- War Saxaafadeed ku saabsan
qaraxii Bamka ee Muqdisho
- SHIR BALAARAN OO LOOGA HADLAYAY
ARIMAHA AMMAANKA EE GOBOLKA SOOL OO MAANTA LAGU QABTAY GURIGA MADAXTOOYADA
EE MAGAALADA LAASCAANO.
- HAY'AD CUSUB OO MAANTA LAGA DHISAY
MAGAALADA GAROOWE OO UU DHISAY MADAXWAYNE KUXIGEENKA PUNTLAND.
- QAAR KAMIDA
XILDHIBAANADA PUNTLAND OO MAANTA BOOQDAY GAROONKA DIYAARADAHA MAGAALADA GALKACYO.
War Saxaafadeed ku saabsan qaraxii Bamka ee
Muqdisho
War...4 May... War ka soo baxay xafiiska ra'iisul
Wasaaraha Dowladda Federaalka ee KMG ayaa daboolka ka
qaaday in Qaraxii Bam ee shalay ka dhacay Garoonka
Stadiyum Muqdisho aanu aheyn mid isaga loogu talagalay
ee uu ahaa mid si kadis ah uga baxsaday Ciidamadii
Maleeshiyaadka ahaa ee joogay garoonkaasi.
Warku wuxuu intaa ku daray in aanay jirin Wararka ay
qaar ka mid ah Warbaahinta ay fidiyeen oo sheegayay in
falkaasi uu ahaa mid isku day ah.
Warkaasi ka soo baxay Xafiiska Ra'iisul wasaaraha
wuxuu intaa raaciyay in kadib markii la xaqiijiyay
Dadkii ku geeriyooday Qaraxaasi in tiradoodu dhan
tahay 8 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 28 qof, oo 6 qof
oo ka mid ah dadkaasi ay qabaan Dhaawacyo culus, halka
ay tobaneeyo kalana isaga baxeen Cusbitaaladii la
dhigay.
Afhayeenka Dowladda
Cabdiraxmaan Diinaari
Geedi oo Soo Booqday Dadkii Dhaawacu kasoo gaarey
Qaraxii Muqdisho

Geedi oo ka khudbaynayey garoonka
ciyaaraha Muqdisho May 3, 2005, wax yar ka hor intii aan qaraxu
ka dhicin | Sawirka AP

Dhaawac ama dhimasho Qaraxii garoonka ciyaaraha, May 3,
2005 | Sawirka AP

Nin ku u qaylinaya in la ccaawino, wax yar ak db qaraxii May 3,
2005 ee muqdisho | Sawirka AP
|
War2... May 4... Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka
KMG ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa maanta
soo booqday Dadkii shalay ku dhaawacmay Qaraxii bam ee
ka dahacay garoonka weyn ee Istaadiyo Muqdisho.
Raiisul Wasaare Geedi, waxa uu tagay Cusbitaalada
Medina,iyo Hayaat, wuxuuna ku soo wareegay qeybihii la
dhigay Dadkaasi Dhaawaca ah, isagoo ugu duceeyay
dhaawacaasi in uu Alle Bogsiiyo, wuxuuna sidoo kale uu
Tacsi u diray Dhamaan dadkii Geeriyooday.
Raiisul Wasaaraha wuxuu intii uu marayay
Cusbitaaladasi uu warbixino la xiriira sidii wax loogu
qabtay Bukaankaasi uu kaga dhageystay Agaasimayaasha
Cusbitaalada Medina iyo Hayaat Dr.Shiikhdoon Salaad
Cilmi,Dr.Maxamed Maxamud oo caddeeyay in Dadkii
Dhaawacmay shalayto aanay u baahneyn in Dibadda loo
qaado oo ay iyagu ku filan yihiin.
Mudane Geedi waxauu Dhaqaatiirta Cusbitaaladaasi ku
amaanay dadaalka wax ku oolka ah ee ay u fidiyeen
Walaalahood, isagoo halkaasi ka fidiyay Balanqaad la
xiriira in Dowladu ay gacan balaaran sii doonto
Cusbitaaladasi,wuxuu isla maanta ugu deeqay Bukaanada
Cusbitaaladaasi in Min 2 Neef oo Geel ah loo qalo
Bukaanada ku jira Halkaasi.
Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG Mudane Prof
Cali Maxamed Geedi wuxuu kaloo kormeer Howleed ku
tagay Cusbitaalka iyo xarunta Caruurta ee SOS ee
Magaaladan Muqdisho wuxuuna ku soo wareegay qeybaha ay
ka kooban tahay isagoo u kuurgalay Howlaha Caafimad ee
halkaasi ka socdo, wuxuuna kula dardaarmay Dhaqaatirta
iyo Shaqaalaha Cusbitaalkaasi inay sii labanlaabaan
Waxqabadkood.
Mudane Geedi oo kormerkiisa uu ku wehliyay Wasiir
ku-Xigeenka Caafimaadka Dr.Cusmaan Maxamed Dufle oo
warbixin ku siinaayay Raiisul Wasaaraha ayaa u sheegay
inay u baahan yihiin Cusbitaalada Dowlad wax u qabata.
Xafiiska Afhayeenka Dawlada
Muqdisho, Soomaaliya | May 3
Bombaano
Lagu Qarxiyey Garoonka Ciyaaraha Muqdisho oo uu Ka Khudbaynayey Geedi
SHIR BALAARAN OO LOOGA HADLAYAY
ARIMAHA AMMAANKA EE GOBOLKA SOOL OO MAANTA LAGU QABTAY GURIGA MADAXTOOYADA
EE MAGAALADA LAASCAANO.
Wednesday, May 04, 2005.
Laascaano:
(Somalitalk)
Waxaa xalay kadhacay
Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Laascaanood kulan balaaran oo looga
hadlayay arimaha Amaanka Gobolka Sool,
kulankan oo ay xalay kasoo
qayb galeen dhinacyo badan oo ka kala socday bulshada reer Sool, Waxaana
kamid ahaa dadkii kasoo qaybgalay, Maamulka Gobolka Sool,Taliska
ciidanka booliska Maamulka Degmada Ganacsatada Isimada.
Dhamaan xubnahan ayaa isla
meeldhigay in laxasiliyo amaanka magaalada Laascaano, waxay sidoo kale
kahadleen sidii laga yeeli lahaa gacan kudhiiglayaasha oo kol hore dilka
gaystay ayagoo waxkudilay gudaha magaalada.
Isimadii Gobolka ee ka soo
qayb gashay ayaa waxaa kamid ahaa Garaas Saleebaan, Shirkan ayaa waxaa
isla markiiba looga hadlay sidii laga yeeli lahaa gacn kushiiglayaasha
waxaana la,isla afgartay in lamariyo sharciga islaanka gacantana
loosoogaliyo Maamulka Goblka Sool. Waxaa kaloo kamid ahaa masuuliyiintii
halkaa isugu timid, Taliyaha boolliska PL, Nuur Salaad waxa uuna shaaca
kaqaaday in dhinacooda ay kashaqayndoonaan ayna muhiimtahay in ay wax
kaqabtaan sugida amaanka magaalada Laascaanood ayadoo laisku afagartay
arimahaas ayaa lasheegay hadii aan lasugin amaanka magaalada ay
kafaaiidaysan karaan cadowga maadaama aytahay meeel furin,ah.
HAY'AD CUSUB OO MAANTA LAGA DHISAY
MAGAALADA GAROOWE OO UU DHISAY MADAXWAYNE KUXIGEENKA PUNTLAND.
Garoowe: (Somalitalk).
Wednesday, May 04, 2005
Waxaa maanta laga hirgaliyay Caasimada
maamul goboleeda Puntland eeMagaalada garoowe, Hay'ad cusub oo uu maanta
dhisay Madaxwayne kuxigeenka Pl Xassan Daahir afqurac,
Hay'adan oo lagu magacaabo Hay'addan Nabadsugidda Puntland, (PSS).waxaana
Hay'addan dhismaheeda qalinka kujiiday Madaxwayne kuxigeenka PL, ahna
siihayaha xilka Madaxwaynaha.
Madaxwayne kuxigenka ayaa hay'addan
utiigsaday dhismaheeda dastuurka PLisla markaana xeeriyay baahida
looqabo hay'adda Nabadsugida PL, (PUNTLAND SECURITY SERVICE).
Madaxwayne kuxigeenka ayaa waxa uu
sidoo kale xeeriyay in ay noqoto xarunta hay'addan magaalada Garoowe
asagoo sheegay in ay Goboladana yeelandoonaan xarumo ama laamo,
Madaxwayne kuxigeenka ayaa sheegay in hay'addu aytahay hay'ad dowli ah
ayna hay'adda Nabadsugidu hoos imaandoonto Madaxtooyada Maamulka PL.
MASUULIYADA
HAY'ADDAN AYAA WAXAY KALA TAHAY:-
1. Maaraynta hawlaha nabad sugineed
ee Puntland.
2. Ururinta, habaynta iyo weliba u hawl gelidda xogta nabad sugineed.
3. Tayaynta iyo tababarridda shaqaalaha hay'adda.
4. Ururinta Xogta.
5. Adeegsiyga tiknoolojiyadda casriga ah ee ku aaddan hawlaha nabad
sugidda.
6. Hay'addani waxay wada shaqayn la yeelan doontaa dhamaan hay'adaha
amaanka Puntland.
7. Hay'addu waxay toos u hawl geleysaa marka uu qaab dhismeedkeedu
dhamaystimayo.
8. Hay'addu iyada ayaa samaysaneysa xeer hoosaadyadeeda.
QAAR KAMIDA
XILDHIBAANADA PUNTLAND OO MAANTA BOOQDAY GAROONKA DIYAARADAHA MAGAALADA GALKACYO.
Galkacyo:(Somalitalk)
Wednesday, May 04,
2005
Qaar kamida golayaasha
baarlamanka PL ayaa saak booqasho kutagay eera boorka magaalada galkacyo,
waxaana xubnahan horkacayay gudoomiye kuxigeenka 2,aad ee baarlamanka
DGPL, Xuseen Maxamed Cigaal, waxaana kamid ahaa xubnahan booqashada
kutagay garoonka diyaaradaha ee magaalada, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare'
ee Pl, C/qaadir Sh, Axmed.
Xubnahan ayaa sheegay in
ay kamidtahay booqashadan kulan ay shalay kuyeesheen xubnahan iyo qaar
kamida golayaasha wasiirada xarunta goblka iyo D/hoose, ayay
kutilmaameen in ay xubnahan katirsan baarlamanka gaar ahaanna kuwa laga
soo doortay gobolka mudug in ay kufuranayeen xafiis ay kuyeeshaan
magaalada galkacyo gudaheeda.
wali waxaa kusugan
magaalada galkacyo wasiiro iyo qaarka kale ee kasocda golaha baarlamanka
PL.
Sahro Sheikh |
sahrosiglan@yahoo.com