SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII APRIL 16, 2006

  • Cirro: codkiina ku badasha waxtarka dadkiinii iyo dalkiinii hooyo

  • Dadweynaha ku nool Puntland oo codsaday Cadde Muuse uu is casilo..

  • Cadde Gaabow iyo wafdi uu hogaaminayo oo dhawaan la filayo in ay gaaraan Magaalada..

  • Maamulka Dekedda Ceel-Macaan oo sameynaya Doomo ilaaliya xeebaha ku Aadan dekedda  .

  • Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay falal xadgudubyo ah oo ka dhacay..

  •  Wasiiro iyo Xildhibaano gaaray Magaalada Baydhabo....

  • Shariif Xasan iyo Geeddi oo ka hadlay isu soo bax ka dhacay magaalada Baydhabo…

  • Guurtida Beelaha Isaaqa, Gedabuursi iyo Ciise oo sheegay in aysan aqoosaneyn shir ka dhacay…

  • Beesha Asharaaf oo lagu wareejiyay Tikniko horey loogu kala qabsaday ..


"Jaaliyadaha Soomaalida ee dibada ku nool  waa inay usaro kacaan sidii ay dawladaha ay la joogaan uga dhaadhicin lahaayeen wax tarka dawlada Federaalka Soomaaliyeed...."

(codkiina ku badasha waxtarka dadkiinii iyo dalkiinii hooyo) 

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Cabdixashi (Ciro) oo beryahan booqasho ku joogay dalka Ingiriiska ayaa martiqaad uu ka helay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Leicester ku tagay Arbacdii bishan April ay ahayd 13,2006. Xildhibaan Ciro ayaa ugu horayn halkaas kula  kulmay duqa magaaladaas Leicester Lord Mayor Of Leicester Miss Councillor Mary Draycott. waxayna ka wadleen arimaha jaaliyada ku nool degaankaas Leicester iyo sida ay gacan uga gaysan karto madaxda magaaladaas taageerida dawlada ku meelgaarka ee Soomaaliya. Madaxda magaaladu waxay balan qaadeen inay ka fakari doonaan wixii hada ka dambeeya waxa ay tari karaan dawlada ku meelgaarka iyo sida ay wax uwada qabsan karaan maadaama tiro badan oo Soomaali ah ay ku nooshahay degaankaas Leicester.

Duqa magaaldu waxay gudoonsiisey xildhibaan ciro buug ka sheekaynaya degaankaas iyo taariikhdiisa, waxayna uga mahadcelisay soo booqashadiisu uu soo booqday xafiiskeeda iyo gaar ahaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Leicester. 

Maalintaas galinkeedii dambe ayuu la kulmay xildhibaanku Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Leicester, wuxuuna uga warbixinyey xaalada dalku haatan ku sugan yahay iyo sida looga baahan yahay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool inaysan ku ekaan oo qura danahooda khaaska ah ee ay wax ka qabtaan xaalada dalka oo wixii gacan ah ee ay ka gaysan karaan ay ka gaystaan. “dawladu uma baahna taageero afka ah oo qura, waxaase la doonayaa in jaaliyadaha dibadu ay ku daraan taageero dhan walba leh oo ay ufidiyaan dawlada curdinka ah”.

Waxa ugu yar ood uqabankartaan dawlada hadaan idinku baraarujiyo waa idinkoo dalalka aad ku nooshihiin madaxdooda ka dhaadhicisaan in ay dawlada Soomaaliyeed ka taageeraan dhan walba, siyaasad, dhaqaale iyo wixii kaloo ay karaanba. Ninkii gurigiisa kaa soora nin dheh, kii  guri dadow kaa soorana nin karmeed dheh  ayey Soomaalidu ku maahmaahdaa. Waxaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool dhamaantoon aan ugu baaqayaa inay usoo jeestaan sidii ay dalalka ay  joogaan ugu soo jeedin lahayeen inay wax la qabtaan dawlada oo codka aad siinaysaan musharixiinta aad ku badalataan dhismaha dalkiina hooyo ee dhibaatadu ay idinka soo kaxaysay. 

Khudbadii warbixinta ahayd ee xildhibaanku siiyey jaalida kadib ayaa qaybo ka mida Jaalida intii markaas nasiibka uheshay ay waydiiyeen su’aalo dhawra, taasoo uu uga jawaabay xildhibaan Ciro iyagoo dadku ka soo dareeray iyagoo faraxsan oo aan beryahan ubaahnayn inay galaan internetka iyagoo wararka Soomaaliya raadinaya maadaama  ay si fiican uga bogteen wixii war ahaa ee jiray. Dad badan ayaa xildhibaanka ku dhiiri galiyey in dawladu yeelato bogg wararka laga helo, haday jiraan boggogaasna la horumariyo oo dadka la baro si war sugan dadku ay uga qaataan bogga dawlada intii boggaga qabaa’ilka ufuran dadku war ka qaadan lahaa. Xildhibaanka ayaa balan qaaday inuu warkaas gaarsiin doono dawlada waxna laga qaban doono dhanka xiriirka jaaliyadaha dibada iyo dawlada. Shirkii ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan  oo farxad leh.

 

Waxaa kulankaas waxaa soo qaban qaabiyey iskuna soo duba riday xubno ka tirsan ururka Soomali Community parents Association of Leicester,UK. 

Waxaa nasoo  gaarsiiyey  gudoomiyaha ururkan
Abdi Kayf  Bashiir Farah
Email: socopa@hotmail.co.uk


Dadweynaha ku nool Puntland oo codsaday Cadde Muuse uu is casilo..

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ee Maamul Gobaleedka Puntland waxay sheegayaan in dadweyne ku nool gobalkaasi ay ka codsadeen Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Cadde Muuse in uu deg deg isku casilo kaddib markii uu heshiis la galay shirkado maafiyo ah oo adduunka si weyn looga yaqaano kuwaas oo ay sheegeen in ay doonayaan in ay la baxaan kheyraadka gobalada Puntland.

Dadweynaha waxa ay sheegeen in Madaxweynuhu uu ku xadgudbay dastuurkii iyo axdigii Maamul Gobaleedka Puntland sidoo kale uu ku xadgudbay axdiga ku meel gaarka ah ee Dowladda Federaalka kaasoo sheegaya in maamul Gobaleedyadu aysan wax heshiis ah la gali Karin shirkado shisheeye. “Haddii shirkaduhu ay dhab ka tahay in ay u faa’iideeyaan shacabka Puntland maxay u soo mari waayeen Dowladda Federaalka” ayay yiraahdeen dadweynahaasi oo ka dalbaday Gen. Cadde Muuse in uu deg deg dalka uga saaro shirkadaha shisheeya ah ee ku soo qulqulaya gobalka, kuwaas oo ay sheegeen in ay doonayaan in ay xadaan kheyraadka Maamulka Gobaleedka Puntland.

Saddex deegaan oo ka tirsan Maamul Gobaleedka Puntland ayaa iyagana ka hor yimid shirkado shisheeye oo doonaya in ay la baxaan kheyraadka deegaanadooda, iyadoo dhawaan deegaanka Majiyahan uu ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyay ciidamo ka socday maamul Gobaleedka Puntland iyo ciidamo ka socday dadka deegaanka waxaana iska hor imaadkaasi ku dhintay dhowr qofood.

Is casilaadda ay u soo jeediyeen dadweynaha ku nool Maamul Gobaleedka Puntland waxaa ku raacsan aqoonyahano iyana ka soo jeeda gobaladaasi, oo iyagu horey u dalbaday in uu Cadde Muuse uu is casilo maadaama uu dhegaha ka fureysay rabitaankii shacabka Reer Puntland iyo waliba isagoo ku tuntay xeerkii ay degsadeen Maamul Gobaleedka Puntland.

Cadde Gaabow iyo wafdi uu hogaaminayo oo dhawaan la filayo in ay gaaraan Magaalada..

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Cadde (Gaabow) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in ay dhawaan u ambabaxaan Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay oo haatan ay degan tahay Dowladda Federaalka.

Cadde Gaabow ayaa waxaa uu kulamo la soo yeelan doonaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo ay isla soo qaadi doonaan xaaladda nabadgelyo ee Gobalka Banaadir iyo sidii ay dowladdu gacan uga gaysan lahayd dib u soo celinta nabadgelyada.

Sidoo kale Cadde Gaabowa waxa uu Dowladda Federaalka ka codsan doonaa dhaqaale dib loogu soo nooleeyo adeegyadii Gobalka iyo waliba sidii Dowladda ay uga qayb-qaadan lahayd dib u soo nooleynta Ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobalka waxaa kalloo uu kulan la yeelan doonaan Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan, iyadoo dhawaan Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Gobalka Banaadir Maxamuud Cumar Tootoow uu Magaalada Nairobi kulan kula soo yeeshay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, waxanaa kulankaasi la iskula soo qaaday sidii uu Ra’isul Wasaaruhu u aqoonsan lahaa maamula Gobalka Deegaanka ee Gobalka Banaadir, maadaama uu Ra’isul Wasaaruhu horey u soo magacaabay Cadde Gaabow, waxaase magacaabistii ka hor yimid xubnihii Dowladda ee ku sugnaa Magaalada Muqdisho.  


SAKARIYE: Waa Wiil ay Maskaxdiisu Banaanka taal una baahan Gargaar isaga iyo Qoyskiisa 

Markey taariikhdu ahayd April 12, 2006 ayaan booqday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho si aan u soo eego xaaladda ay ku sugan yihiin  dadkii ku dhaawacmay Dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho, ee u dhexeeyey kooxihii isku magacaabay la dagaalanka Argagixisada iyo Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho, waxa uuna dagaalkaasi saameeyey dadka dan yarta ee ku nool Magaalada, Akhri...


Maamulka Dekedda Ceel-Macaan oo sameynaya Doomo ilaaliya xeebaha ku Aadan dekedda  .

Iyadoo uu sii kordhayo afduubka Maraakiibta badeecoo-yinka keena dekedda Ceel-Macaan ayaa maamulka Dekeddaasi waxa uu qorsheynayaa sidii uu gacan uga gaysan lahaa ammaanka Maraakiibta ganacsiga u imaanyesa dekeddaasi waxaana lagu waramay in maamul uu soo wato dhowr Doonyood oo kuwa dheereeya ah kuwaas oo la sheegay in lagu rakibi doono qoryo casri ah oo lagula dagaalamo kooxaha burcadda ah ee Badda ka qowleysata.

Doonyahaas ayaa waxay ilaalin doonaan ilaa iyo dhowr boqol oo Kiilo Mitir, waxaana la sheegay in Doonyahaasi ay Maraakiibta ka soo galbi doonaan badweynta siday u soo gaarsiiyaan xeeba, sidoo kale waxay horey u sii wadi doonaan maraakiibtaas markay rarka dejiyaan ilaa ay ka gaaraan Badweynta.

Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay falal xadgudubyo ah oo ka dhacay..

Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Ismaaciil Jimcaale ayaa cambaareysay falal xadgudub ah oo ka dhacay qaar ka mid ah gobalada dalka, waxaana ka mid ahaa Saynab Cumar Barre oo 12-kii Bishii April lagu dilay Magaalad Kismaayo, weerarkii lagu qaaday Ha’adda DBG laguna dilay mid ka mid ah shaqaalaheeda oo lagu magacaabo C/qaadir Ciisr Fara-Cadde lagu dhaawacay kuwo kale, waxa uuna falkaasi dhacay 10/4/2006, weerarkii 9-kii Bishan isna lagu qaaday hay’adda WFP raashin mucaawino ah oo ay waday dadka ay abaaruhu waxyeeladu ka soo gaartay, sidii kale waxa ay walwal ka muujisay afduubkii lagula kacay C/raxmaan Maxamuud C/Baari oo 12-kii Bishii April laga afduubtay dugsigii uu dhiganayay ee Fatxu-Raxmaan waxayna dhamaan falalkaasi Ha’addu ay ku tilmaantay kuwo ka baxsan shareecadda Islaamka, Xeerka soo jireenka Soomaalida iyo baaqa caalamiga ah ee Xaquuqda Aadanaha, waxayna Hay’addu sheegtay in kuwo xadgudubyada gaysanaya mar un lala xisaabtami doono, waxaana ku saxiixnaa gudoonka xarunta Maryan Owreeye.  

 Wasiiro iyo Xildhibaano gaaray Magaalada Baydhabo....

Shalay ayaa waxaa gaaray Magaalada Baydhabo wafdi isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano oo ay ka mid yihiin wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato, Wasiirka horumarinta reer Miyiga Max’ed Maxamuud Guuleed (Gacma-Dheere) iyo Xildhibaano iyo Wasiiro kale.

Mas’uuliintaan oo in mudo ah howlo nabadeyn ah ka waday Gobalada Mudug iyo Galguduud  oo ay horey ugu dagaalameen beelaha ay ka dhasheeen ayaa ka soo kicitimay Magaalada Gaalkacyo kaddib markii ay soo xaliyeen inta badan mashaakilaadkii u dhexeeyay labada beelood, waxayna ku guuleysteen in ay kala qaadaan ciidmaadii isku hor fadhiyay deegaanka ay dagaaladu ka dhaceen oo ay ugu horeeyeen deegaanka Gelinsoor ee Gobalka Galguduud iyo Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Markii ay soo gaareen shalay xildhibanaadaani Magaalada Baydhabo ayaa waxay kulamo la yeesheen mas’uuliyiinta sarsare ee Dowladda oo ay uga warbixiyeen halka ay mareyso howlihii dib u heshiisiinta ee ay mudada ku maqnaayeen iyagoo u sheegay madaxda Dowladda in inta badan ay xaliyeen waxyaabihii colaaddda keenay, haddana ay ku soo dhaafeen Odoyaal, Aqoonyahano iyo Waxgarad ka soo jeeda labada beelood si ay u dhameystiraan waxyaabaha ka dhiman heshiiska. 

Shariif Xasan iyo Geeddi oo ka hadlay isu soo bax ka dhacay magaalada Baydhabo…

Shalay ayaa waxaa Magaalada Baydhabo ka dhacay isku soo bax nabadeed oo lagu soo dhaweynayay baaqii dhawaan ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta sarsare ee Dowladda sida Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay wehliyeen mas’uuliyiinta Dowladda ugu jira Beelaha  Digil iyo Mirifle sidii wax looga qaban lahaa ammaanka Magaalada Baydhabo isla markaana loo maareyn lahaa qulqulatooyinka ka dhacaya Magaalada gudaheeda oo ay gaysanayaan maleeshiyooyinka hubeysan.

Banaanbaxaas oo ay ka qaybgaleen madaxda Dowladda, Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka soo jeeda Gobalka Bay ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo sheegay in ay tahay waxaan laga korkortami Karin in gacan bir ah lagu qabto amniga Maagaalada Baydhabo, isla markaana loo baahan yahay in gacan sare la siiyo nabadgelyada, sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo insa cod dheer ku ayiday in ay lagama maarmaan tahay in la helo kala dambeyn iyo maamul taabagal ah oo nabadgelyada ku soo celiya Magaalada Baydhabo oo ay Dowladdu si ku meel gaar ah ay u degan tahay. 

Dhawaan ayaa waxaa kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo mas’uuliyiinta Digil iyo Mirifle iyo Saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda taasoo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu u qabaty mas’uuliyiinta Digil iyo Mirifle in ay mudo 15 maalmood ah maamul taabagal ugu dhisaan Magaalada, haddii kale la qasbi doono.

Guurtida Beelaha Isaaqa, Gedabuursi iyo Ciise oo sheegay in aysan aqoosaneyn shir ka dhacay…

Guurtida Beelaha Isaaqa, Gedabuursi iyo Ciise waxay u sheegayaan Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee Koonfurta aysan marnba aqoonsaneyn wixii ka soo baxay shirkii ka dhacay Jaamacadda Xamar 13-kii Bishan, waxayna shirkaasi ku tilmaameen mid lagu dhisayo Gobalada Koonfureed awood qaybsigooda, kuwa Waqooyina lagu burburinayo sidii shirarkii hore ee Carta iyo Nairobi, Soomaalidu waxay tiraahdaa “Anigoo awalba ooy rabay ayaa Sac igu joogsaday”.

Waxay sheegeen in shirkii Carta iyo kii Nairobi uu hoos u sii dhacayay saamiga xagga tirada ay lahaayeen Gobalada Waqooyi, waxayna gaartay 18.9%, Gobalada Koonfureedna waxay ka heleen 81-1%, waxaana ugu dambeyntii Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ugu baaqeynaa in ay ka digtoonaadaan arrimaha sii kala fogeynaya beelaha Soomaaliyeed, waxaana qoraalkaan na soo gaarsiiyay Guurtida dhaqanka beelaha Isaaq Ismaaciil Max’ed Cumar (Caano Geel).

Beesha Asharaaf oo lagu wareejiyay Tikniko horey loogu kala qabsaday ..

Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee Gobalka Bakool waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd Odoyaal ka socday beesha Asharaaf lagu wareejiyay labo tikniko ah oo horey loogu kala qabsaday dagaaladii ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Bakool.

Tiknikadan la wareejiyay ayaa waxaa lahaa mid ka mid ah Wasiirada Dowladda Federaalka waxaana arrintaan ka soo shaqeeyay Odoyaal ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle waxay qayb ka tahay dib u heshiisiin guud oo la doonayo in la dhex dhigo Beelaha Raxanweyn.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Beesha Asharaaf ay sii wareejiso tiknikadaasi kuna wareejiso beeshii horey lahayd.

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Waftigii JWXO oo la kulmay masuuliyiin Maraykan ah.
 
  Wafti sare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa muddooyinkii denbaba booqasho ku joogay dalak Maraykanka. Waftigan, oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee JWXO Maxamed Ismaaciil Cumar, wuxuu magaala madaxda Maraykanka ee Washington gaadhay afartii bishan April, wuxuuna muddadii uu halkaas ku sugnaa la kulmay masuuliyiin kala duwan oo Maraykan ah.
 
Waftigu wuxuu la kulmay Mark Kennedy, oo ah xildhibaan ka tirsan Kongarayska Maraykanka, kaasoo waftiga JWXO ku qaabilay Aqalka Barlamaanka. Waftigu wuxuu si qoddo-dheer xildhibaankan ugu sharaxay, xaqa uu shacabka Ogaadeenya u leeyahay Aayo-ka-talintiisa iyo dhibaatada aan kala go’a lahayn ee gumaysiga Itoobiya ku hayo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya.

Waftigu wuxuu sidoo kale la kulmay 10-kii bishan April ku xigeenka madaxa qaybta Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, kaasoo ay isla soo qaadeen arrimo badan oo ku saabsan qadiyada Ogaadeenya iyo guud ahaanba gobolka Geeska Afrika. Warbixinta kulannadan oo faahfaahsan waxaad ku maqli doontaan barnaamijyada soo socda.

Radio Xorriyo

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2006



Sawirkan waa burburka dhismihii Baarlamaanka hore ee Soomaaliya, (Sawir qaade: Muuse Maxamuud Jiisow, 2006)
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya


ISha saiwkan: www.swan.ac.uk
Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo Maraykanka kula Taliyey in uusan Taageerin Qabqablayaasha Dagaalka Soomaaliyeed
  • Aqoonyahano Somali American ah oo Warqad Cabasho ah u Gudbiyey Sen. Norm Coleman .....

Minnesota, USA April 14, 2006

Shalay oo ay bisha April ahayd 13 waxaa xafiiska Senator Norm Coleman booqasho ku tagay aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka cabanaya warar sheegaya in dawladda Maraykanka taageero siisay dagaal oogayaal Soomaaliyeed.


Senator Coleman

Aqoonyahanadaasi waxay xafiiska senatoorka (St. Paul, Minnesota) u gudbiyeen warqad cabasho ah oo ay ku muujinayaan dhibaatada ay geeysteen dagaal oogayaasha kuwaas oo hub culus la dhacay caruur iyo maati badan ayadoo uu socdo qax iyo barakac meelo ka tirsan Muqdisho.

Aqoonyahanadaasi oo kala ah Dr. Cabdulqaadir Aadan iyo Drs. Zainab Xassan, Drs. Xaliimo Yarey, iyo Gabyaa Cusmaan Ducaale waxay sheegeen in isbahaysiga sheeganaya inay "argaggixiso" la dagaalayaan in ay ayaga naftigooda argaggax ku hayeen shacabka Soomaaliyeed muddo 16 sano ah.

Aqoonyahanadu waxay sheegeen in haddii ay dawladda maraykanka la safato dagaal oogayaasha oo ka weecato dawladda sida sharciga loo soo doortay ee ku meel gaarka ay noqon doonto qalad weyn iyo kala dilka labada shacab ee saaxiibada ah waa Soomaalida iyo shacabka maraykanka.

Aqoonyahanada waxay Senatoor Coleman oo ka mid ah guddiga arrimaha dibadda oo ansixiya kharashka dawladda, madaxna ka ah guddiga baarista iyo dabagalka senate, ka codsadeen inuu baaritaan ku sameeyo warar sheegaya in dawladda Maraykanka hub iyo saanad siisey dagaal oogayaasha kuwaas oo loo isticmaali karo in lagu laayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Aqoonyahanada waxay senatoorka kula taliyeen in dawladda Maraykanka taageerto demoqraadiyadda iyo dawladda Soomaaliyeed intii ay taageeri lahayd dagaal ooheyaal.

Websiteka Senator Coleman: http://coleman.senate.gov/

Waxaa soo tebiyey:
Cali Cigaal
egal777@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2006

AP oo Saxday War ay Hore u sheegtay::

Wakaaladda wararka ee AP (Associated Press) ayaa ka laabatay warkii ahaa in Sarakaal Maraykan ah uu sheegay in Maraykanku ay taageerayaan maleysiyada Soomaaliyeed ee la dagaalamaya Islaamka Xagjira, waa sida warku u dhigay'e, oo ku dagaalamaya gacan ku haynta Caasimada Wadanka aan Sharcigu ka jirin. Waxana ay wakaaladda AP sheegtay in ay warbixintaas si khalad ah usoo werisey, warkaas oo ay markii hore daabacday April 9, 2006, waxa ay saxday April 12, 2006.  Waxana ay wakaaladda AP tiri: XAQIIQADII, Sarkaalku waxa uu yiri waxa keliya oo Maraykanku la kulmay waa hoggaamiyayaal Soomaaliyeed oo aad u kala duwan si la isugu dayo in dalka lagala dagaalamo Argagixisada Caalamig ah... Qoraalkii AP ay arrintaas ku saxday hoos ka akhri isagoo af ingiriisi ah iyo isha warka.


Correction: Somalia-New-War Story

By Associated Press
9:14 AM PDT, April 12, 2006

NAIROBI, Kenya -- In an April 9 story about U.S. involvement in Somalia, The Associated Press erroneously reported that a U.S. official said the United States was backing Somali militants fighting Islamic extremists for control of the lawless nation's capital. In fact, the official said only that the U.S. had met with a wide variety of Somali leaders in an effort to fight international terrorists in the country.

Source: AP website: http://hosted.ap.org/dynamic/stories/S/SOMALIA_NEW_WAR_CORRECTIVE?SITE=OHDEF&SECTION=HOME&TEMPLATE=DEFAULT
and Yahoo News: http://news.yahoo.com/s/ap/20060412/ap_on_re_af/somalia_new_war_corrective_1
and  http://www.latimes.com