Soomaali
calooshood u shaqeystayaal oo shir qarsoodi la yeeshay hey'ad dooneysa dib
u celinta Soomaalida Sweden oo fashilmay. "Sir fakatay"
Ma ahan wax hada ku cusub bulshada
soomaalida ereyga "calooshii u shaqeyte-/yaal" balse waxey tahay mid
xambaarsan dareen aad liito in lahelayo dad Soomaali ah oo dhibaato dal
shisheeye ku heysto ku raaxeysanaya doonayana in dib loogu celiyo
Soomaaliya oo xaalad amaan darri ka jirto.
Maalintii isniintii taariikhduna ku
beegneyd 2-da bisha Maajo,ayaa haweeney Swedhish ah oo sahmin ku tagtay
meelo kamid ah dalka Soomaaliya shir qarsoodi ah oo aan loo sheegin
saxaafadda kula yeelatay calooshood u shaqeysteyaal iyo basaasiin
soomaali ah. Shirkan oo lugu qabtay xaafada TENSTA oo ay sida aadka ah u
degaan Soomaalida ku nool magaalada caasimada ah ee Stockholm, ayaa
waxaa goob joog ka ahaa dad soomaali ah oo calooshood u shaqeytayaal iyo
tarjumaan ay wadatay haweeneyda dhawaan kasoo laabatay Soomaaliya ee
halkaasi dooneysay iney kula shirto haweeeney kale oo iyadana la sheegay
iney ka socotay wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden balse baaqatay sida
wargalka warbixintan ii sheegay markii haweeneydani maqashay in madashii
shirka ay hareysay buuq lugu lugu doonayey in shirka ujeeda la sheego
waxa uu yahay.
Si kastaaba ahaatee shirkan la doonayey in
looga hadlo wadada ugu sahlan ee Dowlada Sweden ku celin karto dadka
qaxootiga ku ah dalkeeda ayaa fashilmay, kadib markii mid kamid ah
gudiga ay u xilsaarteen soomaalida sharcilaawayaasha ah ee ku sugan
xerro qaxooti oo ku taal magaalada Örebro oo dhowr kilo miter u jirta
magaaalada Stockholm xarunta dalka Sweden uu ka qeyb galay.
Wargalka warbixinta oo aan qadka
taleefanka kula xirriiray goor dhaweyto ayaa ii sheegay in haweeneydan
oo magaceedaa layiraahdo Anika Söder, dhawaana ka timid magaalada
Nairobi ay halkaasi ka jeedisay qudbado ay kaga hadleysay xaalada
Soomaaliya.Anika Söder waxey ka
tirsan tahay wasaaradda Hormarinta Dibada ee dalkan dhawaan safarkii ay
ku tagtay dalka Kenya ayey halkaasi kula kulantay qaar ka tirsan dagaal
oogeyaalka wasiiradda noqday ee Dowlada dibad joogta ah. Haweeneydan
ayey wargalku ku sheegen iney heshiishyo qarsoodi ah la soo gashay
madaxda dowladaasi.
Sidoo kale waxey socdaal kaga soo
laabatay dalka Soomaaliya oo ay soo indho indheeysay xaalada guud,
waxaana ay dooneysay dadkii ay shirkaasi qarsoodiga ah u sheegto in
meelihii ay tagtay xaaladda amaan aad u wanaagsaneyd.
Kulankii qarsoodiga ah ee isniintii dhacay
ayaa goob joog waxaa ka ahaa danjiraha Kenya ee u fadhiya dalkan Sweden.
Lagamana hayo tafaasiil badan oo arrintaasi ku saabsan sidey u dhacday,
waxaase la sheegay inuu fashil ku dhamaaday ujeedaddii shirkaas loo
qabtay ee lugu doonayey in la gudbiyo warbixin ku saabsan qaabka ugu
haboon ee dalka dib loogu celin karro soomaalida qaxootiga ah.
Dhinaca kale wargal kale ayaa sheegay in
dadka soomaalida ee ku nool xerada qaxootiga loola dhaqmo si ka baxsan
bani'aadnimada, waxaanu uu yiri "Adigoo ka yimid Xamar baa lugu leeyahay
waxaad ka timid Hargeysa, markaan lahjadaadi soo baarnay, sidoo kale
adigoo Marka kayimid baa lugu oranayaa waxaad ka timid Hiiraan" Taasina
waxa uu wargalkan ku tilmaamay halka ugu hooseysay ee ruux bani'aadam ah
la qiimo tiri karro.
Arrinta xanuunka leh ee iga ilmeysiisay
waxey aheyd markuu ii sheegay in gabar soomaali ah oo uur leh lugu yiri
hadaadan keenin cadeyn buuxda oo muujineysa soomaalinimadaada waxaanu
kaa goosaneynaa lacagti kaalmada aheyd ee aan ku siin jirnay.
Aakhirkiina waxey keentay in gabadhaasi kaalmada dhaqaale ee xerada lugu
siin jiray lugu soo reebo wax ka yar 3 dollar maalintii.
Wargalka oo aad uga xun sida Soomaalida
luugu tuntay xaquuqdooda qaxootinimo ayaa eeda dusha ka saaray kuwa leh
sharciyada dal ku jooga iyo dhalashada dalkan oo qaarkood hey'ada
socdaalka u gudbiyey sawiro qaldan oo ay ku sheegeen in dalka Soomaaliya
uu yahay dal nabadi ka jirto qabiilkana uu yahay kan difaaci karra dadka
dib loo celiyo.Ugu dambeyntii wargalkan waxa uu ii
sheegay in dhawaan magaalada Stockholm ee dalkan Sweden uu ka dhaci
doono dibad bax aad u weyn oo ay Soomaalida kaga cabanayaan sida dowlada
ay u xaqirtay xaquuqdooda Soomaalinimo iyo bani'aadnimo intaba. Xaala
ummaddana waxa uu ku sheegay iney tahay "Cidna uma maqna Ceelna uma
qodna!"
Waxaa isku soo duwday;