SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKA: April 13, 2006

  • Xiisad la xiriirta Ciidamo ka yimid Puntland oo...
  • C/llaahi Yuusuf, Shariif Xasan iyo Geeddi oo maanta..
  • Prof. Geeddi oo maanta magacaabaya Safiiro iyo Agaasimayaal…
  • Xildhibaan Xaabsade oo lagu cadaadinayo in uu maamul u sameeyo…
  • C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo kulan xasaasi..
  • Ururka Qareenada Soomaaliyeed oo u aqoonsadey Nootayada...

Xiisad la xiriirta Ciidamo ka yimid Puntland oo...

Xildhibaan Cabdirashiid Ciro: Xul ma Nihin ee Xal baanu Nahay

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed CabdiXaashi (Ciro) oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo booqasho dhawaan ku yimid Aarhus,Denmark ayaa maalintii Jimcaha bishuna ahayd April 7,2006 la kulmay madaxda gobolka oo uu ugu horeeyey Nicolai Wammen oo ah duqa magaalada Aarhus oo isagu xafiiskiisa ku qaabilay. Guji...

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Bakool waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad aad u daran kaddib markii ciidamo ka yimid Puntland ay shalay soo gaareen Gobalka Bakool, kuwaasoo watay 9 Gaari oo Tikniko ah, waxayna ka koobnaayeen 400 oo askari.

Ciidankaan oo ka soo galay dhinaca Qurax Joome ayaa waxa ay soo mareen dhul aad u balaaran, waxayna soo socdeen mudo dhowr maalmood, waxaa kalloo la sheegay in ay xitaa ay soo mareen gudaha dalka Itoobiya.

Ciidankaan ayaa imaanshihiisa waxa uu xiisad ka abuuray Gobalka Bakool, waxaana shalay la dareemayay dhaqdhaqaaq ciidan oo ay sameynayeen dadweynaha deegaanka, oo ay uga soo hor-jeedaan imaanashaha ciidankaasi.

Odoyaasha deegaanka ayaa waxay ku andacoonayaan in aysan la soo wargelin imaanshaha ciidankaasi ee gobalka Bakool, iyadoo horey gobalkaasi u joogeen ilaa iyo 900 oo Askari oo ah ciidamadii laga keenay xerada Kongo ee Gobalka Sh/dhexe.

Gobalka Bakool waxaa horey uga taagnaa xiisad la xiriirtay nin ay horey ugu dileen ciidamada Puntland hase yeeshee waxaa arrintaasi dhex galay wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka soo jeeda Gobalka Bakool, sidoo kale waxaa xiisadda sii xoojiyay Markii Magaalada Baydhabo ay ka dhaceen dhowr shil oo la xiriira Ciidamada Puntland oo ay isku dhaceen maleeshiyooyin ka tirsan dadka Deegaanka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka kana tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxa uu sheegay in haddii aysan dowladdu maareyn Ciidamada Puntland ay keeni karto in ay isku dhacaan dadka deegaanka.

C/llaahi Yuusuf, Shariif Xasan iyo Geeddi oo maanta..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’isul Cali Max’ed Geeddi ayaa maanta la filayaa in ay ku kulmaan Magaalada Baydhabo, waxaana la sheegay in kulankoodu uu noqon doono sidii ay dowladdu wax horumar ugu talaabsan lahayd maadaama hal sano iyo bar ay ku jirtay khilaaf iyo is jiidjiid tasoo keentay in Dowladdu ay kala degto Muqdisho iyo Jowhar. Madaxweyne C/llaahi ayaa waxa uu doonayaa in uu Ra’isul Wasaaraha ka dhaadhicyo sidii uu Baarlamaanka u hortagi lahaa una hor dhigi lahaa qorshayaasha dowladda, wixii u qabsoomay mudadii ay Dowladdu jirtay iyo mustaqbalka waxa ay Dowladdu damacsan tahay. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maalmahan waxaa soo gaaryay qoraalo looga dalbanayo in Dowladdu ay soo gudbiso qorshayaasheeda, hase yeeshee qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku hanjabay in dib isaga laaban doono Magaalada Baydhabo, maadaama aysan wax howl ah aysan ka hayn Magaalada, qaarkoodna waxa ay sheegeenba in ay howlahoodii soo dayaceen.

Maanta ayaa la filayaa in Ra’isul Wasaare Geedi uu si dhaqsi leh ula kulmo si ay iskula meel dhigaan waxa ay horgeyn lahaayeen Golaha Baarlamaanka, oo isagu aad ugu dhararaya howlaha ay Dowladdu qabatay. Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Ra’isul Wasaare Geedi ku eedeeyay in uu ka meermeerayo in Golaha Baarlamaanka uu soo hordhigo wixii ay Dowladdu qabatay mudadii ay jirtay, sidoo kale qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa iyagu qaba in gebi ahaanba la baabi’iyo wixii Cali Max’ed Geedi uu magacaabayu oo xilal ahaa tan iyo intii ay Dowladdu ku kala sugneyd Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Prof. Geeddi oo maanta magacaabaya Safiiro iyo Agaasimayaal…

Axmed Nuur oo noqday Musharixii Tobnaad oo isu soo taaga xilka Guddoomiye ku Xigeenimada ee Xiriirka K/cagta..

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ayaa markiiba ka qaybgalay xaflad lagu xusayay sanadguuradii 46-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Warar aanu ka helnay Madaxtoonyada Dowladda ayaa waxay sheegayan in Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi uu magacaabi doono maanta Safiiro, Agaasimayaal, Maareeyayaal iyo Wasiiro ku xigeeno iyo walibana Hay’adaha Qaranka.

Ra’isul Wasaare Geedi ayaa la sheegay in uu mudo la tashi ka sameenayay xilalka uu maanta magacaabayo, wuxuuna si gaar ah ugala tashaday arrintaani Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Ra’isul Wasaaraha ayaa hoary u magacaabay dhowr Safiiro iyo Agaasimayaal, hase yeeshee waxaa arrintaani ka hor yimid qaar ka mid ah Xildhibaanada Baaarlamanka oo sheegay in magacaabistaasi loo baahan yahay in dib loogu laabto maadaama Dowladdu ay u kala qaybsaneyd Muqdisho iyo Jowhar

Xildhibaan Xaabsade oo lagu cadaadinayo in uu maamul u sameeyo…

Mas’uuliyiinta sarsare ee Dowladda ayaa waxa ay Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade ku cadaadinayaan sidii uu maamul ugu sameyn lahaa Magaalada Baydhabo maadaama ay baryahan ka jirtay nabadgelyo xumo aad u baahsan taasoo saameyn ku yeelatay deganaashihii Dowladda Federaalka ee Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxa uu kulan la yeeshay Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Baydhabo iyo sidii maamul waaxyihiisa wata loogu sameyn lahaa iyo sidoo kale sidii loo magacaabi lahaa taliyaha ciidanka Booliiska ee Gobalka, waxaana la sheegay in Max’ed Ibraahim Xaabsade uu ka aqbalay guddoomiyaha arrintaasi uuna u howlgali doono sidii maamul loogu sameyn lahaa Magaalada Baydhabo oo haatan ay si ku meel gaar ah u degan tahay Dowladda Federaalka, sidoo kale shacabka Magaalada Baydhabo ayaa iyagana si aad ah u doonaya sidii maamul loogu sameyn lahaa Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo kulan xasaasi..

Maalintii shalay ahayd ayaa halka uu degan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxa kulan ku yeeshay Madaxweynaha iyo Guddoomi-yaha Baarlamaanka, iyadoo kulankaani uu ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen isla markaana xasaasi ahaa ayaan la ogeyn waxyaabihii looga hadlay hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in labada mas’uul ay uga hadleen jahwareerka Dowladda ka haysta Gobalada Bay iyo Bakool, kaddib markii Magaalada Baydhabo ay soo buuxiyeen kooxo maleeshiyo ah, sidoo kale waxaa la sheegayin looga hadlay isku dhacyadii dhex maray ciidamadii laga keenay Puntland iyo Maleeshiyooyin ka tirsan Gobalka Bay.

Madaxweynaha ayaa waxa uu doonayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka dhaadhicyo sidii loo adkeyn lahaa ammaanka Magaalada Baydhabo oo maalmihii la soo dhaafay faraha ka sii baxyaya iyo waliba sidii dardar loo gelin lahaa howlaha Dowladda Federaalka gaar ahaan Xukumadda iyo Golaha Baarlamaanka, maadaama ay labada Mas’uul eedeeymo uga yimaadeen xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Baydhabo

Max’ed Dheere oo Jowhar ku martigelinaya kulan ay isugu imaanayaa...

Musharaxa Yaasiin Abuukar Cariif oo isaga oo ku sugan Mareykanka la soo xiriiray Kooxaha K/cagta

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe waxay sheegayan in Magaalada Jowhar ay ka socoto qaban-qaabada kulan la doonayo in uu halkaasi ka dhaco oo ay isugu imaanayaan tabanka Xubnood ee xubnaha ka ah Isbahaysiga loogu yeeray la dagaalanka Argagixisada oo dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxaa la sheegay in uu warbixin dheer Max’ed Dheere ku siin doono xubnaha Isbahaysiga safaro uu dhawaan ku tagay Magaalada Adis-Ababa iyo Magaalada Nairobi ee dalalka Ethiopia iyo Kenya.

Arrimaha ugu muhiimsan oo looga hadli doono kulankaasi ayaa ah ujeedooyinkii loo sameeyay isbahaysiga iyo waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu jiray isbahaysigaasi.

Max’ed Dheere ayaa waxaa la sheegay in magaalooyinka Addis-Ababa iyo Nairobi uu kulamo kula soo yeeshay saraakiil ka tirsan Wadamada Mareykanka iyo Itoobiya kaasoo ku saabsanaa waxa loogu yeeray kooxaha argagixisada ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Ururka Qareenada Soomaaliyeed oo u aqoonsadey Nootayada...

Ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa qiimeyn ku sameeyay Nootaayooyinka ka jira Gobalka Banaadir ee sanadkii 2005 oo ay ka soo gudubnay, waxa uuna ururku sheegay in Nootaayada Dr. Maxamuud Xuseen Diirshe ay noqotay mid buuxisay shuruudihii looga baahnaa isla markaana ay si nadiif ah u fuliso howlaha la xiriira dhinaca nootaayooyinka, ururka Qareenada Soomaaliyeed waxa uu ku tilmaamay AVV. Diirshe mid taxadar badan, run sheeg badan, si cadaalad ahna ugu garsoora Bulshada Soomaaliyeed, taasoo u kasbaday sumcad isagoo mudo 40 sano ah ku dhex jiray howlaha Nootaayooyinka.

Dhanka kale Wasiirka Garsoorka Shiikh Aadan Madoobe oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Nootaayooyinka ay Dowladdu siin doonto tixgelin gaar ah, isagoo sheegaay in Dowladdu aysan aqoonsaneyn wax la yiraahdo Maxkamad.

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2006

Sarkaal katirsan Hey'adda DBG oo Lagu dilay Degmada Jilib...
»Ilaalada C/llaahi Yuusuf oo ku lug yeeshay iska hor imaad..
»Dowladda Federaalka oo si weyn uga naxday guusha.... .
»Hay’ad laga leeyahay Suudaan oo deeq gaarsiisay ..
»Hay’adda WFP oo ka fiirsaneysa gargaarka ay geyneyso..
»Iska hor imaad ka dhacay Degmada Karaaan oo ay ku..
»Qaraxyo kale oo Addis Ababa ka dhacay...
Wararka oo dhan oo ka akhri halkan... Guji... Apr 12


Muslimiinta Ruushka oo ka Mudaharaaday Qorshe lagu damacsan yahay in lagu dumiyo Masaajid....

Muslimiinta Ruushka ayaa Isniintii (April 10) mudaharaad ka dhigay magaalada Moscow, mudaharaadka oo ay kaga soo hor jeedaan qorshaha ay dawladda Ruushku ku damacsan tahay in ay dumiso Masaajid ku yaal magaalada Astrakhan oo ku taal koonfurta Ruushka, sidaas waxaa laga soo xigtey jariidada Haaretz daily.

Masjidka ayaa ku yaal meel u dhow jid weyn oo isku xira garoonka diyaaradaha iyo magaalada Astrakhan..

Muslimiinta Ruushku waxa sheegeen in dawladu Ruushku ay rabto in ay Masjidka dumiso sababtoo ah waxa uu ku yaal meel faras-magaalo ah oo uu masjidku si bilicsan uga dhex muuqanayo.

Hadal ay soo saareen dadka mudaharaadayey ayey ku sheegeen in maamulka cusub ee magaalada Astrakhan aysan jeclayn in goobta cibaabada ee Muslimiinta (Masjid) uu ku dhex yaal meel caan ah ama si fudud lagu arki karayo.

Qorshaha in masjidka halkaas laga dhiso waxaa la dejiyey sannadkii 1998. Saddex sano kaddib ayaa maamulka dawladu ansixiyey dhismahaas.

Laakiin dhismaha masjidka waxaa la joojiyey sannadkii hore, kaddib markii duqa magaalada ee cusub uu ku andacoodey in la jebiyey xeerka qorshaynta dhismayaasha magaalada.

Maxkamada magaaladaas ayaa hoggaamiyayaasha Muslimiinta ee Masjidka waxay ku amarya in ay Masjidka dumiyaan inta aan la gaarin Bisha May kowdeeda (May 1, 2006), haddii kale masjidka waxaa la marinayaa Cagaf-cagaf ayaa la yiri.

"Maxkamaddu waxay si indho la'aan ah u taageertay maamulka magaalada. Xataa ma heli karno joornaalada magaaladu in ay daabacaan aragtidanada, sidaas ayey waajib noogu noqotay in aan imaadno magaalada Moscow," sidaas waxaa yiri Asya Makhmutova oo ka mid ah hoggaanka masjidka. Waxana uu intaas ku daray "in uu rajaynayo in dawlada dhexe ee Ruushku ay na caawin doonto."

"Tani waa markii ugu horeysey ee muddo tobanaan sano ah la burburinayo Masaajid ku yaal Ruushka" sidaas waxa ayiri Yevgeny Khlov oo ka tirsan urur u dooda xuquuqul Insaanka.

Tirada Muslimiinta Ruushku waa 20 million Muslims, kuwaas oo ah 14% tirada dadka Ruushka. Kala bar oo bar ka mid ah 1.1 million qof ee daggan gobolka Astrakhan waa  Muslimiin.

Dalka Ruushku waxa uu ka mid yahay meelaha ay ka soo bexeen Muslimiin qiime weyn ku leh taariikhda Islaamka, sida iimaam Bukhaari... Akhri Taariikhdii Imaamul Bukhaari.

Denmark oo Muslimiinta u ogolaatay Dhul Gaar ah oo Loo Qoondeeyey Xabaalaha Muslimiinta....

Dowladda Denmark ayaa Muslimiinta u ogolaatay dhul baaxadiisu dhan tahay 50,000 mitir oo laba-jibbaaran (540,000 sq ft), dhulkaas oo loo qoondeeyey in uu noqdo xabaalo loogu talo galay Muslimiinta, sidaas waxaa werisey hay'adda wararka ee Reuters.

Arrintan ayaa ka mid ah dadaalka dalka Denmark ugu jiro in uu wanaajiyo magaca uu dalkaasi ku leeyahay Muslimiinta dhexdeeda, kaddib markii dhowaanta uu joornaal dalkaasi ka soo baxa uu aflagaadeeyey Nebi Muxamed (NNKH), kaddibna ay dalal badan oo dunida ah kusoo rogeen cuna qabatayn waxyaabaha ka soo baxa dalkaasi.

Waxaa kale wararka tibaaxeen in toddobaadkii hore uu Bangi ka mid ah bangiyada ugu waaweyn dalka Denmark uu bilaabay in uu fursado shaqo siinayo Muslimiinta, gaar ahaan dumarka Muslimiinta ee Khimaarku u xiran yahay.

Waxaa la xusuustaa in Madaxweynaha dalka Faransiisku uu dugsiyada dalkaasi ka mamnuucay in aan gabdhaha Muslimiinti xisan karin Khimaarka... Wararkii Arrintaas laga qoray halkan ka akhri...

Tarjumadii SomaliTalk.com | April 13, 2006