SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Dec 3, 2006

  • Sarkaal ka tirsan ciidanka asluubta oo ka warbixiyey xaalada Maxaabiista ee ku xiran Baydhabo...
  • Afarta degmo oo uu ka kooban Gobolka Baay oo laba ka mid ah gacanta u gashey
  • Dowladda Itoobiya oo warqad qoraal ah u dirtay dowladda Mareykanka ..
  • Ciidamo uu horkacayey Barre Hiiraale oo ay la socdaan Itoobyaan..
  • Mareykanka oo looga digey in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta

Sarkaal ka tirsan ciidanka asluubta oo ka warbixiyey xaalada Maxaabiista ee ku xiran Baydhabo...

Waxaa xafiiska nagu soo booqday sarkaal ka tirsanaan jirey ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nuur Cali Nuur (Emnis), wuxuuna muddo 9-bilood ah ku maqnaa magaalada Beydhabo, wuxuuna sheegey inuu ka mid ahaa Kumaandada muusikadda ciidanka Asluubta, wuxuuna sheegey in 9-kaasi bilood intii ay ku sugnaayeen magaalada Baydhabo aysan qaadan wax mushaar ah, isla markaana wuxuu sheegey in muddo dhawr jeer ah ay dacwad u gudbiyeen Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi, “Waxaa tixgelin la siiyaa ciidankii laga keeney Puntland ee ku heybta ahaa C/llaahi Yuusuf” ayuu si kulul yiri Nuur, isagoo intaasi raaciyey, “Xittaa waxaa naloo diidey inaan qaadano wax hub ah kaddib markii lagu aamini waayey”.

Wuxuu sheegey Nuur in loo tababaray qaabka loo ilaaliyo Maxaabiista iyo sharciyadooda, waxaana booskoodii buuxiyey ciidamo booliis ah oo aan aqoon u laheyn qaabka loo ilaaliyo dadka Maxaakiista ah uuna keensaday C/llaahi Yuusuf.

Wuxuu sheegey Nuur in Maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Baydhabo loola dhaqmo si bini’aannimada ka baxsan, “Baaldi ayaa loo geliyaa qolka halkaasoo ay ku saxaroodaan kuna kaadiyaan, maalintii oo dhanna wuu agyaallaa, oo maqribkii ayaa loo geliyaa sallaadiina waa laga daadiyaa”.

Ugu dambeyntii wuxuu ka codsaday hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iney booqdaan xabsiga Baydhabo, wuxuuna u soo jeediyey ciidamada ku sugan Baydhabo iney ku soo biiraan Maxaakiimta Islaamiga ah.

Afarta degmo oo uu ka kooban Gobolka Baay oo laba ka mid ah gacanta u gashey

Gobolka Baay wuxuu ka kooban yahay afar degmo oo kala ah Baydhabo, Diinsoor, Buurkahaba iyo Qansax dheere, waxaana laba ka mid ah degmooyinkaasi ay gacanta haatan u gashay Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed.

Degmada Diinsoor ayaa shalay waxey u gacan gashay ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey dadweynaha Magaaladaasi.

Maanta ayaa la filayaa in magaaladaasi laga furo Maxkamad Islaami ah oo hoos tagta Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana haatan gacan haatinaya degmada Qansax dheere oo qoraal soo gaarsiiyey Golaha Maxaakiimta, kana dalbaday in deg deg loo soo gaaro, haddii ay Qansax dheere ay gacanta u gasho ciidamada Maxaakiimta waxey noqoneysaa degmadii 3-aad, oo ka tirsan gobolka Baay oo u gacan gasha Maxaakiimta, waxaana dowladda Federaalka u haray magaalada Baydhabo iyo degmada Bardaale oo iyana degmo laga dhigey xilligii dagaalada Sokeeye.

Ciidamo uu horkacayey Barre Hiiraale oo ay la socdaan Itoobyaan..

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in ciidamo uu horkacayo Wasiirka Gaashaandhiga Barrre Hiiraale ayna ka mid yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa shalay ka dhaqaaqay Magaalada Baydhabo iyagoo ku sii jeeda degmada Diinsoor oo ay shalay gacanta ku dhigeen Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah.

Ciidamadaan oo wata tikniko aad u xoogan ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay iska hor yimaadaan kuwa Maxaakiimta Islaamiga ah oo iyana wata tikniko aad u xoogan.

Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa horey waxay u sheegeen in haddii deegaano ka tirsan meelaha ay xakumaan ay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan ciddii soo duusha, sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa waxay sheegtay in Diinsoor ay ka mid tahay deegaanada ay xakunto Dowladda Federaalka ayna iyana talaabo ka qaadi doonaan cidii ku soo xadgudubta.

Dowladda Itoobiya oo warqad qoraal ah u dirtay dowladda Mareykanka ..

Warar aanu helnay ayaa waxey sheegayaan in dowladda Itoobiya ay warqad qoraal ah u dirtay dowladda Mareykanka waxeyna warqaddaasi ka hadleysay arrimo fara badan oo la xiriira Maxkamadaha Soomaaliya iyo maamulada Puntland iyo Somaliland.

Dowladda Itoobiya waxey qoraalkeeda ku sheegtay in ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ay yihiin ciidamo aad u xoogan isla markaana tababaro adag ku soo qaatay waddamada Afgaanistaan, Erateriya iyo Lubnaan. Waxey kaloo dowladda Itoobiya sheegtay in ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya ay heystaan hub tayadiisu sarreeyo oo laga keenay waddama, Iiraan iyo Erateriya, waxeyna dowladda Mareykanka ka codsatay in gacan laga siiyo weerarka ay damacsan tahay iney ku qaaddo Maxaakiimta Islaamiga ah. waxey kaloo ku sheegtay qoraalkeed dowladda Itoobiya in ciidamada Maxaakiimta u diiwaangashan ay gaarayaan illaa iyo 120-kun waxeyna sheegtay iney diyaar u yihiin iney la dagaalamaan dowladda Itoobiya.

“Waxaan doonayaa inaan helo ciidamo aad u xooggan oo igala qeybqaata weerarka aan la damacsanahay inaan ku qaado Maxaakiimta Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalkaasi, waana midda soo dedejisey iney dowladda Mareykanka dib u soo celiso Qaraarkii Qabyada ahaa ee Soomaaliya looga qaadayey Cunaqabateynta Hubka isla markaana ciidamo nabad ilaalin ah loogu diri lahaa Soomaaliya, waxaana qaraarkani laga doodayaa sida la filayo maalinimada Isniinta ah. Ciidamada Itoobiya eek u sugan gudaha waddanka Soomaaliya ayaa la sheegey iney yihiin ciidamo aan heysan tababar iyo hub aan tayadiisu sarreyn, iyadoo dowladda Itoobiya ay dooneysay iney mar hore Maxaakiimtu ay weeraraan balse dib loo dhigey weerarkaasi kaddib markii la ogaaday in ciidamada Maxaakiimtu ay yihiin ciidamo aad u xoogan kana tayo wanaagsan sidii markii hore loo moodayay.

Mareykanka oo looga digey in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa looga digey iney cunaqabateynta hubka ka qaaddo Soomaaliya, waxaana digniintan u gudbiyey qaar ka mid ah waddamada Yurub, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo qaar ka mid ah waddamada IGAD, waxeyna sheegeen in haddii Soomaaliya laga qaado Cunaqabateynta hubka in Soomaaliya ay ku hardamaan waddamo shisheeye, iyadoo ay sheegeen in dhibaatadaasi ay gaari doonto dhammaan waddamada ku nool Geeska Afrika.

Mareykanka oo dib u ceshaday maalinimadii Khamiista qaraarkiisii qabyada ahaa ee cunaqabateynta hubka in laga qaado Soomaaliya, ayaa waxa keeney inuu dib u soo ceshado go’aankan markii dowladda Itoobiya ay sheegtey in Maxaakiimta ay halis ku yihiin waddankeeda, isla markaana Soomaaliya ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso ah.

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri
 

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya oo la sheegey in ay Qabaan Cudurka AIDS-ka
»Warar dheeraad ah oo ku saabsan qarixii Baydhabo..
»Itoobiyaanka ku sugan Baydhabo oo laga diidey lacagtooda..
»Hawlgal ay Xamar ka sameeyeen Ciidamada Maxaakiimta..
»Sheekh Xasan Daahir “Cudurka AIDS-ka waxa looga hortagi
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Dec 2

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 3, 2006


YAA KA DANBEEYA KA UGAARSIGA MASAAJIDA?.

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri

Qarax dad fara badani ay ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Baydhabo
iyo Siminaar ku saabsanaa ka hor taga gudniinka Fircooniga ah oo lagu qabtay xarunta Hay’adda SUUBIYE... Akhri...

Digniin ka timid Ururka dersa Mushkiladaha Caalamiga ee ICG (Crises Group)
Qaraarka qabyada ah ee ay dowladda Marekanku soo hordhigi doonto Nov 29 wuxuu keeni karaa dagaal ba’an oo.. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD