SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

:::MAQAALKII CILMI:::
Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay?. WQ. A.D. Elmi.. Akhri
:::ASAD AADAN TURAABI:::
Haddii Banaanka laga helay, miyuusan u baahneyn gacan bini’aadannimo iyo Gargaar... AKHRI...
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji
:::DHACDO NAXDIN LEH:::
Cabdi Cali Siyaad “Argagixiso ayay igu tilmaameen, laakiin waxaan ogaaday in argagixisadu ay tahay  Dadkii falkaas ku kacay... Akhri...
:::SAFARKII MINNEAPOLIS:::
SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji
:JAWAABO: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |
::SH. MUXAMAD IDRIS::
SOOMAALIYA MAANTA IYO BERRII!
Ilaahay aan barino! WQ. Sh. Maxamed Idris
(XISBIGA) AAMUSANE GOORMUU AFKIISA FURI DOONAA!! :
SOCDAAL: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CALOOL XUMO: 1 | 2 | 3
MALAYSIA: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 |Shukran dhamaantiin
 

Wararkii: Aug 8, 2006

  • Beelaha Soomaaliyeed oo si weyn uga walwalsan Tirada wasiiradda..
  • 6-gaari oo Tikniko ah oo uu lahaa Muuse Suudi oo maxaakiimta gacanta ku soo dhigeen.
  • Sheekh Shariif oo amaray xariga Max’ed Xuseen Gudbaaye..
  • Dowladdii Cali Geeddi oo la kala diray loona soo jeediyey..
  • Dowladda Kasakhistaan oo si kulul u beenisay in ay Muqdisho geysey..
  • Dad Soomaali ah oo lagu xirxiray magaalada Juba ee  konfuta Sudan
  • Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha, Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMGS, oo ka hor hadleen Baarlamaanka Soomaaliya.
  • Dhegeyso: "Cali Maxamed Geeddi 7 cisho haku soo dhiso xukuumad cusub" C/Laahi Yuusuf

Beelaha Soomaaliyeed oo si weyn uga walwalsan Tirada wasiiradda..

Iyadoo Dowladdii lagu soo dhisay Magaalada Nayroobi ee Dalka kenya lagu qaybsday 4.5 in laga dhigo Golaha Wasiirada iyo golah Baarlamaanka ayaa hadda waxaa maalintii shalay ahayd Golaha Baarlmaanka loo sheegay in Dowladda uu soo dhisi doono Cali Max’ed Geeddi ay ka koobnaan doonto 31 wasiir, waana tiro aad u yar, marka la fiiryo Beelaha Soomaaliyed oo baaxadooda weyn tahay, hase yeeshee 4-ta beelood ee waaweyn, waxa ay middiiba heleysaa 7-Wasiir, halka Beelaha Isbahaysiga ay helayaan 3-wasiir.

Hadaba (haddii lagu dhaqmo qaabkii 4.5) Su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay 7-da wasiir ee ka soo aadeysa beesha Hawiye qaabka ay u qaybsan doonaan, tusaale Beesha Habargidir, waxaa ku soo aadi kara marka si sax ah loo qaybsado hal wasiir, beesha mudulood hal wasiir, halka Beesha Bahargidir ka haysatay ilaa iyo 6 Wasiir, sidoo kale Beesha Daarood ayaa iyana waxa ku soo aadeysa 7 wasiir, iyadoo beesha Majeertaan qayb ahan ka heli doonto hal Wasiir, halka ay markii hore ka heshay ilaa iyo 4 wasiir.

Haddaba Dowladda Cali Max’ed Geeddi waxaa looga fadhiyaa sidii ay u qancin lahayd Wasiiradaasi, balse ragga siyaasadda u dhuun daloola waxay sheegayaan in Cali Max’ed Geeddi uu siduu rabo u soo dhisi doono, maadaama markii hore Dowladdii Nayroobi ay xoogeeda lahaayeen qabqablayaasha dagaalka, iyadoo la og yahay in qabqablayaashii dagaalka maanta awoodoodii yaraatay kaddib markii Golaha Maxaakiimtu ay ka saareen magaalada Muqdisho.


Ku Duul Jubba Airways


6-gaari oo Tikniko ah oo uu lahaa Muuse Suudi oo maxaakiimta gacanta ku soo dhigeen.

Wararka naga soo gaaray Gobalka Sh/dhexe waxay sheegayaan in 6 gaari oo tikniko ah oo uu lahaa Muuse oo waayadan isku uruursanayay baadiyaha Gobalka Sh/dhexe ay shalay gacanta ku soo dhigeen Golaha Maxaakiimta, markii uu iska hor imaad ba’an dhex maray.

Lixdaan Gaari oo ka cararay Deegaanka Balcad ayaa mudooyinkaan lagu raad joogay, iyadoo ay doonayeen inay qalalaase iyo qas ka abuuraan deegano ka tirsan Gobalka Sh/dhexe.

Lixdaan Gaari oo labo ka mid ah yihiin Zuu, afarta kalana ay yihiin Dhashiikayaal, waxaana haatan lagu soo xareeyay Deegaanka Balcad.

Ciidankii Gaaridaa saarnaa ayaa ku kala firxaday baadiyaha Gobalka Sh/dhexe, iyado sidoo kale ay ka soo uruursadeen Maxaakiimtu maleeshiyadaasi ilaa iyo dhowr iyo 20 qori.

Sidoo kale ciidamo iyana ka baxsaday Jowhar taageerana u ahaa Max’ed Dheere ayaa la sheegay in iyana ay ku dhuumaaleysanayaan Deegaano ak tirsan Gobalka Sh/dhexe, waxaana ku raad jooga Golaha Maxaakiimta, inta badan Golaha Maxaakiimta, waxay gacanta ku dhigeen tiknikadii ay lahaayeen Isbahaysigii la magacbaxay la dagaalanka Argagixisada.

Sheekh Shariif oo amaray xariga Max’ed Xuseen Gudbaaye..

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa la sheegay in uu amray in la soo xiro Max’ed Xuseen Gudbaaye oo ka tirsanaa maamulka Degmada Balcad ee Gobalka Dh/dhexe, kaddib markii uu dacwad ka soo gudbiyay Macallin Xaashi oo ka mid ah Golaha Shuurada ee Golaha Maxaakiimta.

Gudbaaye oo shalay loo soo gudbiyay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu wax isdaba mariyay, iyadoo Gudbaaye ay habeen hore gurigiisa ugu galeen Ciidamo ka socda Golaha Maxaakiimta oo ku sugan Degmada Balcad.

Gudbaaye waxa uu ka mid ahaa raggii gacanta siiyay markii ay Maxaakiimtu gacanta ku dhigayeen Degmada Balcad, waxa uuna ahaa ninkii ugu horeeyay oo Tikniko kala fakada Muuse Suudi Yalaxow, gaarayna Degmada Afgooye.

Inkastoo aan si cad loo faahfaahin sabaha lagu soo xiray Max’ed Xuseen Gudbaaye, haddana waxaa la sheegay in uu ku soco baaritaan xoogan oo la xiriira waxyaabaha lagu soo eedeeyay Max’ed Xuseen Gudbaaye.

Dowladdii Cali Geeddi oo la kala diray loona soo jeediyey..

Halkan ka dhegeyso Hadalkii Madaxweyne C/laahi...

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in la kala diray dowladdii uu Ra’isul Wasaaraha ka ahaa Cali Max’ed Geeddi, iyadoo Madaxweyunuhu uu Ra’isul Wasaare Geeddi u soo jeediyay in Todobo maalmood gudahood uu ku soo dhiso Gole Wasiiro oo ka koobna 31 xubnood.

“Waa dhamaatay Dowladdii tiro badan ahayd, waxaa la soo dhisayaa Dowlad Tayo wanaagsan leh” ayuu yiri Madaxweynaha oo shalay la hadlayay Golaha Baarlamaanka oo uu u faahfaahinayay waxyaabihii ay ku heshiiyeen saddexda mas’uul ee ugu sareysa, waxa uuna meesha ka saaray in ay heshiisiiyay Dowladda Itoobiya.

“Qorshahan dib loogu habeynayo Dowladda, waxaa soo jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, isaga ayaana ka dambeeyay in sidaan wax loo wado” ayuu yiri Madaxweyn C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in Ra’isul Wasaare Geeddi uu mudo saddex bilood gudahood ah uu Golaha Baarlamaanka u soo gudbin doono.

Guddoomiyaha Baarla-maanka ayaa waxa uu sheegay in uu dhamaaday khilaafkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka, wixii haatan ka dambeeyana ay Dowladdu si wadajir u qabsan doonto howlaheeda.

Dowladda Kasakhistaan oo si kulul u beenisay in ay Muqdisho geysey..

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Dowladda Kasakhistaan ayaa si kulul loogu beeniyay in Dowladdaasi ay shixnado hub ah ay dhawaan keentay Magaalada Muqdisho, waxayna warkaasi ku tilmaantay mi daan sal iyo raad toona lahayn.

“Waxaan dhowreynaa cunaqabateynta hubka Soomaliya, mana doonayno in aan ku xadgudubno cunaqabateyntaas” ayaa lagu yiri warkaas cad ee ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kasakhistaan.

Waxay kaloo beenisay in Diyaaradda Muqdisho ka soo degtay ay lahayd Kasakhistaan.

“Calanka Kasakhistaan waa la yaqaanaa, calanka la soo bandhigayna ma ahan calankeenii, waa mid la soo been abuuray” ayaa lagu yiri hadalkaasi, oo lagu sheegay in wararkaasi ay faafiyeen rag doonaya in ay wax u dhimaan sharafta wadanka Kasakhistaan.

Dhawaan ayaa labo Diyaaradood ka soo degeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ilaa iyo haddana waxa ay sideen diyaaradahaasi lama faahfaahin, hase yeshee diyaaradahaasi ayaa la sheegay in ay soo kireysatay Dowladda Ereteriya oo la sheegay inay hub u siday golah Maxaakiimta.

Ciidamo iyo Tikniko aad u fara badan oo ka tirsan Maxaakiimta oo gaarey..

Ciidamo iyo Tikniko aad u fara badan oo ay leeyihiin Golaha maxaakiimta kana tagay Magaalada Muqdisho ayaa maalintii shalay ahayd gaaray Magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaasi loogu sameeyay soo dhaweyn aad u balaaran iyadoo uu horkacayay Guddoomiyaha golaha Shuurada Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Ciidankaasi waxa uu u badnaa Maxkamadda Islaamiga ah ee Furqaan, waxayna ku sii jeedaan Magaalada Gaalkacyo o la doonayo in Golaha Maxaakiimtu ay ka furaan Maxkamad islaami ah, hase yeeshee wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Gaalkacyo, waxay sheegayaan in iyana Ciidamo Punland ah ay si aad ah ugu sii qulqulayeen Magaaladaaasi, waxaana la sheegay inay doonayaan in ay ka hortgan Ciidamada Maxaakiimta oo Gaalkacyo ku sii siqaya, iyadoo Cabdi Qaybdiidna uu ciidamo ku uruurinayo Galdogob.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Dad Soomaali ah oo lagu xirxiray magaalada Juba ee  konfuta Sudan

 

Dadkan oo  lagu xirxiray Juba ee koonfurta Sudan ayaa Somali ganacsi ku heysatay magaladan wixii ka dambeyay December-tii sanadii hore dadkaan oo isuga jiro ganacsato dukaamo ku leh iyo kuwa qandaraaslayal ah iyo kuwa kale oo keena  saacadaha iyo mopel-kada xariga lagula kacay dadkan ayaa wuxuu bilaawday waabirigi  maalinimadii Jimcaha wuxuuna ahay mid sidii qafaal ah oo waxaa waxaa magalaada lagu soo si dayay dhowr baabuurta pick up  Land-Gruiser ah kuwaas oo ay la socdeyn rag dhar cad oo wato qoryaha fudud kuwaas oo loo yaqaano National Sucurity Force waxayna dadka u sheegayeen markii ay ugu imaadan goobahooda ganacsiga in ay raacan  si loo weydiiyo su’aalo yar . 

 

Hadaba arintaan waxay noqotay marki ugu horesay ay dhacday xarig nuucan oo kale ah ayadoo ay ku jiraan dadka la xir xiray kuwa kuwatay markaas lacag aad u fara badan oo ay oo sida la sheegay ay suura gal tahay in ay gaarto 50,000 $  shaqsiga lacagtaan watay waxa uu ahay ganacsade Petrol-ka keena waxa uu markas u socday dalka Kenya oo uu ka keeno shidaal-ka intaas kuma eka dadka ay jeebabkooda lacagta badan ku jirtay ee waxaa kalo kale jira dhowr qof oo aanan hada ogeyn wixii ay wadateen lakin la huba in lagu watay aygoo lacgtooda wato  waxaana la sheegayaa in tirada dadka la xirxiray ay gaarayaan ilaa 70 qof  hadii aan idinkaga sheego qaar ka mid ah waxa ay kala yihiin :

 

1. Maxamed Cabdi Adan   ( contractor of transporter)

2. C/raxmaan Axmed    (petroleum dealer )

3. Shido Axmed Cumar  (ganacsade )

 

   ragaan waa raga ugu waaweyn oo lagu hayo xabsiga dhaxe ee magaalada Juba  

 

    waxyaabaha loo maleyn karo in loo xirxiray

 

  1. ganacsi xoogan oo u dhaxeeyo somalida meeshas ku nool iyo dadka asal kooda carabta ka  soo jeedo ee dagan Juba
  2. sido kale in la la xariirinayo argagaxiso iyo in looga cabsoonayo arintaas  taasna waxaa noo xaqiijiya mar aan la kulmay masuul UNHCR-ta u shaqeyo oo deeganka u dhashay
  3. Diin iyo islaanimo

 Waa halkee Magaalada Juba

 

 Magaalada Juba waxay ku taala koonfurta dalka Sudan waana magalo 21 sano xarun u aheyn ciidanka xukumada Khartum meeshas oo laga hagayay  xoogaga Khartum dagaal-ka ay kula jireen jabhada SPLA oo uu madax u ahay John Garang oo shil diyaaraded ku geeriyoday sanadkii hore .

Magaaladan waxay  aheyn todobaatameyadii magaaloyinka ugu balaaran dhinaca ganacsiga Eest Africa lakin wuxu hal mar iftiinka ka tagay markii uu bilawday dagaalka sokeeye ee Sudan waxayna noqotay meel laga geedi guuro .

 Lakin hada waxaa keenay in lagu so laabto heshiiskii Nifasha oo ay kala saxiixdeyn labada  dhinac  somalidana waxay noqdeyn dadki ugu soo horeyay ee ku so yaaco si ay maalgashi ugu sameystaan magaalada baabuurta badan ee Juba

 Fahfaahin dheerad ah

 

tell 249122174271
 W/D Naafac Mohamed Omar (juqorafi ) Juba south Sudan
Email:
naafac1000@hotmail.com



Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha, Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMGS, oo maanta ka hor hadleen Baarlamaanka Soomaaliya.

Sadexda masuul ee ugu sareysa DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah shaaca uga qaadey heshiiskii ka soo baxay kulamadii lagu doonayey in lagu dhameeyo khilaafaadka u dhaxeeyey Madaxda ugu sareysa Dawlada Federaalka.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, R’isalwasaare Cali Max’ed Geedi ayaa maanta waxay khudbad ka hor jeediyeen Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ugu horeyn halkaasi hadal ka jeediyey ayaa wuxuu tibaaxay inay ku heshiiyeen sidii loo dhisi lahaa xukuumad tiro kooban oo gaareysa 31 wasiir, iyadoo loo qaybsanayo nidaamka 4.5 ee ay dhawaan wax ku qaybsanayeen Soomaalida.

C/laahi Yuusuf wuxuu khubadiisa ku sheegay in xiligan ay soo dhamaatey xiligii ay isku tiro dhawaadaan.

" Ma aqbali doono in dadka wasaaradaha maamulaya ay noqdaan dad aan u qalmin xilalka loo dhiibayo".

" Ma sii jiro doonto xiligan in ay jirto laba xukuumadooda oo hal Baaralaman yeesha"
" Tirada wasaaradaha la sameynayo waxa ay yeelan karaan wasiir iyo wasiir kuxigeen marka laga reebo wasaarado aan u aragno in aysan aheyn kuwo sidaasi aan muhiim u laheyn" ayuu yiri C/laahi Yuusuf oo sharaxaad ka bixinayey xukuumada la soo dhisayo.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ay khudbadiisa ka muuqatey xamaasad ayaa u muuqdey in uu faraxsanaa, waxaana uu sidoo kale carabka ku dhuftey in lala xisaabtamayo xukuumadda la dhisayo muddo 3 bil ka dib waxyaabaha ay soo qabatay.

"Waana in Baarlamanka uu 24 saacadba uu ula socdaa wax qabadka xukuumadda" ayuu ku yiri khudbadiisa Madaxweynaha.

Madaxweynahu wuxuu qirey mudadii ay jirtay xukuumadda Geedi ay la soo daristay wax qabad la'aan, walow uu tibaaxay in ay jireen daruufo adag oo ay xukuumadu ka dhaqaaqi wayday.

C/laahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu si gaar ah ugu amaaney heshiiskan iyo isfahamka la gaarey in uu ka dambeeyey Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo sheegay in fikirkii uu soo jeediyey Shariif Xasan ay qaateen isaga iyo Cali Max’ed Geedi.

Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariirf Xasan Sheekh Aadan oo isna hadal ka hor jeediyey Baarlamanka ayaa wuxuu ka codsadey Baarlamanka Soomaaliya inay u furaan shacbiga Soomaaliyeed xukuumada cusub ee la dhisayo, isla markaana aysan isku soo koobin golaha si fursad loo siiyo dadka aan xildhibaanada aheyn.

Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu tilmaamey in la is afgartey, isla markaana Ra’islawsaaraha DFKMG ah Soomaliya Cali Max’ed Geedi ayaa wuxuu intaasi raaciyey in loo baahan yahay sidii looga gudbi lahaa khilaafaadka, isla markaana loo turo shacabka.

Cali Max’ed Geedi wuxuu cadeeyey in loo baahan yahay sidii loo ilaalin lahaa dastuurka, iyo amaanka magaalladan Baydhabo.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf, Gudoomiye Shariif Xasan iyo Ra’isalwasaare Cali Max’ed khudbadahooda kuma aysan soo darin waxa laga yeelayo kulankii lagu wadey in uu dhexmaro Maxkamadaha Islaamiga ah iyo DFKMG ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Masuuliyiintan kama aysan hadlin in heshiiskan uu ka soo shaqeeyey Wasiirka Arimaha dibada ee Itoobiya Siyuum Musfin oo isagu Baydhabo u yimid sidii loo xalali lahaa khilaafka u dhaxeeya madaxda Dawlada Federaalka.

Abdifitah Ahmed
Baydhabo
abdifitahaam@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 8, 2006

Culuma-u-diinka Maamul Gobaleedka Puntland oo digniin u direy Cabdi Qaybdiid..
»Baydhabo: Xildhibaano ka xumaaday Wasiir Itoobiya ah oo..
»Itoobiya oo qabanqaabineysa kulan dhexmara Madaxda..
»Golaha Maxaakiimta oo DFKM ku tilmaamey mid ku shaqeysa
»Hay’ado Cambaareeyay Dilkii loo geystey..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI... Aug 7


Israel: Isreal oo markale ku gantay lebanon gantaalo  culus iyo weeraro aan kal go' lahayn.

A/rizak koronto
Garowe puntland

AUg 7, 2006: Qaraxyada ay isreal kuwado dalka lebanon ayaa isasoo taraya iyada oo ay gantaalo cusub ku tuurtay xadka ay la leedahay dalkaasi lebanon sidoo kalena isreal ayaa bartilmaadyo cusub ku riday gantaalo dooxada loo yaqaano Bakea oo kutaala waqooyiga dalkaasi leabanon ayay markii ugu horaysya kantaalo ku riday.

wararka laga helayo dalkaasi lebanon ayaa sheegaya in ay ku dhinteen dagaalkan saaka dad gaaraya 11 qof oo dhamaantood ah dad rayid ah  isreal ayaa kantaaladaan ku riday waqooyiga lebanon. 

Talaabadan ay isreal ku dhaqaaqday aya timid maalin kadib markii ay gantaalada xisbulah ku riday isreal ay ku dhinteen 15 qof oo ah askarta isreal sida laga soo xigtay saraakisha dalkaasi isreal.

Diplamasi ka tirsan UN ka ayaa ku baaqay in wadahadaladii xabad joojinta markale laga  dib loo furo lagana furo xarunta UN ka ee new york si loo gaaro heshiis xabad joojin ah islamarkaana xisbulaah hubka looga dhigo loona diro dalka lebanon ciidamo nabad ilaalina.

balse isreal ayaa maanta shaacisay in ay  ka baxayso dalkaasi lebanon sarkaal sare oo ka tirsan isreal ayaa  shaaciyay in isreal ay hada gaadhay guulihii ay ka lahayd xisbulaaah taasina ay suurtagali ka dhigayso in isreal ay kala baxdo ciidamadeeda koonfurta lebanon sii joogitanka askarta isrealna aysan wax macna ah keenayn mar hadii isreal ay gaadhay guulo waawayn sidaas waxaa shaaciyay sarkaal ka tirsan isreal.

hase ahaatee waxaa gaanshaaka u daruuray hadalkaas xisbullaah oo sheegtay in isreal aysan waxba ka bur burin islamarkaana ay sii wadayaan difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Xisbulaah ayaa hada ku jirta buuraha konfurta lebanon taasi oo suurta gal kadhigtay in isreal ay soo dhaafto koonfurta lebanon oo ay xisbulaah si wayn isaga caabisay.

In kabadan 900 oo lebanon ah ayaa ku geeriyooday dagaalka labada dhinac u dhexeeya  intoodabadnina dadkaasi waa shacab rayid ah halka 80 isreal  ahna ay ku dhinteen oo intooda badani ay yihiin askarta isreal.

dagaalka u dhexeeya labada dhinac ayaa ka bilowday 2 askari oo isreal ah oo ay xibulaah afduubatay 12 july. 

Dhinaca kalena waxaa maanta shir isugu imaanaya dalkasi lebanon caasimadiisa bairut hogaamiyayaasha carabta oo uu ku jiro caamir muusa  oo ah xog hayaha jaamacada carabta si ay uga wada xaajoodaan xaalada iminka ak taagan dalkaaasi lebanon.

tan iyo intii uu dagaalku ka qarxay dalkaasi kumaan kun oo qaxooti ah ayaa ka baxay una baxay dalalka dariska ah waana diradii ugu badnayd ee qaxooti dunida u baxday tan iyo wixii ka danbeeyay dagaalkii 2aad ee dunida soo maray.

intabadan qaxootiga dalkaasi lebanon ayaa  aaday dalka ay dariska yihiin ee suria.

A/rizak koronto
Garowe puntland


 

Dood-Cilmiyeed: Isbedelka Cusub ee Soomaaliya
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo raadka uu... Dhegeysi...

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD