SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xildhibaan Cabdirashiid CiroXul ma Nihin ee Xal baanu Nahay

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed CabdiXaashi (Ciro) oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo booqasho dhawaan ku yimid Aarhus,Denmark ayaa maalintii Jimcaha bishuna ahayd April 7,2006 la kulmay madaxda gobolka oo uu ugu horeeyey Nicolai Wammen oo ah duqa magaalada Aarhus oo isagu xafiiskiisa ku qaabilay.


Cabdirashiid Ciro  iyo Nicolai Wammen

Cabdirashiid Ciro  iyo Nicolai Wammen oo ah duqa magaalada waxaa ay ka wada hadleen arimaha Soomaaliya iyo xaalada ay hadda ku sugan tahay siday gacan uga gaysan karto dawlada Denmark, waxayna isla soo qaadeen nolosha dadka  Soomaalida eeku nool Denmark.


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kasoo qayb galay kulanka

Nicolai Wammen ayaa Soomaalida ku amaanay garab istaagii ay is garab taageen xiligii uu tartanka madaxnimada gobolka Arhus uu ku jiray, waxaana uu sheegay in uu Soomaalida garab taagnaan doono had iyo goorba.

Waxaa Nicolai Wammen uu sheegay in uu daneeynayo la kulanka madaxda sar sare ee dowlada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in uu ka shaqeyndoono sidii uu ula kulmi lahaa.

Mudane Cabdirashiid Ciro ayaa isna uga mahadceshay dowlada Denmark sida ay Soomaalida wadankeeda ku sugan u daryeeshay, xaga sharci bixinta iyo daryeelada kale, sida waxbarshada, caafimaadka iyo nabadgelyada, waxaana uu tibaaxay in ay tahay abaal ay dowlada Soomaaliyeed u heyso wadanka Denmark, kulankaasi oo uu goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Denmark Cabdirishiid Shiikh Maxamuud oo loo yaqaan (Siyaasi) ayaa ku dhamaaday is faham.


Cabdirashiid Ciro ayaa isla maalintaas galinkeedii dambe saacada Denmar markay ahayd lixdii galabnimo kulan dheer oo warbixin iyo wax is weydiin isug jirayba  la yeeshay shacabka Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Aarhus oo uu uga waramay xaalada dawlada Federaalka Soomaaliya iyo xaalka uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya ayaa ugu horayn hadalkiisii ku bilaabay sidan. Mudo sannad ah ayaanu baarlamaan ahaan kala maqneyn, waana dhib aanan la inkri karin, hase ahaatee hada waanu wada joognaa, insha allaahna ma kala tegi doono"


xildhibaan ciro, siyaasi iyo duqa magaalada

Waxa uu sheegay in siyaasada dowlada tahay mid dib u heshiisiin ah, waxaana uu yiri" waxaa waajib ah mar haddii xubnihii sar sare ee dowladu wada joogaan haatan, meelna ku wada shaqeeynayaan, in dalka intiisa kale iyana wax laga qabto, oo hawl xoogan laga qabto".


Xildhibaan Ciro iyo gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee
Denmark, C/rashiid Sheekh Maxamuud (siyaasi).

Xildhibaan Cabdirashiid waxa uu ka hadlay kaalmada caalamka wuxuuna  sheegay in markasta oo ay la kulmaan caalamka in laga codsan jiray in dowlada kala qeybsanaanteeda lasoo afjarto, si wadanka wax loogu qabto, "haatan oo kala qaybsanaantii lasoo afjaray, wadamadii caalamku Soomaaliya indhahooday kusoo duween, balanqaadyadii ay Soomaaliya u sameeyeenna way soo dedejinayaan" ayuu yiri xildhibaan Ciro, isagoo xusay in shirkii ugu dambeeyey ee Bruxells ay Soomaalidu hanatay saaxiibtinada Midowga Yurub, waxaana midowga Yurub ka sokoow dowlada Belgium ay balan qaaday booqasho ay kusoo gaarayaan magaalada Baydhabo, halkaana ku qeexi donaan qorshahooda Soomaalida ku beegan.

Jaamacada Carabta waxaa ay si gaar ah isu arkeen madaxweyne Cabdullaahi Yusuf, ras'iisal waasaare Geedi iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan magaalada Kharduum oo ay kulamo gaar ah isla qaateen madaxda carabta, iyaga oo Soomaaliya ugu hambalyeeyey heshiiskii Yemen kuna tilmaamay horumar la taaban karo, iyagoo balan qaaday taageeradooda.

Mar uu ka hadlayey nabad gelyada waxaa uu Xildhibaan Ciro sheegay in dowladu ay ku guuleysatay xasilinta colaadihii ka jiray meelo dhawra oo ay ka mid tahay gobolada dhexe oo ay haatan arintoodu gebo gebo tahay, waxaana uu sheegay in heshiisiinta dadka Soomaliyeed ee wada dhashay ay tahay dowrka ugu horeeya ee nabad waarto lagu gaari karo.

Waxaa uu xusay in dagaalada ka soconaya caasimada Soomaaliya ay yihiin kuwo macno daro ah, aana loo baahneyn in ay haatan shacabka rafaad noocaas ah ay marshaan, barakac iyo burburna la gaarsiiyo goobaha maslaxada dadku ku xirantahay gaar ahaan, guud ahaana magaalada oo dhan.

Xildhibaanka ayaa su'aalo ay waydiiyeen xubno jaaliyada ka tirsan, isagoo mid mid uga jawaabay, mar la weeydiiyey kaalinta ama dowrka haweenka Soomaalida ay ku leeyihiin baarlamaanka iyo aragtida dowlada ee ku beegan daryeelka dumarka iyo dhalaanka Soomaalida waxaa uu yiri" sida aad la socotaan waxaa jirta wasaarad ay maamusho wasiirada Fowsiya, kana shaqeeysa danta dumarka Soomaaliyeed iyo dhalaankaba, waxaana baarlamaaku sameeyey gudi gaar ah oo ka kooban gudiyada la sameeyey dhamaan, waana horumar loo baahan yahay in la dardar gesho".

"Xubin kasta oo baarlamaanka ka mid ah si kastaba haku timaadee waxaa waajib ku ah difaaca go'aamada uu baarlamaanku ansixiyo, hadalna waxaa uu banaanyahay inta dooduhu socdaan, mar haddii la codeeyo, waxaa waajib ah in 50+1 ama inta badan codkooda la wada qaato, afkoodana saxaafada lagula hadlo, balse waa dhacdaa in dad badan oo aan macnahaa la socon ay naga mid yihiin balse ogaada anagu xul ma nihin ee xal baanu nahay"  ayuu Xildhibaan Ciro kaga jawaabay su'aal ahayd Sababta baarlamaanka Soomaalida marka ay wax isla gartaan ama go'aan baarlamaanku isku raaco uu xildhibaan walbaa sida uu doono uga hadalo.


Xildhibaan Cabdirashiid Ciro ayaa lakulamadiisa Soomalida Denmark ay uga faa'iidaysteen xog ogaal u noqoshada arimaha ka socda dalkoodii Soomaaliy.Shirkaas kadib ayaa xildhibaanka waxaa qado sharaf usameeyey haweenka Soomaaliyeed eek u nool magaaladaas Aarhus,wuxuu kaloo la kulmay xildhiaab ciro qaar ka mida jaaliyada Soomaalida eek u nool degaanada ka baxsan magaaladaas oo booqasho ugu yimid. Xildhibaanka ayaa ubaqoolay maalintii Axada dalkaasi Ingiriiska oo uu casuumad ka helay jaaliyada Soomaalida eek u nool halkaas isagoo sida uu usheegay halkaas uga sii gudbi doona dalkii hooyo, gaar ahaan magaalada Baydhaba oo fariisan ku meelgaar u’ah labada gole ee dawlada federaalka Soomaaliyeed. 

 Waxaa soo tebiyey
gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Denmark
C/rashiid Sheekh Maxamuud (siyaasi).

Faafin: SomaliTalk.com | April 10, 2006


Axmed Nuur oo noqday Musharixii Tobnaad oo isu soo taaga xilka Guddoomiye ku Xigeenimada ee Xiriirka K/cagta..
Guddoomiye ku xigeenka kooxda Elman FC Axmed –Nuur Xasan C/lle oo ah Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa shaley kulan qado ah la qaatay kooxaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida ay kooxuhu u aqbaleen codsigiisa ku aadan Jagada Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta... AKhri....

Musharaxa Yaasiin Abuukar Cariif oo isaga oo ku sugan Mareykanka la soo xiriiray Kooxaha K/cagta
Hotel Ramadaan waxaa ka dhacday Xaflad qado ah oo loo sameeyay 24-ka Kooxood ee iyagu ka qayb-qaadanaya doorashada.. Guji... Apr 4

Amiin Yuusuf Khasaaro oo isu sharaxay in uu ka mid noqdo Guddiga Fulinta Xiriirka Kubbadda Cagta.
Waxaa bisha May la qaban doonaan doorashadii xubnihii hogaamin lahaa xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta kaddib markii uu dhowr sano uu ka taagnaa khilaaf iyo is qabqabsi waxaana markii dambe la go’aamiyay in doorasho la qabto, waxaana go’aamiyay xiriirka K/caga ee Adduunka FIFA... Akhri...


 

Saraakiil Itoobiyaan ah oo Shalay soo Gaaray Magaalada Jowhar...
»Xildhibaan Fiqi “Xukuumaddu Jowhar lama gayn karo..
»Shiikh Shariif oo beeniyay warqado lagu daadiyay Muqdisho..
»Cali Geeddi oo sheegay in ay wada Xaajood la geli doonaan
»Wafdi ka socda DFKMG ah oo dhawaan tagi doona Jabuuti
»Qabsashadii Baqdaad kaddib maxaa soo Kordhay..
»Bandhiga Buugaagta Soomaalida.. Espoo, Finland...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji.. Apr 10
DAAWO video: Barnaamijkii NBC ay ka diyaarisay Quixtar [Barnaamijkaas oo TV-ga ka baxay May 7, 2004]

"QUIXTAR OO GURIGAYAGII BURBURIN GAADHAY"