SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SAKARIYE: Waa Wiil ay Maskaxdiisu Banaanka taal una baahan Gargaar isaga iyo Qoyskiisa 

Markey taariikhdu ahayd April 12, 2006 ayaan booqday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho si aan u soo eego xaaladda ay ku sugan yihiin  dadkii ku dhaawacmay Dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho, ee u dhexeeyey kooxihii isku magacaabay la dagaalanka Argagixisada iyo Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho, waxa uuna dagaalkaasi saameeyey dadka dan yarta ee ku nool Magaalada,

Dareenkaygu waxa uu kacay markay indhahaygu qabteen wiil 12-jir ah oo ay maskaxdiisu muuqato markii uu Hoobiye ku dhacay Dugsi Quraan oo uu dhiganayey kuna yaalay Xaafadda Buula Xuubeey ee Degmada Madiina Taariikhdu markey ahayd 20-kii Febaraayo ee sanadkaan. 

Wiilkaaan oo lagu magacaaabo Sakariye Macalin Maxamed ayaa waxaa ag dhoobnaa Hooyadiish, Aabihiis iyo walaalihiis kuwaas oo si aad ah uga murugaysnaa dhaawaca halista ah ee wiilkooda  ka gaaray Madaxa, waa qoys aan awoodin inay wiilkoodo la tacaalaan  ama awood u leh inay u qaadaan dhaqtar dibadda ah, waa qoys sabool ah oo u qaybsami waayey Guriga iyo Isbitaalka, oo waxay dantu kaliftay inay Isbitaalka wada joogaan ka dib markii uu sidaasi u ogolaaday Maamulka Isbitaalka.

Hooyo Khadiijo Maye oo ah Hooyadii dhashay wiilkan yar ayaa ilini ka socotay markii aan eegayey xaaladda wiilkooda markaas ayaan waxaan ku iri  anigu wax awood ah uma hayo laakiin walaalahaaga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayaan qaylo dhaantaada gaarsiinaya si wiilkaagu u helo gargaar deg deg ah, maadaama dadka Soomaaliyeed ay u soo jeesteen inay is caawiyaan ayna gacan siiyaan shacabka iyo walaalahooda dhibaataysan. 


Aabbe Macallin Maxamed waa Aabbihii dhalay wiilkaan yar waxaan waydiiyey sida ay tahay xaaladda wiilkiisa waxa uuna ku jawaabay “ILAAH baa u maqan balse waxaan rajo ka qabaa walaalahayga Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha inay il naxariis leh ku eegaan wiilkayga”. 

Haddaba su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay “Yaa qaadaya masuuliyadda  sakariye iyo inta la midka ah ee waxyeeladu ka soo gaartay dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo kuwii  horey u dhacay”. 

Dr. Maxamed Yuusuf  oo ka mid ah dhaqaatiirta ka howl gasha Isbitaalka Madiina ayaan wax ka waydiiyey xaaladda wiilka waxa uuna ii sheegay in haddii uu helo gargaar dibadeed oo Caafimaad uu ka kici karo dhaawacaasi ka soo gaaray madaxa, waxa uu sheegay in madaxa uu uga jiro firir Hoobiye isagoo intaas raaciyey in aan waxba looga qaban Karin dalka gudihiisa.   

Haddaba  Qoyskaan oo ah qoys ka soo jeeda Beelaha laga tirada badan yahay ciddii doonaysa inay u gargaarto ama ay caawiso waxay kala soo xariiri karaan. 

Tel: 252-1-532494 / 252-1-655533
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com
amiinkhasaaro@yahoo.com
Muqdisho-Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2006