SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

:::MAQAALKII CILMI:::
Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay?. WQ. A.D. Elmi.. Akhri
:::ASAD AADAN TURAABI:::
Haddii Banaanka laga helay, miyuusan u baahneyn gacan bini’aadannimo iyo Gargaar... AKHRI...
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji
:::DHACDO NAXDIN LEH:::
Cabdi Cali Siyaad “Argagixiso ayay igu tilmaameen, laakiin waxaan ogaaday in argagixisadu ay tahay  Dadkii falkaas ku kacay... Akhri...
:::SAFARKII MINNEAPOLIS:::
SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji
:JAWAABO: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |
::SH. MUXAMAD IDRIS::
SOOMAALIYA MAANTA IYO BERRII!
Ilaahay aan barino! WQ. Sh. Maxamed Idris
(XISBIGA) AAMUSANE GOORMUU AFKIISA FURI DOONAA!! :
SOCDAAL: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CALOOL XUMO: 1 | 2 | 3
MALAYSIA: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 |Shukran dhamaantiin
 

Gardarada garabka og iyo gobanimadoonka go’doonsan 

A.D. Elmi
adelmi@hotmail.com


Marka Xisbullaah, Xamaas, Taalibaan, ONLF, kuwa Ciraaq, Shiishaan, Kaashmiir iyo dhammaan ururada kale ee gobanimadoonka ah una dagaalamaya inay xoreeyaan dalalkooda, aayahoodana ka tashadaan, haddana jawaabta ay helayaan ay noqoto waxa maanta lagu hayo ee ah dilka kufsiga, dhaca iyo qaxinta isugu jira iyadoo taasi u dheertahay in loogu yeero argagixiso jahwareersan oo aan lahayn wax ula jeeddo ah oo sidaa u buuran, halka kuwa dhul iyo dhiig doonka ahi, sida Yuhuudda iyo Maraykanku ay yihiin mas’uuliyiin waddo sax ah ku taagan, iyagoo haysta qaraaro ka soo baxaya golaha ammaanka oo la oran karo waa golaha danaha galbeedka iyo Yuhuudda isu caleemo saaray inay fuliyaan siffeyn dhan ka ah dad aan waxba galabsan. Bal ka waran caddaaladda noocaas ah marka ay timaaddo maxaa u bannaan qof kasta oo sidaas loola dhaqmo oo aan ka ahayn inuu ku kaco wax kasta oo uu kari karo, maxaa kuu diidaya inay kugu dhacaan cudurada sida dhiig karka, sonkorta iyo cudurada uu welwelka iyo walbahaarku sababo, maxaa kuu diidaya inaad duurka gasho oo aad jabhad noqoto marka aad garawshiyo ka wayso iska daa cadowgaagee kuwa dadka kuugu sokeeya oo aad isku Diin iyo dad tihiin, maxaa kuu diidaya inaad dhimasho dalabto waqti aad caddaalad iyo sinnaan ka weysay dunida dulmigu camiray, dunida isu bedeshay gole khansiir iyo Doofaaro ka taliyaan…..           

Dilka, dhaca, afduubka iyo kufsiga lagu hayo dhammaan muslimiinta dunida ku firirsan, waa mid dugsanaya ducfiga ku yimid dadka ku abtirsada Diinta Islaamka, ka gadaal markii bahweynta Muslimiintu ay ka tageen inay si habsami leh ugu dhaqmaan Diinta Islaamka, ayey noqdeen wax aan summad iyo hayb midna lahayn, waxayna taasi soo dadajisay in cid walba oo aan Muslim ahayn ay si kala gaar gaar ah u ugaarsato muslimiinta ku kala nool daafaha caalamka, maadaama aan la kala xigin, (marka xooluhu ka dhumaan jidkooda waxay u kala firiraan afarta jiho, waxayna markaas baylah u noqdaan inay ku dhacaan afka bahalaha wax cuna oo dhan).  

Muslimiinta maanta waxay illaaween wixii shalay ka dhigay dad laga haybaysto, waqtigii ay lahaayeen awood dhaqaale iyo milateriba, waxay illaaween kaalintoodii ahayd inay iyagu noqdaan hormuudka nolosha oo dhan oo ay ahayd in lagu daydo, waxay illaaween wixii ay cadow lahaayeen, waqti uu cadowgooduna uusan taas hilmaansanayn, markii Yuhuudda, masiixiyiinta kuwa sheegta, kuwa dabka iyo dhagxaanta caabuda ay ka diyaar garoobeen dhinaca hubka iyo dhaqaalaha, ummadaha muslimiintu waxay ku mashquuleen dhalanteed, gaar ahaan wadamada Carabtu waxay ku jeesteen dhaldhalaalka dunida ee maaweelada ku dhisan, waxay daba galeen xaddaarado fasahaad ku salaysan, aragtiyo shirqool ah oo ku salaysan in Teknoolajiyad iyo Dimuquraadiyad la daba galo, kuwaas oo ay calanka u sidaan wadamada galbeedka oo waqtigan noqday dad aanba diin aaminsanayn, laakiin haddana qaba in Islaamka lala dagaalamo.        

Marka qofka indhaha la’ uu ka tago ushiisa uuna go’aansado inuu iska socdo, waxaa la rajaynayaa inuu god iyo meel daran ku dhaco, haddaba dadka Carabtu markii ay ka tageen Islaamkii waxay arintu noqotay inay maanta soo gaaraan halka ay taagan yihiin, waxaa xaqiiq ah in dadka Carabtu ay yihiin dad aan haba yaraatee aan noolaan karin haddii Islaamka la waayo, waxaana jirtay oraah oranaysa (Carab oo Islaam laga jaray waxay la mid tahay eber) waxaana hubaal ah in arinkaasi yahay dhab maxaa yeelay Carabtii ku noolayd Jasiiratul carab waxay ahaayeen dad aan ka war hayn xaddaaraddii iyo hab maamulkii  ka jiray daafahooda oo haba yaraatee aan cilaaqaad iyo is dhexgal la lahayn boqortooyooyinkii ku heeraarsanaa ee Roomaaniyiinta iyo tii Faarisiyiinta, taas bedelkeedana waxay ku mashquulsanaayeen carabtii Jasiiraddu dagaallo ay isaga soo horjeedaan, dhac iyo dil aan kala go’ lahayn mana aysan lahayn wax horumar ah ilaa ay ku sifoobaan inay dilaan caruurtooda gabdhaha ah, iyagoo xaaladdaas ku sugan ayuuna Islaamku yimid wuxuuna dadkii sidaas ahaa u bedelay dad nool oo nabad, caddaalad iyo sinnaan la yimaadda, waxayna hormuud u noqdeen in Islaamku uu gaaro daafaha dunida oo dhan, waxayna ka kobceen dhinaca dhaqaalaha awoodda ciidanka waxayna dhex galeen ummado kale oo iyaguna qaatay nuurka Islaamka, waxaana si wada jir ah looga faa’iidaystay wax yaalihii lagu kala horeeyey, xittaa boqortooyooyinkii soo maray Muslimiinta, sida Ummawiyiinta, Cabbaasiyiinta, Cusmaaniyiinta iyo kuwii kaleba waxay door weyn oo aad u wanaagsan ka ciyaareen fidinta Islaamka, waxayna boqortooyooyinkaasi ka go’nayd inay hor istaagaan kuwa duulaanka ku ah in nuurka Islaamku uu gaaro dunida, waqtigaasi waxa uu ahaa xilli xasuus mudan oo qof kasta oo Muslim ah, gabar yar wiil yar oday, habar, mid madow mid cadddaan ah, da’duu doono ha ahaado, darajaduu doonana ha lahaadee waxa uu ku noolaa sharaf iyo karaamo, xaalad cabsi la’aan ah, amni iyo horumar, caddaalad iyo sinnaan iyo xoriyad taam ah, laakiin maanta maxaa soconaya, muxuu qof kasta oo Muslim ah ku nool yahay, ma haystaa xittaa xuquuqdii aas aasiga ahayd? Jawaabta waxaa na siiyey Yuhuud iyo Maraykan, jawaab waxaa noogu filan waxa hadda soconaya. 

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hubaal ah in maalin maalmaha ka mid ah uu dib u soo noqon doono sharafkii iyo Cissigii Muslimiintu waqti ku naaloon jireen, Ilaahayna ma dayacayo kuwa wanaagga la raba dunida ee amarkiisa qaadanaya. (Wa kaana xaqqun calaynaa nasrul muuminiin).

W. Q. A. D. Elmi

adelmi@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saiixan

Faafin: SomaliTalk.com | AUg 14, 2006

ONLF maa SNLF loo bedelo.::: Bal ka waran haddii laguu sheego inaad beri boqor noqon doonto


Dood-Cilmiyeed: Isbedelka Cusub ee Soomaaliya
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo raadka uu... Dhegeysi...

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD