijo wanaagsan ugu dhamaatay marka laga hadlayo dhanka arsenal balse chelsea oo gurigeeda marti loogu ahaa ayaa kala baxday ciyaar natiijo xumo u keentay kadib markii tababaraha kooxda chelsea uu maalmihii ugu danbeeyay saxaafada aduunka ka sheegay in ay 2 iyo 0 kaga badin doonaan ciyaarta ay la yeelan doonaan arsenal maadaama buu yiri ay arsenal noogu imaanayso gurigayaga islamarkaan ay ka maqan yihiin difaac , weerar, iyo dhexda ee 3ciyaar yahan oo muhiima ah.

hase ahaatee guushaas uu meel dhigtay josoph murinho oo ah tababaraha kooxda chelsea ayaan u surta galin kadib markii ciyaardii ay ku dhamaatay 1,iyo 1.

Arsenal oo goolka ku hormartay ayaa waxaa daqiiqadii 78aad ku hubsada shabaqa chelsea ku badan aad u qurxbadan oo ay isku dhiidhiibeen ciyaaryahaniinta arsenal ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara kooxda arsenal ee Flemini laakiin goolkasi ma noqon mid ay arsenal ku badiso balse waxaa kadaba keentay chelsea daqiiqadi 84aad ayaa kubad uu cagta la helay difaaca chelsea ee essien ku hubsaday shabaqa kooxda arsenal ciyaartii ayaa ku soo dhamaaday gool iyo gool oo ay labada kooxoodba isladhaafiwaayeen arsenal waxay mar labaad isku dhicidoonaakooxda chelsea, chelsea ayaa ciyaarta labaad ee ay la yeelan doonto kooxda arsenal waxay marti ugu ahaandoontaa guriga arsenal iyada oo ay koxda arsenal ay u soo kici doonaan ciyaaryahanada dhawaaca uga maqnaa ciyaartii xalay ee ricisk iyo henry, iyo kolu ture markaas waa loo yaabaa kooxda chelsea ee horyaalka dalkaasi ingriiska.


A/rizak koronto
Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2006

hooyoSoomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo

Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD