SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Dec 1, 2006

  • Qarax dad fara badani ay ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Baydhabo
  • Siminaar ku saabsanaa ka hor taga gudniinka Fircooniga ah oo lagu qabtay xarunta Hay’adda SUUBIYE.

Qarax dad fara badani ay ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Shalay Maqribnimadii ayaa agagaarka Koontaroolka laga galo Magaalada Baydhabo ee Baar-Bakiin waxaa ka dhacay qarax aad u weyn, waxaana la sheegay in qaraxaasi uu fuliyey Gaari yar oo taagnaa Koontaroolkaasi, xiligaasna la baarayey.

Qaraxasi waxa uu waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac gaarsiyey dadkii halkaasi ku sugnaaa, gaar ahaan Gawaari Xamuul ah oo ka tagtay magaalada Muqdisho iyo Gawaari kale oo yar yar, waxaana la sheegay inay ku dhinteen dhowr iyo Toban qofood, iyadoo wararka qaar sheegayaan in tiradu ay intaasi ka badan tahay.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Dhowr Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Dowladda Federaalka iyana ay ku dhinteen qaraxaasi, warar kale ayaa waxay sheegayaan in labo askari oo Itoobiyaan ah ku dhinteen iyana.

Goobtii qaraxu ka dhacay ayaa waxaa xiray Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u fara badan, iyadoo diiday in halkaasi la galo, waxaana la arkayey gawaari lagu daldalayo dhaawicii iyo maydkii halkaasi ka dhacay, waxaa kaloo jirta in dadkii deganaa Tuulooyinka ku dhow Magaalada Baydhabo iyana loo diiday in ay halkaas galaan, waxaana magaalada Baydhabo, haatan gaaf wareegaya ciidamo aad u xoogan oo isugu jira Itoobiyaan iyo kuwa Dowladda Federaalka. Wsiir ku xigeenka Gashaandhiga Salaad Cali Jeele ayaa sheegey qaraxaas ay k dambeeyeen Maxkamdaha Islaamiga Isagoo sheegey in Qaraxaasi ay fulisey Haweeneey

Qaraxaani waa kii labaad ee ka dhaca Magaalada Baydhabo, 18 September ayay ahayd markii qarax aad u weyn uu ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka oo la doonayey in lagu qaarijiyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, basle uu ka badbaaday.

Siminaar ku saabsanaa ka hor taga gudniinka Fircooniga ah oo lagu qabtay xarunta Hay’adda SUUBIYE.

Siminaar ku saabsan sidii Bulshada loogu baraarujin lahaa dhibaatada Gudniinka Fircooniga ah ayaa shalay lagu qabtay xarunta Hay’adda SUDVO (Suubiye), waxaana ka qaybgalay Saxafiyiinta, Dhakhaatiir, Culima’udiin, Dhallinyaro iyo Martisharaf kale oo tiradooda lagu qiyaasay Sodon Xubnood, waxaana Siminaarkaasi Maalgalshay Hay’adda SIHA iyadoo ay hirgalineysay Hay’adda SUDVO, waxaana ugu horeytnii halkaasi warbixin ka soo jeediyey Guddoomiyaha Hay’adda SUDVO Cayni Abuukar Gacal oo sheegtay in sababaha loo qabtay siminaarkaani ay tahay sidii Bulshada looga wacyigelin lahaa Dhibaatada uu ku hayo Gudniinka Fircooniga ah Gabdhaha Soomaaliyeed, waxaa kaloo ka hadlay siminaarkaasi Batuulo Max’ed Mursal oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Hay’adda COCWO, waxayna sheegtay in gudniinka Fircooniga ah loo baahan yahay in gebi ahaanba laga baabi’iyo Bulshada Soomaaliyeed, maadaama uu yahay mid keliya ee dhibaatada ku haya Haweenka Soomaaliyeed ha noqoto dhanka Caafimaadka iyo Dhan walbaba.

Siminaarkaan waxaa kaloo ka hadlay Culima’udiin uu ka mid ahaa Sheekh Macamuud Aw-Cabdule Cariif, waxa uuna sheegay in Gudniinka Fircooniga ah uusan raad ku laheyn Diinta islaamka, isla markaana gabadhii loo gudo qaabka Fircooniga ay waajibeyso in Diyadeeda la bixiyo xitaa haddii ay nooshahay, waxaa kaloo Siminaarkaasi cashiro ka bixiyey Faarax Cumar Nuur oo isna sheegay in Saxaafaddu ay door muhiim ah ku leedahay joojinta Gudniinka Fircooniga ah, waxa uuna u soo jeediyey saxafiyiintii ka qaybgashay Siminaarkaasi in ay bulshada ku baraarujiyaan sidii loo ciribtiri lahaa Gudniinka Fircooniga.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 1, 2006

Teleefoonadii oo Laga Jaray Gaalkacyo
»
Wararkii ugu dambeeyey ee ku saabsan xaaladda dagaal...
»Ciidamada Itoobiya ee la keenay Soomaaliya..
»Iska hor imaad dhex maray Ciidamo..
»Maamul Gobaleedka Puntland oo ka cabsi..
»Guddoomiyaha NUSOJ “Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaa..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Nov 30

»Roob lagu  Qaboobey oo Ka Da'ay Garoowe iyo Bosaso
»Diyaaradaha British Airways oo laga helay Radioactive
»Shiinaha iyo Ruushka oo taageeray Qaraarka qabyada

Afhayeenka Xisbiga Ramaas ee Yurub oo Dhaleeceyay Joogista Itoobiyaanka ee Puntland/Soomaaliya...

Jen. Cali Xaashi: "Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya waa 12 kun oo Askari..
»Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gaalkacyo oo shaki ka..
»Golaha Muslimiinta Kenya oo xaqiijiyey in Ciidamo Itoobiyaan
»Shaqaale ka tirsan Hay’adda UNICEF oo ay weerar ku soo..
»Yuusuf Indha-Cadde “Haddii cunaqabateynta Hubka laga..
»Banaanbax Balaaran oo looga soo horjeedo cunaqabateynta
»Soomaalida ku nool wadanka Mareykanka oo Dowladda..
»Madaafiic ay Is weydaarsadeen Soomaaliya iyo Itoobiya..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Nov 29

Kacdoon ka dhan ah Xariga Boosaaso Loogu Geystay Shiikh Daahir aw-Maxamed
iyo Culimada Boosaaso oo loogu baaqay in ay u haajiraan Qardho, Garowe ama Gaalkacayo... Akhri....

Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas Daahir Ciiro oo siyaasiyiin iyo aqoonyahano kula kulmay Bosaso.

Golaha Samafalka Soomaaliyeed oo kaalmooyin Gaarsiiyay Dad ay waxyeello u Geysteen Fatahaadaha

Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo Loogu Baaqay in ay ku daydaan Cowke siduu 1977 ula dagaalamay Ethiopia

Muqdisho: Banaanbax Looga Soo Horjeedo Ciidamada Itoobiya
Banaabax si weyn loo soo agaasimey oo ka dhacey Fagaaraha weyn ee Tarabuunka Magaalada Muqdisho ayaa...
Akhri...

Koofi Annaan oo ku baaqay shirweyne caalami ah oo loogaga hadlo xaalka Ciraaq


Digniin ka timid Ururka dersa Mushkiladaha Caalamiga ee ICG (Crises Group)
Qaraarka qabyada ah ee ay dowladda Marekanku soo hordhigi doonto Nov 29 wuxuu keeni karaa dagaal ba’an oo.. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD