SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

:::MAQAALKII CILMI:::
Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay?. WQ. A.D. Elmi.. Akhri
:::ASAD AADAN TURAABI:::
Haddii Banaanka laga helay, miyuusan u baahneyn gacan bini’aadannimo iyo Gargaar... AKHRI...
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji
:::DHACDO NAXDIN LEH:::
Cabdi Cali Siyaad “Argagixiso ayay igu tilmaameen, laakiin waxaan ogaaday in argagixisadu ay tahay  Dadkii falkaas ku kacay... Akhri...
:::SAFARKII MINNEAPOLIS:::
SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji
:JAWAABO: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |
::SH. MUXAMAD IDRIS::
SOOMAALIYA MAANTA IYO BERRII!
Ilaahay aan barino! WQ. Sh. Maxamed Idris
(XISBIGA) AAMUSANE GOORMUU AFKIISA FURI DOONAA!! :
SOCDAAL: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CALOOL XUMO: 1 | 2 | 3
MALAYSIA: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 |Shukran dhamaantiin
 

Wararka Aug 7, 2006

  • Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo si aaad ah uga Xumaadey..
  • Dowladda Itoobiya oo qabanqaabineysa kulan dhexmara Madaxda..
  • Golaha Maxaakiimta oo Dowladda Federaalka ku tilmaamey Mid ku shaqeysa Awaamiirta..
  • Culuma-u-diinka Maamul Gobaleedka Puntland oo digniin u direy Cabdi Qaybdiid..
  • Hay’ado Cambaareeyay Dilkii loo geystey..

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo si aaad ah uga Xumaadey..

Dhowr saacadood ayaa Wasiirka Arrimaha dibada ee Dowladda Itoobiya Musfin waxa uu ka shaqeynayay sidii uu u dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya Madaxweyne C/laahi Yuusuf, Gudoomiye Shariif Xasan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, waxaana la sheegay in Wasiirka ay ku adkaatay dhex dhexaadintaasi, hase yeeshee waqti dambe ayaa saddexda mas’uul ogolaadeen heshiis, hase yeshee, lama faahfaahin waxa uu ka koobnaa, waxaase qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlmaaanku ku tilmaameen ayaandaro in Mas’uuliyiin Soomaaliyed ay dhex dhexaadiso Dowladda Itoobiya oo ay ku tilmaameen in ay tahay Dowlad aan rabin in Somaaliya ay ka dhalato Dowlad.

“Waxay ahayd in saddexdooda inta ay isku yimaadaan ay wixii jira ee khilaaf ah xaliyaan, basle ma ahayn in nin Itoonbiyaan ah uu soo kala dhexgalo” ayay yiraahdeen Xildhibaanada Baarlamaanka, oo intaa raaciyay “waxaan hubnaa in heshiiska la heshiisiiyay saddexda mas’uul ee ugu sareysa dowladda uu yahay mid aan tiirar adag ku taagneyn”, waxayna u soo jeediyeen mas’uuliyiintaasi in ay isku tanaasulaan oo ay ka shaqeeyaan sidii qaranka Soomaaliyeed uu cagihiisa isugu taagi lahaa, sidoo kalana ay ka qayb-qaataan dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed. “Mudo labo sano ah ayaan ka khasaarinay shacabka Soomaaliyeed oo aanan waxba u qaban, ma waxaa dooneysaan in saddexda sano ee hartay aad u dhameysataan khilaaf iyo is jiidjiid’ ayay yiraahdeen Xildhibaanadaasi oo sheegay in Dowladda looga baahan in ay ka qaybgashoi gogosha ka fidsan Magaalada Khartuum si loo soo afjaro khilaafka u dhexeeya Dowladda iyo golaha Maxaakiimta Islaamiga ah.

Dowladda Itoobiya oo qabanqaabineysa kulan dhexmara Madaxda..

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay in ay qabanqaabineyso kulan ka dhaca magaalada Adis-Ababa oo ay isugu yimaadaan Madaxweynayaasha wadamada Igad soo looga wada hadlo arrimaha ka taagan Dalka Soomaaliya, iyadoo urur gobaleedka IGAD uu dhawaan codsaday in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin ah oo gacan siiyo Dowladda Federaalka.

Kulankaan ayaa dowladda Itoobiya waxay dooneysaa in Wadamada IGAD ay isku aragti ka qaataan arrimaha ka taagan Soomaaliya, iyadoo IGAD ay ku kala qaybsan tahay is bedelada cusub ee ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa laga yaabaa in aysan imaan wadamada Ereteriya iyo Jabuuti oo horey u sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya laga dhaafo faragelina ay ku hayaan qaar ka mid ah Wadamada IGAD.

Waxaa la og yahay in Ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale Dowladda Ereteriya ay shixnado hub ah soo gaarsiisay Golaha Maxaakiimta, inkastoo Dowladda Ereteriya ay beenisay wararkaasi.

Golaha Maxaakiimta oo Dowladda Federaalka ku tilmaamey Mid ku shaqeysa Awaamiirta..

Golaha maxaakiimta islaamiga ah ayaa ku tilmaamay Dowladda Federaalka mid u adeegta danaha Dowladda Itoobiya.

Sheekh Xasan Aweys oo ah Guddoomiyaha Golaha Shuurada ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka markii horaba ay dhistay Dowladda Itoobiya, isagoo sheegay in ay maanta qasab ku tahay Dowladda Federaalka in ay fuliso waxa ay Itoobiya rabto.

Sheekh Xasan waxa uu sheegay inuusan marnaba la xaajoon doonin Dowladda Federaalka inta ay daba ka Wado Itoobiya, isl markaana ciidmada Itoobiya ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

Dhawaan ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya waxa uu soo gaaray Magaalada Baydhabo si uu u heshiisiiyo xubnaha Dowladda Federaalka oo iyagu ku kala qaybsamay in ay isku afgaran waayeen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin sidii loola xaajoon lahaa Golaha maxaakiimta iyo iyagoo ku dagaalamay wixii qarashaad ahaa ee soo galay Dowladda federaalka mudadii labada sano ahayd ee ay jirtay.,

Culuma-u-diinka Maamul Gobaleedka Puntland oo digniin u direy Cabdi Qaybdiid..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal waxay sheegayaan in Culumad’u-diinka ku nool maamul gobaladkaasi ay ka digeen ciidamada lagu uruurinayo deegaana Galdogob kuwaas oo laga kala keenay deegaano ka tirsan Puntland iyo ciidamo uu wato Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ka mid ahaa isbahaysigii looga awood roonaaday Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa sababaha halkaasi loogu uruurinayo la sheegay inay tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah, oo qaarkood haatan soo degay deegaano ka tirsan Gobalada Mudug iyo Galguduud.

Cabdi Qaybdiid ayaa deegaanada Putland mas’uuliyiin ka tirsan ka dhaadhiciyay in si wadajir ah looga hortago ciidamada golaha Maxaakiimta, hase yeeshee Ciidamo waxay sheegeen in wixii dhibaato ah ee ka yimaada uruurinta ciidamadaai ay mas’uuliyeeda qaadi doonto ciddii ka dambeysay, waxayna taageereen is bedelka cusub ee ka dhacay gobalka Banaadir.

Hay’ado Cambaareeyay Dilkii loo geystey..

Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha ee Ismaaciil Jimcaale iyo Hay’adda nabadda iyo xaquuqda aadanaha ee Elman ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii loo gaystay Dr. Aweys Ciise Amiin oo dhawaan lagu dilay meel ku dhow Degmada Buurhakab waxayna ku tilmaameen dilkaasi mid ka baxsan shareecadda Islaamka, Dhaqanka Soomaalida iyo baaqa caalamiga ah ee Xaquuqda Aadanaha, waxay kaloo cambaareeyeen dilkii loo gaystay Cabdalla Deerow Isaaq oo isna dhawaan lagu dilay Baydhabo, waxayna maamulada halkaasi ka taliya ka codsadeen Hay’adahani in ay gacan ka gaystaan sidii loo soo qaban lahaa kuwii ka dambeeyay dilalkaasi si loo hor keeno sharciga, sidoo kale waxay cambaareeyay dilkii loo gaystay Ganacsade Max’ed Aadan Siyaad Ukurow oo dhawaan koox dabley ahi si xun u dhaawacday mar uu gelayay gurigiisa dhawaas oo uu u geeryooday, iyadoo marxuumka shalay lagu aasay Qabuuraha Al-Barakaat ee Magaalada Muqdisho ee Gobalka Banaadir.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | AUg 7, 2006


Madaxweynaha DFKMGS, Guddoomiyaha BFS iyo Ra'isul-wasaaraha XFKMGS oo kulankii gaar ah ku yeeshay Qasriga Madaxtooyadda ee Baydhabo.  

aUG 6, 2006: Afhayeenka Madaxtooyadda ee DFKMGS, Md. C/risaaq Aadan Xuseen, oo maanta Shir Jaraa'id ku qabtay Magaalladda Baydhabo, ayaa waxa uu maanta shaaca ka qaaday inay maanta kulan muhiim ah yeesheen Madaxweynaha DFKMGS , Md. C/llaahi Yuuusf Axmed, Guddoomiyaha BF, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra'isul-wasaare Cali Maxamed Geeddi.  

Afhayeenka, waxa uu tilmaamay inay Madaxdaasi ka wada hadleen arrimo xasaasi ah oo uusan Afhayeenku faahfaahinin, iyadoo kulankaasi yahay kii ugu horreyey oo ay si wadajir ah u yeeshaan, tan iyo markii la sheegay inuu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia, Ziyoum Mesfin xaliyey Khilaafkii u dhexeeyey Saddexda Mas'uul ee ugu tunka weyn ee DFKMGS.  

Dhinaca kale, Ra'isul-wasaare Cali Maxamed Geeddi, ayaa waxaa la filayaa inuu gelinka dambe ee maanta ku dhawaaqo Xubno cusub oo ka mid noqon doona Golihiisa Wasaaradda, waxayna Magacaabistan noqon doontaa tii labaad oo uu ku dhawaaqo tan iyo markii ay 40-Mas'uul isbuucii hore iska casileen Xukuumadd.  

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan inay Wafdigii ka socday Dowladda Ethiopia ku dhiirigeliyeen Ra'isul-wasaaraha DFKMGS inuu si degdeg ah u magacaabo Wasiirro buuxiya Jagooyinka ka bannaan Golaha Wasiirradda.

Abdifitah Ahmed
Baydhabo
abdifitahaam@hotmail.com

Wasiirka A/Dibada Itobiya oo Tegey Baydhabo
iyo Guddiga nadaafada & bilic soo celinta muqdisho oo lacag loogu deeqay... Wararka dhan.. AKhri.. Aug 6


Barre Hiiraale oo noqday wasiirkii 50-aad ee ka taga dowladdaa Geedi
»Minnesota, USA: $106,971 oo loogu Deeqay CSCM
»Yemen oo dooneysa in ay Badbadiso shirkii Khartuum..
»Cabasho ka soo yeertay Tuulooyin ka tirsan Sh/Hoose..
»Mowliid Macaane “Wasiirada is casilay marka hore....
»Xarunta wada hadalka iyo horumarinta oo lagu qabtay..
»Hay’adda Green Gate oo tababar u soo gebagabeysay 25..
»Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta oo u mahadceliyey..
»LONDON: MUDAHARAAD LOOGA SOO HORJEEDAY ETHOPIA
Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI... Aug 5


Dood-Cilmiyeed: Isbedelka Cusub ee Soomaaliya
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo raadka uu... Dhegeysi...

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD