SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

WARARKII MAANTA::: MAARSO 26, 2005

  • Dagaalo ka dhashay go'aankii dowladda oo ka socda Baydhabo.
  • Madaxweynaha dowladda FKMG ah oo ku sugan dalka liibiya.
  • Warqad ka soo baxday Gudoonka waxbarashada Gobolka Mudug oo Guux galisay Goboladaa.
  • Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinka Barito ah u kicitimi doona  Muqdisho iyaga oo u socda Gogol Xaar...
  • Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe: Sadex qof ayaa u dhimatay cudurka shuban biyoodka, tiro intaasi ka badana way la il-daranyahiin
  • Qaar kamid ah Soomaalida Britain oo Talooyin u jeediyay Dawladda Soomaaliyeed ee wali fadhigeedu yahay Nairobi. 
Dagaalo ka dhashay go'aankii dowladda oo ka socda Baydhabo.
  • Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi | Maarso 26, 2005
    EMail: cmmumtaz@somalitalk.com ama canabmumtaz@yahoo.com 

Dagaalkan oo ahaa mid cuslaa waxa uu dhacay saakay isagoo socday mudo saacado ah waxaana ku dhintay inta la ogyahay ugu yaraan 6 ruux halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, illaa hadda ma jirto warar xaqiijinaya qasaaraha dhabta ah ee ka jira halkaasi waxaana haddda uu dagaalka xoogiisa ka socdaa guriga ibraahim xaabsade oo ah xildhibaan ka mid ah baarlamaaka KMG ah  waxaana la sheegayaa in xaabsade laga gubay gaari.

Dagaaladan ayaa ka dhashay banaanbax ka dhici lahaa baydhabo laguna taageeri lahaa go'aankii wasiiradda ee ahaa in ay dowladu dagto laba magaalo oo ay baydhabo ka mid tahay ayaa ka dhacay maanta magaaladda Baydhabo.

Dagaaladan oo ku bilowday sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya halkaasi kadib markii maleeshiyo taabacsan wasiir ka mid ah dowladda laguna magacaabo Sh. Aadan Madoobe ay is hortaageen banaan bax lagu taageeri lahaa go'aankii wasiiradda todobaad ka hor, khilaafkii ka dhashayna uu yahay kan keenay dagaalkan.

Maliishiyadda waday banaanbxan oo ka amar qaata Maxmad Nur Shaati gaduud (wasiirka beeraha)ayaa xabado ku furay maliishiyadkii diidanaa in bananbaxani dhaco, khilaafkii ka dhashay joojita banaanbaxaas ayaa sababay in dagaalo goos goos ahi ay dhacaan maalmihii la soo dhaafay.

Dagaaladan ma jirto ilaa hadda cid kala dhex gashay waxaana la filayaa siyaasiyiinta dagaalkan maliishiyaadka iska soo horjeeda u taliya oo ku sugan Nairobi in ay dhawaan u ambaxaan halkaasi si ay gacan uga gaystaan xiisaddaas halkaas ka aloosan.

Todobaadkii hore ayaa la isku raacay ajande uu keenay wasiirka koowad ee dowladda FKMG ah ee soomaaliya Cali Geddi, walow ay ka baxeen siyaasiyiin badan oo dhinaca dastuurka in lagu xadgudbay sheegaya hadana aqlabiyad ahaan waxaa la isku raacay in dowladdu si KMG ahaan ah u dagto magaalooyinka Baydhabo iyo jowhar.

Banaanbayo lagu taagerayay go'aankan ayaa todobaad ka hor ka dhacay magaalooyinka jowhar iyo xudur, magaalada baydhabo oo ay kala xukumaan maliishiyaad iska soo horjeeda maamulka magaalada ayaa garab ka mid ahi soo abaabulay dibadbax lagu taageeri lahaa go'aankaas laakiin khilaafkii ka dhashay ayaa keenay dagaaladan dhacaya.

Madaxweynaha dowladda FKMG ah oo ku sugan dalka liibiya.

 
Madaxweynaha dowladda FKMG ah somaliya ayaa ku sugan dalka liibiya,kadib markii uu ka soo ka soo baxay shirkii jaamacada carabta ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Al-jaris ee dalka aljeeriya ayuu madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ku casuumay dalkiisa madaxweyne mucamar Alqadafi.
 
Madaxweynaha liibiya waxaa kale oo u yeeray Ra'iisul wasaaraha somalia Cali geddi iyo wasiiro ka mid ah gollahiisa ayna mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha Xuseen caydiid iyo Wasiirka maaliyada Saalim Caliyow ibrrow oo maanta tagi lahaa dalka liibiya laakiin dib u dhac uu ku yimid lana filayo in ay barri baxaan.
 
Madaxweyne Mucamar al qadafi waxa uu xubnaha dowladda soomaaliyeed ee KMG ah kala hadlayaa arrimo la xiriira sidii loo xalin lahaa khilaafaadka ka taagan ciidamada soomaaliya loo dirayo iyo siyaasadda guud ahaan ka taagan dalka soomaaliya.
 
Waxana la filayaa in dib usoo laabtaan maalinta talaadada ah ee soo socota si ay u guda galaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin guurista dowlada iyo xalinta khilaafkii ka dhashay go'aankii wasiiradda ee dajinta dowlada baydhabo iyo jowhar.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi | Maarso 26, 2005
EMail: cmmumtaz@somalitalk.com ama canabmumtaz@yahoo.com 


Warqad ka soo baxday Gudoonka waxbarashada Gobolka Mudug oo Guux galisay Goboladaa.


Warqada oo weyn: .PDF

Waxaa ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug waraaq lagu amraayo in laxiro Iskoolada ka dhisan Gobolka Mudug soona socday mudadii Burburka ee Dowladii soomaaliya la waayay, kuwaas oo ay gacanta ku hayeen Dhalinyaro Aqoonyahanaa oo ku bahoobay sidii ay uga Badbaadin lahaayeen Dhalaanka soo koraaya in uu waayo waxbarasho kadibna uu ku biiro kuwa Qoriga wata ee Dadka Baarta.

Arintaa ayaa Guux aad u xoog badan galisay Magaalooyinka ay ka koobantahay Gobolka Mudug iyo Iskoolada ka dhisan Gobolada Mudug, waxaa baaqyo kala duwan ka soo saaray Aqoonyahanada Goboladaa ayagoo uga digaaya Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka iyo Maamulka Puntland in si qaldan loo fasiro howlaha ay hayaan Iskoolada iyo in lagu xadgudbo ayna keeni karto iska Hor imaad Bulshada iyo Maamulka.

Aqoonyahanada ayaa ku Codsanaaya Baaqaa Maamulaka Puntland in uu wax ka qabto kuwa Qalqalka ku wada Iskoolada iyo Dhabar jabka isku xirnaanta Bulshadsa iyo Maamulka, waa sida warku u dhigaye.

Warqada guddoomiyaha ka akhri halkan: [PDF]
Warqadaas si aad u aragtid waxaad u baahan tahay Adobe Reader [soo rogo]


Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinka Barito ah u kicitimi doona  Muqdisho iyaga oo u socda Gogol Xaar...

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya_Nairobi
Axmeddheere65@hotmail.com  

Xubnahani waa xidhibaano gogol xaar unoqonaya qaabkii Baarlamaanka Soomaaliyeed ku tagi lahaa Caasimada Soomaaliye ee Muqdisho waxaana xubnahan shir gaara la yeeshay Hogaamiyaasha Hubaysan ee Muqdisho ahna Wasiirada Xukuumada.

Wasiiradii Goobtaa Fadhiyay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumada Federaalka Maxamed Qanyare Afrax, Ganacsiga Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow, Awqaafta&Diinta Cumar Maxamuud Cumar Finish, Hoowlaha Guud&Guryeenta Cusmaan Xasan Cali Caato, Dhaqan Celinta&Maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin, Maxamed Jaamac Furux oo isna ah Wasiir ku xigeen.

Waxaa kaloo goobta xaadir ku ahaa Xubno ka tirsan labada Gole ee Xukuumada Federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya waloow uusan joogin Raysulwasaare ku xigeenka Ahna Wasiirka arimaha Gudaha Eng Xuseen Maxamed Faarax Caydiid.

Waxaa kaloo jiray Shir baaxad wayn oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Sh Xasan Sh Adan oo ay ka qaybqadanayeen in ka badan 80 Xildhibaan oo looga hadlay Xaalada Muqdisho iyo sida ay reer Muqdisho u hanan karaan Caasimada Soomaaliya.

Waxaa hore rasulwasaare Geedi usoo saaray Wareegto lagu xasilanyo Muqdisho hase yeshee waxaad moodaa in aysan xubnahani ku faraxsanayn wareegtadaa oo ay gooni iyaguna u xasilinayaan Caasimada Dalka ee Muqdisho. 

Wareegtadaa hore kuma aysan Jirin Hogaamiyaasha Hubaysan ee Muqdisho marka laga Reebo Xuseen Maxamed Faarax Caydiid waxaa kaloo Jiray Shirkii ugu danbeeyay ee Golaha Wasiirada in Xukuumadu  ku go aansatay in la dago Jawhar& Baydhabo.

Go'aankaa waxa ka baxay oo aan iyagu waxba ka gaarin Hogaamiyasha Hubaysan ee Muqdisho iyagoo sheegay in la Jabiyay Qodobo kamida Axdi Qarameedka Soomaalida. Xubnaha Baarlamaanka ee Maalinka Barito ah baxaya waxaa ay kalla yihiin  

  • 1-Cumar Xaashi Adan
  • 2-Dr Xasam Dhinbil Warsame
  • 3-Cabdi Axmed Dhuxulow
  • 4-Axmed Diiriye Maxamed
  • 5-Dr Axmed Sh Gabyoow
  • 6-Cali Calas Qaareey
  • 7-Maxamed Xasan Fiqi
  • 8-Maxamuud Maxamed Macalin Jiis
  • 9-Caamir Maxamed

Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe: Sadex qof ayaa u dhimatay cudurka shuban biyoodka, tiro intaasi ka badana way la il-daranyahiin

  • Cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
    Kismaayo soomaaliya

Cudurkaan shuban biyoodka ayaa waxa uu dhawaantan ka dilaacay tuulooyin ka tirsan gobolada Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe oo ay ka midyahiin tuulooyinka Muqo kuri, Mugaanbo Komon, Buulo Gaduud iyo waliba deegaano kale oo fara badan ayadoo ilaa iyo hada ay cudurkaan u dhinteen sida lagu soo waramayo sadex qof  oo labo ka mid ah ay ahayeen caruur halka uu qofka kalena ahaa haweeney islamarkaana ay hada cudurkaan shuban biyoodka ah la ildaranyahiin dad kor u dhaafaya ilaa toban qof. 

Cudurkan asiibay dadka ku dhaqan tuulooyinka aan soo sheegnay ayaa waxa uu yahay cudur had iyo goor soo noq noqda islamarkaana ay yartahay la tacaalida cudurkaan iyo waliba ka hortagiisa ayadoo aysan  jirin dhaqaatiir iyo waliba hay’ado ka howl gala tulooyinka uu cudurka ka dilaacay. Dadka uu soo ritay cudurkaan yaa haatan lasoo gaarsiinayaa magaalada kismaayo oo haatan lafteda aan lahayn isbitaal si fiican ula tacaala cudurada haleela dadka  la keeno isbitaalka sababo dawa yari iyo dhaqaalo xumo  owadeed .

Cudurkaan shubanka ayaa haatan dadka ugu badan uu haleelay waxaa ay yahiin dumar iyo caruur ayadoo uu cudurkaan dillaaco xiliyada kulaylaha ah islamarkaana aysan jirin goobo lagu fuuq celiyo dadka la ildaan taasina ay keento in uu si sahal ah u diloodo qofka cudurkaan . 

Waxaa sidoo kale cudurkaan saameyentiisa laga dareemay magaalada kismaayo ayadoo haatan xeryaha qaxootiga ay ka jiraan feejignaan xoogan kadib markii tiro dad ah laga dareemay calamadaha cudurkaan shubanka ah waxaana jira baraarujin xoogan oo ay wadaan ururada maxaliga ah ee ka jira magaalada kisaayo.iyo waliba dhaqaatiirta tasoo ay ku baraarujinayaan dadka ku jira xeryaha in ay ilaaliyaan nadaafada kuna dadaalaan sidii ay durba u gayen lahayeen dadka ay ka dareemaan calaamadaha cudurka shuban biyoodka oo qofka ka taqalusa hadaanan lagu sameyen fuuq celin dagdag ah . 

Cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
Kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
cabdiqadar@somalitalk.com


Qaar kamid ah Soomaalida Britain oo Talooyin u jeediyay Dawladda Soomaaliyeed ee wali fadhigeedu yahay Nairobi. 

Ridwaan Xaaji C/wali.
25/3/2005,London. 
ridwanhaji@yahoo.com

Waxaa xalay Magaaladda London lagu qabtay kulan ay ka soo qaybgaleen Waxgaradka ku nool dalkan ee ka murugsan xaaladda uu hada ku sugan yahay Baarlamaanka iyo dowladda FKMG ah ee wali ku sugan Nairobi. 

Shirkan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay ayaa ugu horeyntii waxaa halkaas ka hadlay Axmed Sheel oo sheegay in maanta kulankan uu yahay in talooyin aanu u gudbino xildhibaanada iyo dowladda oo aan la wada socono sida ay hada xaaladu tahay. 

Kulankan ayaa waxaa marti ku ahaa Ibrahim Cali Xasan oo ah Wakiilka Xiriiriyaha Soomaaliya iyo Jarmalka oo fadhigiisu yahay Magaaladda Nayroobi, waxaa uu Ibraahim Cali  uu ka sheekeeyay xiriirka wadamada deeq bixiyayaasha iyo dowladda, isagoo sidoo kale ka hadlay istunkii dhawaantan ka dhacay Magaalada Nayroobi ee ay xildhibaanadu is dileen ayaa uu yiri in ay taasi aheyd midla filan karayay marka la eego sida ay wax u socdeen. 

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Enj.Cusmaan kalluun oo hore jagooyin sarsare uga soo qabtay dowladdii Carta hadana bilow ilaa dhamaad ka qeybqaatay Shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee Kenya. Enj Cusmaan Kalluun ayaa ka hadlay in Khilaafka xoogan ee soo kala dhexgalay Baarlamaanka iyo xukumadda in ay tahay mid dimiqraadiyadu ay ka soo ifbaxayso, waxaa kale oo uu sheegay in Soomaalidu aysan ka wal walin in baarlamaanka iyo dowladu lagu kala dareero, waxaana taasi uu daliil uga’ga dhigtay shirkii muda’da labadda sano lays horfadhiyay ayaa lagu kala tagi lahaa hadii wax lagu kala tagayo. 

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay odayaal caan ku ah siyaasada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Cali Jarmal iyo Sheekh Muuday oo iyagana ka waramay waxyaabihii ay goobjooga u ahaayeen shirarkii siyaasada Soomaalida. 

Shirkan waxaa ugu dambeyntii laysku raacay in dowladda iyo baarlamaanka ay u u hogaansamaan Axdigii ay ku heshiiyeen si xaloogu helo xaalada guud ee colaadeed ee Soomaaliya. 

Jawiga shirka ayaa ahaa mid si wacan loo soo agaasimay, waxaana qof walba uu soo dhiibanayay fikradiisa ee uu xalka u arko iyadoo dadkii halkaasi isugu yimid ay u badnaayeen aqoonyahanada Soomaalida ee sida weyn looga’ga yaqaan dalkan Britain iyo Soomaaliya 

Shir ay Gaalkacyo Ku Yeesheen Beelaha Cayr iyo Saleebaan

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 26, 2005

Iscafis Dhex maray Xubnaha Baarlamaanka FKMG
»Dalalka Carabta oo Soomaaliya ugu Deeqay $26 Million
»
World Bank: Soomaaliya ha bixiso Deyn dhan $430 million
»
Dowladda Soomaaliya oo Kenya ka guuri doonta May
»Dad Shicib ah oo lagu dhacay Jubbada Dhexe...
Wararka oo dhan ka akhri halkan...


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD