SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

:::MAQAALKII CILMI:::
Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay?. WQ. A.D. Elmi.. Akhri
:::ASAD AADAN TURAABI:::
Haddii Banaanka laga helay, miyuusan u baahneyn gacan bini’aadannimo iyo Gargaar... AKHRI...
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji
:::DHACDO NAXDIN LEH:::
Cabdi Cali Siyaad “Argagixiso ayay igu tilmaameen, laakiin waxaan ogaaday in argagixisadu ay tahay  Dadkii falkaas ku kacay... Akhri...
:::SAFARKII MINNEAPOLIS:::
SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji
:JAWAABO: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |
::SH. MUXAMAD IDRIS::
SOOMAALIYA MAANTA IYO BERRII!
Ilaahay aan barino! WQ. Sh. Maxamed Idris
(XISBIGA) AAMUSANE GOORMUU AFKIISA FURI DOONAA!! :
SOCDAAL: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CALOOL XUMO: 1 | 2 | 3
MALAYSIA: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 |Shukran dhamaantiin
 

Wararkii: Aug 9, 2006

  • Shariif Xuseen Roobow “Ra’isul Wasaare Geeddi uma suurageli doonto in saaxiibadeyn caddow nooga dhigo”

  • Kulan ay xalay wada yeesheen Cabdulaahi, Shariifka iyo Geedi..

  • Wasiirka arrimaha Dibadda ee Kenya oo ku soo fool leh magaalada.

  • Sheekh Shariif “Waxaa jira dad u adeegaya shisheeyaha oo doonaya in ay..”

  • Banaanbax looga soo horjeedo in Maxaakiimtu Galaan Gaalkacyo oo shaley..

  • Garowe: ururka counterparty international ayaa ugu deeqay ispitalka guud ee garowe  baabuurta curyaamiinta.

  • Dhoollatus uu sameeyay ciidanka xoreynta ee Cirjiidh oo guul ku dhammaaday.


 

Shariif Xuseen Roobow “Ra’isul Wasaare Geeddi uma suurageli doonto in saaxiibadeyn caddow nooga dhigo”

 

Shariif Xuseen Roobow oo ah Guddoomiye ku xigeenka Golaha deegaanka ee Gobalka Banaadir, ayaa sheegay in Soomaaliya intii ay soo jirtay ay lahayd saaxiibo wanaagsan oo ka soo jeeda wadamada Carabta, kuwaas oo qaarakood tan iyo ilaa iyo xoriyaddii garab taagnaa ummadda Soomaaliyeed.

 

Shariif Xuseen Roobow ayaa sheegay in Dowladaha Masar iyo Liibiya ay ka mid yihiin wadamada sida dhabta ah saaxiib ula ah dalka Soomaaliya. “War saxaafadeedkii uu soo saaray Ra’isul Wasaare Geeddi ee uu ku eedeeynayay Dowladaha Masar iyo Liibiya in ay faraha kula jiraan Arrimaha siyaasadda Soomaaliya isla markaasna ay gacan siinayaan argagixisada, waa arrin uu ku doonayo in saaxiibadeena wadamada Carabta ah uu noo tuso in ay yihiin Caddowgeena, halka uu mar waliba isugu dayayo in Caddowgeena Itoobiya uu noo dareensiiyo in ay yiiin Saaxiibadeen, taasina waa wax aan suuragaleyn” ayuu yiri Mr Roobow.

 

Shariif Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Ilama ahan qof mas’uul Soomaliyeed ah inoo kala garan waayo, saaxiibada iyo caddowga Ummadda Soomaaliyeed, waxaana jeclaan lahaa in Ra’isul Wasaaraheena xasuusiyo xiriirka qotada dheer ee wadamada Liibiya iyo Masar la leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed. Mr Roobow waxa uu tilmaamay in Dowladda Masar ilaa iyo Boqol sano ay xiriir toos ah la lahayd shacabka Soomaaliyeed, ayna gacanna ka siin jirtay dhinacyada Siyaasadda iyo Waxbarashada, wuxuu kaloo tilmaamay in Dowlada Liibiya ay tahay dowlad mar walba ka tirsan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan qof kasta xasuusinayaa doorkii ay ka qaadatay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, wixii ka dambeeyay buruburkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliy.

 

“Weli waxaan xasuustaa Markabkii Mucaawinada ee ugu horeeyay ee xamar ku soo xirta burburkii Dowladdii Siyaad Barre kaddib kaas oo siday mucaawinadii ugu horeysay ee dowladda Liibiya u soo dirtay shacabka Soomaaliyeed, waxayna Liibiya noqotay Dowladda keliya ee xiligii Burburka aan Safaaraddeeda Muqdisho maalinna la xirin” ayuu yiri Shariif Xuseen Roobow oo intaa ku daray “Liibiya waxay ku caan baxday gacan siinta Dowladihii la dhisay intii lagu jiray dagaaladii sokeeye, sida tii Cali Mahdi, tii Cabdi Qaasim iyo Dowladda uu hadda Ra’isul Wasaare ka yahay Cali Max’ed Geeddi laftiisa, waxaana tilmaami karaa in dhowr jeer ka badan uu Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaaruhu ay booqasho ku tageen Liibiya, iyagoo ka soo helay taageero siyaasdeed iyo mid dhaqaalaba”.

 

Ugu dambeytnii Roobow waxa uu sheegay inay haboon tahay in qof kasta oo soomaaliyeed uu garto saaxiibada runta ah oo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, iyagoo kuwaasi mar walba Shacabka Soomaaliyeed la qaybsada dhibaatada ay ku jiraan gacanna ka gaystaan sidii ay uga bixi lahaayeen dhibkaas.

 

Kulan ay xalay wada yeesheen Cabdulaahi, Shariifka iyo Geedi..

Dhegeyso: "Cali Maxamed Geeddi 7 cisho haku soo dhiso xukuumad cusub" C/Laahi Yuusuf

 

Wararka naga soo gaara Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in xalay kulan wada yeesheen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiye Shariif Xaan Sheekh Aadan iyo Ra’isul Wasaare Geeddi, waxaana kulankaasi looga hadlay sida loo dhisayo dowladda iyo xubnaha ka mid noqonaya Dowladda cusub ee uu dhisayo Cali Geeddi.

 

C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan ayaa waxa ay talooyin u gudbiyeen Ra’isul Wasaare Geeddi oo ku aadan dhismaha Dowladda, iyadoo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf horey u sheegay in Dowladda la soo dhisayo ay noqon doonto dowlad kooban oo xubnaha ka mid noqonayaa ay yihiin kuwo aqoon duruqsan leh, Sidoo kale waxay ka wada hadleen sida beelaha loo siinayo Wasiirada, maadaama wasiiradu ay kooban yihiin oo laga dhigay 31 wasiir.

 

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Kenya oo ku soo fool leh magaalada.

 

Waxaa saacadaha soo socda magaalada Baydhabo soo gaari doona Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Wadanka Kenya, waxaana la filayaa in uu wada hadal la yeesho saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka oo iyagu dhawaan khilaafkooda uu dhameeyay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Itoobiya.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya ayaa la sheegay in uu dowladda kala hadli doono arrimo la xiriira sidii Dowladda loo gaarsiin lahaa guud ahaa dalka Soomaaliya, sidoo kalana waxa uu ka hadli doonaan sidii ciidamo nabad ilaalin ah loo keeni lahaa gudah Dalka Soomaaliya, maadaama wadamada IGAD dhawaan isku raaceen in Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda Midowga Afrika.

 

Sheekh Shariif “Waxaa jira dad u adeegaya shisheeyaha oo doonaya in ay..”

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxaakiimta ayaa sheegay inay jiraan dad u adeegaya shisheeye oo doonaya in ay jilaafeeyaan howlaha ay wadaan Golaha Maxaakiimta, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga digay in dadkaasi ay ka digtoonadaa.

“Si gaar ah ayaan ula soconaa dadkaasi, waxaana kula talineynaa in ay ka waantoobaan arrimahaasi” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in halganka ay wadaan Golaha Maxaakiimta uu gaari doono dhamaan wadanka Soomaaliya oo dhan,

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dardar la gelin doono howlaha laga wado Gobalka Banaadir ee dhinaca nabadgelyada iyo Nadaafadda.

 

Banaanbax looga soo horjeedo in Maxaakiimtu Galaan Gaalkacyo oo shaley..

 

Maalintii shalay ahayd ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug waxaa ka dhacay banaanbax rabshado watay oo la sheegay inay looga soo horjeeday in Maxaakiimtu ay soo gaaraan Gobal ka Mudug, waxa uuna banaanbaxaasi ka bilowday koonfurta, waxa uu aaqirkii ku dhamaaday dhinaca Waqooyiga, waxayna dadku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen ”Dowlad diid dooni meyno” iyo ereyo kale oo la mid ah, banaanbaxaan ayaa waxaa ka hadlay xubno ka tirsan maamulka Gobalka Mudug, waxayna sheegeen in Gobalka aysan u dooneyn in uu dagaal ku dhex maro Golaha Maxaakiimta iyo maamul Gobaleedka Puntland, waxayna ka dalbadeen Maxaakiimta in ay dib uga laabtaan gobalkaasi, hase yeeshee dad taageersan Maxaakiimta ayaa iyana ka codsaday Maxaakiimta in si dhaqsi leh maxkamad uga furaan Gobalka Mudug.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Garowe: ururka counterparty international ayaa ugu deeqay ispitalka guud ee garowe  baabuurta curyaamiinta.

ururka counterparty international oo ka jira dalka maraykanka ayaa ugu deeqay maalintii shalay ahyd isitaalka guud ee magaalada garowe deeqadaan ayaa ahayd mid aad u muhiimsan waxayna  ahyd qalabka baabuurta curyaamiinta.

Qalabkan oo dhamaan loogu deeqay guud ahaan deegaanada puntladn ayaa maalintii shalay ahayd waxa lagu doonsiiyay  maamulka iyo madaxda ispitaalka guud ee garowe iyag oo la filayo in lawada gaarsiiyo guud ahaan deegaanada puntland.

Qalabkan oo loogu deeqay dhammaan gobolada Puntland , ayaa Abshir Xasan oo wakiil ah Ururka ku deeqay ayaa maanta ku wareejiyay Maamulka Isbataalka Garoowe oo ay hormuud ka ahaayeen Agaasimaha Faysal Faarax (Dhukane) iyo Maamulka Isbataalka C/risaaq Jaamac Taraag iyo  Guddiga Isbataalka oo ay ka mid ahaayeen Dr.Axmed Abshir Waraabe io Yuusuf Jaamac Dagal (Camba-cambe) waxaana halkaasi goobjoog ka ahaa Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Puntland. 

Abshir Xassan Abshir oo Wakiil ka ah Counterpart International oo iyadu qalabkan ku deeqday ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in qalabkan uu ku wareejiyo masuuliyiinta Isbataalka Guud ee xarunta Caasumada Puntland ee Garoowe , wuxuuna xusay in uu quudaraynayo in qalabkan loo qaybiyo dhamaan deegaamada Puntland maadaama uu yahay qalab aad u badan oo loogu deeqay Puntland.

Dr.Axmed Abshir oo ka mid ah Bord-ka Isbataalka ayaa u mahadnaqay Ururka ku deeqay qalabkan  e looyaqaano counterparty international oo ka jira  USA  ayaa sheegay in ay u hawlgali lahayeen sidii ay qalabkan u gaarsiin lahaayeen dhamaandeegaanada puntladn.
 
Si kasba , waa markii 2- aad ee Ururka Counterpart International uu qalab soo gaarsiiyo Isbataalka Guud ee Garoowe sida uu ka cadeeyay goobtii lagu bixinayay deeqdan  Abshir Xassan oo ka mid ah Ururkan deeqda soo gaarsiiyaya deegaanada puntland maalinimadii shalay ahaydna lagu guulaystay in deeqdaan si hufan loogu wareejiyo  ispitaalka garowe iyada oo lagu wado in dhamaan deegaanada puntland la wada gaarsiiyo deeqdan dhawaan sida gobtiiiba laga cadeeyay. 

A/rizak koronto
Garowe puntland



Kulan caalami ah oo ku saabsan Kaalinta ay saxaafada ka qaadan karto Dhibaatada Qaarada Afrika oo ka furmay Nairobi.

 

Canab Mumtaz.

 

Ergooyin iskugu jira Tafaftirayaal iyo wariyayaal gaaraya 140 xubnood  kana kala socda qeybaha kala duwan ee Warbaahinta ka howlgasha wadamada Qaarada Afrika ayaa maanta shir uga furmay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,

 

Shirkan ayaa  looga hadlayaa  doorka ay saxafada ka howgasha qaarada afrika ka qaadan karto xal u helida khilafaadka ka dhex aloosan qaarada waxaana xubnahan ku wehliyey shirkan xildhibaanada Baarlamaanada Qaarada Afrika ee Fadhigoodu yahay Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania.

  

Waxa sidoo kale shirkani lagu casuumay hay’adaha aan dowliga aheyn ee ku howlan hormarinta saxaafada. Lataliyaha gaarka ah ee Xoghaya qaramada midoobe Maxamed sahnoun oo shirka si rasmi ah u furay ayaa waxa uu sheegey in shirkan looga golleeyahay in lagu booriyo saxaafada inay kala shaqayso masuliyiinta iyo hay’adaha ku howlan xal u helida khilafaadka ka taagan waddamada qaarada Afrika.

 

Mr Sahnoun waxa uu sheegey in saxafada ay door muhiim ah ka qadan karto soo afrista dagaalada ka jira qaar kamid wadamada qaaradan Afrika.

 

canabmumtaz@hotmail.com


Wargelin Muhiim Ah -

Waxa dadweynaha Jaaliyadda Somaliland ee UK la ogeysiinayaa in Xaflad ballaadhan oo lagu sagootiyayo xubnihii weftida ahaa ee Guddida Horumarinta Gobolka Togdheer ee u socday Tabaruca Biriijka Burco oo beryahan ba ku sugnaa dalka Biritan, lagu qaban doono hoolka Odayaasha Sooomaalida, maalinta Sabtida 12 August 2006 bariga magaallada London. Xafladda waxa lagu gorfaynayaa halka uu marayo deeq-ururintii Biriijka Burco iyo kale oo la xidhiidha horumarinta gobolka iyo guud ahaanba Somaliland.

Waxa laga codsanayaa dhammaan dadweynaha Somaliland inay si weyn uga soo qayb galaan xafladda, gaar ahaanna guddi hoosaadkii dhaqaale-ururinta biriijka Burco ee magaalooyinka Biritan (Birmingham, Cardiff, Sheffield, Liverpool, Bolton, Manchester, Leicester iwm) iyo degmooyinka magaallada London, East, West, North and South London.

Taariikhda
Sabtida 12 August 2006

Wakhtiga
        2:00pm - 6:00 pm

Cinwaanka

Somali Senior Citizens Club
37 St Mathews Row
Bethnal Green
London E2 6DT

Xidhiidhka

Suldaan – 07903802139
Axmed Waqaf 07949052332
Saleebaan Carablow – 07949244941

Ka soo qaybgal wanaagsan –

Allaa mahad leh

Laxiriir: aftahanc@hotmail.com
 


Nigeria ayaa bilowday in ay kala baxdo ciidamadeeda gobalka Bakassi.

Nigeria ayaa si rasmi ah u bilowday maanta in ay ciidamadeda kala baxdo gobalka Bakassi peninsula sida uu dhigayo heshiiskii ay go aamisay maxkamad caalami ah gobalkaasi oo qani ku ah saliida.

3,000 kun oo ciidamo nagirian ah aya ka bixi doona gobalkaasi Bakassi maalinta bari ah sida ay sheegen sarakaal u hadala ciidamada nigeria Gen: Brig Gen Felix Chukwuma.

June, President Olusegun Obasanjo ayaa sheegay in uu aqbalay goaankii ka soo baxay maxkamada caalamiga ah.

inta badan gobalka Bakkasi ayaa gacanta ugu jiray ciidamada nigeria iyaga oo gabi ahaana maamulayay gobalkaasi.

mid ka mid ah guruubada u dhaqdhaqaaqa gobalkaasi Bakassi in ay tahay wax lagu farxo madaxbanaanida gobalka islamar ahaantaana waxaan ka soo horjeedaa in gobalku uu hoostago xukuumada camaroon ayuu yiri nin u hadlay (Movement for Self Determination).

Shacabka ayaa ad ugu hadaaqayaya in ay tahay lagamamaarmaan in gobalka laga hirgaliyo xukuumada looguna magacdaro (Democratic Republic of Bakassi).

Sidoo kalena waxaa la rajaynayaa in ay kala baxaan ciidamadooda wadamada Germany, united state, united kingdom, frence oo iyana lashaacin doono marka ay labaxayaan ciidamadooda dhawaana laga saari doono gobalkaasi.

Gobalkaasi Bakassi ayaa waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamada nigeria iyo kuwa camaroon sanadkii 1990 ka hor int aysan labada dal ku heshiin in ay isula tagaan maxkamad caalami ah taasi oo go'aan ka gaadhay arimihii ay isu hayeen labada dal xalkeedana maanta a miro guranayo.

Mr Obasanjo ayaa ugu baaqay dadka dega gobalkaasi in ay sii wataa xasiloonidooda iyo nabada ay haystaan xataa hadii ay ka baxaan ciidamada nigeria.

Dadka dega gobalka Bakasii ayaa waxay yihiin dad dhaqan ahaan ka soo eeda camaroon islamar ahaantaana waa camarooniyaan dadkaasi, dhaqan, aff.

Bakassi waxa uu ku yaalaa gacan biyoodka Guinea, halkasoo ay 10% la rumaysan yahay in ay qani ku tahay saliida aduunka, sidoo kalna gobalkasi bakassi ayaa ku ah qani dhanka kaluumaysiga.

Sanadkii 2002 ayay go'aan ka gaadhay maxkamada caalamiga ah taasi oo sharci ahaa gobalkaasi bakassi raacisay xuduuda camaroon uguna baqday dhamaanba gumaystashu in ay ka baxaan gobal kaasi Bakassi, sanadkii 1913 ayaa waxaa gobalkaasi gacanta ku dhigay germany iyo united kingdom kuwaasi oo ilaa hada ay ciidamo ka joogaan balse ciidamada labadaa wadan ayaa waxaa aaada uga badan kuwa ay nigeria soo dul dhigtay kuwaasi oo hantiyaya gobalkaas maantana dib uga baxaya gobalka Bakasi oo sida la shegay hoos tagi doona xukuumada camaroon.

A/rizak koronto

Garowe puntland

 

Faafin: SomaliTalk.com Aug 9, 2006


Barnaamijkii Radio Xoriyo
08 Aug 2006
Dhoollatus uu sameeyay ciidanka xoreynta ee Cirjiidh oo guul ku dhammaaday.
 
Qabridaharre oo bandow ku jirta.
 
Shir Kililka loogu qabtay magaalada Jigjiga.
 
 Dad badan oo Diridhabo daad ku qaaday.
 
Dawladii ku meelgaadhka ahayd ee Soomaaliya oo la kala diray.
 
Shir ka dhacay Magaalada Bermingham ee U.K.
 
 
================================
 
 
Ciidan si gaar ah loo tababaray oo ka tirsan ciidammada xoreynta Ogaadeenya oo lagu magacaabo Ciidanka Cirjiidh ayaa toddobaadkii u denbeeyay dalka Ogaadeenya ka fuliyay dhoollatus ciidan, ka dib markuu u dhammaaday tababar in muddo ah u socday.
 
Ciidanka Cirjiidh ayaa dhoollatuskan ka fuliyay meelo ka mid ah dalka Ogaadeenya, arrintaasoo khalkhal iyo cabsi lixaad leh ku abuurtay guud ahaanba ciidammada gumaystada Itoobiya.
 
Ciidammada gumaysatada Itoobiya ayaa markii ay ka war-heleen dhoollatuska uu samaynayay Ciidanka Cirjiidh waxay abaabuleen ciidammo aad u fara badan oo ku hubaysan qalab tikniko ah oo kala duwan, isla markaana ay caawinayaan diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Helikobtarrada.
 
Ciidammada gumaysatada Itoobiya ee hawlgalkan ka qayb qaatay waxay ka kala yimaadeen gobollada Qorraxey iyo Doollo iyo magaalooyinka Godey iyo Harar, waxayna ujeeddadoodu ahayd inay fashiliyaan qorshaha dhoollatuska ee Ciidanka Cirjiidh ku guda-jiray, hase yeeshee ciidammada gumaysatada Itoobiya arrintaas way ku guul darraysteen, qorshihii dhoollatuskuna wuxuu ku dhammaaday guul iyo sidii loo qorsheeyay.
 
Dadwaynaha reer Ogaadeenya waxay farxad iyo raynrayn aad u wayn ku soo dhaweeyeen Ciidanka Cirjiidh ee dhoollatuskan fuliyay markuu tababarka soo dhammaystay. Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya waxay iyaduna rajaynaysaa in Ciidanka Cirjiidh uu wax badan ka baddali doono farsamooyinkii hawlgal ee ciidammada xoreynta Ogaadeenya ka wadeen dalka Ogaadeenya, taasoo soo dadajin doonta guulaha halganka Ogaadeenya.
 
Qabridaharre oo bandow ku jirta.
 
Wararka ka imanaya magaalada Qabridaharre ayaa sheegaya in magaaladu bandow ku jirto, isla markaana ay ciidamadii gumaysiga Itoobiya mamnuuceen in magaalada laga baxo ama la soo galo. Waxaa la joojiyay guud ahaanba isu socdkii, waxaana dadwaynaha iyo gaadiidkaba loo diiday inay magaalada ka baxaan ama soo galaan.
 
Arrintan ayaa ka denbaysay, ka dib markii ay ciidammada Wayaanuhu ka war-heleen dhoollatuskii Ciidanka Cirjiidh oo toddobaadkii ina dhaafay oo dhan ka socday dalka Ogaadeenya.
 
Waxay wararku sheegayaan in magaalada Qabridaharre ay ka baxeen ciidammo fara badan oo Wayaane ah, kuwaasoo u baxay dhinaca Goglo iyo Shilaabo.
 
Shir Kililka loogu qabtay magaalada Jigjiga.
 
Maalintii axadda ahayd waxaa magaalada Jigjiga shir degdeg ah loogu qabtay maamulka maqaar-saarka ah ee Jigjiga, waxaana shirkaas isugu yeedhay nin lagu magacaabo Tawalde oo u dhashay qowmiyadda Tigreega, kaasoo ka socday xafiiska kaligii taliye Meles Zenawi.
 
Shirkan ayaa la sheegayaa in lagu qiimaynayay hawlgalkii millarati ee ciidammada gumaystada Itoobiya ka billaabeen dalka Ogaadeenya daba-yaaqadii bishii Abriil ee sannadkan.
 
Qiimayntii lagu sameeyay hawlgalkaas millatari waxay noqotay in hawlgalkaas lagu guul darraystay oo xataa 20% ayna ka fulin sababihii loo qaaday, taasoo keentay in Tawalde uu si wayn ugu hanjabo maamulka maqaar-saarka ah ee Kililka, isla markaana eedda guul darrada iyaga dusha ka saaro.
 
Maamulka daba-dhilifka ah ee Jigjiga, oo ay caado u tahay inay iyagu is ashkateeyaan mar kastoo ay la kulmaan qof ka socda xukuumadda Itoobiya, ayaa shirka dhexdiisii ka billaabay is xagxagasho iyo mid waliba uu kan kale denbiyo ku soo oogo, taasoo keentay in qaar ka mid ah guddiga fulinta ee Kilil ku sheegga halkii xilka lagaga qaado, sida ninka lagu magacaabo Cali Kunaay.
 
Dad badan oo Diridhabo daad ku qaaday.
 
In ka badan 200 qof ayaa ku geeriyooday daadad xoog leh oo ku soo rogmaday magaalada Diridhaba maalintii axadda ahayd, iyadoo la sheegay in dadka daadadkan ku dhintay ay carruur badan ku jireen.

Daadadkan ayaa magaalada ku soo rogmayday, ka dib markii ay roobab lixaad ah ka da’een nawaaxiga magaalada Diridhaba, kuwaasoo keenay in Wabi magaalada agteeda mara uu ku soo fataho.
 
Daadadkan magaalada ku soo rogmaday waxay sidoo kale gaysteen khasaare badan oo dhinaca hantida ah, iyadoo qiyaastii 200 oo guri ay dumiyeen. Waxay wararku sheegayaan in daadadkani ay bara-kiciyeen qiyaastii 10,000 oo qof.
 
Maydadka dadka daadadkan ku geeriyooday waxaa intooda badan laga helay meesha lagu magacaabo Harawa. Ilaa hadda ma jiraan wax gargaar ah oo la gaadhsiiyey dadkaas masibadu ku habsatay.
 
Dawladii ku meelgaadhka ahayd ee Soomaaliya oo la kala diray.
 
Dawladii ku meelgaadhka ahayd ee Soomaaliya ayaa la kala diray, waxaana laga soo reebay ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi oo kaliya, kaasoo laga dalbay inuu toddobaad gudihii ku soo dhiso xukuumad kooban oo 31 wasiir oo kaliya ka kooban.
 
Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa hadal uu isniintii ka jeediyay xubnaha Baarlamaanka hortooda wuxuu ku sheegay in la soo dhisi doono xukuumad kooban oo ku salaysan qaabkii awood qaybsiga qabiilooyinka soomeeliyeed ee lagu soo jideeyay shirkii dib u-heshiisiinta soomaalida ee dawlada ku meelgaadhka ah lagu soo dhisay.
 
Madaxwaynuhu wuxuu kaloo sheegay in xukuumaddii hadda jirtay ayna waxba qabanin intii ay dhisnayd, wuxuuna sheegay in xukuumadda cusub marka ay seddexd bilood jirto ay Baarlamaanka u soo gudbin doonto waxqabadkeeda, haddii ay wax qaban waydana iyadana la kala diri doono.
 
Madaxwaynuhu wuxuu xubnaha Baarlamaanka ku boorriyay inay xukuumadda la xisaabtamaan oo wax ka ogaadaan dhaqaalaha dawlada soo gala iyo qaabka loo isticmaalo, arrintaasoo uu axdiga qaranku u oggolaanayo.
 
Khilaaf in muddo ahba u dhexeeyay madaxda sarsare ee dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay in hadda la soo afjaray, hadda wixii ka denbeeyana ay wadashaqayn fiican yeelan doonaan.
 
08 Aug 2006.
Axmed Gaal-Eri          
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

C/Laahi Yuusuf oo Geedi u Qabtay 7 Cisho in uu kusoo dhiso Xukuumad Cusub
»Beelaha Soomaaliyeed oo si weyn uga walwalsan Tirada..
»6-gaari oo Tikniko ah oo lagala wareegey Muuse Suudi..
»Sheekh Shariif oo amaray xariga Max’ed Xuseen Gudbaaye..
»Dowladdii Cali Geeddi oo la kala diray loona soo jeediyey..
»Dowladda Kasakhistaan oo si kulul u beenisay in Muqdisho
»Dad Soomaali ah oo lagu xirxiray magaalada Juba, Sudan
»Hadalkii C/laahi Yusuf ka jeediyey Baarlamaanka DFKMGS
Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI... Aug 8

»Sweden oo dib ugu celisay qaxootiga Ciraaq dalkooda

 


Dood-Cilmiyeed: Isbedelka Cusub ee Soomaaliya
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo raadka uu... Dhegeysi...

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD