NABDGALYADDA IYO DIB U HABAYNTA CAASIMADDA DALKA,
TAARIIKH: 11 MARSO 2005

Sugidda Nabadgalyada, Maamul u sameynta, Xal u
helidda iyo soocelinta awaamiirta iyo kala danbeynta ee caasimadda dalka ee
Muqdisho, waa arrin aad u culus oo marar badan aad la isugu dayey, laguna
guul dareystay, sababaha hoos ku qoran awgood:
-
Wada tashii la’aan: Horay uma dhicin
guud ahaan inta ay arintaan quseyso in ay go’aan mideysan ka gaaraan,
markastaba dhinac ama shaqsi ayaa ka maqnaa.
-
Aragti iyo fikrad siyaasadeed oo lagu
mideysnaa oo la xiriirtay maamul u sameynta caasimadda dalka oo aan
horay u jirin.
-
Ayadoo dhinacyadii xamar isku heystay
ay aamin sanaayeen dhinici xamar ku guuleysta inuu isla markaa noqonaayo
hogaamiyaha qaranka. Sidaa daraadeed caasimadii u noqotay rahan.
-
Jiritaan la’aan maamul qaran: maadaama
14-kii sano ee la soo dhaafay uu maqnaa maamul qaran oo lagu mideysan
yahay, ma jirin cid awood u laheyd magacaabista maamulka gobolka
Banaadir.
-
Danta gaarka ah oo mar walba laga
horeysiin jiray danta guud ahaaneed.
-
Waxaa jiray faragalin dowlada shisheeye
oo ka soo horjeeday daganaanshaha iyo maamul u sameynta caasimadda.
-
Isku tanaasulid la’aan xal u helidda
caasimadda.
Hadaba arrimaha kor ku xusan waxa ay
horseedeen in jiritaanka umadda soomaaliyeed uu maanta Qatar ku sugan yahay
loona baahan yahay in si deg deg ah loo nabadeeyo caasimadda maamulna loo
sameeyo hubkana laga xareeyo isla markaana dib loogu soo celiyo u
hogaansanaanta sharciga iyo kala danbeynta. Sidaa awgeed, iyadoo la
tixgalinaayo natiijadii shir weynihii nabadeynta Soomaaliyeed oo ay dowladdu
ka dhalatay lagana amba qaadaayo heshiiskii lagu gaaray hotelka Jakaranda 26
Janaayo 2005, ayaa waxaa si deg deg ah loogu dhaqaaqayaa wax ka qabashadda
arimaha caasimadda, ugu horeyntana waxaa wada tashi lala sameenayaa inta ay
quseyso arrinta haku sugnaadaan Nairobi ama meel kaleba.
TILAABOOYINKA HOWLGALKA:
1. waxaa si ku meel gaar ah loo dhisayaa
guddiga hogaaminta arrimaha caasimadda ee ka kooban labada gole ee dowladda,
isaga oo isku qeybinaya seddex guddi. Waxa uuna jirayaa inta laga dhisaayo
maamulka lagana sugaayo amaanka Gobola Banaadir. Mudadisuna waa sagaashan
casho, (90 maamuud) oo ka bilaabaneysa maalinta shaqadda la bilaabo waana la
kordhin karaa hadii loo baahdo wuxuuna u qeybsamayaa seddex guddi oo kala
ah:
a) Guddiga nabad gelyadda iyo uruurinta
maleeshiyooyinka iyo hubka.
b) Guddiga dhaqaalaha iyo taakuleynta
c) Guddiga abaabulka iyo wacyigalinta
arimaha Bulshadda.
Guddi kasta waxa uu yeelanayaa guddi hoosaadyo
la shaqeenaya seddexda guddi, oo gacan ka siinaya howsha ay u xil saran
yihiin .
wasaarad kasta oo dowladda katirsan Waxaa
gacan lagu siinayaa shaqadeeda ku aadan gobolka Banaadir.
2. Waxaa la dhisaayaa maamulka gobolka
Banaadir iyadoo la magacaabaayo guddoomiyaha gobolka, duqa magaaladda iyo
inta maamul ee kale ee la xariirta, inta laga dhisaayo maamulkaas waxaa si
kumeelgaar ah howsha u sii wadaya maamulka hadda wada, waxaana lagu
saleenayaa axdiga iyo shuruucda Dalka.
3. waxaa loo baahan yahay magacaabidda:
-
A. Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed
-
B. Dhismaha hogaamada Booliiska
Soomaaliyeed
-
C. Taliyaha qeybta guud ee gobolka
Banaadir
-
D. Taliyeyaasha qeybaha gobolka Banaadir
-
E. Talisyada lixda dugsi ee tababarka
maleeshiyada.
Magacaabista sare ku xusan waxaa lala
kashandoonaa cidda awooda u leh waxaana lagu saleenayaa axdiga iyo shuruucda
Dalka.
4. waxaa la sameenayaa lix dugsi tababar
maleeshiyo oo kala ah
-
a) dugsiga tababarka maleeshiyada ee
geedtimir (gubadley)
-
b) Dugsiga tababarka maleeshiyada ee
hiilweyne
-
c) Dugsiga tababarka maleeshiyada ee
dugsi shanaad (Dayniile)
-
d) Dugsiga tababarka maleeshiyada ee
dhanaane
-
e) Dugsiga tababarka maleeshiyada ee
lafoole
-
f) Dugsiga tababarka maleeshiyada ee
carbiska
Haddii loo baahdo xeryo dheeri ah waa lagu
kordhinayaa
5. Dugsi kasta oo tababar inta aan lagu
xareyn maleeshiyada waxaa lageynayaa 100 askari oo booliskii hore ah oo
iskugu jira: talis, tababarayaal iyo kuwa u xil saran keydinta iyo
qabashadda hubka maleeshiyada iyo amaanka dugsiga
6. Tirada guud ee maleeshiyada la
xareenaayo waa 15kun waxaana laga xareeynayaa magaala madaxda dalka ee
muqdisho (Xamar)
7. Tirada guud ee ciidamada boolisska ee
saldhigyada gobolka Banaadir waa 700boqol oo askari (14x50=700)
Ø Dugsiga tababarka maleeshiyada 600 oo
askari
Ø Talisyada ilaalinta xarumaha dowladda iyo
goobaha ilaha dhaqaalaha 400 oo askari
Ø Ciidanka ilaalada xabsiyada 300 oo askari
Wadarta Guud ee booliskii hore iyo asluubta
waa 2000 (laba kun) oo askari.
8. Maleeshiyada tababarada loo furaayo
waxa ay ka soo xeroonayaan:
9. waxaa la diyaarinayaa foom ay soo
buuxinayaan kooxaha sare ku xusan ee soo xareynaya maleeshiyada, waxaana ku
cad foomkaas:
-
Tiradda guud ee maleeshiyada uu hayo
-
Tirada maleeshiyo ee uu soo xaeynaayo
-
Tirada nuucyada hubka kala duwan ee uu
hayo
-
Iyo tirada iyo nuucyada hubka e uu la
soo xareeyey maleeshiyada
10. Marka maleeshiyada
iyo hubkeeda la soo xareeyo, waxaa keydinta iyo amaanka hubka gudoomaya
ciidamada booliiska ee horay loo geeyey dugsiga tababarka.
11. Waxaa la
magacaabayaa guddi khubura ah ee isugu jira soomaali iyo ajanabi oo
waajibkiisuna yahay qiimeynta hubka nuucyadiisa kala duwan si dowladdu u
iibsato ulana wareegto. Gudigaas waxa ay la shaqeynayaan wasaaradda ku
shaqada leh.
12. Waxaa la
abaabulayaa lana howl galinyaa si kumeel gaar ah maamuladda 16-ka degmo e
gobolka Banaadir si ay nabad gelyadda iyo wacyi galinta guud ahaaneed uga
qeyb qaataan.
13. Waxaa laga soo
xulayaa 16-ka dugsi tababar, ciidan ka kooban 684 askari oo ku hubeysan
42-gaari oo tiknika ah oo 12 ka mid ah ay tahay gawaarida nuucyada waaweyn,
30 ka mid ahna ay tahay nuucyada yar yar. Ciidankaan waxaa loo tababarayaa
si gaar ah waana ciidanka gurmadka. Waxayna u xilsaran yihiin amniga iyo
sugidda nabad gelyadda caasimadda, waxaa ayna si toos ah u wada shaqeynayaan
ciidamadda booliiska ee saldhigyada. haddii loo baahdo ciidan kale iyo hub
kale oo dhaaraad ah waa lagu kordhin karaa.
14. Waxaa la dhisayaa
maxkamadaha degmooyinka iyo midda gobolka waxaana la howlgalinayaa xabsiga
dhexe.
15. Dayactirka 6-da
dugsi ee tababar, qarashka maamul iyo miisaaniyadda ciidanka waxaa loo
raacayaa sidii golaha wasiirada ay horay ay ugu gudbiyeen hay’adaha
caalamiga ah.
16. Waxaan diyaar u
nahay haddaan nahay labada gole ee dowladda in aan si deg deg ah ugu noqono
caasimadda una xareyno maleeshiyada, waxana ka codsaneynaa beesha caalamka
in ay gacan naga siiso dhaqaalihii horay looga codasaday, la’aantiisna ay
suurta galeynin fulinta howlahaas.
17. Waxaa la dhisyaa
maamulada dekedda iyo garoonka diyaaradaha si markii amaanka la sugu deg deg
ay ugu howlagalaan.
18. waxaa la sugayaa
lana hubinayaa amaanka caasimadda iyadoo la soo celinaayo sharciga iyo kala
dambeynta.
19. waxaa markaa
lafurayaa dekedda muqdisho iyo gegidda diyaaradaha caalamiga ah.
20. waxaa loo
howlgalayaa daraasadda iyo wax ka qabashadda adeegyadda bulshadda sida
nadaafadda guud, Biyaha, Korontada, Isbitaaladda, Dugsiyada Waxbarashada IWM.
21. Waxaan ku
talineynaa in howlaha kor ku xusan dhammaan gobolada dalka si isku mar ah
looga wada fuliyo si aysan ugu muuqan hub-ka-dhigistu arrin ku wajahan dad
gaar ah iyo degaamo gaar ah.
22. waxaan oggol nahay
in hubkii la uruuriyey lana xareeyey lagu wareejiyo keydintiisa, haddii loo
baahdo, ciidamadda shisheeye, marka ay yimaadaan dalka, oo aysan ka mid
aheyn wadamada xuduuda la leh soomaaliya bad iyo bariba. Waxaana xusid mudan,
hubkii lagu wareejiyey ciidamada shisheeye in aysan burburin karin, iibin
karin, isticmaali karin, cid gaar ahna ayan siin karin, waxayse ku
wareejinayaan gacanta dowladda soomaaliyeed.
23. Waxaanaan marnaba
aqbali doonin in ay dalkeena yimaadaan ciidamada wadama Soomaaliya xuduuda
la leh bad iyo bariba.
24. waxaanan
ogolaaneynin in Baarlamaanka la keeno dood ku saabsan ciidamadda dowladaha
xuduudka leh soomaaliya bad iyo bariba in ay dalka yimaadaan, iyadoo
arrintaas horay looga heshiiyey shirweynihii dib u heshiisiinta ee socday
mudada labada sono aheyd ee lagu dhisay dowladda federaalka kmg soomaaliyeed.
25. Waxaan
caddeyneynaa in aysan dhib ku ahayn dowladda, dib ugu noqoshada magaalo
madaxda dalka kana howlgali karto, Iyadoo la adkeenayo amaanka iyo nabad
galyada
26. Waxaa xushmad iyo
qadarin mudan dhamaan Siyasiyiinta, Bulshada Rayadka, Ganacsatada,
Maxkamadaha, Culumaa’udiinka, Dhaqanka, Haweenka, iyo Dhalinyaradda, oo isku
diyaariyey sidii ay u fulin lahaayeen howlaha nabad galyada iyo maamul u
sameynta gobolka banaadir iyo xareynta maleeshiyooyinka.
27. Waxaan si gaar ah
codsi ugu jeedineynaa dhammaan Warbaahinta Madaxa Banana, Wargeysyadda,
Web-Site-Yada, Fanaaniinta, Abwaaniinta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan
soocelinta nabadeynta ummadda soomaaliyeed, gaar ahaan magaalo madaxda Dalka.
28. Waxaan u mahad
celineynaa dhammaan cid kasta oo ka geysatay gacan dib u hehiisiinta iyo xal
u helidda dhibaatooyinkii daba dheeraaday ee umadda soomaaliyeed sida:,
Dowladda Kenya iyo shacabkeeda, Dowladaha IGAD, EU, AU, Jaamacada Carabta,
UN, USA.
29. Ugu danbeyn annaga
oo ku kalsoon gacan ka helidda dowladda iyo shacabka Soomaliyeed iyo Beesha
caalamka, ayaan halkaan waxaan ku balan qaadeynaa fulinta iyo meel marinta
howlaha kor ku xusan
SAXIIXAYAASHA:::
1. Hon. Hussein Mohamed Farah Aidid
___________
2. Hon. Mohamed Qanyare Afrah ___________
3. Hon. Muse Sudi Yalahow ___________
4. Hon. Osman Hassan Ali (Ato) ___________
5. Hon. Omar Moh’ud Moh’ed (finish) ___________
6. Hon. Mohamed Hussein Addo ___________
7. Hon. Botan Isse Alin ___________
8. Hon. AbdiKarim Ahmed Ali ___________
9. Hon. Omar Hashi Adan ___________
10. Hon. Mohamud Salad Noor ___________
11. Hon. Ali Abdullahi Osoble ___________
12. Hon. Mohamed Moh’ud Guled ___________
13. Hon. Salah Ali farah ___________
14. Hon. Yususf Mire Moh’ud (Serar) ___________
15. Hon. Mohamed Jama Furuh ___________
16. Hon. Abdi Ahmed Dhuhulow ___________
17. Hon. Osman Mohamud Mohamed ___________
18. Hon. Ali-Bashi omar Rooraaye ___________
19. Hon. Ahmed Diriye Mohamed ___________
20. Hon. Hassan Dhimbil Warsame ___________
21. Hon. Ing. Nur Wabar Abdi ___________
22. Hon. Ibrahim Sheikh Ali Mohed ___________
23. Hon. Abdi Bulle Hussein ___________
24. Hon. Abdiazis Ibrahim Osman ___________
25. Hon. Abdifatah Ahmed Mumin ___________
26. Hon. Abdulkadir Nur Arale ___________
27. Hon. Abdullahi Moalim (Fah) ___________
28. Hon. Ahmed duale Gelle (Haaf) ___________
29. Hon. Ahmed Omar Gagale ___________
30. Hon. Ali Alas Qareey ___________
31. Hon. Ali Jeyte Osman ___________
32. Hon. Ali Shire Osman ___________
33. Hon. Asha Haji Ilmi ___________
34. Hon. Bashir Mohamed Aden ___________
35. Hon. Farahan Ali Mohamud ___________
36. Hon. Hirsi Adan Rooble ___________
37. Hon. Hussein Abdi (Wade) ___________
38. Hon. Hussien Arale Adan ___________
39. Hon. Ibrahim Habeeb Noor ___________
40. Hon. Isse Weheliye Malin ___________
41. Hon. Mariam Arif Qassim ___________
42. Hon. Mohamed Hassan (qoono) ___________
43. Hon. Mohamed Hussein Rage ___________
44. Hon. Moh’ed Abdirahman (Nadiif) ___________
45. Hon. Mohamed Sh. Jama Nageye ___________
46. Hon. Omar Adan (Omar dhere) ___________
47. Hon. Mohamed Sheikh (Gabiyow) ____________
48. Hon. Moh’ed Sh isaq (Abadir) ___________
49. Hon. Muse Nur Amin ___________
50. Hon. Abdullahi Gedi Shador ___________
51. Hon. Muse Ali Omar ___________
52. Hon. Mustafe Sh. Ali Duhulow ___________
53. Hon. Nur Ahmed Dirshe ___________
54. Hon. Hilowle Iman Omar ___________
55. Hon. Omar Islow Mohamed ___________
56. Hon. Omar Ugas Mumin ___________
57. Hon. Salad Ali Jelle ___________
58. Hon. Yusuf Gelle Ugaas ___________
59. Hon. Abdirahman Abdi Warre ___________
60. Hon. Abdullahi Ahmed Afrah ___________
Xaflada lagu so
Afjarayay Arimaha Amniga Muqdisho oo maanta lagu soo gabagabeeyay Nairobi
Qormadanw axaa soo tebiyey: Axmed Muuse
Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com Kenya, Nairobi
Qoralka
oo PDF ah halkan ka daabaco::: [PDF]
Faafin: Somalitalk.com | Maarso 12, 2005
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|