SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAALKACYO
  • SIDEED MAXAABIISA OO MAANTA LAGU WAREEJIYAY BEESHA SALEEBAAN.
  • DAGAALO KA SOO CUSBOONAADAY MAANTA DEGMADA GALINSOOR.
  • SHIR AY SAAKA YEESHEEN QAAR KAMIDA BEELAHA  CAYR IYO SALEEBAAN OO KA DHACAY GALKACYO.

SIDEED MAXAABIISA OO MAANTA LAGU WAREEJIYAY BEESHA SALEEBAAN.

Galkacyo (Somalitalk).
Axad; 27/03/05.

Maxaabiis lagu soo qabtay dagaalkii ka dhacay Degmada Hobyo iyo tuulooyin kale oo hoosyimaada isla deegaanka hobyo, waa sida warku u dhigaye..

Maxaabiistan ayaa laga soo qabtay tuulooyinka kala ah Rabab Xassan Gacal, Saqiiro, iyo kuwo kale, maxaabiistan ayaa loo soo gudbiyay magaalada galkacyo ayadoo ay gacanta ku hayeen beesha sacad ee koofurta magaalada galkacyo, waxaa maanta lagu wareejiyay beesha Saleebaan oo ahayd beesha ay ka soo jeedaan maxaabiista laqabtay laguna soo qabtay goobihii ama aagga uu dagaalku ka socday oo ka tirsanaa deegaanada hoos yimaada Mudug iyo Galgaduud.

Ka hor inta aan la wareejin maxaabiista ayaa waxaa kulan looga hadlayay wareejintooda lagu qabtay Xarunta Maamulka Koofurta Galkacyo, waxaan isuguyimid oo goobjoog ka ahaa labo xubnood oo ka tirsan ICRC, una fadhiya dhinaca koofurta galkacyo waxayna kala ahaayeen C/maan M/ed Salaad (Gaatame) iyo M/ed Faarax Colaad,  waxaa kaloo ka mid ahaa xubnihii goobjoogayaasha ee saaka qaar ka mida beesha Cayr, oo uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Yusuf Xassan Ciyow, Gudoomiyaha maamulka koofutra Iimaan Xassan Jiirow, iyo xubno kale.

Goobta lagu kala wareejinyay maxabiista saaka oo ay goob joog ka ahayd Somalitalk ayaa waxaa u suurtowday in aan waraysi la yeelano Sideeda maxbuus, waxaan wax ka waydiiyay in ay war bixin naga siiyaan goobta laga soo qabtay waxa ay ka hayeen? 

Midkii ugu horeeyay ayaa sheegay in uu ahaa nin xoolalay ah raacayayna ari uu lahaa waxa kale oo uu sheegay in uu san ka mid ahayn ragga dagaalamayay.

Hadaba waxaa shan kamida ay sheegeen in aysan ahayn duulaan lagu qabtay goob dagaal balse ay yihiin niman raacanayay xoolo ay ku haysteen tuulooyinka ay ciidanka dagaalku ka soo qabteen. nimankan oo labo kamida ay yihiin walaalo ayaa ahaa rag waawayn, halka sadexda kalana ay ahaayeen niman lagu soo qabtay gaari dagaal oo ay ka ahaayeen ridayaasha madaafiicda saarayd gaariga dagaalka waasida ay u xaqiijiyeen Somalitalk iyo xubnihii goobjoogayaasha ahaa ee iyaguna waraysanayay maxaabiistaa.

MAXAABIISTA AYAA MAGACYADOODU KALA YIHIIN:

  • 1-Axmed Diirshe. 58 jir
  • 2-Axmed Maxamed Barre Axmed Gaab, 58 jir
  • 3-Axmed Barre Gadoon  65  jir
  • 4-Cali Barre Maxamed, 70 jir
  • 5-Cabdikariin Muuse Sh, Cumar, 30 jir
  • 6-Abshir Maxamed Faarax 25 jir
  • 7-C/maan Maxamed Maxamuud 17 jir
  • 8-Axmed Maxamed 40 jir

Maxabiistan ayaan wax ka waydiiyay in wax la soo gaarsiiyay intii ay jidka ku soo jireen iyo inkale waxayna ii xaqiijiyeen in aysan wax dhibaata ah la kulmin balse loola dhaqmay si wanaagsan.

Sidoo kale waxaan isna waraysi la yeeshay  kalkaaliye sare oo ka tirsan caafimaadka gaar ahaanna baarayay xaaladooda caafimaad maxaabiista maanta waxa uuna ii xaqiijiyay in aysan jirin wax nabaro ah oo ka soo gaaray dagaalkii iyo kuwo kale oo si dadban loogaarsiiyay mar ay qabteen indhahayga maxaabiista ayaan ku arag wax dhaawaca oo ka muuqda dushooda.

Maxaabiista saaka ay beesha sacad ku waraeejisay beesha cayr ayaa dhalisay muran balaaran oo dhexmaray gudigii heshiisiinta u xilsaaraa oo ay hogaaminayeen xubno ka tirsan DFKS, DGPL, iyo beelihii kale ee beesha daarood iyo hawiye, waxayna sheegeen gudigu in ay taas ahayd mid gaf ah oo loo gaystay shaqadii iyo heshiisiintii ay wadeen xubnahooda ayagoo ku eedeeyay in beesha cayr ay samaysay xadgudub ayadoo ka mid ahayd beelihii ay casumeen gudiga heshiisiinta, walow ay beesha saleebaanna diiday in ay la wareegto maxaabiisteeda ayagoo sheegay in aysan ahayn nimankan kuwa kamaqnaa oo ay yihiin odayaal laga soo qabtay meel dhexe waxayna sheegeen in aysan aqbalayn kuwan.

Siday ahaataba waxaa dhacay dood muran iyo baala-xooftan u dhexeeyay gudiga heshiisiinta beesha sacad, beesha cayr, waxayna cid walba qaadatay dhaliilihii iyo danbiyadii ay galeen ka dibna waxay ku dhamaatay is fahan iyo in gacmaha la is qabsado ayadoo labalamay bari in mar kale la isu soo laabto maadaama ay beesha saleebaan gudiga u sheegaty in ay furihii nabadda ku wareejisay gudiga nabadaynta, waxaana shirka wayn ka hor lala shirayaa beesha saleebaan ayadoo ay maantana socdeen dagaalo culus oo dhexmaray beelaha la doonayo in uu heshiis dhexmaro. 

Waxaad la socotaan (ama aan idin soo tebin doonaa insha Allah) waraysiyo aan la yeelan doonno gudiga heshiisiinta ayadoo aan sidoo kale idiin soo raacinaynayno sababta beesha cayr ay ula wareegtay maxaabiista kaligeed FIIRO GAARA !

DAGAALO KA SOO CUSBOONAADAY MAANTA DEGMADA GALINSOOR.

Galinsoor (Somalitalk) | Axad, 27/03/05.

Waxaa mar kale ay maanta dagaalo ka soo cusboonaadeen Degmada Galinsoor dagaalkan oo bilowday saaka 10 Subaxnimo ee xiliga Soomaaliya, dagaalkan ayaa u dhaxeeyey labadii beelood ee maalmahan ku dagaalamayay deegaano ka tirsan Goboldada Mudug iyo Galgaduud.

Dagaalkan maanta dhacay ayaa ka danbeeyay ka dib markii shalay galinkii danbe nin lagu dilay degmada Galinsoor, ninkan ayaa ka soo jeeday beesha Sacad, hadaba warar rasmiya oo aan ka helnay beelaha dagaalku u dhexeeyo ayaa Somalitalk u xaqiijiyay sababta uu mar kale dagaalku u bilowday "ayadoo uu midkalana maanta ku dhintay dagaalka soo cusboonaaday".

Waxayna ku tilmaameen in beesha Sacad ay doonaysay sidii ay u heli lahayd marxuunka laga dilay, ka dibna waxay u ambabaxeen goobtii uu yaalay mayda! taasna ay keentay in labada beelood oo ciidankoodu uu san kala fogayn ay weerar horle isaga horyimaadaan.

Wali lama hayo tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawacu marayaan maadaama uu dagaalku wali socdeyd markii aan warkan qoreyney mana jiraan cid haatan u ambabaxday goobaha dagaalka waxa uuna ka socdaa deegaano kala duwan.

Sahro Sheekh | SomaliTalk | Galkacyo
Sahrosiglan@hotmail.com | Maarso 27, 2005

WARARKII SHALAY EE BEELAHA CAYR & SALEEBAAN:: hoos ka akhri


SHIR AY SAAKA YEESHEEN QAAR KAMIDA BEELAHA  CAYR IYO SALEEBAAN OO KA DHACAY GALKACYO.
  • Waraysi: Gudoomiyaha dagmada cadaado, Sharmaarke Maxamuud Suulay
  • Waraaysi: xoghaynta dib u heshiisiinta DFKS C/qaadir M/ed Gaylan waxaan waydiinay

Galkacyo (Somalitalk)
Sabti 26,03,05

Shir laba geesooda oo saaka ka dhacay Hotel taar city ee magaalada Galkacyo ayaa waxaa uu dhexmaray qaar kamida beesha saleebaan oo ay horkacayeen ku simaha suldaanka beesha Saleebaan, Naa'ib Cali Suldaan Axmed Nuur, iyo Gudoomiyaha dagmada cadaado, Sharmaarke Maxamuud Suulay: halka beesha cayrna uu hogaaminayay gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Yusuf Xasan Ciyow Gudoomiyaha Dagmada Guriceel, Nabadoon Xasan Cilmi Yaxye, Nabadoon Saylici iyo rag kale oo fara badan

Shirkan ay saaka yeesheen labada dhinac ayaa looga hadlayay sidii ay u dhexdhexaadin lahaayeen arimaha murugsan ee ka taagan beelaha sacad iyo saleebaan ee wada daga Gobolka Mudug iyo Galgaduud.

Shirkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha gobolka galgaduud Mr Ciyow: waxa uuna soo hordhigay beesha Saleebaan in ay qaatan baaqa nabdeed ay u soo jeedinayaan waxa uuna Ciyow intaa ugu daray in sidoo kale baaqan mid lamida ay u bandhigayaan  beesha Sacad, ayna beesha cayr isu qaybinayaan labo dhinac oo loo kala diri doono beesha Saleebaan iyo beesha Sacad  asagoo intaa ugudaray in uu ka codsanayo in ay sameeyaan xabadjoojin mudo gaaraysa 20 maalmood gudaheeda  lana sii wadayo dadaalkii ay wadeen DFKS,  DGPS, iyo bahwaynta soomaaliyeedba.

Beesha Reer Xaaji Saleebaan ayaa arintaa gaashaanka u daruurtay ayagoo tilmaamay inaanay taa qaadan karin inta ay Sacad ku suganyihiin gudaha Hobyo, waxaana loo baahanyahay ayay yirahdeen in la geeyo meel kale oo ka mida deegaanadooda.

Gudoomiyaha dagmada cadaado Sharmaarke M/ud Suulay ayaa Somalitalk, wax ka waydiisay waxa ay go,aamadan ka qaateen?


Gudoomiyaha dagmada cadaado, Sharmaarke Maxamuud Suulay

waxa uuna ku jawaabay:

Anagu marna qaadan mayno arimaha noocan oo kale ah waayo waxaa jiray in dagaalkii kol hore dhexmaray labada beel ay dhexdhexaadiyeen beesha Cayr  ayna ciidamadayadu ku qaateen go,aamadii ay soo hordhigeen beesha reer Xaaji Saleebaan, kuwaas oo ahaa in ay saleebaan isaga baxaan dagmada Hobyo taasna aan qaadanay ka dibna ay weerar gaadmo ah ku qabsadeen dagmadii aan isaga soo baxnay kuna doonaynay in lahelo xal dhex dhexaadin ah taasna waxay ku tusinaysaa inaan nahay kuwo u diyaara nabadda.

Su'aal: waxaan sidoo kale waydiiyay in kulanka saaka ay ka soo qayb galeen DFKS, DGPLS iyo xubnaha kale ee bahwaynta soomaaliyeedba ? waxa uuna yiri"

Jawaab: Maya majirin cid nawehlisa oo ka soo qayb gashay kulanka saaka waayo wax natiija ah oo ay gaareen illaa hada majiraan marka waxaa taa ka wanaagsan in si toosa loo tago goobta uu dagaalku ka dhacayo walow aysan PL ayadu tagi karin goobtaa waayo waxa loo arkayaa in ay wax maquuninayaa ama ay dhinac u xaglinayaa marka taa lafteeda anaga ayaan raali ka  ahayn in wax aan naloo qaban nalagu tuhmo.

S: Maxaad kawadaa Gudoomiye waxa la, idinku tuhmayo?

J: Wax kale maaha ee waxaan ula jeedaa qaar ayaa aaminsan in PL. ay garabsiinayso ama u xaglinayso Reer Xaaji Saleebaan isla markaana PL ma ay muquunin karto dadka uu dagaalku ka dhexeeyo walow aan anagu diyaar u nahay wax walba oo nala soo hordhigo maadaama aan saaxiib u nahay nabadd jacaylka nalakuna yaqaan, Cayr oo kaliyana uma malaynayno in ay wax xalin karaan...

S: Maxaa ugu muhiimsanaa shirka ayaad u malaynaysaa?

J: In lajoojiyo dagaalka, In latago goobta uu dagaalku ka dhacayo  labo gudina la isu qaybiyo ayagoo kala raacaya labada beelba. In beesha cayr ay ka codsato beesha Sacad  In ay ka baxaan deegaanka hobyo, waxa ayna noo sheegeen in uu wada hadalkoodu uu haatan meel fiican marayo.

S: Adinku maxaad qaadateen marka go,aanada markii la, idin horkeenay?

J: Waxaan sheegnay In ay isaga baxaan hobyo anaguna markaa aan wada hadal layeelan karno xabad joojinna diyaar u noqonayno.

S: majirtaa muddo aad balanteen?

J: "maya". waxay noo sheegeen in ay isu soo laabanayaan maadaama ay dadku xiriiraan wada daganyihiinna.

S: waxaa la sheegayaa in deegaan kiina ay ka jirto sida la sheegayo cabsi laga qabo in dagaal kale uu halkaa ka dhaco maxaad nooga sheegi kartaa?

J: walaal maaha anaga oo kaliya cidda laga cabsi qabo ee waxaa jira in labada maleeshiyo ay keeni karto in uu iska horimaad kale ka dhasho maxaa yeelay cidi kuma kala jirto marka wax walba way noqon kartaa.

S: Gudoomiye waxaan kaloo ku waydiinayaa dagaalkii sadex cashor ka hor dhacay imisa ayaa ku dhimatay kuna dhaawacantatay dhankiina?

J: waxa aan ogahay in ay 2 ku dhimatay, 3 kalana ay ku dhaawacantay, ayadoo 6 maxaabiisana lagu qabtay dagaalkaa.

S: Yaa kamid ahaa cida maxaabiista lagu qabtay oo aad garanaysid?

J: waxaa kamid ahaa nin lagu magacaabo Baarqab iyo Owkiyaale waana ladilay ragga 6da ah waxaana lagu qabtay Wisil aad ayaan uga xumaanay falkaa dhacay! waayo anagu waxaan qabanay maxabiis gacantana waan u galinay ayagoo aan waliba sharafnay soona dhowaynay.

S: Majiraan maxaabiis  aad adinku haysaan oo aad qabateen?

J: Anagu waxaan qabanay illaa 13, aan hobyo ku qabanay waana u gudbinay ayadoon ku wareejinay beelaha kale.

Somalia
xoghaynta dib u heshiisiinta DFKS C/qaadir M/ed Gaylan

Waxaa kaloo noo suurto gashay in aan waraysi layeelano xoghaynta dib u heshiisiinta DFKS C/qaadir M/ed Gaylan waxaan waydiinay in uu war naga siiyo kulankii saaka dhacay cida yeelatay? waxa uuna ku jawaabay"

Horta kulan kaan waxa uu ahaa shir wada tashi ah oo loogu diyaar garoobayay in gudiyada kala duwan ee ku howlanaa nabadaynta beelaha walalaha ah ee ku dagaalamaya Koofurta gobolada Mudug iyo qaybo kamida deegaanka Galgaduud ee dagaaladu ka dheceen loogu diri lahaa gudiyo ka kooban gudiyadii federaalka  kan Puntaland iyo gudigii ka socday gobolka galgaduud Yusuf Xasan Ciyow iyo gudiga beelaha caabudwaaq iyo balanbale daga in loo diro goobaha ay dhibaatadu ka dhacaday gudiyadaas oo isku dhaf ah si dadka loogu wacyi galiyo loona maro xaaladaha nabadaynta ee beelaha .

Su'aal: Maxaa kaloo kamid ahaa qodobada saaka laga wada hadlay ?

Jawaab: waxaad la socoteen in ay socotay heshiisiin ayna iska soo daba noq noqdeen dagaalo badan ayna gogoshii nabaduna u furantahay  marka in goobihii la tago qaabkii lootagi lahaa ayaa laga wada hadlayay iyo farsamadii dhaqaalihii iyo xiliga loo baahanyahay in la tago intaa ayuu ku saabsanaa.

S: Xoghaye waxaad sheegaysaa in aad saaka wada shirteen waxaana ilo xog ogaalala ka haynaa in ay shirkan lahaayeen oo kaliya Saleebaan iyo Cayr ee xagee wax iska diidanyihiin?

J: waxa uu u jawaabay sidatan "anagu kamaan harin ee waan ka mid ahayn waayo xubnahan waxaa codsaday imaatin kooda gudigii heshiisiinta ee DFKS beesha cayrna waxay ka mid ahayd beelihii la sugayay in ay ka qayb qaataan nabadaynta waxay saaka shirkan umatalayeen waxay ahayd in ay ka mid yihiin gudiyada nabadaynta  waxayna uhadlayeen sidii anagu aan u hadli lahayn oo way naga mid ahaayeen beesha cayrku.

S: maxaa muhiim ahaa oo la laga wada hadlay ?

J: waxaa laga wada hadlay farsamo ahaan wixii laqaban lahaa oo ay ku soo celiyeen beesha cayr ee go,aan la gaaray iyo wax la soo saaray majiraan illaa hadda maadaama ay labadii beelood la kulmeen ayna la soo gaareen mudo 20 casho in la joojiyo dagaalka anaguna waxan sahlaynaa oo kaliya sidii aan u fududaan lahay wixii lagu gaari lahaa goobta colaadu taalo, gudiguna waxa uu sugayay oo kaliya waxay ahaayeen beelahan waana wada dhan yihiin waxayna ku suganyihiin magaalada galkacyo; dhibtuna waxay u taal oo sida dhabta ah u xalinkara waa labada dhinac.

S: Yaa fududaynaya qabanqaabada iyo qarashaadka ?

J: Waxaa iska kaashanaya DFKS iyo DGPLS, ayadoo ay haatan mudada bisha ah ay adeegyada oo dhan fulinaysay PL oo kaliya mana jirto wali qarash aa ka helnay DFKS mana jirto cid ka seexanaysa waxaan sidoo kale la socodsiinaa marwalba DFKS wax kastana way la socdaan halka ay marayso howshu.

S: Madaxwaynaha PL ayaa soo gaaray sadex maalin ka hor maxaad kawada hadasheen ?

Waxa uu madaxwaynuhu u yimid arimo la xiriina howlo dhacay owgeed oo ahaa dagaalka ka dhacay deegaanka hobyo marka in uu u tacsiyeeyo uguna baaqo xabadjoojin in labada dhinac ay sameeyaan waxaana uu madaxwaynuhu sheegay in uu soo laaban doono sidii loo fududaylahaana tagitaanka markaa looga hadlo ayadoo ay gudiga heshiisiintu haatan u xilsaaratay in ay bal wado beesha cayr arintan ay maanta gashay.  

 Sahro Sheekh:
Sahrosiglan@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 26, 2005

WARARKA TODOBAADKA EE SOOMAALIYA
»Gudoomiyaha baarlamaanka oo diray baaq nabadeed...
»Xubno ka mid ah DFKMG: "baydhabo itixaad ayaa qabsaday"
»Xidhibaan black oo dagaalka Baydhabo ku eedeeyey DFKMG
»Sh. Aweys oo ka digay ciidamo la geeyo Soomaaliya..
Dhammaan ka akhri halkan... Maarso 27

Xashiishad lagu Gubey Kismaayo
Waxaa daroogadan meel fagaare ah si wada jir ah ugu gubey maamulka degmada iyo kan maxkamada islaamiga Guji Mar 27


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD