SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Dec 2, 2006

  • Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya oo la sheegey in ay qabaan Cudurka AIDS-ka..
  • Warar dheeraad ah oo ku saabsan qarixii ka dhacay Baydhabo..
  • Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo oo laga diidey lacagtooda..
  • Hawlgal ay sameeyeen Ciidamada Maxaakiimta la wareegay Ilaa iyo 7 Tekniko ah..
  • Sheekh Xasan Daahir “Cudurka AIDS-ka waxa looga hortagi karaa iyadoo lagu dhaqmo Diinta Islaamka.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya oo la sheegey in ay qabaan Cudurka AIDS-ka..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiyaan ee tirada badan kuna sugan Magaaladaasi ay intooda badan ay qabaan Cudurka AIDS-ka, Ciidamadaan oo haatan ku dhexmilmay Bulshada ku nool Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay keeni karta halis Cudurka AIDS-ka uu si Ba’an ugu faafo Soomaaliya, Shacabka Soomaaliyeed ayaa horay uga digay in haddii Soomaaliya la keeno Ciidamo shisheeye ay imaan karto in Soomaaliya ay hoy u noqoto Dadka qaba Cudurka AIDS-ka.

AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

Ciidamada Itoobiaya ee soo galay Soomaaiya ayaa waxaa si Aad ah u cabaan Khamrada, iyo Maandooriyaasha kale ayadoo Magaalada Baydhabo Ciidamada Xabashida ee ku sugan aysan la gamban cabista Khamrada waxaana Magaalada Baydhabo haatan laga furay Dukaamo lagu Iibiyo Khamradaasi, waxaana Magaalada Baydhabo ku qul-qulay intii cuni jirtay qaadka iyo kuwa ka ganacsada Maandooriyaasha waxayna Dadka qaarkii ay sheegeen in haddii ay is biirsadaan Ciidamada Itoobiya iyo Dadkaan ee keeni karto halis aad u balaaran oo ku dhacda Shacabka Soomaaliyeed.

Maalintii shalay waxay ku beegneyd maalinta Cudurka AIDS-ka waxayna ku soo beegmatay xilli ay Soomaaliya ay ku soo qul-qulayaan Ciidamo shisheeye oo intooda badan qaba Cudurka AIDS-ka ayadoo Dowladaha dariska la’ah Soomaaliya uu si aad u dilooday Cudurka AIDS-ka ayadoo la ‘ogyahay in Soomaaliya Xudduudaheeda ay yihiin kuwa iska furan oo cidkasta ay iska soo gali karto.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan qaar ka mid ah Gobalada Dalka ay yihiin kuwa si xun ula dhaqma Shacabka Soomaaliyeed, waxayna waxgaradka iyo Culumada ugu baaqay in aysan u dhawaanin goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya, sidoo kale waxaa Shacabka Soomaaliya loo soo jeediyey in ay ku dhagmaan Diintooda taasoo ay sheegeen in ay kaga badbaadi karaan halista Cudurka AIDS-ka.

Warar dheeraad ah oo ku saabsan qarixii ka dhacay Baydhabo..

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Qaraxii ka dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo gaar ahaan Koontaroolka laga galo Magaaladaasi, waxaana Qaraxaasi geystay dhimisho gaaraysa 9-Ruux, waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo 15 qofood oo u badnaa dad rayid ah oo saarnaa gawaari kale oo taagnaa koontaroolka.

Qaraxaan ayaa waxaa la sheegay in uu sameeyay gaawri MarkII oo aan la garaneyn halka uu ka tagay, qaar waxay sheegayeen in uu ka tagay Magaalada Buur-Hakaba, halka kuwo kalana ay sheegayaan in gaarigaasi uu ka soo baxay Magaalada Baydhabo.

Ciidamada Booliiska ayaa waxay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah dadkii saarnaa gaarigaasi oo ay lugi ka go’an tahay ku jira Isbitaalka Magaalada Baydhabo, mar la wareysteyna waxa uu sheegay in gaarigu uu Darawal ka ahaa nin uu magaciisa ku sheegay Abuukar Eelaay, iyo Haweenay oo labaduba ku dhintay goobtii.

Booliiska ayaa haatan waxay wadaan baaritaan xoogan, waxaana Magaalada Baydhabo gudaheeda laga qabtay dhowr qofood oo lagu tuhunsan yahay qaraxaasi. Waa qaraxii labaad ee ka dhaca Magaalada Baydhabo, iyadoo 18-kii Bishii September ee sanadkaan afaafka hore ee laga galo xarunta Golaha Baarlamaanka uu iyana ka dhacay qarax la doonayo in lagu Khaarijiyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Amxed.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo oo laga diidey lacagtooda..

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo oo tiradooda lagu sheegay ilaa iyo 6-Kun oo Askari ayaa waxaa la sheegay in dadweynaha ku nool magaaladaasi ay ka diideen inay wax kaga iibsadaan lacagta birta ah. Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa waxay Ciidamada Itoobiya ku wargeliyeen in ay wax kaga iibsanayaan lacagta Shilin Soomaaliya ah iyo Lacagta Doolarka ah, waxayna ka codsadeen dowladda Federaalka Ciidamada Itoobiya inay siiyaan lacag Shillin-Soomaali ah si ay wax uga iibsadaan Dadweynaha waxyaabaha yar yar ee ay u baahan yihiin.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduudaha ayaa dhowr jeer waxay horey u gubeen lacag Shillin Soomaali ah oo malaayiin gaareysa, sababaha ay u gubeena waxaa lagu sheegay iyagoo kala diriraya dhinaca dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed.

Hawlgal ay sameeyeen Ciidamada Maxaakiimta la wareegay Ilaa iyo 7 Tekniko ah..

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa shalay howlgal ka sameeyey agagaarka Suuq Bacaad waxayna gacanta ku soo dhigeen 7-Gaari Tikniko ah ay la haayeen Ganacsato Soomaaliyeed.

Hubka ay la wareegeen Maxaakiimta ayaa waxay isugu jireen Gaari Zuu,Gaari B10, labo Gaari ay saarnaayeen Quryaha Dhuun Shike, labo Gaari oo ayana ay saarnaayeen labo Dhshiike iyo Quri uu saaran yahay Quriga Waaqlaha ah.

Hubkaan oo shalay la isugu geeyey xarunta Taliska Ciidanka Booliska ayaa waxa uu ka dambeeyeY Howlgalkaan wareegto uu soo saaray Gudoomiyaha Guddiga Fulinta ee Maxaakiimta Islaamiga ah Shiikh Shariif Shiikh Axm’ed waxayna wareegtadaas dhigaysay in Gancsadaas ay soo wareejiyaan Hubka ay heystaan waxaana Guddiga loo saaray Madax u ah ku xigeen Madaxa Amaanka ee Maxkamadaha islaamiga Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu- Mansuur.

Maalmaha soo socdo ayaa la filiyaa in Magaalada Muqdisho ay ka dhacaan howlgallo lagu soo aruuriniyo Hubka waaweyn ee gacanta ugu jira Ganacsatada.

Sheekh Xasan Daahir “Cudurka AIDS-ka waxa looga hortagi karaa iyadoo lagu dhaqmo Diinta Islaamka.

Sheekh Xasan Daahir Aways oo ah Gudoomiyaha Golaha Shuuradda ayaa shalay ka qaybgalay Banaanbax lagu xusay Cudurka AIDS-ka kaasoo ka dhacay Garoonka Muqdisho,

Xuskan oo si mideysan Sanadkaan loo qabtay ayaa waxa uu sheegay Shiikh Xasan Daahir Aways in ka hortaga Cudurrada ay ka wanaagsan tahay ka dhowrsanaantiisa, waxa uu kaloo sheegay Shiikhu in Cudurkaan uu yahay Cudur halis ah loona baahan yahay in si wadajir ah looga hortago ayadoo lagu dhaqmayo Diinta Islaamka.

Dr, Max’ed Max’uud Bidey oo ah Gudoomiyaha Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee ka hortaga Cudurka AIDS-ka in Soomaaliya Cudurkan haatan heerkiisa uu marayo 1% asagoo sheegay in ay tahay tiro aad u weyn loona baahan yahay in Bulshada ay ogaato qatartiisa, sidoo kale Gobalada Dalka ayaa si weyn looga xusay cudurka AIDS-ka, waxaana bulshada loo soo jeediyey inay ka taxadaraan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 2, 2006


YAA KA DANBEEYA KA UGAARSIGA MASAAJIDA?.


Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri


NUSOJ Oo Suxufiyiin Tababar Ugu Soo Xirtay Magaalada Muqdisho

 

Ururka Qaranka Suxufiyiinta soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maaliintii khamiista aheyd kusoo xiray hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho tababar soconayay muddo seddax maalmood ah kaasoo loo qabtay suxufiyiinta ku dhaqan magaalada Muqdisho.

 

Suxufiyiinta ka qeyb galay tababarkan ayaa waxaa si gaar ah loo barayay sidii tayada shaqadooda kor loogu qaadi lahaa taasoo ujeedku yahay in ay helaan aqoon saxaafadeed oo culus taasoo ku dhisan xaqiiq, aqoonta casriga ah ee saxaafadda iyo si isku miisaaman in ay u kala dortaan isha ay ka helayaan warka iyo waxyaabaha ay ka waramayaan.

 

"tababarkan waxaa ay NUSOJ ugu talagashay in ay kaga qeyb qaadato sidii loo hormarin lahaa saxaafad fircoon, mas'uul ah, isla markaana wax dhiseysa" ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Sare ee NUSOJ Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil "Sheekh Adduun" oo ka hadlay munaasabadii furitaanka tababarka saxaafadda.

 

Xafladii lagu furayay ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb galay mas'uuliyiinta maxkamadaha islaamka oo uu horkacayo madaxa waaxda warfaafinta Sheekh Cabdiraxiin Cali Muudeey, waxaana ka mid ah mas'uuliyiinta kasoo qeyb gashay Ku Xigeenka Madaxa Amniga Maxkamadaha Islaamiga Sheekh Mukhtaar Roobow "Abuu Mansuur" iyo masuuliyiin ka socotay waaxda dacwada.

 

Guddoomiyaha hay'adda Warbahainta Bariga cutubkeeda soomaaliya Cabdulqaadir Max'uud Walaayo iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Qalin Maalka Soomaaliyeed Professor Cumar Adan Qaadi ayaa ka mid ah marti sharaftii ka hadlay munaasabadii furitaanka ee tababarka oo dhacay maalintii talaadada.

 

Cabdulqaadir Walaayo iyo Cumar Qaadi ayaa suxufiyiinta tababarka u furmay waxay usoo jeediyeen talooyin dhaxal gal ah, waxayna kula taliyeen in ay si wanaagsan ugu faa'ideystaan fursadan ay NUSOJ u fidisay.

 

Xoghayaha Abaabulka ee NUSOJ Cali Macalin Isaaq ayaa ka qeyb galayaasha u sheegay in tababarkan uu ku yimid sababtooda, baahi ay u qabaan in aqoontooda saxaafadeed kor loo qaado. Xoghayaha Tababarada Cabdirashiid Cabdulle Abiikar oo ah Xoghayaha Tababarada NUSOJ ayaa sidoo kale tilmaamay in tababarada lagu qaban dono lix magaale kale oo kala ah Jowhar, kismayo, Beledweyne, baydhabo, Bossasso iyo galkacyo.

 

Sheekh Aduun waxaa lagala xiriiri karaa: sheekhaduun@hotmail.com


Qarax dad fara badani ay ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Baydhabo
iyo Siminaar ku saabsanaa ka hor taga gudniinka Fircooniga ah oo lagu qabtay xarunta Hay’adda SUUBIYE... Akhri...

Digniin ka timid Ururka dersa Mushkiladaha Caalamiga ee ICG (Crises Group)
Qaraarka qabyada ah ee ay dowladda Marekanku soo hordhigi doonto Nov 29 wuxuu keeni karaa dagaal ba’an oo.. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD