Wararkii:
Dec 10, 2006
- Kulan xasaasi ah oo ay
yeesheen labada Gole ee Maxkamadaha Islaamiga
- Warbixin ku saabsan dagaal
shalay ka dhacay deegaanka Iidaale..
- Ciidamada Maxaakiimta
oo Qorsheynaya in ay Baydhabo ka Weeraraan...
- Guddoomiyihii Baay oo
xilka laga qaaday..
- Jabhadda ONLF oo
sheegtay in Ciidamada Itoobiy ay tacadiyo ka geysteen
- Maamulka Maxaakiimta ee
Sh/dhexe oo mamnuucay duubista Cajaladah Heesaha..
-
Wasiirka Cadaalada Puntland,
Geesood, oo iska barraxey
rabshadii Bosaso
- Garowe: Wasaaradda
Waxbarashada DGPL oo tababar u furtay 22 qof oo la
barayo Maamulka.
Wasiirka Arrimaha
Diinta Dowlada GPL, C/risaaq Yaasiin Cabdule
Geesood, ayaa sheegay in Culuma’udiinka PL ay xaq u
leeyihiin in dacwada Islaamka ay sidii ay rabaan dadka u
gaarsiiyaan, isla markasina falalkii Jimcadii ka dhacay Bosaso
aysan waxba ka ogeyn wasaaradiisa. {warka oo dhan hoos
ka akhri}
Kulan xasaasi ah oo ay
yeesheen labada Gole ee Maxkamadaha Islaamiga..
Kulan albaabadu u xirnaayeen ayaa xarunta Midowga
Maxaakiimta Islaamiga waxaa ku yeeshay labada Gole ee
Maxaakiimta Islaamiga ah oo kala ah Golaha fulinta iyo
Golaha shuurada, waxaana kulankaasi looga hadlay xaaladda ku
soo korortay wadanka Soomaaliya, gaar ahaan colaadaha ka
jira gobalada Baay.
Xubnihii ka qaybgalay
kulankaasi ayaa waxay soo jeediyeen in loo diyaar garoobo
sidii la isaga difaaci lahaa ciidamada Itoobiya iyo kuwa
daba socda, maadaama ay burbureen wada hadaladii Khartuum
iyo in loo hogaansami waayey rabitaanka Shacabka
Soomaaliyeed ee ah ku dhaqanka Shareecadda Islaamiga ah iyo
in aan la keeni ciidamo shisheeye dalka Soomaaliya.
Dood dheer iyo falanqeyn
kaddib labada gole waxay isku raaceen in si wadajir ah looga
hortago ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka
Soomaaliya, lana fuliyo go’aanadii ay horey u soo saareen
guddiga fulinta ee ahaa in lala jihaado ciidamada Itoobiya
ee ku soo xadgudbay gudaha dalka Soomaaliya, waxaa kaloo
kulankaasi looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka
Beesha Caalamka ay Maxaakiimtu la leeyihiin si looga
dhaadhiciyo mowqifka Maxaakiimta Islaamiga ah ee ku wajahan
Caalamka, labada gole waxay si aad ah u cambaareeyeen
qaraarkii Golaha Ammaanka ee ahaa in Soomaaliya laga qaado
cunaqabateynta hubka iyo keenista ciidamo Shisheeye, iyagoo
ku tilmaamay in go’aankaasi uu ahaa mid dhinac ah oo aan
dhex dhexaad ka aheyn arrimaha Soomaaliya, sidoo kale waxay
labada gole sheegeen inay si wadajir ah uga hortagi doonaan
ciidan kasta oo isku daya in uu soo galo Soomaaliya, waxayna
u soo jeediyeen wadamada doonaya inay Soomaaliya u soo
diraan ciidamo in ay ciidamadooda dib ula laabtaan maadaamaa
Soomaaliya haatan tahay mid aad u xasiloon oo aan looga
baahneyn ciidamo shisheeye, maadaama shacabka Soomaaliyeed
soo arkeen wax ay galaan ciidamo shisheeye oo la keeno dalka
Soomaaliya.
Warbixin ku saabsan
dagaal shalay ka dhacay deegaanka Iidaale..
Wararka naga soo gaaraya gobalka Baay waxay sheegayaan in
dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Iidaale ee ay isaga hor
yimaadeen Maxaakiimta iyo Ciidamada Itoobiya oo garab
siinaya kuwa Dowladda Federaalka ayaa waxaa la sheegay in
dagaalkaasi khasaaro loogu gaystay ciidamadii Itoobiya iyo
kuwii Dowladda Federaalka lagana gubay ilaa iyo lix gaari,
balse wararkaasi wax xaqiijinaya ma jirto, balse mar aan la
xiriirnay dadka deegaanka, waxay noo sheegeen in labo gaari
laga gubay ciidamada Dowladda Federaalka.
Ciidamada Maxaakiimta ayaa la sheegay inay ku soo siqayaan
Deegaanka Manaas, waxaana la sheegay inay shalay ka soo
gudbeen deegaanka Iidaale.
Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed uu kormeer qarsoodi ah ku tagay halka ay ku
sugan yihiin Ciidamada Dowladda, waxa uuna warbixin ka
dhegeystay Saraakiisha ciidamada, iyagoo uga waramay
waxyaabaha ay u baahan yihiin, waxa uuna C/laahi Yuusuf isla
shalay dib ugu soo laabtay Baydhabo, waxaana Baydhabo ka
socda dhaqdhaqaaq aad u xoogan oo dhinaca Ciidamada.
Ciidamada Maxaakiimta
oo Qorsheynaya in ay Baydhabo ka Weeraraan...
Iyadoo uu sii xoogeysanay dhaqdhaqaaqa ciidan ee u dhexeeya
Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwa Itoobiya ee aagagga
Diinsoor iyo Buur-Hakaba ayaa haddana warar aanu helnay
waxay sheegayaan in Ciidamada Maxaakiimtu qorsheynayaan in
ay dhowr aag ka weeraraan Magaalada Baydhabo.
Inkastoo aan la carabaabin aagaggaasi ayaa haddana waxaa
lagu waramay in Ciidamada Maxaakiimta ee ku sugan Diinsoor
ay shalay gaareen ciidamo Xoojin ah oo ka yimid dhinaca
Gobalka Hiiraan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal aad u
qaraar uu ka dhaco Agagaarka Magaalada Baydhabo.
Ciidamada ku jira aaggagga hore ee isugu jira kuwa
Maxaakiimta iyo ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa
shalay loo qaybiyey mushaaraadkii, waxaana la siiyey
dardaaran-koodii ugu dambeeyay, iyadoo aagagga hore ee
Ciidamada ay gaareen saraakiil ka tirsan Maxaakiimta
Islaamiga ah.
Guddoomiyihii Baay oo
xilka laga qaaday..
Kulan ay isugu yimaadeen Golaha Deegaanka Gobalka Baay ayaa
waxay daboolka kaga qaadeen in ay xilkii ka qaadeen
Guddomiyihiin Degmada Baydhabo Axmed Maadeey Isaaq, kaddib
markii Golaha Deegaanku ku eedeeyeen in ay gudan waayey
xilkiisii, isla markaana uu xiriirin kari waayey in Dowladda
Federaalka iyo Golaha Deegaanka.
Axmed Maadeey Isaaq ayaan wax war ah ka soo saareen xil ka
qaadistiisa, sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa iyana ka
hadlin xilka laga qaaday Guddoomiyihii Baydhabo.
Khilaafkaan soo kala dhex galay Golaha Deegaanka iyo
Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ayaa waxa uu sababi karaa in
khilaafkaasi uu sii weynaado, haddii aan Dowladda Federaalka
aysan xal deg deg ah keenin, waxayna xil ka qaadistaani ku
soo beegan tahay xili gobalka Baay ay ka jiraan dagaalo u
dhexeeya Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka.
Jabhadda ONLF oo
sheegtay in Ciidamada Itoobiy ay tacadiyo ka geysteen
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska ONLF (Jabhadda
Xoreynta Wadaniga Ogaadeenya) ayaa lagu sheegay in ciidamada
Itoobiya ee xoogga ku haysta deegaano ka tirsan dhulka
Soomaaliyeed ay maalmahan dambe tacadiyo ka gaysanayeen
deegaanadaasi.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shacabka ku nool
Gobalada Ogaadeenya ay ka hor yimaadeen markii lagu
wargeliyay in ay keenaan deegaankiiba boqol qof si ay uga
qayb-qaataan difaaca waxa loogu yeeray dalka.
Waxyaabihii ugu dambeeyay ee ka dhaca dhulkaasi ayaa waxaa
ka mid ah in gabar lagu magacaabo Muxibo Sheekh C/llaahi
Axmed ayaa ciidamada Tigreega ku dhifteen 8 xabadood, isla
markaana hilibkeedii dhulka ku kala firdhay lagana waayey
wax laga aaso. Falkaan loo gaystay gabadhan ayaa waxaa sidoo
kale loo xiray gabar iyana laga soo qabtay deeganka Salaxaad,
sidoo kale oo lagu magacaabo Sahro Daahir.
Dad kale oo iyana lagu xiray Awaare ayaa waxay kala yihiin
Naasir Cabdi Cali, Deeq C/llaahi Ciid, Max’ed Cabdi Quule,
C/llaahi Cali Muuse iyo Shiino Xuseen Dhakad, sidoo kale
Wardheer waxaa lagu xirxiray dad ay ka mid ahaayeen Soofe
Cabdi Cawl, C/naasir Aw-Axmed Farsamo, Axmed Sheekh Yuusuf,
Xirsi Axmed Siyaad, Max’ed Gaboobe Daahir, sidoo kale waxaa
Dhagax-Buur lagu xir xiray Dad ay ka mid ahaayeen Laylo
Macallin Dhabarlow, Ifraax Xaaji Cali, Fawsiyo Cali Raage,
Suleyqa Sheekh Muuse, Nuura Max’ed Xaamud, Aagaan Siyaad,
Xuseen Cabdi Faarax iyo Max’ed Cabdi Gaboobe. Jabhaddu waxay
u soo jeedineysaa shacabka Soomaali-yeed in wixii khilaaf ah
ee dhexdooda ah ku xaliyaan wada hadal, isla markaana
ogaadaan in wax dibadda laga keenay uusan xal u keeneyn,
inay ka digtoonadaan dibin-daabyada cadowga Tigreega,
waxaana qoraalkaan ku saxiixanaa Wakiilka ONLF ee Soomaaliya
Idiris Sheekh Axmed.
Maamulka Maxaakiimta ee
Sh/dhexe oo mamnuucay duubista Cajaladah Heesaha..
Wareegto shalay ka soo baxday maamulka Gobalka Sh/dhexe ayaa
gebi ahaanba lagu mamnuucay in xarumaha lagu duubo
canjaladaha ay duubaan Heesaha Soomaalida iyo kuwa
shisheeyaha, iyadoo ciddii lagu helanaya la sheegay inay la
kulmi doonto ciqaab, waxaa kaloo maamulku mamnuuca in
Idaacadaha ka jira gobalka Sh/dhexe laga dhageysto Heesaha.
Goobaha lagu duubo canjaladaha ayaa waxaa ka shaqeyn jiray
dad fara badan, waxayna haatan u wareegteen duubista
Canjaladaha Diiniga ah iyo kuwa kale ee Muxaadarooyinka ah,
waxana Magaalada Jowhar haatan ka furan hal idaacad oo lagu
magacaabo Radio Jowhar oo ah mid dhexdhexaad ka ah arrimaha
Siyadda.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Wasiirka Cadaalada Puntland,
Geesood, oo iska barraxey
rabshadii Bosaso
 |
Wasiirka
Cadaalada Puntland |
Dec 9, 2006: C/risaaq Yaasiin
Cabdule Geesood Wasiirka Arrimaha Diinta Dowlada GPL ayaa
maanta sheegay inuusan waxba kala socon shaqaaqadii shalay
ka dhacday magaalada Bosaso ee dhexmartay ciidamada Puntland
iyo Culuma’udiinka, taasoo ka dambeysay kadib markii Booliiska
lagu amray iney la socdaan waxyaabaha looga hadlayo
Khudbadaha Salaada Jimcaha.
Wareegto maanta ka soo
baxday xafiiska Wasiirka Diinta PL ayuu ku sheegay in isaga
iyo ku-xigeenkiisa aysan waxba kala socon, arinta ku aadan
in xukuumada ay ogaato khudbadaha Salaadaha Jimcaha balse uu
sheegay in arinataasi uu ka dambeeyay Agaasimaha guud ee
wasaradiisa kaas oo uu sheegay in arintaasi ay ku amreen
saraakiil ka tirsan Puntland oo amar ka haysata gudiga
nabadgalyada Bosaso.
Wasiirka ayaa sheegay in
Culuma’udiinka PL ay xaq u leeyihiin in dacwada Islaamka ay
sidii ay rabaan dadka u gaarsiiyaan, isla markasina falalkii
shalay (Jimce Dec 8) ka dhacay Bosaso aysan waxba ka ogeyn
wasaaradiisa.
Hadalka wasiirka ayaa
dhabar jab ku ah guddiga nabadgalyda Bosaso kuwaas oo
wayadaan bixiya go'aamada lagu cadaadinayo shacabka
Puntland.
Guddiganaa ayaa waxaa madax
u ah wasiirka Maaliyada DGPL isla markaana ay xubno ka
yihiin Cabdulahi Siciid Samatar oo ah la taliyaha xaga
nabad-galyada u qabilsan Cadde Muse iyo Diyaana oo ah madaxa
sirdoonka "PIS" isla markaana dadka Reer PL u yaqaano
Ashahaado la dirir.
Isha/xigasho: GO
Wareegtada
wasiirka Diinta iyo Awqaafta ayaa u qoreyd sidaan:
KU-DHAMAAN
CULUMADA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAN
OG.-MADAXTOOYADDA DGPL UJEEDDO.- FIDINTA DACWADA & DllNTA
ISLAAMKA
Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Aw-qaata ee Dowlad
Goboleedka Puntland waxay halkan ugu soo gudbinaysaa
culumada iyo dadwaynaha reer puntland nidaamka fidinta
dacwada iyo diinta islaamka.
1- Waxaa lagu wargelinayaa Dhamaan culumada diinta islaamka
ee dowlad goboleedka Puntland In ey xor u yihiin fidinta
diinta islaamka , farida samaha iyo reebida xumaha ee
dadwaynaha islaamka ah ,taasoo ah waajib Muqadas ah 00 laga
rabo qofkasta 00 aqoonteeda diineed leh.
2- Waxaa reeban wax kasta oo keeni kara amni daro iyo xasi
loone la'aan saamaysa dhamaan gobolada puntland.
3- Dhamaan dadwaynaha reer Puntland waxaa xil kasaa-ranyahay
iney kawada shaqeeyaan amniga iyo xasiloonida, cidii ku xad
gudubtana iska qabtaan.
Fiiro gaar ah: Waxaa wasaaradu burinaysaa wixii warar ah ee
ku saabsanaa arimahaan ee ka horeeyey wareegtadaan.
WADA SHAQAYN WACAN

Garowe: Wasaaradda
Waxbarashada DGPL oo tababar u furtay 22 qof oo la barayo
Maamulka.
Wasaarada waxbarashada DGPL ayaa u furtay tababar 22 qof oo
ka mid ah shaqalaha wasaarada kuwaasoo la barayo maamulka
waxbarashada.
Dhamaan dadkan tababarku u furmay maanta ayaa kawada tirsan
wasaarada waxbarashada oo ay ka wada shaqeeyaan.
Tababarkaan ayaa lagu baranayaa qaabka wax loo kormeero iyo
sida loo baaro hawlaha shaqo iyo nooca ay tahay sida uu
cadeeyay macalinka bixinaya tababarkan Mr: Siciid shanlo oo
ah bixiyaha tababarkaan waxna ka dhiga jaamacada puntland
state university ee magaalada Garowe oo marka magaceeda la
soo gaabiyo loo yaqaano (PSU).
Tababarkaan ayaa waxaa maalgalisay Hay'ada ADRA islamarkaana
socondoona mudo 6 bari ah.
Dhamaan madaxdii ka soo qaybgashay furitaanka tababarkaani
ayaa ku boorisay ka faa iidaystayaasha in ay sida ay tahay
uga faaiidaystaan tababarkaan ay fursada u heleen
islamarkaana ay ku tabakhaan waxa ay halkaan ka baranayana
shaqadooda mushtamacana ay uga faa iideeyaan wixii ay
halkaan kala kulmaan.
Waa tababarkii ugu horeeyay ee loo qabto shaqaalaha
wasaarada waxbarashada tan iyo intii la asaasay wasaarada
waxbarashada DGPL taasina waxay ku tusinaysaa in ay
wasaaraduhu ay ka buuxaan dad aan aqoon buuxda u lahayn
hawlaha shaqo ee ay ka qabanayaan wasaaradaha kuwaasoo lagu
geeyo garab iyo nin jeclaysi oo aan ku dhisnayn maxaa taqaan.
A/rizak koronto
Garowe Puntland
Gabar yar oo la xanuunsan Biyo
Caloosha uga buuxa

Akhri:
Gabar yar oo la xanuunsan Biyo Caloosha uga buuxa
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 10, 2006
Ethiopia: Soomaaliya
waxaan kula jirnaa Dagaal

Dec 5, 2006:
Bereket Simon oo ah la taliyaha ra'iisul wasaaraha
Itoobiya waxa uu Radiyaha VOA u sheegay in Itoobiya
ay dagaal kula jirto Soomaaliya. Dhegeyso:
Hadalkii
Ethiopia waxay dagaal kula jirtaa Soomaaliya
(MP3) - [Isha:
VOA]
HFKMG: Soomaaliya Ciidan
Itoobiyaan ah ma joogaan

Dec 6, 2006:
Ciid Beddel Maxamed [Idd
Bedel Mohamed] oo ah
Ku-xigeenka wakiilka
Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey oo
su'aal laga weydiiyey Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku
sugan Soomaaliya, waxa uu sheegay in aan ciidamo
Itoobiyaan ahi joogin Soomaaliya, isagoo weriyihii
su'aas weydiiyey ugu jawaabey ma garanayo meesha aad
ka heshay warkaas...
Halkan ka daawo... [Isha:
UN]
AP: 6,000 ilaa 8,000 oo
ah Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya...
Dec 7, 2006:
Warbixin ay qortay ha'adda wararka ee AP ayaa
sheegtay in ay heshay warara sir-Qarsoodi ah oo
sheegaya in Soomaaliya ay ku sugan yihiin
6,000-8,000 oo ah ciidamada Itoobiya. [Isha:
AP]. Mar sii horeyseyna ayey ahayd markii uu
ra'iisul wasaaraha Itoobiya si rasmi ah u qiray in
ciidamadiisu ay ku jiraan gudaha Soomaaliya.
Kongo, Tansania &
USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha
Ammaanka: Isagoo
xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...AKhri.... |
"Maamulka Puntland oo
ka Shaqaynaya isku Dhac kadhaca Degaanka Nugaal"
Sidaas
waxaa yiri afhayeenka xisbiga Ramaas...
Akhri...
»Gabar yar oo la xanuunsan Biyo Caloosha uga
buuxa
DGPL: Culimada
haddii laga maqlo kelmeda Jihaad waxay mutasanayaan xabsi
Maamulka Soomaliland oo lagu
eedeeyey in uu gacanta ugu jiro Xukuumada Ethiopia..
Akhri...
Dec 8
Kongo, Tansania &
USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha
Ammaanka: Isagoo
xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...AKhri....
Midowga
Maxkamadaha oo Ganafka ku Dhiftay Go'aankii Golaha Ammaanka..
»C/llaahi
Yuusuf oo Ka Walwalsan Xiriirka Geeddi & Zenawi
»Xeeladaha
Qaadka lagu soo geliyo Muqdisho...
»Ciidamadii
Itoobiya ee joogey Bandiiradleey oo laga soo..
»Dowladda
Kenya oo la filayo in ay xayirada ka qaado...
»Suudaan
oo uu ka socdo Shir looga arrimaha soomaaliaya..
»Xarunta
Ismaaciil Jimcaale oo siminaar u soo gabagabeysey..
Wararkii oo dhan
ka akhri halkan... Guji... Dec 7


|